Keeydka | Qubane

Sh Aadan Madoobe”Golaha amaanka waxaan ka codsanayaa in aysan qaadan warbixin qalad ah oo lagu dhaawacayo dad wax tar u leh bulshada”

Posted on 15 March 2010 by dadweyne

Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah ee Somaliya Sh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warbixin ay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay u gudbiyeen guddi dabagal ku sameeyay xiriirka ka dhaxeeya ganacsato soomaali ah oo hay’adaha UN-ka qaatay qandaraasyada kuwaas oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin ururka Al Shabaab.

Aadan Madoobe ayaa si weyn uga dhaliilay warbixinta guddiga dhawaan baaris ku sameeyay gargaarka la geeyo Soomaaliya, kuwaasoo qoraalkooda ku eedeeyay ganacsato Soomaali ah.

Afhayeenka Baarlamaanka ayaa waxay si weyn u dhaliileen qoraalkan oo lagu soo daabacay wargeyska The New York Times, kaasoo lagu sheegay in Qandaraaslayaasha la shaqeeya WFP ay xiriir la leeyihiin Al shabaab.

“Runtii waa wax aad loola yaabo warbixinta, haddii aan idin sheego Sh Ibraahim C/llaahi waxaa ku wareejiyay labada bakhaar eek u dhaw xaruntii Baarlamaanka Dowladda KMG ah ee Somaliya,sidaas darteed waxaan u sheegay beesha Caalamka in ganacsadahaas laga been abuuray”ayuu yiri Sh Aadan Madoobe oo wariyaasha kula hadlayay magaalada Nairobi.

Sh Aadan Madoobe ayaa sheegay in loo baahan yahay in aan la isku qasin runta iyo wararka beenta ah, waxaa uu u soo jeeday qaramada miidoobay in ay si taxadir leh u eegto warbixinta maadama ay tahay mid qaawan oo aan laga fiirsanin.

Afhayeenka Baarlamaanka ayaa sheegay in Sh Ibraahim C/llaahi iyo raga kale ee la midka ah ay gurmad ballaaran u fidiyeen umadda soomaaliyed iyagoo mar walba naftooda halis gelinaya ayaa haddana looga abaalmariyay warbixino qalad ah in laga sheego.

Comments (0)

Ganacsade Sh Ibraahim C/llaahi” Wax xiriir ah oo uu la leeyahay Al Shabaab ma jirto, Warbixinta laga gudbiyay waa mid aan sal iyo raad midna lahayn

Posted on 14 March 2010 by dadweyne

Ganacsade Sh Ibraahim C/llaahi ayaa iska fogeeyay eedeymo aan sal lahayn oo ay soo saareen guddi sida la sheegay baaritaan ku sameeyay xiriirka ka dhaxeeya Ganacsato Soomaaliyed iyo Hay’adaha qaramada Midoobay, iyadoo warbixinta si toos ah oo aan xishood lahayn looga magaca dilay xubno uu ka mid yahay Sh Ibraahim C/llaahi.

Ganacsade Sh Ibraahim C/llaahi oo runtii ka qeyb qaatay howlo badan oo dhinaca samafalada la xiriira waxaa uu suurageliyay in kumanaan dad ah oo baahanaa gargaar gaarsiiyo gargaar loo baahnaa, sidoo kale waxaa uu caan ku yahay howlaha nabadeynta dadka degan degaanada uu ka soo jeedo, weligiisana ma hurin colaad sokeeye iyo mid kale, sidaas darteed Sh Ibraahim wax xiriir ah kala dhaxeeyo Shabaab ama kooxo kale ma jiraan.

Mr Ibraahim, waa ganacsade sal balaaran ku leh Magaalada Baydhabo, ma jirto meel uu kaga qeyb qaatay Afduub, dil ama arrimo kale oo dambi ah.

Warbixin sanadkii hore la soo saaray ayaa lagu amaanay sida wanaagsan ee Ibraahim C/llaahi u fuliyay mashruuc biyo gelinta Gobolada Baay iyo shabeellaha hoose, isagoo fulinta howshaas caqabad kala kulmay kooxo hubeysan iyo shaqsiyaad ka soo horjeeda nolosha bani’aadamka kuwaas oo qaarkood la aaminsan yahay in ay bixiyeen warbixintan qalad ah.

Warkan ayaa lagu sheegay warbixin ay guddi baaris ku sameeyay gargaarka aadamnimo ee Soomaaliya ka diyaariyeen musuqmaasuq ay sheegeen in lagu sameeyo gargaarka Soomaaliya kaasoo ka kooban 74-bog.

Sh Ibraahim weligiisa ma uusan maalgelin Xarrakatul Shabaab ama kooxo kale oo hubeysan, waa nin ka madax bannaan dhinacyada Siyaasadda ee isku haaya soomaaliya.

“Waxaan la yaabay in warbixinta aan loo fiirsanin lagu yiri C/llaahi Cali lacagta uu qandaraasyada ka helo waxaa uu siiyaa Shabaab, bal u fiirsado micno darada ay leedahay kalmadan oo xaqiiqda si toos ah u magaca dilaysa shaqsiyada Ibraahim iyo raga kale ee la mid ah, kuwaas oo u istaagay badbaadinta nolosha malaayiin soomaali ah oo u dhimanayeen gaajo iyo biyo la’aan”ayuu yiri mid ka mid ah Nabadoonada dega Gobolka Baay oo sheegay in C/llaahi Cali mararka qaarkood halis gelin jiray Noloshiisa marka uu damaco in uu bulshada wax u qabto.

Sida la ogsoon yahay Xafiisyada qaramada Midoobay ee magaalada Baydhabo waxaa sheegtay boobkooda ururka Al Shabaab sidaas darteed suuragal ma aha in la yiraahdo C/llaahi ayaa gacan ka geystay.

 

Sida muuqata xubnaha Warbixintan soo diyaariyay waxay wax ka dhageysteen dad dagaal siyaasadeed iyo mid ganacsi ku haaya Sh Ibraahim C/llaahi, kuwaas oo dano gaar ah wata balse ka faa’ideystay oo kaliya xubnahan warbixin raadiska ahaa.

Sh Ibraahim wax xiriir ah oo kala dhaxeeyo Abuu Mansuur ma jirto, sida lagu sheegay warbixinta Sh Ibraahim waxaa uu qaraabo la yahay Abuu Mansuur, taas ayaa ka mid ah waxyaabaha beenta ah ee Warbixinta ku jira.

