Keeydka | Wararka

Madaxweyne Sheekh Shariif oo beesha caalamka ka dalbaday taageero deg deg ah

Posted on 30 August 2010 by dadweyne

qoraal saxaafadeed goor dhaw kasoo baxay Xafiiska Madaxtooyada ayaa lagu dalbaday taageero bani,aadanimo oo deg deg ah oo lala gaaro dadka Soomaaliyeed, qoraalkan oo nuqul ka mid ah nasoo gaaray ayaa waxa uu u qornaa sidatan

Iyada oo maanka lagu hayo weerarkii isqarxinta ee lala eegtay Hotel Muna 24-kii August 2010, oo galaafatay nolosha dad Soomaaliyeed oo rayid ah oo gaaraya 30 qof, oo ay ku jiraan afar xildhibaan. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Ku-Meel-Gaarka ah, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa cusbooneysiiyay dalabkiisa ku aaddanaa in indhaha Beesha Caalamka lagu soo jeediyo arrimaha Soomaaliya, maadaama xagjirka Alshabaab  ay u dhar-dhigteen ololahooda argagaxisonimo.

 “Sax ma aha in Soomaaliya kaligeed lagu daayo ka hortagga Alshabaab iyo Alqaacida oo jaalkood ah, maadaama  Soomaaliya ay imanka uun kasoo baxayso 20 sano oo burbur, qas iyo jahawareer siyaasadeed ah.” Ayuu ku yiri Madaxweyne Sheekh Shariif war murtiyeedkiisa.

Marka la eego weerarkii is-qarxinta ee July 11-keedii lala eegtay Kampala, iyo weerarkii Mogadishu ee Alshabaab iyo saaxiibadood ay abaabuleen, waxaa muuqata in argagaxisadu ay qorshaysteen in ay carqalad iyo xasilooni la’aan ku camimaan gobolka Geeska Afrika oo dhan iyo ka fogba. “Dowladda Soomaaliya, waxa ka go’an, dib-u-yag-leelka sharciga iyo kala-dambeynta Muqdisho, iyo in ay gaashaanka u daruurto Alshabaab iyo kuwa taageera ee wata afkaaraha nidaam-diidka ee ku xiran xagjirnimada oo ay fidiniyaan, ayuu yiri Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. “Inkastoo ay jiraan culeysyadaas, waa inaynaan waligeen illoobin in guushu ay u baahan tahay istaraatijiyad iyo u dhabar-adayga hawsha.” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Hase yeeshee, in si dhaba looga hortago argagaxisda, dowladda waxa ay u baahan tahay kaalmada bulshada caalamka.

Sida ayba qirtay dowladda Mareykan dhawaan, Alqaacidada ku sugan carriga Carabta ee ay xuddun tahay waddanka jaarka inala ah ee Yaman  ayaa ka khatar badan ta ku sugan Bartamaha Pakistaan. Iyada oo ay jirto xaqiiqda ah in Pakistan — sida Afghanistan iyo Ciraaq oo la ildaran tumaatida argagaxisada — ayaa waxay helaan taageero wax ku ool ah marka laga hadlaayo dhinaca dhaqaalaha, lojistikada iyo qalabka militariba. Dowladda Soomaaliyeed ma haysato taageero la mid ah ama u dhaw taa, mana laha ilaha dhaqaalaha dowladahaas leeyihiin oo kale.

Isla markaasna, “dowladda Soomaaliyeed ayaa waxay wajahaysaa cadow la mid ah, waaba haddii uusan ka khatar badnayn.” Ayuu Madaxweynuhu xusay.

 

 Iyada oo ay jirto xaqiiqda ah in ilaha dhaqaale yaryihiin ayay ciidamada dowladda FKM ahi ku mintideen difaacidda meelaha halbawlaha u ah dowladda, kana go’antahay inay jabiyaan Alshabaab.  “Maadaama kooxa nabad-diidka ahi ay wadaan khatar isaga gudbaysa xuduudaha ayay dowladda Soomaaliya mar kale ku celinaysaa dalabka ah in lala soo gaaro taageero caalami ah” ayuu yiri Madaxweynaha

Comments (0)

Wariye Nuradiin Macalin Mukhtaar oo Dowladda Holland weydiistay Magangalyo

Posted on 09 August 2010 by dadweyne

Mid ka mid ah Wariyaasha Soomaalida ee isaga cararay dilalka qorsheysan ee loo geysto Suxufiyiinta Soomaalida ayaa gaaray dalka Holland halkaas oo uu weydiistay Magangalyo .

Nuradiin Macalin Mukhtaar (Diinow) oo ka mid ahaa Suxufiyiinta Soomaaliyed ee ka howlgali jiray Warfaafinta Magaalada Muqdisho, waxaa uu ka cararay dilalka iyo hanjabaadyada loo geysto Suxufiyiinta isagoo dhawr jeerna hanjabaad kala kulmay kooxda shabaab oo Mareykanka ku daray Liiska kooxaha Argigixisada Caalamka ee xiriirka leh Al qaacida.
3

Nuuradiin iyo Raíisal Wasaare Nuur Cadde

Nuradiin waxaa uu ka soo shaqeeyay Wargesyada kala ah, Qaran, Xidigta Banaadir, Panorama, Codka Xoriyadda oo dhamaantood ka soo bixi jireen Magaalada Muqdisho, Sahan oo isna ka soo bixi jiray Magaalada Boosaaso.

Sidoo kale Waxaa uu soo noqday Tafatiraha Bogga wararka Soomaalida iyo Caalamka www.midnimo.com sidoo kale waxaa uu ka soo shaqeeyay bogaga kala ah www.arlaadi.net www.dalka24.com iyo www.ufurow.com

Magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay Wariyaal fara badan waxaana ugu dambeeyay Wariye ka tirsanaa Idaacadda Dowladad Sheekh Nuur Abkey

Comments (0)

Ujeedo: Codsi ku wajahan Hayádaha Caalamka

Posted on 02 August 2010 by dadweyne

Hay’ada Deegaan foundation oo ah Urur caalami ah ayaa ka codsanaya Beesha Caalamka iyo Hayáda deeqbixiyayaasha ah inay gargaar iyo caawimaad ka gaystaan Goboladda ay ka jirto nabadgalyada ee dalka Soomaaliya

“Waxaan beesha caalamka iyo ururada waxbixiya aan u sheegaynaa inay jiraan Gobolo badan oo ka mida dalka Soomaaliya inay Nabad ka jirto ayna u baahanyihiin dadka ku nool halkaasi inay heelaan gargaar degdeg ah ”

Goobaha ay ka jirto nabada waxay u baahanyihiin in lagu dhiiri galiyo nabada ay sameyeen si ay u siiwadaan hormarka iyo nabadgalyada ay gaareen,waxaana laga maarmaan ah in la helo kaabayaal dhaqaaale oo lagu hormariyo nabadgalyada waxbarashada,caafimadka,nadaafada,sportiga iyo adeegyada lagama maarmaanka ah .

Ururkua Deegaan waxuu ku dhiri galinyaa Heydaha Samafalka inay indhohooda ku jeediyaan goobahaas waxaana ka mida meelaha nabadgalyada laga sameeyay Somaliland, Puntland,Galudug,iyo ximan iyo xeeb.
Ururku waxuu hirgalinyaa dhisme hospitaal oo uu doonayo inuu ka dhiso meel ka mida deeganadaas kadib markii uu arkay ururku in baahi weyn loo qabo hospitaalkaas shacabka iyo maamulka halkaas ka jirana ay ka codsadeen,sidaas darteed waxaan caalamka ka codsanaynaa inay ka qeybqaataan hirgalinta Hospitaalkaas.

