KOOXO HUBEYSAN OO XALAY HAWEENEY KU DILAY MAGAALADA JOWHAR.

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Jowhar ee Xarunta G/Sh. Dhexe ayaa waxa ay ku waramayaan in xalay dabley hubeysan ay Xaafada Horseed ku dileen Haweeney kamid eheed dadka deegaanka.

Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xabiibo Jimcale waxa ayna daganeed goobta lagu dilay oo ahayd hoygeeda.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in dilka haweeneyda uu ka dhashay kadib muran dhul oo mudooyinkii dambe u dhexeeyay iyada iyo nin kamid ah dadka deegaanka.

Hore ayey dhowr mar maxkamad u gaaray muranka dhulka la isku heystay hasa yeeshee laguma guuleysan in la dhameyo.

Marxuumad Xabiibo ayaa dadka deegaanka waxa ay ku sheegeen in hore dhorjeer hanjabaadyo kala duwan loo soo jeediyay si ay uga harto dacwada dhulka balsa ay ka biyo diiday.

Ehelada Xabiibo ayaa walaac ka muujiyay xaalada soo wajahday iga oo hore seygeeda loogu dilay isla magaalada arin noocaan oo kale ah.

Dilalka qorsheygan iyo aanooyinka ayaa wali waxa ay ka jiraan deegaano hoostaga Gobolka Sh. Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*