Ra’iisul Wasaaraha oo shacabka uga tacsiyadeeyey geerida Maxamed Abshir Yuusuf Walde.

Muqdisho, March 6, 2016—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa tacsi u diray Qoyskii, Qaraabadii iyo shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde oo ku geeriyooday magaalada Nairobi.

“Anigoo ku hadlaya magaca xukuumada, waxaan halkan tacsi u marinayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde. iyo dhamaamba shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo intaasi ku daray inuu alle uga baryayo inuu Janada ka waraabiyo.

Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde. ayaa ahaa siyaasi ahna ganacsade caanka ah guud ahaan Soomaaliya. 

Innaa lillaahi wa innaa illaahi raajicuun

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Somalia 
media.opm@gmail.com 
Twitter: @SomaliPM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*