Runtii Sh Ibraahim isaga ayaa iska leh Gaadiidkiisa iyo hantida ma guuraaga ah ee ku yaala Baydhabo, meesha ay leeyihiin gurigii Baarlamaanka ayuu ka kireystay UNICEF, cid kasta waa ay tagi kartaa waana soo ogaan kartaa in aysan wax shaqo ah isku lahayn Bakhaarka iyo xarunta Baarlamaanka, waa labo dhismo oo deris ah.

 

 

Waxaa wax lala yaabo ah in dadkii laga afduubay xadka soomaaliya iyo Kenya madax loo geliyo Sh Ibraahim, isagoo aan wax shaqo ah ku lahayn, sida lagu sheegay warbixinta shaqaalahaas la afduubay in ay dhalashadooda ahayd Faransiiska marka bal eega beenta xad dhaafka ah ee la siiyay xubnaha soo diyaariyay warbixinta.

Shaqaalaha la afduubay ayaa waxaa ay u kala dhasheen dalalka Zimbabwe Pakistaan iyo mid kale oo la sheegay in uu dhashay wadamada reer galbeedka, waxayna u shaqeynayeen Hay’adda ICF oo la dagaalanta gaajada, laakiin xubnaha Warbixinta soo diyaariyay ayaa waxay ku sheegeen in sedaxdaba u dhasheen dalka Faransiiska.

 

Xubnaha Warbixintan soo diyaariyay waxay run ahaantii wax ka dhageysteen dad cadaw ku ah Sh Ibraahim kuwaas oo fasiraad qaldan ka bixiyay shaqsiyada Sh Ibraahim.

Ganacsade Sh Ibraahim C/llaahi waxaa uu ka nadiif yahay dagaalada sokeeye ee ka socda soomaaliya, taageerada kooxaha kala duwan ee isku haaya Siyaasadda Soomaaliya, sidoo kale weligiisa kama uusan qeyb qaadan  wax dhalin kara fal dambiyeed.

Ganacsade Sh Ibraahim C/llaahi waxaa uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo guddi kasta oo ka socda Qaramada Midoobay si loo ogaado runta warbixintan qaawan, waxaa kaloo uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo haddii guddi baaris oo ka socda Qaramada Midoobay soo gaaran soomaaliya ama dalalka deriska la ah soomaaliya.

Isagoo kalsooni buuxda ku qaba noloshiisa inuusan wax dambi ah gelin ama uusan wax xiriir ah la yeelan dhinacyada dagaalada ka wada soomaaliya ayuu soo dhaweynaya Sh Ibraahim guddi madax bannaan oo si dhab ah u baari kara noloshiisa.

 

Laakiin waxaa hubaal ah in Sh Ibraahim kala kulmi jiray dhinacyada isku haaya soomaaliya marka uu raashinka gargaarka uu gaarsin jiray degaanada soomaaliya ama markii uu fulin jiray biyo gelinta magaalada Baydhabo oo kumanaan soomaaliyed ku farxeen biyo gelintaas maadama dadka magaalada baydhabo biyo la’aan haysay waqtigaas, faa’iidada laga helay biyo gelintaasina waxaa uu Sh Ibraahim ku yeeshay sumcad wanaagsan.

Shaki kuma jiro in xubnahan warbixinta diyaariyay hal dhinac oo cadaw ah wax ka dhageysteen ama dad loolan ganacsi kala dhaxeeyo Sh Ibraahim si markaa uga faa’iideystan haddii Sh Ibraahim Ganacsigiisa la xayiro in iyaga qaataan qandaraasyada hay’adaha qaramada midoobay, dadkaasina waa dad ku guuldareystay ama ku dhacay tartankii loo galayay Qandaraasyada oo lagu kala saarayay shirkadaha Soomaalida.

Sh Ibraahim waxaa uu xaq u lahaa in xubnaha Warbixintan soo diyaariyay ay wareystaan isaga ama dadka magaalada Baydhabo dega oo si weyn u yaqaana waxqabadka Ibraahim C/llaahi,balse waxaa wax laga xumaado ay tahay in hal dhinac oo lagu kalsoonaan Karin intii warbixin laga dhageysto lagu dhaawaco shaqsi qof wanaagsan ah bulshadana wax tar ballaaran ku leh.

Ugu dambeyntii Ganacsade Sh Ibraahim C/llaahi waxaa uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo guddi kasta oo qaramada midoobay ka socda si loo ogaado xaqiiqda

Comments (0)

Wasiirka Arrimaha Dibada oo ka warbixiyay kulankii Madaxweyne Shariif iyo Gordon Brown +Sawiro

Posted on 09 March 2010 by dadweyne

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli oo ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya booqashada ku jooga Magaalada London ayaa ka warbixiyay kulamadii Madaxweyne Shariif la qaatay Madaxda Britain.
kow

Mr Jengeli ayaa sheegay in Madaxweyne Shariif ay is arkeen Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Gordon Brown, isagoo sheegay in ay ka wada hadleen xaalada guud ee dalka Soomaaliya.
SharifBrown1
Salaan
“Kulanka waxaa uu ahaa mid jawi wanaagsan ku bilowday, labada Mas’uul waxay diirada saareen Xaalada labada dhinac iyo sidii Ingiriisku taageero u siin lahaa Dowladda KMG”ayuu yiri Mr Jengeli oo intaa raaciyay.

Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa tilmaamay in Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mr Brown iyo Madaxweyne Shariif ay si gaar ah uga hadleen argagixisada iyo arrinta Burcad badeedka, waxaana uu cadeeyay in dhamaan arrimahaas la iska weydaarsaday aragtiyo kala duwan.

Mar Wasiirka uu ka hadlay arrimaha Ammaanka ayuu sheegay Madaxweynaha in ay tahay mid laga doonayo dhalinteeda Beesha Caalamka in ay gacan ka geysato isla markaasina ay kala qeyb qaataan sidii Soomaaliya ay u heli laheyd ciidan qalabeysan oo agabkooda oo dhan u dhameystiran yahay isla markaasina dagaal geli kara dhaqaalena lagu taageero.

Ugu dambeyntii waxaa uu Wasiirku sheegay in wada hadalka labadaasi mas’uul uu si wanaagsan ku soo gaba gaboobay isla markaasina natiijo wanaagsan ay kala gaareen isaga oo rajeeyay in waxyaabaha ay ka wada hadleen laga mira dhalin doono.

