Mucaaradka Holland: “Ha la caddeeyo Kaalinta Sirdoonka Milliteriga (M.I.V.D) ee Droneska Maraykanka duqeynta ka gaysta gudaha Somalia”.

Xisbiyadda Mucaaradka Holland ayaa ugu baaqay Xukuumadda inay faahfaahin ka bixiyaan Kaalinta Hay’adda Sirdoonka Milliteriga Holland (M.I.V.D) ka qaataan Weeraradda Diyaaradaha Droneska Maraykanka ka geystaan gudaha dalka Somalia.

SP PARTY rXisbiyadda D66 iyo  SP ayaa ku baaqay in Caddaymo buuxa laga bixiyo arrinkaasi, kadib, markii ay Labo Dhibanayaal Soomaali ah dacwad ku soo oogeen Dowladda Holland.

D66

Xildhibaan Harry Van Bommel oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee “The Socialist Party ee SP” ayaa sheegay in Dowladda laga doonayo  inay si dhow ula socdaan marka Sirdoonka Holland “The Dutch Intelligence Agency” loo isticmaalayo marka ay dhacayaan Duqeymaha Droneska.

“Dad badan oo rayid ah oo aan waxba galabsanin ayaa lagu dilay duqeymaha Droneska. Haddii uusan hubka kala soocaynin Dagaalyahanka iyo qofka rayidka, taasi waa sharci-darro” ayuu yiri Xildhibaan Harry Van Bommel.

Harry Van Bommel  SP

 

Isagoo la hadlayey Wargeyska The Volkskrant, waxa uu  ku baaqay in la joojiyo duqeymaha Droneska, oo uu ku tilmaamay xukun dil oo aan Sharci xukumin.

WASSILA HACHCHI 30

Dhinaca kale, Xildhibaanad Wassila Hachchi oo ka tirsan Mudanayaasha Xisbiga Mucaaradka ee DPP ugu jira Barlamaanka Holland ayaa ugu baaqday Xukuumadda Holland inay caddayeen inaysan la wadaagin Warbixinadda loo adeegsanayo bartilmaameedyadda dilalka (The Targeted Killings”.

Ka-hadalka Kaalinta Sirdoonka Holland ee isticmaalka dilalka loo adeegsado Droneska ayaa ah mid inta badan xiisad siyaasadeed ka dhex abuurta dalkaasi.

Bishii November ee sannadkii 2013-kii waxaa jiray Mooshin laga keenay arrintaas.

Hennis-Plasschert

Wasiirka Gaashaandhiga Holland, Hennis-Plasschert waxa uu sheegay inaysan jirin caddaymo muujinayo inay Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da u adeegsadaan Sirdoonka Holland inay fuliyaan dilalka aan sharciga haayn ee Droneska ka fuliyaan gudaha Somalia.

 © Dadweyne Media

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*