Waxaan ugu baaqaynaa dadka daneeya arimaha Soomaaliya inay indhaha u soo jeediyaan goobaha xasiloon oo dad aqoonyahano ah ay ku dhiiradeen inay hormariyaan deeganadooda,waxaan sidoo kale Hayádaha caalamka ugu baaqaynaa inay waxqabad dhab ah ay ka gaystaan deegaanadaas

Mr.Abdi Rahman Ahmed Nuur
Chier person

Comments (0)

Shabaab iyo Xisbul Islaam

Posted on 01 August 2010 by dadweyne

Waxaa hakaday wadahadallo hoose oo Muqdisho uga socday maleeshiyaadka shabaab iyo xisbul islaam, sida uu xaqiijiyay mas’uul ka tirsan Xisbul Islaam oo diiday in magaciisa lasoo xigto.

“Hakad ayaa ku yimid wadahadallo ay awooddooda ku mideyn lahaayeen Xisbul Islaam iyo Shabaab oo Muqdisho ka socday,” ayuu yiri sarkaalka diiday in saxaafaddu ay xigato magaciisa.

Kulankan ayaa waxaa labada dhinac uga qaybgalay min shan xubnood oo ay kala hoggaaminayeen guddoomiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo hoggaamiyaha labaad ee A-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abu-Mansuur).

Qodobbada ay labada dhinac isku afgaran waayeen ayaa waxaa ka mid ah in lagu midoobo magaca shabaab, taasoo la sheegay inay diideen xubnihii ka socday dhinaca Xisbul Islaam oo iyaguna soo jeediyay in awoodda si simian loo qaybsado, lana wadaago magacyada.

Labadan kooxood waxay dagaal kula jiraan Dowladda KMG ah, kooxda shabaab waxay wakiil ka tahay ururka Al qaacida, waxayna ku eedeysan yihiin qaraxyo iyo dilal ka dhacay koonfurta soomaaliya iyo dalalka geeska afrika.

Comments (0)

Wasiirka Bini aadanimada iyo dib u dajinta ee xukuumada KMG Somaliya Maxamuud Cabdi Ibraahin

Posted on 31 July 2010 by dadweyne

Garweyne oo qaar kamid ah ispitaalada magaalada Muqdisho gaarsiiyey deeq ka kooban digir sadax nuuc ah iyoweliba caanaha nafaqada caruurta qasacado gaaraya 2233 waxaana ka gudoomay maamulka Ispitalka hooyada iyo dhalaanka ee banadir iyo sidoo kale maamulka M.C.H Uniceif
Deeqdaan ayaa loogu talagalay sida uu wasiirku ka dhawaajiyey caruurta iyo hooyada ay nafodarida ay heysato si doo kale wasiirka Bini aadanimada iyo dib u dajinta ee xukuumada KMG Somaliya Maxamuud Cabdi Ibraahin Garweyne ayaa sheegay in xaalad bini aadan nimo oo aad u daran ay ka jirto Gudaha iyo hareraha magaalada Muqdisho .
Wasiirka oo shirkiisa jaraid kaga hadlay xaalado badan ayaa sheegay tiro ahaan in ka badan laba milyan kuwaas oo guryahooda uga cararay dagaalada iyo gantalaha la isku ridayo ay ku dhibaateysan yihiin gudaha dalka Somaliya .

 

Arintaan ayaa ku soo begmeyso xili hay’addaha samafalka ee hoostaga hay’adda Jimciyada quroomaha ka dhaxayso ay ka deyrinayaan xaaladaha bini aadan nimo ee ka jiraguud ahaa dalka Somaliya
Wasaarada bini aadan nimada ee xukuumada KMG Somaliyeed oo sheegtay in ay tilaabo xaga sahrciga ah ka qaadayso hay’addi samafaleed oo Aqoonsi la’aan ka howlgasha wadanka Somaliya .

Wasiirka Bini aadanimada iyo dib u dajinta ee xukuumada KMG Somaliya Maxamuud Cabdi Ibraahin Garweyne oo manta shir jaraid xafiiskiisa ugu qabtay ayaa hey.addaha samafalka ee ka howl’gala gudaha dalka Somaliya uga digay in ay mar’laa.uga howlgalaan gudaha wadanka Somaliya iyaga oo aan warqad ruqsad ah ka heysanin wasaarada Bini-aadanimada ee dowlada Fadaraalka KMG Somaliya .
Wasiirka ayaa inta ku daray hadalkiisa in aan loo dulqaadan doonin hay’addii ku xadgudubto amarkaas isaga oo sheegay in looga baahan yahay hay’addaha in ay iska soo diiwaan galiyaan xafiiska wasarada Bini aadanimada siay ugu madaxbanaanaadaan howlahoda samafaleed .
Mudane Garweyne ayaa shegay in hayaddii u hogaansami weydo awaamiirtaa talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono

Maxamuud Cabdi Ibraahin “wasaradaan waxay u sameysan tahay in ay qaabeyso howlaha bini aadanimo ee samafalka ku shaqada leh,waa dulqadanay waana naga soo dhamaaday dulqaadkii hada ka dib waxaan hay’addaha ku shaqada leh cidna in aan laga yeeleynin ,waxaana isku dhaxdhuuntay NGO yada iyo kuwii dibadaha ayaa la kala garan waayey “
“hay’addaha dowlada wasaaradaan wasarad aan aheyn oo u xilsaaran ma jirto in ay wax diiwaan galiso ama ay waraaqo ruqso ah siiso cid walbo waxaan u sheegeynaa intaa sabarkii ayaa ku dhamaaday

Comments (0)

Madaxda Africa oo Kampala ku sii qulqulaya

Posted on 24 July 2010 by dadweyne

Hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika ayaa ku soo qulqulaya magaalada Kampala si ay uga qeybgalaan shir madaxeedka Midowga Afrika ee beri furmaya. Madaxda Afrika ayaa ka doodi doona ajendayaasha ugu muhiimsan kulanka oo ay ka mid yihiin xasaradaha ka taagan Somalia, Darfur iyo weliba sidii loo adkeyn laha amaanka qaaradda.

Wasiirka Horumarinta Afrika ee dalka Britain oo isna ka qeybgalaya shir madaxeeda Midowga Afrika ayaa taageerey qorshaha ciidan dheeri ah oo nabad ilaalin ah loogu dirayo Somalia.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Entebbe ee dalka Uganda waxaa sii isdabajoog ah uga soo degaya madaxda dalalka Afrika iyo wufuud kale oo caalami ah oo isku diyaarinaya ka qeybgalka kulan madaxeedka AU-da oo beri ka furmaya magaalada Kampala.

Ilaa iyo haatan waxaa wasaaradda Arimaha dibeda ee Uganda ay xaqiijisey inay dalka soo gaareen ilaa sagaal hoggaamiye oo ay mid yihiin madaxweynayaasha Senegal, Abdulahi Wade, Algeria , Abdul Azeiz Bouteflika, Nigeria, Goodluck Jonathan, Congo Brazaville, Gen Denis Sassou Nguesso, Namibia, Hifipekunye Pohamba, Malawi,Bingu wa Mutharika, iyo Zambia, Rupia Banda .

Raisul Wasaarayaasha Ethiopia iyo Lesotho , Meles Zenawi iyo Pakalitha Mosisili ayaa iyaguna ka mid ah madaxdii ugu dambeyse ee shirka soo gaara.

Madaxda ayaa dersi doona isla markaana ansixin doona agendayaasha ay soo diyaariyeen wasiiradooda arrimaha dibedda oo shir laba maalmood ah ku yeeshey magaalada Kampala.

