Kenya oo mar kale ku celisay inay xirayaan Xeradda Dhadhaan iyo Kakuma

Wasiirka Maaliyadda ee Kenya, Henry Rotich ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu ka hadlayey Munaasabadda 56-guuradii ka soo wareegtay markii la asaasay Ururka Midowga Europe, oo shalay lagu qabtay magaalladda Nairobi.

Waxa uu sheegay inay u baahan yihiin in Xal saaxiibtinimo loo helo Qaxootiga, si aan looga been sheegin Canshuur-bixiyayaasha Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.

Wasiirka Maaliyadda ee Kenya waxa kaloo uu ku baaqay Maalgelin dheeraad oo ay Caalamka ku taageeraan dadaalka Dib loogu celinayo Qaxootiga Soomaalida ee haatan ku sugan Xerooyinka Dhadhaab iyo Kakuma.

Dhinaca kale, Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, Karanja Kibicho  ayaa sheegay inay Hay’addaha Sirdoonka iyo Ammaanka muddo dheer ogaayeen Khatarta Qaxootiga ku jira Xerooyinkaasi iyo inay Alshabaab ku dhex Milan yihiin Qaxootigaasi, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu ku dooday in weerarkii Alshabaab ay sannadkii 2013-kii ka geysteen Dhismihii Ganacasiga ee Westgate Mall in laga soo qorsheeyeen Xeradda Dhadhaab, waa sida uu hadalka u dhigay, mana jiraan warar madax bannaan oo xoojinaya Sheegashadiisa.

Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, Karanja Kibicho  waxa kale oo uu sheegay in Xerooyinka Dhadhaab iyo Kakuma khatar ku yihiin Ammaanka Qaranka Kenya, loona baahan yahay in la xiro Xerooyinkaasi oo ay ku nool yihiin in ka badan 600.000 oo qof.

©Dadweyne Media

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*