Madaxweyne Shariif ayaa lagu wadaa 3-da maalmood ee uu ku joogi doono wadanka Britain in uu la kulmo jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo sidoo kale madax kala duwan oo ka tirsan Dowladda Britain

Comments (0)

Qabiilnimo iyo Qoray Caaradiis (Cabduraxmaan M. Cabdullahi (baadiyow)

Posted on 07 March 2010 by dadweyne

Haddii kooxda madaxda ku noqday qoraga caaradiisa (jabhadihii hore iyo kuwii dambe) ay ka tanaasulaan xukunka, kuwa hadda xukunka ku doonaya qoraga caaradiisa ayaa albaabku ka xirmi lahaa”. 

 

Bulshada Somaaliyeed dhexdeeda waxaa maalmahaan ka socota sheekooyin iyo doodo cusub oo ku saabsan sida laga yeelaayo mustaqbalka Somaaliya iyo dawladnimada. Dadka intiisa badan waxey ku hungoobeen degdegtii ay ka rabeen in DFKM wax ku qabato oo suuragal noqon waysay. Kuwa kale, waxey ka niyadjabeen magaca Islaamka oo maalin kasta lagu dilaayo ruux Muslim ah oo aan wax dambi ah galabsan. Kuwa kale, waxey la yaabanyihiin madaafiicda ‘Indhoolaha ah” oo ay iska tuurayaan ciidanka AMISOM oo dadka rayidka ah ku dhimanaayaan. Sheekooyinkaas waxaa ka mid ah in lala yaabanyahay dhaarta joogtada ee ah in dawladdu soo afjareyso dagaalka iyo ficil la’aanteeda. Waxaa dad badan quus ka joogaan dawladda iyo mucaaradka. Laakiin haddii la weydiiyo maxaa tallo ah, waa is-afjigayaan. Tallo ma hayaan!!! Dadka intiisa badan waxey welli taladaba ka sugayaan shisheeye, dawlado ajnabi ah, beesha caalamka, dawladda Mareykanka iyo reer Yurub, Jaamicadda Carabta, Midawgga Afrika, gaar ahaan Itoobiya!!!  Aragti xumo iska dheh!!

 

Dhanka kale, waxaa Somalidu ku waalatay shirar iyo dib-u-heshiisiin aan dhamaad laheyn. In ka badan 20 sanno ayaa la hadal hayay dib-u-heshiisiin been ah oo aan waxba soo kordhin. Maxaa yeelay, ujeeddada dib-u-heshiisiinta ayaa khaldaneed, dadka loogu yeerayo ayaa khaldanaa, kuwa maamulaya ayaa inta badan niyad xumaayeen.  Wararka cusub maalmahaan waxey sheegeysaa in dib-u-heshiisiin loo sameeyay dawladda iyo Ahlu Sunna wa-Al-Jamaaca, goorma ayey dirireen? Waxaa dib-u-heshiisiin ku baaqay Jaamicadda Carabta, madaxweynuhu wuxuu sheeegay waa iney soo fadhiistaan mucaaradku miiska dib-u-heshiisiinta. Waa maxaay micnaha dib-u-heshiisiintu? Ma kuraasta xukunka oo la qeybsadaa, dabadeedna aan waxba la qaban? Ma in baarlamaanka la kordhiyaa tiro qiima jebisa jiritaankiisa? Ma in xukumadda hadda faraha badan la sii badiyaa? Yaa heshiinaya ..yaase lala heshiinayaa? Ma waxa lala heshiinaya kooxda hadda xukunka haysata oo waxaa la heshiinaya kuwa hadda qoryaha sita? Mise waxaa heshiinaya Somaalida oo dhan oo waxaa laga hadlayaa sidii loo sameyn laha dawlad aan loo kala sokeyn oo ruuxa hubeysan iyo kan aan hubeysneyn, wadaadka iyo waranluhu u simanyihiin?  Jawaabaha su’aalahasu waxey nagu baraarujinayaan inaan dib u fiirinno fikirka khaldan ee dib-u-heshiisiinta iyo iney noqotay qaab lagu dumiyo maamulkii la sameeyaba iyo qaab lagu bedelo dawaldii loo boggi waayo. Laakiin, ujeedadu ma aha dadka Somaaliyeed ha ku heshiiyaan qaabka dawaldnimada ayaga oo xor oo ku heshiinaya geedka nabadda hoostiisa iyo dalkoodu gudihiisa!

 

Arimahaas aan soo sheegnay waxey horseedayaan niyad-jabka iyo rajo-xumo. Dhab ahaantii, Somaalida waxaa gabay waa aqoonyahaanadooda ama kuwa sheegta aqoonta aan malaha “nacfiga laheyn” oo ah in laga cawdi-bilaysto. Aqoonyahaannada naftootooda ku mashquulsan oo aan dareesaneyn waajibka ka saaran dalkooda ayaga kama hadlayno oo baraarujin ayey u baahanyihiin. Waxaan ka hadlayaa waa aqoonyahaannada shirarka joogtada loogu arko, naq-raaca ah, xollo-doon ah, xaraan-cunayaalka ah, damiir laawa yaalka ah.  Waxaa la arkaa oo la maqalaa markii shir dib-u-heshiisiin la qabanayo iyo markii xukun la qeybsanayo.  Aqoonyahaannadaas intooda badan waxey shaqo ka dhigteen iney ku faaloodaan xalladeynu sida ay murugsantahay. Iney tusiyaan dadka iney wax qori yaqaanin, markii la soo gaaro gunaanadka qoraalka oo ah maxaa tallo noo ah, qoraalkoodu jawaab ma laha!  Fikir ma xambaarsana, waa talo-laawayaal.  Waxa kaliya oo ay garanayaan waa is-eedeynta, eed-sheegashada iyo far-isku-fiiqa. Waxaan isku dayay inaan doodo la furo aqoonyahaano badan safaro badan oo aan ku maray dhawaan dalal ku yaalla Afrika, Aasiya, Yurub iyo Amerika. Doodahaas qaar waxey ku dhaceen taleefoonka, kuwa kale emailka, kuwa kalena waxey ahaayeen dood aan is-hor fadhiisannay waji ka waji iyo koox–koox.