Agendaha ugu weyn shirka waxaa markii hore uu ahaa horumarinta adeegyada hooyada iyo dhalaanka qaaradda, hase yeeshee, waxaa ajendahaasi laga hormariyey amniga gaar ahaan Somalia, kadib markii xaalada dalkaasi ka jirta ay ka sii dartey, iyo weeraro ay dad badan ku dhinteen oo lagu qaadey magaalada Kampala , kaas oo ay masuuliyadiisa sheegteen kooxda Al-Shabab ee dalka Somalia.Ciidanka loo dirayo Soomaaliya

Madaxa Guddiga Sare ee Mdowga Afrika Jean Ping ayaa sheegey in dalalka Guinea iyo Djibouti ay diyaar u yihiin ciidamo inay ku biiriyaan hawlgalka milateri ee Midowga Afrika ka waddo Somalia, iyadoo durba ciidamada Guinea ay tababar ku qaadanayaan dalka Ethiopia ka hor intaaney tegin Somalia.

Ku xigeenka madaxa Guddiga sare ee Midowga Afrika, Erastus Mwencha, ayaa isna sheegey in caqabada ugu weyn ee hortaagan kordhinta ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Somalia jooga ay tahay saadka oo aad u hooseeya loona baahan yahay in dhankaasi si degdeg ah looga daboolo.

Madaxda Afrika ka sokow waxaa shirka jooga diblomaasiyiin reer galbeed ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Waaxda Horumarinta Afrika Britain, Henry Bellingham, oo ka qeybgalyaasha shirka u xaqiijiyey in dalkiisu taageerayo qorshaha ciidamo dheeri ah loogu dirayo dalka Somalia.

Comments (0)

In ka badan 40 qof ayaa su’aalo la weydiinayaa

Posted on 21 July 2010 by dadweyne

Wargeyska ay leedahay dowladda Uganda ee New Vision, ayaa sheegay in bambooyinkii dhawaan lagu qarxiyay Kampala la soo geliyay waddanka Uganda iyaga oo sanaadiiq ku jira.

Wargeyska ayaa sheegay in baarayaal isugu jira Mareykan iyo Uganda ay suaalo weydiinayaan in ka badan afartan qof oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen qaraxyada oo xiran.

Dadkaasi la xiray ayaa waxay isugu jiraan Pakistan, Soomaali, Nigeria iyo Uganda.

Wargeysku waxa uu qoray in dadka Soomaalida ah ee la hayo ay tiradoodu tahay 11 qof, halka 16 ay yihiin Pakistan iyo 8 u dhashay Uganda, iyo hal qof oo Nigerian ah.

Waxaa kale oo jira toddobo qof oo aan wali la ogeyn dalalka ay u dhasheen.

Hey’adda booliiska caalamiga ah ee Interpol ayaa waxa ay soo saartay sawirro laba qof oo loo maleynayo inay ahaayeen kuwii is qarxiyay.
2

Qaraxayada ka dhacay magaalada Kampala ayaa waxa ku dhintay in ka badan toddobaatan qof, xilli dadku ay daawanaeen cayaaraha adduunka.

Comments (0)

Maleeshiyada Xisbiga oo haweenka ka mamnuucay qaadashada indhashareerka ama Niqaabka

Posted on 18 July 2010 by dadweyne

Maleyshiyada Xisbul Islaam  ee ku sugan deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ay haweenka  ka furaan Niqaabka ama indha shareerka kuwaasi oo ay horay ugu amreen.

Sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah Maleeshiyada kooxda  Xisbul Islaam  ee ku sugan Degmada Afgooye iyo deegaanka loo barakcay ee ceelasha biyaha ayaa maal mihii  ugu danbeeyay waxa ay wadeen falal ay kula dagaalamayaan haweenka ku labista idhashareerka.

Maleeshiyadan ayaa billaawday in ay haweenka kala degaan gawaarida ay ku safrayaan ee isticmaala wadada isku xirta muqdisho iyo Afgooye, waxaana sida ay goobjoogayaashu ku soo waramayaan ay  haweenka ay  ku amrayeen in ayan mar kale  qaadan karin indhashareerka hadii kale ay ciqaabta kooxdaas la kulmi doonaan.

Ma cadda sababta ka dambaysa in kooxdaani ay sameeyaan falalkaas ay  kula dagaalamayaan qaadashada indhashareerka hayeeshee dadka qaar ayaa ku macneeynaya cabsi ay ka qabaan kooxda Shabaab ee dagaalka kula jirta kooxdaas.

Comments (0)

Abuu Zubeyr “Qaraxyadii ka dhacay Kampala waa bilowga aar-gudashada dadka reer Muqdisho”

Posted on 15 July 2010 by dadweyne

Amiirka maleeshiyada  Alshabaab Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaano Abuu Zubeyr ayaa fariin cod ah oo uu soo marsiiyay warbaahinta Muqdisho ayaa waxaa uu ku bogaadiyay weeraradii mataanaha ahaa ee lagu qarxiyay magaalada Kampala ee caasimadda uganda  habeenkii Isniinta.

Abuu Zubeyr ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay geysteen xasuuq ka daran kuwii ay ka geysteen dalka Soomaaliya Ciidamadii Itoobiya iyo Mareykanka sida uu yiri.

“Waxa loogu yeero AMISOM waxay geysteen xasuuq ka daran kuwii ay Itoobiya iyo Mareykanka geysteen, waxay dadka ku laayeen Madaafiic, dhismayaashii waxay dhulka la simeen Taangiyo”ayuu yiri Abuu Zubeyr.

Waxaa uu sheegay in qaraxyadii ka dhacay Kampala ay bilow u ahaayeen weeraro hor leh oo uu qeexay in ay la beegsan doonaan magaalooyinka Bujumbura iyo Kampala, waxaana uu ugu hambalyeeyay weerarkaas kuwii fuliyay inay ahaayeen Guutada Saalax Nabhaan oo sanadkii hore Mareykanka ku dilay weerar duqeyn ah oo ka dhacday agagaarka degmada Baraawe.

5-tii bishan ayay ahayd markii Amiirka Alshabaab uu fariin uu soo marsiiyay warbaahinta uu ugu hanjabay dalalka Uganda iyo Brundi in ay beegsan doonaan, iyadoo hanjabaadiisa 6-maalmood kadiba si ficil ahaan u fushay

Comments (0)

Shabaab oo sheegtay Qaraxyadii ka dhacay Kambala iyo Sawiro

Posted on 13 July 2010 by dadweyne

Masuuliyiinta waddanka Uganda ayaa xiray tiro dad ah oo lala xiriirinayo weeraradii bam ee axaddii lagu qaaday magaalada Kampala, oo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof.
2

Xiritaanka dadkan ayaa yimi kadib markii laga helay magaalada, suun kuwa la isku qarxiyo ah oo aan qarxin.

4

5

Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.

8

7

9

Comments (0)

Tarsan o la wareegay Maamulka Gobolka Banaadir

Posted on 13 July 2010 by dadweyne

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweeynaha Soomaaliya ayaa Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa M/Muqdisho loogu Magacaabay Maxamed Axmed Tarsan iyadoo Munaasabad Balaaran oo uu xilka kula wareegayay ay maanta ka dhacday Xarunta maamulka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimamay ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada KMG ah ee Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha Sh.C/qaadir Cali Cumar, Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisoow,Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir, Gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadaasi.

Gudoomiyihii  hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho Eng C/risaaq Maxamed Nuur ayaa si kalsooni leh xilka ugu wareejiyay Gudoomiyaha Cusub ee G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho,  Maxamed Axmed Nuur Tarsan.

