Warbaahinta Holland oo Daahir Calasow ku asteeyey Dembiile !!!

DAhir CAWIR 11 (2)DAAHIR MOORYAAN daahir duuabane DAAHIR CAWIR MOORYAAN DHAB AH

Iyadoo ay isa soo tarayaan Dacwooyinka ka dhanka ah Milkiilaha Waagacusub.com, Dembiile Daahir-cawir ayaa waxay Saxaafadda Holland bilaabeen inay Falaanqeyn ku sameeyaan Eedeymaha loo haysto  iyo haddii uu isagu yahay Saxafi Run ah.

Idaacadda Dutch Public Radio “NRP” waxay dhawaan Warbixin dheer oo Dabagal ah ku lafa-gureen Shaqsiyadda Daahir Calsow, waxayna isweydiiyeen Daahir ma Saxafi baa mise shaqsi dadka dhaca?

Wargeysyadda iyo Websaytyadda lagu qoro Afka Dutch-ka ayaa waxay iyagana isaga mid yihiin inay raacaan Nidaamka lagu  aqoonsado inuu qofku yahay Dembiile.

Sharciga dalkaasi ayaa jideeyey in qofka Dembiilaha magaciisa Labaad lagu soo kobo Xaraf weyn (Capital Letter).

Waxayna Warbaahintu marka ay ka hadlayaan Arrinta Daahir magaciisa ku soo koobaan Dahir A, taasi oo muujinaysa inuu Dembiile yahay, ee uusan ahayn Shaqsi caadi ah (Not an Ordinary Person) ama la micno ah Luqadda Dutch-ka sidatan: Niet een gewoon mens.

Si kastaba ha ahaatee, in Daahir-cawir Falaanqeyn lagu sameeyo shaqsiyadiisa ayaa timid, iyadoo ay Saxaafadda Soomaalida Tooshka Runta ku ifinayeen Daahir-cawir oo iska sheegta Suxufi, isla markaana uu Saxafadda u adeegsafdo inuu dadku ku aflagaadeeyo si uu uga qaato lacago baad ah.

Inkastoo ay haatan ku soo faruurmeen Mowjaddo Dacwado ah, waxaa aad u adag sida uu kaga badbaadi karo Dacwadahaasi, iyada oo ay Qareeno Caalami ah ka dacweeyeen Maxkamadda magaalladda uu ka deggan yahay Holland ee Breda.

Xaqiiq ahaan ma muuqan karto sifo uu u sii samaysto Labaatameeyo Websayt oo uu dadku ku caayo, ku hanjabo, kuna dhaco iyo inuu ku difaacdo Danihiisa Mooryaanimadda.

Waxaana hubaal ah inay Waaxyaha Socdaalka iyo Caddaaladda ee dalka Holland go’aan adag ka gaari doonaan Daahir-cawir, marka la soo gebagebeeyo Baaritaanadda Jihooyinka badan iyo Dacwooyinka isaga ka dhanka ah.

Waxaana ayaan-darro ah in uu dadku ugu hanjabo inuu ka tirsan Hay’adda Sirdoonka dalka Holland ee Dutch Intelligence Agency ama la micno ah Luqadda Dutch-ka sidatan Nederlandse inlichtingendienst. Waxayna dad badan oo Soomaaliyeed oo uu u hanjabay ka  cawdaan inuu Dahair-cawir ugu hanjabo, uguna booteeyo Teesaro uu sheego inay siiyeen Sirdoonka Holland!!!

© Dadweyne Media

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*