 

Doodahaas waxaan kala soo baxay faham cusub ee arimaha Somaaliya iyo sida caqliga Somaaliyeed uusan welli diyaar ugu aheen inuu ka gudbo dhibaatada dawlad la’aanta. Dabcan, aniga niyad-jab iguma ridin, laakiin waxey igu sii adkeysay garashada heerkeynna iyo culeyga hawsha na hortaalla.  Waxaa cadaatay in asalka dhibaatadeynu ayan ahayn niyad-xumideynna, ficil-xumadeynna, xoollo-boobkeynna, qabyaaladda iwm. Arimahaas oo dhan waxyaabo la mid ah ayaa ka jira caalamka oo dhan.  Laakiin dhibaatadeynna waxaa sal u ah “inaan garaneyn dawladnimada iyo meesha ay naga jirto, iyo inaan garaneyn inaan garaneyn”. Haddii aan garaneyno inaan garaneyn, waxaan baran laheyn 20kii sano ee la soo dhaafay, laakiin nasiib daro sidaas ma garaneyno. Dawladnimadu agteynna aqoon uma baahna, waayo-aragnimo uma baahna, ruux kasta waa yaqaanaa!! Waxaan hadda ka hor ku tilmaamay inaan “qiblada dawladda” ka habowsanahay oo sida ruxii aan u jeesan qiblada aan salaadiisa loo aqbaleyn, ayaan dawaldnimadaynu ayan u ansaxeyn. Waxaan horey ugu soo sheegay maqaallo aan qoray in dawaldnimadu u baahantahay afar tiir: muwaadinnimo (ma aha qabiil-qabiil), qaanuun (ma aha sida madaxdu rabto), qaraanka oo la bixiyo (canshuurta) iyo degaanka oo la sugo (inaan la guurguurin). Intaasna ay maamulan dad garanaya.

 

Waxaa tusaale noogu filan, haddii aan ku cibro-qaadaneynno, in muddo ka badan 40 sano (1969-20010) labo qaab oo kaliyah dawaldnimada lagu raadinaayay: QABILLNIMO iyo QORAY CAARADIIS, labaduna waa dumiyaan dawladnimada ee ma dhisaan.   Waa qabiilnimo, maxaa yeelay qaab kale oo reer magaalnimo ah waa isku abaabuli weynay. Xisbiyo fikrado ku dhisan oo reernimo aan ku dhisneyn waa sameyn weynay. Yaa sameyn waayay? Intaynna mutacalimiinta sheeganayasa ayaa sameyn waayay, markaas ayaan daba galnay odayaasha dhaqanka.  Xisbiyadu waxey keenaan in loo tartamo xukunka oo ku timaada si nabad ah. Laakiin, haddii tartan xalaal ah la waayo, waxaa furmaya albaabka sheydaanka oo ku dhisan in la is xoogo oo qoraga caaradiisa la isku maquuniyo. Qoray xukun-ku-maquuniskii 1969, wuxuu dhalay jabhado qoray wax ku maquuniya, wuxuu dhalay wadaado qoray wax ku maquuniya.  Meelaha qoray in la isku maquuniyo la iska daayay oo caqligu taliyay oo lagu tashaday, sida Somaliland iyo Puntland, qabiilnimadii oo sideedii ah ayaa maamul iyo dawalado laga dhisay. Haddaba, waxaa laga xurobay ugu horeyntii xukun ku maquuninta “Qoragga Caaradiisa, waxaana la baabi’yay jabhadihii, waxaana tashaday waxgaradkii.   Haseyeeshee, inta ay joogaan koox madax ku noqotay QORAGA CAARADIISA, waxaa jirayaa koox ku rabta xukunka QORAGA CAARADIISA.  “Haddii kuwa hadda madaxda ku ah qoraga caaradiisa (jabhadihii hore iyo kuwii dambe) ay ka tanaasulaan xukunka, kana tooba keenaan khaladaadkii hore, kuwa kale oo xukunka ku raba qoraga caaradiisa ayaa albaabku ka xirmi lahaa”.  Laakiin sidaas suuragal ma tahay? Ma yeelli karnaa?

 

Gunaanadkii, adeegsiga xooga iyo abaabulka magaca qabiilka waxey horjoogsadeen siyaasad xalaal ah iyo dawlad xalaal ah oo ka dhalata Somaaliya. Jiritaanka xisbiyada siyaasadeed iyo waxgaradka Somaaliyeed oo isku raacan iney diidaan xoog adeegsiga,  taageridda koox xoog wax ku xukunta, waxey bilaw u noqon kartaa dawadnimada Somaaliyeed. Dawladda hadda jirta oo ku baaqda iney ka tanaasuleyso xukunka, waxey xiri laheed albaabka sheydaanka. Laakiin, haddi aan ku sii soconno waddadii hore loogu fashilmay, dawladnimada xoog ku haysano, ama ku raadino, shisheye gacan siin ka sugno, kursiga isku dhejino, Itoobiya arimaha Somaaliyeed udaba fadhiisanno, waxaa la hubaa inaan qiblada dawladda Somaaliyeed halkaas naga jirin, hawsheynnana aan faru ka qodneyn! “Faanoole faru kama qodna”!!!

Comments (0)

Ottawa Somalis embrace skiing

Posted on 19 February 2010 by dadweyne

 

About 30 to 40 young people participate in each ski outing, but about an equal number get left behind because there isn't space for them all.
About 30 to 40 young people participate in each ski outing, but about an equal number get left behind because there isn’t space for them all. (CBC)

Spending entire cold winter days outside in the snow has become hugely popular among Ottawa immigrants from hot, sunny Somalia, thanks to a successful community ski program. 

“The kids fell in love with it and it took off and it kept getting bigger and bigger and bigger,” said Mohamed Islam, one of the organizers of the program run out of the Somali Centre for Family Services.

Grade 8 student Ahmed Abdullahi was one of the three dozen or so children, teens and young adults who hit the snowy slopes at Vorlage in Wakefield, Que., as part of the most recent outing last Friday.

 

'It's the most thrilling sport that I've ever tried in my life,' said Ahmed Abdullahi, who is in Grade 8.
‘It’s the most thrilling sport that I’ve ever tried in my life,’ said Ahmed Abdullahi, who is in Grade 8. (CBC)

“It’s the most thrilling sport that I’ve ever tried in my life,” he said, grinning from ear-to-ear. It was only his third time skiing, but was already speeding down steepest runs at Vorlage and nearby Mont-Cascades. 

Abdullahi was lucky to make it on the yellow school bus that left the Ibn Batouta French Islamic school in Ottawa after Friday prayers.

Too popular

The ski program, which started three years ago, is now so popular that about 30 or 40 children who want to go are left behind each time, said Yusuf Mohamed, who first came up with the idea of organizing the trips. There isn’t enough funding to bring everyone who wants to go.

 

Yusuf Mohamed said he started the program to get kids active in the winter.
Yusuf Mohamed said he started the program to get kids active in the winter. (CBC)

Despite the program’s success, at the beginning, nobody was excited about the idea, Islam said. 

Mohamed admitted he thought it was going to be a hard sell.