Gudoomiyaha Cusub ee G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Tarsan ayaa ugu horeeyn u mahadceliyay Gudoomiyihii hore ee G/Banaadir, waxa uuna ku amaanay howshii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay mudadii uu xilka hayay, waxa uuna Gudoomiyaha cusub balanqaaday in uu dardar gelin doono howlaha maamulka Gobolka Banaadir.

Comments (0)

64 lagu dilay Kampala Qarax ka dhacay Maqaayad Itoobiyan leeyihiin

Posted on 12 July 2010 by dadweyne

Qaraxyo ka dhacay caasimadda Uganda, Kampala, ayaa dilay ugu yaraan 64 ruux oo daawanayay cayaarta kama dambeysta ah ee Koobka Adduunka.

Dad goob joogayaal ahaa ayaa ka warramay in kuraasta dhiig dhiiggu aslay iyo baabuur laga cararay ay goobt buuxeen.

Shakigu wuxuu dusha ka fuulay Shabaab oo u hanjabtay in shacabka Uganda iyo Burundi ay uga aargoyn doonaan waxa ay ku tilmaameen xasuuqa ay ciidammada dalalkaasi ku hayaan shacabka Muqdisho.

Isniintii 5-ta July ayay ahayd, Cabdi Axmed Aw Maxamuud Godane, oo loo yaqaan Abu Zubeyr, uu faafiyay hadal isugu jira hanjabaad, xigasho diineed iyo suugaan Soomaali hadalkaas oo macnahiisu ahaa hanjbaad toos ah oo ku wajahan Uganda iyo Burundi.

Isaga oo shacabka labadaas dal toos ula hadlaya, Abu Zubeyr wuxuu sheegay, in Soomaalida ay Muqdisho ku dileen Uganda iyo Burundi looga arrgudi doono shacabka Uganda iyo Burundi.

Makhaayadda la qarxiyay waxay ahayd makhaayad Ethiopian ah

Comments (0)

Shabaabka oo sheegtay dilka Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda KMG ah ee Magaalada B/weyne

Posted on 10 July 2010 by dadweyne

Sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo lagu magaaabi jiray Salaad Xareed ayaa goor dhaweyd lagu dilay Degmada Baladwyene ee Xaruntga Gobolka Hiiraan, waxaana mas’uuliyadda dilkaas sheegatay maleeshiyada Al shabaab.

Dilka sarkaalkan ayaa ka dhacay guri uu ku sugnaa oo ku yaalla Baladweyne iyadoo saxaafadda ay u xaqiijiyeen dilkiisa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ee dablayda shabaab  iyagoo ku eedeeyay inuu ahaa Jaajuus.

“Salaad Xareed wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya wuxuuna u joogay Baladweyne sidii uu ugu jaajuusi lahaa ciidamada Dowladda ee Gobolka ku sugan Xaaaladda degmada iyo awoodda ciidan ee Shabaab, waxaana dilay dablay ka tirsan Shabaab” ayuu yiri Mas’uul ka tirsan Shabaab.

Sarkaalkan la dilay ayaa wuxuu ahaa afhayeenkii ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Hiiraan, kaasoo ay mas’uuliyiinta shabaab  ay sheegeen inuu afar habeen ku sugnaa Degmada Baladweyne.

Ehellada marxuumka qaarkood ayaa heegay in Salaad Xareed lagu toogtay guri uu kaga sugnaa Magaalad Baladweyne, waxayna sheegeen inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay ku aasaan.

Toogashada sarkaalkan ayaa imaanaysa iyadoo mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Hiiraan ay sheegeen dhawaan inay wadaan qorshayaal dagaal oo ay kula wareegayaan Gobolka Hiiraan oo ay ka taliso Xarrkatul Shabaab

Comments (0)

Sheekh Cumar Faaruuq oo sheegay inay banaan tahay in IGAD fara geliyaan Arrimaha Soomaaliya

Posted on 10 July 2010 by dadweyne

Sheekh Cumar Faaruuq Cabdi oo ka mid ah mashaa’iqda waaweyn ee Soomaaliyeed kuna sugan magaalada Jiddah ee Boqortooyada dalka Sacuudiga ayaa ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan go’aanka madaxda Afrika ka soo saareen Soomaaliya, keenista ciidamo shisheeye iyo baahida keentay in dalka la keeno ciidamo shisheeye.

Hadalka Sheekh Cumar Faaruuq oo intiisa badan u daliishanayay diinta Islaamka iyo shareecada inay ku bannaan tahay maanta faragelin caalami iyo mid goboleedba lagu sameeyo arrimaha Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in arrintaasi ay sabab u tahay Soomaalida qolo qolo iyo koox koox u qeybsan oo iyagu ku heshiin waayay inay dalkooda ku heshiiyaan.

“IGAD ama dalalka deriska ah inay farageliyaan Soomaalida is maqli weysay way bannaan tahay” ayuu yiri Sheekh Cumar Faaruuq oo sheegay inuu isagu soo dhoweynayo go’aanka dalalka Afrika ay ka soo saareen dalka Soomaaliya, waayo buu yiri Sheekha dabka ka holcaya Soomaaliya haddii ay Afrika ku fiirsato waa hubaal inuu iyaga gaarayo.

Sheekh Cumar Faaruuq waxa uu sheegay dhinaca kale inay sii kordhayaan dagaalada dalka ka socda haddii ay yimaadaan ciidamo shisheeye ama la soo kordhiyo kuwa AMISOM, hase yeeshee dagaalladaasi ayuu sheegay inuu yahay mid loo baahan yahay bacdamaa uu yahay mid lagu soo celinayo nabadda iyo kala dambeyntii Soomaalida ka luntay 20-sano ka badan.

Sheekha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan inay ka heshiiyaan wixii dhexdooda ka dhacay, wuxuuna si gaar ah baaq ugu jeediyay Dowladda KMG ah iyo kooxaha mucaaradka inay hubka dhigaan oo ay xabbadda joojiyaan iyagoo u turaya dadka rayidka ah ee dhibaatada inta badan ka soo gaareyso, wuxuuna intaasi raaciyay Sheekh Cumar Faaruuq in Shareecada Islaamka dembi ahayn tallaabo kasta oo horseedeysa xal ka gaaridda iyo masaalixda dadka iyo dalka Soomaaliya.

Comments (0)

Kenya oo ka digtay halista ka imaan karta dagaalyahano ajanabi ah oo somaliya ku sii qulqulaya

Posted on 09 July 2010 by dadweyne

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Moses Wetangula, ayaa ku tilmaamay in rag ka yimid dagaalka Ciraaq iyo Afghanistan ay u tallaabeen Soomaaliya.

Wasiirka oo maanta u warramayay wakaaladda wararka AP, waxaa uu Nairobi ka sheegay, in dagaalyahaniintaasi tiradoodu ay tahay mid ku filan in ay walaac ku dhaliso beesha caalamka.

Xaaladda waxaa uu ku tilmaamay Wasiirku mid halis ah.

Dadka soo galay Soomaaliya waxay u dhasheen ayuu yiri Afghanistan, Pakistan, dalal Bariga Dhexe ah oo aan yareyn.

Waxay ka faa’iideysanayaan ayuu yiri in Soomaaliya aanay ka jirin dowlad shaqeyneysa.

Warar ka yimid hey’adaha sirta ayaa sheegaya ayuu yiri, Wetangula, in ay ay yihiin ciidn ashaamud ah oo isku dhafan.

Tiradooda dhabta ah ma naqaan ayuu yiri.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Moses Wetangula, wuxuu kaloo sheegay in uu ka xun yahay in aan Mareykanku sida ay tahay arrintan uga hawlgelin.

Sida aan ka rabnay, gaabis ayuu ka yahay ayuu yiri.

