Ra’isul-wasaaraha iyo Haweenka oo ka wada hadlay Saamiga Haweenka ee Golayaasha Dowladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay haween ka kala socday qeybaha bulshada Rayidka sida, Guddiyada, Bulshada Rayidka, ururada iyo qeybaha kale ee muhiimka ah isaga oo la tashi ballaaran kala sameeyay qaabka loo wajahayo xaaladda dalka, gaar ahaan Hannaanka Doorashooyinka dalka ee sanadkan 2016 iyo weliba Koontada haweenka Soomaaliyeed ku yeelan doonaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankan waxa ay si toos ah oo furan su’aalo u weydiiyeen haweenkii shirka ka soo qeybgalay waxayna haweenku uga mahadceliyeen wada hadalka xukuumadiisa la yeelaneyso iyo talo is weydaarsiga waxayna soo jeediyeen in la badiyo kulamada ceykan oo kale ah si looga faa’iideysto maskaxda haweenka iyo dhamaan qeybaha bulshada rayidka ah.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa u balan qaaday haweenka in kaalintooda aan dib loo dhigi doonin si gaar ahna wuxuu carabka ku adkeeyey inay heli doonaan Koontada loo balan qaaday ee ah 30% (Boqolkiiba soddon) iyo in ka badan.

“Waxaan galabta hortiina ka cadeynayaa in xukuumadeydu aysan marnaba dib u dhigi doonin kaalinta aad ku leedihiin hay’addaha siyaasada iyo kuwa maamulka ee dowladda, gaar ahaana Koontada aad xaqa u leedihiin ee Baarlamaanka iyo golayaasha kale ee dawladda” ayuu yiri R/wasaaruhu.

Markii uu gabagaboobay kulankaas ayaa waxaa warbaahinta la hadashay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo ku hadleysay magaca dhammaan ururradii ka qeyb galay kulanka, waxayna sheegtay in qaabiladdii ugu horeysay uu Ra’iisul wasaaruhu siiyay Haweenka Soomaaliyeed, waxa ay intaa raacisay in iyaga qudhooda ay u gudbiyeen taageeradooda iyo talooyin ku aadan sidii dalka ay uga dhici lahayd Doorasho marka la gaaro dhamaadka sanadkan 2016.

RW000RW2RW 1RW3

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*