“Our community, we don’t do a lot of outdoor stuff in the wintertime because we came from a nice sunny place,” he said.

But he added that local Somali-Canadians know their community suffers from a lot of health problems because of the sedentary, indoor lifestyle they adopt when they come to Canada.

“We figured, ‘You know what? It’s winter, there’s not a lot going on for

Comments (0)

Xuska soo deyntii Nelson Mandella,11-kii bishii February 1990 maxaa soo afjarmay

Posted on 11 February 2010 by dadweyne

11-kii bishii February 1990, waxay soo afjartay nidaamkii apartheid ee midab-takorka ee Koonfur Afrika.

Xuska ugu weyn waxa maanta lagu samaynayaa magaalada Cape Town, halkaai oo marwadii hore ee Mnadella, Winnie Mandella, ay hogaamin doonto dadweyne aad u fara badan oo socod ka soo bilaabaya xabsigii ugu danbeeyey ee uu ku xirnaa Nelson Mandella muddo ku dhawdhaw soddommeye sano.

Ka dib markii la soo daayey, waxa suurtogashay in awoodii xukunku ay ku wareegto daweynihii madowga ee koonfur Afrika ee aqlabiyadda ahaa ee ANC ay hoggaaminaysay.

Nelson Mandella waxa uu noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee Koonbfur Afrika ee madoobaa.

Mandella oo haatan da’ ah, marayana dhawr iyo sagaashan jir, waxa la filayaa in galabta waqti kooban uu ka soo qayb galo oo uu hadal kooban ka jeediyo xuskaasi

 Mandela1

TAARIIKHDA MANDELLA
1918 – Wuxu ku dhashay gobolka Cape-ta bari
1964 – Waxa lagu xukumay xabsi-daa’im
1990 – Waa la soo daayey
1993 – Waxa la siiyey abaamarinta Nobel ee nabadda
1994 – Wuxu noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee madoobaa ee Koonfur Afrika
1999 – Wuxu ka degey xukunkii
2008 – Waxa uu noqday 90 jir

Comments (0)

Somalis overwhelm Yemen

Posted on 03 December 2009 by dadweyne

Six-year-old Samira said she, her mother and her two brothers had spent the past week sleeping outside the door of an office waiting their turn to register as refugees.

Her father was shot and killed in the Somali civil war. She and her family were smuggled from Somalia to Yemen in a fishing boat. At the camp, they are hoping to get a tent and some food rations.

“Every day I feel hungry in this country,” Samira said.

There are already more than 160,000 African refugees in Yemen, according to the U.N. High Commissioner for Refugees (UNHCR). Most, like Samira, are among the half million people who have fled the 18-year-old civil war in Somalia.

This year, the number of new arrivals has increased 40 percent. Families are fleeing not only war, but also drought in East Africa and political turmoil in the run-up to 2010 Ethiopian elections

They pay as much as $150 for the journey and come packed onto small fishing boats by smugglers, who beat passengers if they move even slightly, to prevent the boats from capsizing. In only a few days in early September, the United Nations reported 65 people either died or were presumed dead after three separate boats capsized.

 

More than a dozen died after being beaten by smugglers, and the rest drowned. Refugees say that many more die along the way and that the bodies are tossed overboard. “Let the fish eat them,” smugglers often say, according to Mohammad Noor Adam, a refugee from Somalia.

Sometimes the boats drop refugees on remote Yemeni beaches surrounded by desert. But often the smugglers don’t want to risk landing and order the refugees to swim to shore. Those that don’t jump are pushed.

Burham Wallow Barihu, an Eritrean refugee, made the journey across the Gulf of Aden with 140 other passengers about six months ago. Twelve died along they way, and their bodies were thrown into the gulf. When shots were fired at smugglers near the shore, an elderly woman, who was afraid to jump, was hit on the shoulder.

“I was the last off the boat because I forgot my documents,” he said. “She couldn’t drop off the boat.” Smugglers pushed the woman overboard, and Mr. Barihu wrangled her to shore. With no medicine to treat the wound, she died on the beach.

Bodies of refugees regularly wash up on the Yemeni shore and are buried in mass graves by UNHCR. So far this year, almost 300 people have drowned trying to cross the Gulf of Aden to Yemen. More than 150 are missing and presumed dead.

After landing, Somalis, who have automatic refugee status in Yemen, are picked up by the international organizations or the Yemeni police and brought to the closest U.N. registration center or refugee camp.

However, refugees from Ethiopia and Eritrea do not have automatic refugee status, which would allow them to stay in the country legally without a UNHCR interview, and often face arrest and deportation when they land. Those who speak the Somali language sometimes fake another nationality. Others flee the beaches. Many are caught and deported without the chance to plead their case to UNHCR.

The Yemeni government says the arrests are a justified defensive move. Officials say that African refugees are draining the country’s already limited resources. Yemen, one of the world’s poorest and least developed countries, is deeply embroiled in a civil war in the north that has forced 175,000 people from their homes.

The government is also battling a secessionist movement in the south, the growing al Qaeda organization, and a looming oil and water crisis that threatens every aspect of Yemen’s tenuous future. Officials often blame crime, disease, social problems, terrorism and economic hardship on the influx of refugees.

“Yemen is becoming a victim to other phenomena coming from other countries,” said Ali M. Al-Ayashi, the deputy minister for Arabic, African and Asian affairs at the Yemeni Foreign Ministry.

Yemen is the only country on the Arabian Peninsula that is a signatory to international treaties that obligate the parties to host refugees. Although many refugees say they want to go to Saudi Arabia to find work, the safest route is through Yemen.

According to Mr. Ayashi, the strain that the growing refugee population puts on Yemen should be eased with more international assistance. The international community helps refugees, he said, but does not support host countries that bear most of the burden. “One country cannot take the whole responsibility for this problem,” he said.

At the Kharaz camp, about 13,000 refugees depend on international aid for food, water, medicine, housing and education. The refugees say there is never enough to go around.

After an inchlong cockroach crawled across her bed, Kamar Hussein pulled out a picture of her family and friends, taken during happier days in Somalia long ago. She began to sob. “Look,” she said. “I used to have beautiful hair.” She ripped off her blue headscarf and pointed to her frizzy yellow head. “Now I don’t even have shampoo. There is nothing. There is nothing.”

Community leaders at the camp say they try to improve living conditions by teaching residents about health care and sanitation but are thwarted by a lack of funding.

According to Abdulaziz Mohammad Ahmed, a Somali refugee and the chairman of the Refugee Youth Club at Kharaz, new arrivals who can will leave immediately.

