Wasiiradda Arrimaha dibedda ee Islaamka oo ka wada hadlay Xaalladda Somalia

Shirweyne xilliyeedka 13-aad ee Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Islaamka ayaa shalay ka furmay magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga.

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Dr. Iyaad Bin Amiin Madami oo ka hadlay Furitaanka Shirkaasi ayaa ku booriyey Wasiiradda inay diiradda saaraan dhibaatooyinka haysta dalalka Islaamka, gaar ahaan Somalia, Syria, Libya, Yemen, Falastiin iyo Afganistan, La-dagaalanka Argagixisadda, Islaam-nacaybka iyo dhibaatadda haysata Qaxootiga.

Shirka Wasiiradda Arrimaha dibedda ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo socon doona tan iyo bishan April 15-da waxay kaloo ka arrinsan doonaan Qorshe-sannadeedka 10-ka sanno ee soo socoto, laga bilaabo sannadkan 2015-ka ilaa 2025-ka.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga ee Dowladda Federalka, C/salaam Cumar Hadliye oo Kulankaasi ka qeyb galyo waxa uu Kulan Khaas ah la yeeshay dhigiisa dalka Qatar, Sheikh Maxamed Bin Abdirahman Althani oo ay ka wada hadleen Xiriirka Somalia iyo Qatar iyo Danaha Labada Waddan.

@Dadweyne Media

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*