Toddobaadkan horraantiisii ayay ahayd markii Madaxweynayaasha IGAD ay ku baaqeen in 20 kun oo askari la geeyo Soomaaliya

Comments (0)

Qarax lala beegsaday Xarun ay Xisbul-Islaam ku lahaayeen Afgooye

Posted on 07 July 2010 by dadweyne

Qarax ayaa xalay lala beegsaday saldhig ay maleeshiyada  Xisbul-Islaam ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeelllaha hoose.

Qaraxaani oo ahaa Bamm gacmeed islamarkaana waxaana lala eegtay maleeshiyaad ka tirsan kooxdaasi oo ku sugnaa saldhigga degmada Afgooye waxaana ka dhashay khasaare nafeed.

Dad ka agdhaw saldhiga dagmada afgooye ayaa sheegay in ay arkayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Xisbul Islaam oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac kuwaas oo laga daad gureynayay halka qaraxa lala beegsaday.

Weerarkan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay weeraro joogta ah oo kooxda shabaab la beegsato dablayda uu madaxda u yahay Sheekh Xasan Dahir Aweys.

Qaraxan ayaa imaanaya saacado kaddib markii maleeshiyaad ka tirsan Xisbil Islaam ay jir dil u geysteen sadex dhallinyaro ah oo Al shabab ka tirsan, islamarkaana ay xabsiga dagmada Afgooye ku xireen.

Comments (0)

Dowladda Uganda oo ka jawaabtay hadalkii Amiirka Dablayda Shabaab

Posted on 06 July 2010 by dadweyne

Dowladda Uganda ayaa ka jawaabtay hanjabaad kaga yimid maleeshiyada Shabaab oo ku saabsan dagaallada ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Hadal kasoo baxay Hogaamiyaha Al Shabaab Sheekh Abuu-Zubeyr ayuu ku sheegay in xasuuqa ay ciidamada Uganda ka wadaan dalka Soomaaliya ay ka aargudan doonaan shacabkooda iyo ciidamadooda ku sugan Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada Uganda (UPDF) Lt-Col. Felix Kulayigye ayaa warbaahinta dalkiisa u sheegay in hanjabaaddaas ay caddeyn tahay inay kooxdan ku hungowday hamigoodii ahaa inay afgambiyaan Dowladda Soomaaliya.

“Hogaamiyaha Al-shabaab wuxuu sheegay inay gubeen taangi ayna dileen askar, taasi ma ahan wax isbadal ku keeni kara howlaha nabad ilaalineed ee aan ka wadno Soomaaliya” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka dalka Uganda ee loo yaqaan UPDF.

Lt-Col. Kulayigye wuxuu sheegay in hajabaadaha kasoo baxaya Shabaab aysan ahayn kuwii ugu horreeyay, balse dhowr jeer oo hore ay sheegeen, iyaguna aysan hadalkaas dheg u dhigeyn.

Sarkaalkan wuxuu sheegay inay dagaalka ay kula jiraan Shabaab ay sii wadi doonaan, inta ay ka saarayaan Muqdisho oo dhan, waxaana uu xusay in dagaaladii ugu dambeeyay ay ku gaarsiiyeen khasaarooyin fara badan.

“Ciidamada AMISOM howlaha ay u joogaan Soomaaliya waa inay difaacaan Dowladda mana dhacayso inaan taas ka laabano, waayo howsheenna ayaaba ah” ayuu yiri Lt-Col. Felix Kulayigye oo sheegay in dagaallada ay horumar ka sameeyeen.

Comments (0)

Jaaliyadda Beesha Absame ee North America oo taageertay Magacabista Wasiirka cusub ee Maaliyadda Soomaaliya

Posted on 06 July 2010 by dadweyne

Beesha Absame ee North America ( Canada and USA)and Europe oo soo dhaweysay Magacabista Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya Wasiirka Maliyada Hussein Abdi Halane oo ah Sarkaal ku xeeldheer siyaasada Somalia in muddo ah ka soo Shaqeyey Ha,aydaha NGO,sida CARE USA,oo madaxna soo noqday CARE USA Khartoum,Addis Abeba,Ethiopia,

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Aqoon ahaan wuxuu sita Shahadada Masters,ahna nin kaso bixi kara hawlaha cakirin isla markaasna isku xira kara Dowlada iyo Hay’adaha Lacagaha Adduunka.

Waxgaradka Beesha Absame waxay yiraahdeen waa siyaasi ku xeeldheer arrimaha Somalia wax badana ka qaban kara arrimaha Jubooyinka ahna nin isu keena kara dadka kuwada nool meesha,Duqoowda waxgaradka iyo aqoonyahanada Beesha Absame ayaa waxa ay si isku mid ah u ayideen ama ay u taagereen Magacaabista Husein Abdi Halane iyagoona sheegay inuu Yahay shaqsi kasoo bixi kara Xilka loomagacabay.

Beesha Absame oo tageero weyn u haysa Dowlada,dibeda iyo gudahaba,Beesha Absame waxay ka codsaneysa xildhibanada beesha Absame in ay gacan ka siiyaan shaqada qaran ee ku soo fool leh wasiirka Maaliyada,iyo «nabadeynta «jubbooyinka iyo sidi ay gacanta Dowlada dib logu soo celin laha,Dowladu Xiligaan ay u bahantahay tageero ay ka hesho shacbiga Somaliyeed
ugu dambeyn waxaan leenahay Ilahay ha u fududeyo hawlahan ku soo fool leh

Comments (0)

Dagaal dhex maray Shabaab iyo Xisbul Islaam

Posted on 05 July 2010 by dadweyne

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Caasimadda ah ee muqdisho ayaa sheegaya in dagaal caawa maqrabkii uu dhex maray labada maleeshiyo agagaarka Masjidka Nasrudiin ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa waxa uu dhacay kaddib markii kooxda Xisbul Islaam ee uu madaxda u yahay Sheekh Xasan Dahir Aweys ay qaadeen weerar ay ku doonayaan in ay uga aar gutaan kooxda Shabaab oo galabta ka dishay horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxdooda.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka lagu dilay Seddex maleeshiyo oo Shabaab ka tirsan, Waxaa kale oo jira dhaawacyo soo gaaray labada dhinac, ayadoo ay is hor fadhiyaan  illaa iyo hadda labada maleeshiyo.

waxaa  jira maleeshiyaad shabaab ka tirsan oo ku go’doonsan Gudaha Masjidka Nasrudiin oo saldhig ay ka sameysteen Maleeshiyaadka kooxda Shabaab.

Maleeshiyada Shabaab ayaa maanta toogtay horjoogayaal iyo maleshiyaad ka tirsan kooxda Xisbul-Islaam oo ku sugnaa gudaha Magaallada Muqdisho.

Wararka laga helayo xaafadda Laba Dhagax ee Muqdisho ayaa sheegaya in kooxda Shabaab ay maanta dileen Laba Horjooge oo ka tirsan Xisbiga iyo laba Ilaalo u ahaa kaddib markii ay weerar ku soo qaadeen ayagoo ku sugan xaafadda Laba Dhagax.

Horjoogayaasha la dilay waxaa ka mid ah ninka wakiilka ka ahaa xarunta ay Xisbigu ku lahaayeen Laba Dhagax oo lagu magacaabi jiray C/samad, kaas oo horay hub ku qabsaday dagaal uu la galay maleeshiyada Shabaab.

Comments (0)

Godane oo fariin dhiirigelin ah u soo diray maleeshiyadiisa

Posted on 05 July 2010 by dadweyne

Hogaamiyaha maleeshiyada Alshabaab ayaa fariin maqal ah oo uu saacadihii la soo dhaafay soo diray ayaa waxaa uu ka hadlay Xaaladaha dagaalada ee ka taagan magaalada Muqdisho, isagoo dagaaladaas ku tilmaamay kuwo heer gabo gabo maraya.