Those who can’t afford to take a bus to the nearest city walk for days to get out of the camp. “Here, there is no work and no food,” he said. “Most people leave fast.”

U.N. Assistant High Commissioner for Refugees, Janet Lim, recently visited Kharaz camp and said she thought refugees were better off living in Yemeni cities than in camps. In the cities, there is at least a chance of getting a job and building a new life. “A camp is not a natural setting,” she said in a phone interview after her tour. “It’s far from anywhere, in the middle of nowhere.”

But according to residents of Basateen, a shantytown just outside the port city of Aden that is home to about 15,000 African refugees, life in the city is not much easier. On a bench outside the low, white refugee service building, Zahara Yuseff said she was told to leave the Kharaz camp five days after she arrived, exhausted and beaten.

She is 21 and single, and she was told to move to the city to get a job. “They said, ‘If you are alone, you don’t get anything with us,’ ” she said. “If you are a family, you can stay.”

A month later she has no job or prospects. Desperately poor and without a nationality, refugees in Basateen say they are almost as trapped as the residents of Kharaz camp.

In other Yemeni cities, refugees say they face constant discrimination. Abi Abyah al-Manah, an Ethiopian refugee who heads the Mandated Refugee Association in the capital San’a says Africans are subjected to arbitrary arrests, violence, sexual violence and extortion by the authorities and the local people.

“No one feels sympathy if someone dies over there, because we are Africans,” he said.

Refugees in all three locations said what they really want is to be resettled in a third country. But, according to UNHCR’s Ms. Lim, there are far more refugees than there are countries willing to take them. “The possibilities are very limited,” she said.

The spike in refugees arriving on Yemeni shores this year is largely due to an increasing number of Ethiopians. A four-year-old drought in East Africa has left more than 6 million Ethiopians in need of emergency aid and killed almost 130 people in the first half of this year alone, according to Oxfam International.

But Mr. al-Manah said people are also fleeing Ethiopia because they fear violence or arrest as May 2010 elections approach. In 2005, during the last election period, 200 protesters were killed and at least 100 political leaders were arrested.

“There is a shadow of fear,” he said.

Recent arrivals from Somalia said they left their homes after family members were killed by al Shabab, a growing Islamist militia attempting to take over Somalia and enforce its strict interpretation of Islamic law. Al Shabab is closely tied to al Qaeda and able to draw recruits from all over the world, including ethnic Somalis in the United States.

While many people at Kharaz camp are occupied with desperate attempts to find a way out, others have given up hope for a better life in Yemen.

Mohammed Ahmed Ibrahim, a tall and skinny young man with a sad smile, said individual refugees without family scramble to find enough food to survive in the camp. In the cities, if a Somali can find a job, it is cleaning Yemeni bathrooms.

Journalists and NGO workers come to the camp regularly, he said. They ask questions and take notes, but life in the searing desert plods along without change. “You can write something about us,” said Mr. Ibrahim. “But nobody will help. There is no future here.”

Source: The Washington Times

Comments (0)

Barcelona,Inter iyo Chelsea oo sii adkeeyay hoggaankooda

Posted on 30 November 2009 by dadweyne

Kulankii xiisaha badnaa ee maalaayiin ruux oo caalamka ku nool ay sugayeen ee dhexmarayay labada koox ee ugu caansan dalkaasi Spain ee Barcelona iyo Real Madrid loona yaqaano El Clasico ayaa ku dhamaaday guul uu horseeday laacibka reer Sweden Zlatan Ibrahimovic ka dib markii ay 1 iyo 0 ku badisay kooxda Barcelona.

Ciyaartii xalay oo aheyd mid  xiiso badan islmarkaana isku dheeli tirneyd marka loo ego labada gelin ee ciyaarta ayaa qeybtii hore waxa ay ku dhamaatay bar bar dhac goolal la’aan ah, waxaana waxooga fursado badan helay kooxda Real Madrid oo ka fiicneyd sanadkii hore markaasoo looga badiyay nus dersan goolal ah.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Spain e Barcelona ayaa sameysay bedel muhim ahaa ka dib markii ay soo geliyeen Zlatan Ibrahamovic oo lagu bedelay Henry, waxaana durbadii uu soo galay uu ciyaaryahankii hore ee Inter uu cadeeyay inuu gool la fadhiyay keydka waxaana kubad uu soo dhigay daafaca kooxda Barcelona ee Danial Alves uu Ibra sii dabamariyay gool haye Casilas.

Qadar daqiiqada ka dib markii uu goolku dhashay ayaa Barcelona waxay noqdeen 10 ruux ka dib markii uu calaamadii labaad ee hurdiga uu qaatay Sergio Busquets oo qadka dhexe uga ciyaara Barcelona, lakiinse Real kama faa’ideysan fursadii ay heleen ee ah 10 ka nine ee Barcelona, waxaana la bedelay Ronaldo oo u muuqday mid dhaq dhaqaaq muujinayay inkastoo hadana uu san aheyn mid xalaadiisa caafimaad ah ay aheyd 100% waana sababta loo bedelay.

Qeybihii ugu danbeeyay ee ciyaarta ayaa waxaa caalamada gaduudka isagan qaatay Lassana Diara oo Real Madrid u ciyaara waxaana taas ay mugdi sii gelisay rajadii Madrid inkastoo Madrid ay cuneen fursado goolal loo filan karay.

Tababaraha kooxda Real Madrid oo maalmahanba la dhaleeceynayay ayaa sheegay in kooxdiisa ay u qalantay inay barbareyso Barcelona waxaana fekerkaas la wadaaga kabtanka kooxdaasi Iker Casilas oo isagu qaba in nasiibku uu ka weekday habeenkii xalay ahaa.

Barcelona lafteeda ma aysan ciyaarin kubadii lagu yaqiinay waxaana taasi qaba ciyaaryahanka kubad sameeyaha ah ee Xavi oo isagu sheegay inaysan xalay ciyaarin kubadii lagu yaqiinay oo u badneyd weerar, lakiinse Barcelona ayaa guushani qiimo weyn ay ugu fadhisaa waa marka hore waxay dib ula wareegtay hogaanka kala horeynta oo ay haatan iyadu hogaamineyso, tan labaadna waxay u noqoneysaa soo noqosho cusub ka dib dhowr ciyaar oo ay barbaro galeen inkastoo weli aan laga badin intii uu horyaalkani bilowday.