Fariinta Axmed Godane *Abuu Zubeyr*  oo aheyd cajalad maqal ah ayaa waxaa uu ku soo beegay dagaaladii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana uu ku sii xoojiyay in la sii wado dagaalka.

Fariinta oo aheyd mid dar daaran iyo guubaabo isugu jiray ayaa sida looga bartay Hogaamiyaha Shabaab waxaa uu inta badan ku cabiray suugaan gabayo ah, oo badankood ahaa guubaabo uu u jeedinayay dablaydiisa Shabaab.

“Mujaahidiinta waa inay sabraan, dagaalkana ay sii joogteeyaan”ayuu yiri Abuu Zubeyr oo shacabka Muqdisho ugu baaqay in dagaalka jihaadka ka qeyb qaataan, ayna garab siiyaan Mujaahidiinta sida uu yiri.

Abuu Zubeyr ayaa xusay in Dowladda KMG ay isugu darsantay khilaafaad iyo guluf maalmihii u dambeeyay ay ku qaadeen, kaasoo uu tilmaamay in jab xoogan ay ku gaarsiiyeen, isla markaana ay AMISOM ka gubeen Taangi.

Waxaa uu ugu baaqay Shucuubta dalalka Uganda iyo Brundi in aysan ka qoomameyn dhibaatada gaartay, oo uu tibaaxay in horay si la mid ah ay u gaarsiiyeen Mareykanka iyo Itoobiya.

Fariintan ayaa noqoneysa fariintii labaad oo muddo labo todobaad gudahood soo diro Hogaamiyaha Alshabaab, kaasoo farimihiisa yihiin kuwo maqal ah oo uu soo dhigo Warbaahinta Muqdisho

Comments (0)

5-ruux oo ku dhimatay qarax la geliyay Gasaca Caanabooraha oo lagu qarxiyay Agaasimaha W/Maaliyada

Posted on 04 July 2010 by dadweyne

Ilaa shan qof, ayaa ku dhintay qarax miino oo ka dhacay magaalada Muqdisho sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya Caasimada soomaaliya.

Sidoo kalena, waxaa dib u soo cusboonaaday dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kooxda mucaaradka ee Al-Shabaab.

Dagaalka saaka, ayaa wararku sheegayaa in uu dib u bilowday kadib markii maleeshiyada al-Shabaab ay weerareen fariisimo ay joogeen ciidamada dowladda.

Qasaaraha dhabta ee dagaalka saaka ayaanan la ogayn, balse dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxaa ku dhintay in ka badan 50 qof.

5 qof oo qaraxa ku dhimatay 2 ka mid ah waxay ahaayeen Ciidamada Dowladda KMG ah

Comments (0)

Madaxweyne Shariif iyo Shirka IGAD ee Adis ababa

Posted on 04 July 2010 by dadweyne

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta lagu wadaa inuu u ambabaxo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo maalinta berri kaga qeyb geli doono shir ay leeyihiin Madaxda Urur Goboleedka IGAD.

Sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha ayaa tibaaxaya in safarka Madaxweynaha ay ku wehlin doonaan qaar ka tirsan wasiirada cusub ee shalay ku soo biiray Xukuumada, markii uu isku shaandheyn ku sameeyay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid.

Madaxweynaha ayaa ku sii jeeda Magaalada Adis ababa, waxaana safarkiisa ku wehlin doono Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibada Yuusuf Ibraahim Xasan (Yuusuf Dheeg), Wasiirka Amniga Qaranka Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq Jurile.

Kulanka ka dhacaya Addis Ababa ayaa waxay 7-da ee Urur Goboleedka IGAD kaga hadli doonaan Ammaanka Soomaaliya, waxaana si gaar ah loogu eegi doonaa qoraal dhowaan ay Wasiirada Gaashaandhiga IGAD u direen Qaramada Midoobey, kaasi oo lagu dalbanayay in la qaado xayiraada Hubka Soomaaliya.

 

Urur Goboleedka IGAD ayaa quudareynaya in ay fara gelin ku sameeyaan dalka rajo beelay ee Soomaaliya, si xasilooni ugu soo celiyaan, waxaana soconaya qorshe dalalka Jabuuti, Ethiopia, Kenya ay ku doonayaan in Ciidamo ugu soo diraan Soomaaliya.

IGAD ayaa la filayaa in war murtiyeed ku aadan xaalada Soomaaliya uu ka soo saaro kulankaas, waxaa sidoo kale qaramada Midoobey looga codsan doonaa Ciidamo Caalami ah loo diro Soomaaliya, kuwaasoo huwan magaca UN-ka.

Comments (0)

Abuu Mansuur oo weeraray Madaxweyne Shariif

Posted on 03 July 2010 by dadweyne

Afhayeenkii hore ee maleeshiyada Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ah saraakiisha ugu sareysa Shabaabka ayaa si kulul u weeraray shaqsiyada Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, isagoo ku tilmaamay nin istus tus badan oo fuli ah.
mansuur

Isagoo ka hadlayay Masaajidka Daba-qeynka ee degmada Yaaqshiid salaadii jimcaha ee shalay ayaa waxaa uu sheegay in dagaaladii ka dhacay Waqooyiga Muqdisho ay ahaayeen kuwo dad badan ay ku le’deen, isla markaana dhinacooda guulo ka gaareen waa sida uu ku dooday.

“Nimankaas Gaalada ah, 3-kun oo BM, Hoobiyeyaal iyo Taangi ayay ku garaaceen goobaha mujaahidiinta, balse 3-ayaa ku shahiiday”ayuu yiri Abuu Mansuur oo intaa ku daray in dagaalka uu yahay mid u dhaxeeya Muslimiinta iyo Gaalada.

Abuu Mansuur ayaa sheegay in Madaxweyne Shariif uu marka uu gashtay dareyska ciidanka uu saxaafada isugu yeeray, balse taas ay ka aheyd mid istus tus ah, sida uu hadalka u yiri.

“Shariif waa nin istus tus badan saxaafadda masaakiinta ah, wuxuu isugu yeeraa marka uu dharka ciidanka gashanayo waana markii labaad ee uu khiyaanadaas sameeyo odayga kebir iyo isqaad qaad ayuu ku gaaray, waan ku naqaan geesi ma ihid ee fagaaraha iskeen”ayuu yiri Abuu Mansuur Roobow oo intaa ku daray in Shariif xilligii Maxkamadaha isla ahaayeen uu ahaa fulay sida uu hadalka u dhigay.

Abuu Mansuur ayaa si gaar ah waxaa uu u soo qaatay dadkii ku dhintay dagaalada ka dhacay W/Muqdisho, wuxuuna cadeeyay in dadkaas badankood ay ku dhinteen degmooyinka Yaaqshiid, Shibis iyo Kaaraan, hase ahaatee waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in dadkaas la laayay ay sabab u ahaayeen kuwii soo hogaamiyay ee uu sheegay in ay u soo horkaceen dhulkii ay ku dhasheen.

“Nimanka Gaalada horkacayay ee ka soo jeeda Waqooyiga Muqdisho, waxay cadaw ku yihiin shacabkooda, bal eega kuwa mas’uuliyiinta sheeganaya ee Salaad Cali Jeelle, Maxamed Dheere iyo Shariif waxay ku soo hogaamiyeen dhulkooda ay ku dhasheen Gaalada, dadka meesha ku le’dayna waa dadkoodii”ayuu mar kale yiri Abuu Mansuur oo khudbadiisa aheyd mid aad u dheereed.

Comments (0)

Magacyada Golaha Wasiirada ee Ra’iisal Wasaare Cumar isku shaandheeyay, Dhuxulow iyo..