Dhinaca Ingariiskana waxaa weli hogaanka sii heysay Chelsea oo sanadkani dad badan ay leeyihiin waa sanadkii The Blues ka dib markii kulanka derby ga ahaa ee ay la ciyaareen kooxda Arsenal ay kaga badiyeen 3 iyo 0 waxaana goolasha u dhaliyay labo ka mid ah laacibka Afrika Drogba iyadoo goolka kalena uu iska dhaliyay daafaca Arsenal.

Guushaasi Chelsea waxa ay dhigeysaa mid hogaan sii heysata waxaana ku soo xigta Manchester United oo iyadu 4 iyo 1 habeen hore kaga badisay kooxda Portsmouth, Tottenham ayaa kaalinta sedeexaad ku jirta iyadoo habeen hore bar bar dhac 1 iyo 1 ah la gashay kooxda Astonvilla , Kooxda Liverpool oo waayadan iska heystay dhibaato xaga guusha iyo dhaawac tiro badan oo ay qabeen ayaa xalay si nasiib ah ugu guuleystay kulankii derby ga ahaa ee ay wada ciyaareen koxda ay isku magaalada yihiin ee Everton.

Ciyaryahan Yabo oo daafaca ugu ciyaara kooxda Everton ayay xalay u aheyd habeen ka mid habeenadii ugu xumaa ee soo mara dib markii uu kama gool iska dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta qebtii danbe ee ciyaartana Everton waxaa laga dhaliyay goolkii labaad ka dib kubad uu lugta la gafay Yabo uu Gerrad u helay una baasay Reira ka dibna darbo xoogan uu tuuray goolhayaha kubad ka soo laabatay uu dhaliyay Kuyt taasoo Liverpool siisay guusha waxaana ay haatan ku jiraa Kaalinta 7aad.

Dhinaca Talyaaniga haadanu eegnana Inter ayaa la moodaa inay sii carbuunatay horyaalka Talyaaniga ka dib guul ay xalay ka gaartay kooxda Fiorentina iyadoo ay kaga badiyeen gool iyo waxba goolkaasoo ahaa rigoore uu na dhaliyay Deigo Milito lakiinse aaqrirkii ciyaarta ayaa waxaa gool aan laga filaneyn inuu qasaariyo waxaa cunay Eto oo kubad ku helay isaga iyo gool hayaha kaliya.

Inter haatan waxa ku heysaa hogaanka 7 dhibcood ka dib markii ku soo xigtay ee Juventus looga badiyay 2 iyo 0 oo ay ku tuntay kooxda Caigliari Waxa ay hada Juve ka dhacday kalainta sedexaad ka dibmarkii Milan ay soo gashay oo iyadu xalay kaga adkaatay kooxda Catania 2 iyo 0 waxaana goolasha u dhaliyay Huntlear oo isagu dhaliyay labada goolba daqiiqadii 90aad iyo wixii ka danbeeyay

Comments (0)

Aden Muhumed Hassan, “I am better at collecting charcoal than my friends who have hands”

Posted on 19 November 2009 by dadweyne

HARGEISA, 19 November 2009 (IRIN) – Aden Muhumed Hassan, 46, a divorced father of one, lost his hands 11 years ago after he accidentally picked up unexploded ordnance [UXO] planted during fighting between the Somali National Movement (SNM) and former President Siad Barre’s army in Somaliland’s liberation struggle between 1981 and 1991, and during the Ogaden war between Somalia and Ethiopia in the late 1970s.

Ethiopian by origin, Hassan has lived in the self-declared republic of Somaliland since 1977. He told IRIN of his experience.

“It was about 10 in the morning [in 1988] when I was herding my cows in the Bali-Abane area [Somaliland]. When I tried to remove a piece of stick close to the place where I was watering the animals, I suddenly felt something explode; my hands were gone and I fell to the ground in shock.

“A few minutes later, I got up and walked back to the watering point where there were some people who knew me. They had nothing to stop the bleeding, so I asked them to get the leaves of the local Karir plant to control it.

“I was then loaded on to a camel and taken to Masajidka [where the SNM used to take its injured].

“Despite having no hands I was with the SNM veterans during the Somaliland liberation struggle. The war ended after the ouster of [former President] Barre [in 1991] and the capture of the northwestern regions of Somalia by the SNM. [Later the self-declared republic of Somaliland was declared.]

“I was then registered as an SNM war disabled veteran and stationed at the disabled centre in Hargeisa. The newly established government used to feed us there.

“But when the SNM term [in office] ended, we were told to go look for a livelihood. The government provided some money for those who had the worst injuries.

“I came to the city and my first job was collecting money at a company’s lavatory. I then started my own business selling charcoal in Daruraha [a settlement in the Ga’an libah District of Hargeisa] with some 200,000 Somaliland shillings [about US$32] I had saved.

“When you cannot use your hands, it is difficult eating or getting dressed. Before, when someone would give me some clothes, I did not like it because I believed I could not wear them; but later, I adapted.

“I can now wear my clothes; I can also use a spoon when eating. I am [even] better at collecting charcoal than my friends who have hands.

“Before I wanted to die but now I am able to work and I am surviving. I earn about 15,000-20,000 Somaliland shillings daily ($2.41 to $3.22).

“[Allah] has ordered us to work and promised that he will provide for our livelihood. It is for this reason that Alhamdullilah [thank God], he provides for me and my child.”

Comments (0)

Pirates seize N Korea tanker crew

Posted on 17 November 2009 by dadweyne

A chemical tanker with a crew of 28 North Koreans has been hijacked by pirates in waters off Somalia, the EU’s naval force (Navfor) says.

The MV Theresa VIII, a Singaporean-operated tanker, was taken on Monday in the south Somali Basin, 180 nautical miles north-west of the Seychelles.

It had been heading for Mombasa, Kenya, but was diverted north, Navfor said.

Meanwhile, pirates holding a Spanish trawler say they are freeing it for a ransom of at least $3.5m (£2.1m).

The Alakrana, a tuna boat, was hijacked last month along with its crew of 36, including 16 Spaniards, eight Indonesians and others from Ghana, the Ivory Coast, Madagascar, Senegal and the Seychelles.

The trawler, which is based in the Spanish Basque Country, was seized 400 nautical miles north-west of the Seychelles island of Mahe, according to coast guards.

Somali pirates, using “mother ships” to launch their small-boat attacks on vessels, have extended their range to an area off the Seychelles in recent months in order to evade the navies patrolling the Horn of Africa.

Pirates driven off

The MV Theresa VIII, the owner of which is based in the Virgin Islands, is a tanker of 22,294 deadweight tonnes, said Navfor, the EU naval force operating in the region to protect shipping.