Posted on 03 July 2010 by dadweyne

Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay isku shaandheyn lagu sameeyay golaha wasiirada Xukuumadda KMG ee Soomaaliya.
1

Afhayeenka Xukuumadda C/qaadir Walaayo ayaa warbaahinta u aqriyay liiska wasiirada oo u qornaa sidatan:-

  1. R/wasaare ku xigeen ahna Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Sh Aadan Maxamed Nuur (Madooobe).
  2. R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka kalluumeysiga iyo kheraadka badda. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibraahin (Ibbi).
  3. R/wasaare ku xigeenka wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka. C/waaxid Cilmi Goonjeex.
  4. Wasaaradda Garsoorka iyo caddaaladda. C/kariim Axmed Cali.
  5. Wasaaradda arrimaha dibadda Yuusuf Xsan Ibraahin dheeg.
  6. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sh. C/qaadir cali Cumar.
  7. Wasaaradda Gaashaandhigga Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi.
  8. Wasaaradda Amniga Qaranka Axmed C/salaam xaaji Aadan.
  9. Wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah, Mustaf Sh Cali dhuxuloow.
  10. Wasaaradda Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane.
  11. Wasaaradda Haweenka iyo aerr. Qoyska Fowsiyo Maxamed Sheekh.
  12. Wasaaradda xanaanada Xoolaha C/casiis Lafta Gareen.
  13. Wasaaradda dastuurka iyo arr. Federaalka Madoobe Nuunoow.
  14. Wasaaradda beeraha beeraha. Maxamed Ibrqaahin xaabsade.
  15. Wasaaradda hantida qaranka iyo qalabeynta maxamed Mursal.
  16. Wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare Cali Axmed (Jingili).
  17. Wasaaradda dhaqancelinta iyo arrimaha bulshada. Prof. maxamed cumar Dalxa.
  18. Wasaaradda gargaarka aadamiga. Maxamud Cabdi Ibraahin (Garweyne).
  19. Wasaaradda warfaafinta. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow).
  20. Wasaaradda Cilmi barista iyo technology-yada Maxamed cali Xagaa.
  21. Wasaaradda macdanta iyo biyaha  Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
  22. Wasaaradda dib-u-dhiska  Xuseen Ceelaabe faahiye.
  23. Wasaaradda dalxiiska iyo duur joogta C/laahi Yuusuf Cigaal.
  24. Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha maxamed cabdi Xayir Maareeye.
  25. Wasaaradda Caafimaadka. Maxamuud Jirde Xuseen.
  26. Wasaaradda tamarta iyo shidaalka C/raxmaan Jaamac.
  27. Wasaaradda Boostda iyo isgaarsiinta C/risaaq jurille.
  28. Wasaaradda jaaliydaha C/laahi Axmed c/lle Azhari.
  29. Wasaaradda ganacsiga C/rashiid Maxamed Cirro.
  30. Wasaaradda howlaha guud iyo griyeynta Yuusuf Geelle Ugaas.
  31. Wasaaradda warshadaha C/lla Boos Axmed.
  32. Wasaaradda Bay’ada iyo dhirta Burci maxamed xamza.
  33. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ispoortiga Qadiijo maxamed diiriye.
  34. Wasaaradda Hormarinta reer Miyiga. Maxamed Cabdi Yuusuf.
  35. Wasaaradda waxbarashda iyo barbaarinta  C/nuur Macalin Maxamuud.
  36. Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta Sh Nuur Cali Aadan.
  37. Wasaaradda dib-u-heshiisiinta Xuseen Warsame samatar.
  38. Wasaaradda Lacagta C/laahi Maxamed cali (sanbaloolshe).
  39. Wasaaradda hub ka dhigista iyo jiheynta maleeshiyaadka Cumar cali Rooble.

Comments (0)

Riyaale oo aqbalay in laga adkaaday

Posted on 02 July 2010 by dadweyne

Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, ayaa aqbalay natiijada doorashadii Madaxweynaha ee looga guuleystay.

Madaxweyne Rayaale ayaa sheegay in xilka uu si xarraga leh u wareejin doono.

Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay dadweynaha Somaliland in ay ilaashadaan midnimadooda.

Wuxuuna tartankii ololihii doorashada uu ku tilmaamay in uu ahaa cayaar walaalnimo.

Madaxweynuhu wuxuu u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay, Axmed Maxamed Silaanyo iyo Madaxweyne ku xigeenka lala doortay, Cabdiraxmaan cabdillaahi Zeylici.

Daahir Rayaale Kaahin, oo ah Madaxweynaha Somaliland, wuxuu ahaa murashaxa xisbiga UDUB oo hadda noqonaya mucaarad.

Hore ayuu Madaxweynuhu u ballan qaaday in uu doonayo in uu magac uga tago Somaliland oo uu xilka si qurxoon u wareejiyo haddii laga guuleysto.

Xaaji Cabdi Xuseen oo ka mid ah odayada caanka ah ee Somaliyeed, ayaa xalay ugu baaqay Madaxweynaha in uu sidii Adan Cabdulle Cusmaan si sharaf xilka u wareejiyo.

Daahir Rayaale, waa Madaxweynihii u horreeyay ee Somaliland u qabta doorasho Madaxweyne.

Laba jeer ayuu qabtay oo marna uu guuleystay, marna laga guuleystay.

Labada jeerba waxay tartameen Madaxweynaha hadda la doortay, Axmed Maxamed Silaanyo.

Haddana, Rayaale wuxuu noqon doonaa, Madaxweynihii ugu horreeyay Somaliland ee xilka doorasho shacabku codka bixiyay lagaga adkaaday ee markaa xilka si nabad ah ku wareejiyay

Comments (0)

Silaanyo waa kuma?

Posted on 02 July 2010 by dadweyne

Axmed Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer Siilaanyo wuxuu ku dhashay Degmada Burco sannadkii 1936.

Waxbarashadiisii dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare wuxuu ku dhammaystay labada Dugsi ee qiimaha badan ee Shiikh iyo Cammuud mudadii u dhaxeysay 1946 ilaa iyo 1960.

1960-kii ilaa iyo 1965-tii wuxuu Axmed-Siilaanyo ku jiray Jaamacad ku taal Magaalada Manchester ee dalka Britain, halkaas oo uu ku qaatay shahaaddada koowaad iyo tan labaad ee cilmiga Dhaqaalaha.

Intii u dhaxaysay 1965 ilaa Oktoober 1969, wuxuu Axmed-Siilaanyo ahaa sarkaal sare oo ka soo shaqeeyay Wasaaraddii Qorsheynta ee dowladdii rayidka ahayd ee Soomaaliya, isaga oo gaadhay darejada Agaasime Guud.

Markii militerigu talada afgambi kula wareegay 21kii Oktoober 1969, waxaa Axmed-Siilaanyo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta.

Muddo kadib waxaa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ilaa 1982 oo uu ka baxsaday dowladdii kacaanka.

1982, oo uu Axmed Siilaanyo tegay London wuxuu markiiba ku biiray jabhaddii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM, isaga noqday wakiilka xafiiskii SNM ee London.

Muddadii u dhexeysay 1984 ilaa iyo 1990, wuxuu Axmed-Siilaanyo ahaa guddoomiyaha ururka SNM.

18 May 1991 shirweynihii Magaalada Burco ee beelaha Somaliland iyo ururkii SNM kaga dhawaaqeen gooni isutaagga Somaliland wuxuu Axmed-Siilaanyo ka mid ahaa hogaamiyayaashii hormoodka ka ahaa nabadeynta iyo heshiisiinta beelaha Somaliland wada dega.

Axmed siilaanyo wuxuu xubin ka noqday baarlamaanka Somaliland 1993 wuxuuna ka tirsanaa ilaa 1997.

1997 ilaa sannaddii 2000 dawladdii Somaliland ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, wuxuu Axmed-Siilaanyo ka soo qabtay jagooyinka Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Qorsheynta, isaga oo markii danbe iskii isu casilay.

Sannadkii 2002, wuxuu ku dhawaaqay Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE oo uu guddoomiye ka noqday.

Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee April 2003, tartankii Madaxweynaha waxaa Axmed-Siilaanyo iyo ku xigeenkiisii Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax lagaga helay 80 cod oo keliya, waanay aqbaleen.

Mar kale ayaa Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, uu hadda u soo Sharraxay Axmed Siilaanyo tartanka doorashada madaxtooyada Somaliland ee 2010, isaga oo madaxweyne ku xigeenna u sharaxan yahay xisbigiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil, oo loo yaqaanno Zeylici.

Axmed-Siilaanyo wuxuu leeyahay 5 caruur ah oo kala ah saddex wiil iyo laba gabdhood, oo ay u dhashay xaaskiisa Aamina-Weris Sheekh Maxamed Jirdde, oo ah qof aqoon yahan ah

Comments (0)

Madaxweyne Shariif oo tagay Jiida hore ee Ciidamada Dowladda iyo kuwa Shabaab isku hor fadhiyaan

Posted on 01 July 2010 by dadweyne

Madaxweynaha Dowladda KMG ah Sh Shariif Sh Axmed oo tagay jiida hore ee dagaalka ayaa deeq loogu talagalay ciidamada xoogga ka gudoomay Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Soomaaliya.
1

Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Yuusuf Cali Ceynte,Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale,Xildhibaanad Aamino Saciid,Xildhibaanad Maryan Sh.Cusmaan iyo Xildhibaano kale ayaa jiida hore  ee dagaalka deeq ay ugu talagaleen ciidamada Xoogga ee howlgalada ka wada qeybo ka mid ah waqooyiga Muqdisho,  ku gudoonsiyay Madaxweeyne Shariif oo tagay Jiida hore ee dagaalka isagoo xiran dharka Ciidamada iyo qalabka la isaga difaaco rasaasta.
2

Deeqda ay xildhibaanadu gudoonsiiyeen Madaxweeyne Shariif ayaa waxa ay ka koobneyd 100-kartoon oo biyo ah, 80-Kartoon oo Timir ah, 40-Kartoon oo Malaay ah, waxaana qaar ka mid ah  Xildhibaanada oo halkaasi ka hadlay ay sheegeen in ay garab taaganyihiin howlgalada Ciidamada Xoogga dalka ay ku xoreeynayaan guud ahaan wadanka,  Isla markaana ay sii wadi doonaan taakuleeynta ciidamada,  iyagoo intaa ku daray in xildhibaanadu ay naftooda u horayaan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ujeedada Madaxweynaha u xirtay dharka Ciidamada isla markaana uu tagay jiida hore ee Ciidamada fadhiyaan ayaa waxay qeyb ka tahay dhiirigelinta ciidamada.

Comments (0)

Ahlu Sunna waxay sheegtay in uu burburay heshiiskii ay la gashay dowladda TFG

Posted on 30 June 2010 by dadweyne

Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan, oo ah Hoggaamiye Ahlu Sunna ah wuxuu sheegay in uu fashilmay heshiiskii ay hore u galeen Ahlu Sunna iyo Dowladda KMG ah ee Soomaaliya

Heshiiskaasi wuxuu ka fashilmay ayuu yiri dhinaca dowladda, oo uu ku eedeeyay in ay talo ka qaadaneysa shakhsiyaad dantooda ka dhex arkay, Qabqablayaal dagaal iyo Ajnebi.

Laakiin ma uusan sheegin shaqsiyaadka iyo shisheeyaha, balse waxaa uu caddeeyay inuu heshiiskaas burburay.

Sheekh Maxamuud bishii May ayuu sheegay in heshiisku fashilmay, laakiin waxa cusub waxay yihiin ayuu yiri, in dowladdu iyada oo heshiiskii nuxurkiisii dishay, ay haddana iska dhigeyso ina ay fulineyso.

Xogtu waxay tahay ayuu yiri in TFG ay damacsan tahay in ay magacawdo shakhsiyaad ay ku tilmaameyso in ay yihiin Ahlu Sunna.

Markii aan Addis Ababa wada xaajoodka u fadhinnay ayuu yiri, raggii dowladda matalayay oo magaceeda nagula xaajoonayay, ayaa hadda lagu magacaabayaa in ay ka tirsan yihiin Ahlu Sunna, oo iyagu ay matalaan.

Mar la weydiiyay waxa dhacaya haddii Sheekh Xeefow oo heshiiskii saxiixay uu raalli ka yahay dadka la magacaabayo, ama rag kale oo Ahlu Sunna ah ay ka qeyb galaan dowladda, Shiikh Maxamuud wuxuu ku jawaabay in Ahlu Sunna uu go’aankeedu ku xiran yahay wada tashi.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin dhinaca Dowladda KMG ah iyo garabka Xeefow

Comments (0)

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku geeriyooday Kampala

Posted on 29 June 2010 by dadweyne

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Qalinle ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Kampala ee dalka Uganda, oo in muddo ah ku xanuunsanayay.

Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in xildhibaanka uu ahaa mid xanuunsanayay mudooyinkii u dambeeyay, isla markaana halkaas u joogay xaalad caafimaad.

“Alle ha u naxariisto Xildhibaanka, muddo xaaladiisa caafimaad ayaa lala tacaalayay, tiisa ayaana halkaas ku gashay, wuxuu ku dhintay Isbitaalka”ayuu yiri Prof. Dhalxa.

Ma ahan markii u horeysay ee xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ku dhinto dalka dibadiisa, sanado ka hor ayay aheyd markii dhowr xildhibaano ay ku geeriyoodeen dalalka deriska, kuwaasoo xaalado caafimaad u joogay

Comments (0)

Xiisad u dhaxeeysa Maleeshiyadka Shabaab iyo xisbiga oo ka taagan G/Sh/Hoose

Posted on 28 June 2010 by dadweyne

Xiisado u dhexeeya Maleyishiyaadka Shabaab iyo kooxda Xisbul Islaam ayaa ka taagan deegaano hoos taga degmada Walaweyn ee Gobolka shabeellaha hoose.

Xiisadan oo u dhexeysa maleeshiyaadka shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa saaka waxa ay ka taagan tahay deegaanka Hakaaw oo qiyaastii 5-Km u jirta degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelaha hoose, kadib markii shalay isla deegaankaasi ay dagaalo ku dhexmareen labadaasi maleeshiyo,  waxaana dagaalka shalay gelinkii danbe ka dhacay deegaankaasi  uu ka dambeeyay kadib markii goob ay fariisin ku lahaayeen maleeshiyadka Xisbiga ay weerar ku soo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan kuwa shabab iyadoona halkaasi ay ka dhacday israsaaseyn socotay muddo hal saac ka badan taas oo wel wel k u abuurtay dadka deegaanka.

Waxaana dagaalkaasi ku dhaawacmay 6-ka tirsan maleeshiyada Xisbul Islam oo iyagu weerar ka lagu soo qaaday,  inkastoo markii dambe goobta dib looga cayriyay maleeshiyadkii weerarka soo qaaday ee shabaab ee iyagu doonayay in fariisinkaasi ay kala wareegaan maleeshiyada Xisbul Islam maadaama maalmihii  la soo dhaafay ay socotay abaabulo maleeshiyaadka Xisbiga looga sifaynaayo gobolka shabeelaha.

Comments (0)