It has emerged that guards aboard a Ukrainian cargo ship, the MV Lady Juliet, successfully fought off pirates in the Gulf of Aden on Monday.

Pirates firing Kalashnikov assault rifles and rocket-propelled grenades approached the vessel from their mother ship but came under return fire from a Navfor detachment protecting the ship.

Navfor supplies vulnerable ships with armed guards under certain circumstances.

Nobody was hurt aboard the Lady Juliet, which bears a St Vincent and The Grenadines flag, and any casualties among the pirates could not be confirmed.

More than 10 ships and 200 hostages are currently being held by pirates operating in waters off Somalia.

Many of the pirates began as fishermen and say they are stopping illegal foreign fishing boats stealing Somali fish, BBC international development correspondent Mark Doyle reports.

The upsurge in piracy in the region is a consequence of the failure to find a solution to Somalia’s political disputes, our correspondent notes.

The weak central government faces an Islamist insurgency and parts of the country have broken away to form autonomous regions

Comments (0)

SHARIIF XASAN MA MUDNA,MUXUUSE NAGA MUDAN YAHAY?

Posted on 27 October 2009 by dadweyne

Shariif Xasan Sh Aadan, Waa Ra’iisal wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Maaliyadda, waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin horumar ka sameeyay dhinaca wadahadalada iyo Siyaasadda, dadka qaarkiisana waxay ku sheegaan inuu yahay maskaxdii ka dambeysay wadahadalkii Jabuuti ee Dowladda Shariif Sheekh Axmed madaxweynaha ka yahay.
2004-tii Shariif Xasan waxaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,sidoo kale waxaa soo noqday guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysigii Dib u xoreynta xaruntiisa ahayd magaalada Asmara.
Waxaa uu qeyb weyn ka qaatay wadahadaladii Jabuuti ku dhex maray Isbaheysigaas iyo Dowladda Federaalka isagoo sidoo kalena abuuray tanaasulaad fara badan.
Haatan oo ah Wasiirka Maaliyadda waxaa sameeyay dhaqaaq muhiim ah kadib markii heshiis la galay shirkad Caalami ah oo ilaalinaysa hantida Dowladda.
Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa wareysi uu hadda ka hor siiyay BBC-da waxaa uu ku sheegay in wasaaraddiisu ay heshiis la gashay shirkadda Price Water House Cooper PWC, oo xagga xisaabaadka qaabbilsan.

Heshiiskan waxaa amaan ballaaran u jeedisay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Ciliton mar ay Magaalada Nairobi kula kulantay Madaxweynaha Somaliya Shariif Sheekh Axmed
Laga billaabo 1-da November 2009, badeecad kasta oo Soomaaliya uga imaaneysa dibadda waa in ay haysataa shahaado ay soo siisay sharikadda Bureau Veritas, oo ay dowladda Soomaaliya heshiis kula gashay in ay baarto tayada badeecadaha tegeya Soomaaliya
Wasiirka Ganacsiga ee Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Cabdi, ayaa BBC u sheegay in heshiiskan oo hadda dhaqan gelaya uu yahay mid uu hore u saxiixay Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Adan.
Haddaba dad ayaa bilaabay in ay si qaldan u fasiraan waxqabadka uu sameeyay Wasiirka Maaliyadda, kooxdaas waxay sameeyen dacaayado raqiis ah oo waxba u dhimi karin tayada waxqabadka Wasiirka.
Hadalada been abuurka ah ee la sameeyay Wasiirka Maaliyadda waxaa ka mid ah inuu isago maamulo Siyaasadda Dowladda taasina waa mid xaaran ah oo dad waxmagarato faafiyeen.
Dowladda waxay leedahay Baarlamaan,madaxweyne, Xukuumad uu madax ka yahay Cumar C/rashiid, Shariif Xasana waxaa uu ka mid yahay Golaha wasiirada Cumar hoggaamiya waxaa uu golahaas ku dhex leeyahay kaliya fikirkiisa wuxuuna la mid yahay Wasiirada kale ee Xukuumadda ka mid ah.
Mas’uul kasta waa la eedeyn karaa laakiin ma aha in la abuuro dacaayado micno ku dhisnayn oo raqiis ah kuwaas oo la dhihi karo waa cadawtinimo,xaasidnimo iyo dadnimo xumo la ciif ah.
Dadka Soomaaliyed waxaa looga baahan yahay in ay fahamaan micnaha uu leeyahay hadalka wanaaga, waayo xumaanto Diinteena Islaamka ma ogola xitaa haddii aad xumaan aragto waxaa fiican inaad hakameyso oo aad talo fiican ka dhiibato si loo bedelo xumaantaas loona helo wanaag.
Shariif Xasan waxaa ka mid yahay sidan kor ku soo xusnay xubnaha dib-u-heshiisiinta horumar weyn ka sameeyey oo qaar ka mid ah maanta ka mid ah Golaha wasiirada qaar kalena Sida Axmed C/salaan iyo Mustaf Dhuxulow jagadii ay haayan ka doorteen Maslaxada Umadda Soomaaliyed, iyagoo tanaasulaad aan horey loo arkin sameeyay.
Shariif Xasana waxaa uu ka tanasulay markii Jabuuti la isugu tagay jagada Guddoomiyaha baarlamaanka oo uu si aad u doon doonayay ka hor inta uusan ka tanaasulin

19 sano oo nidaam la’aan ka jirtay Somaliya dadkii oo dhan sidu dalka isku bedelay ayay isku bedeleen,waxay eegaan oo kaliya dhinaca xumaanta, waxaa wanaagsan in la eego dhinaca wanaaga xitaa waa la is barbar dhigi karaa labada dhinaca.
Aan eegno xaalada dalkeena ku jira, aan la shaqeyno nidaamka hadda madaxda ka yahay Shariif Sh Axmed si looga baxo nidaam la’aanta.
Haddaba Shariif Xasan Sheekh ma mudna in laga faafiyo hadalo iyo eriyo been abuur ah, waxaan qabaa in lagu amaano waxqabadkiisa laguna taageero dadaalkiisa fara badan ee dhinaca nabadda ah.

Comments (0)

Shabaabka oo been ku jiifanaya xasan Dahir

Posted on 04 October 2009 by dadweyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdishu waxay sheegayaan in shalay fiidkii ay kulmeen madax sare oo ka tirsan ururrada Xisbul Islaam iyo Al-Shabab iyagoo ka wada hadlay xallinta khilaafadka ka dhashay gacan-ku-haynta magaalada Kismaayo.

Madaxda maleeshiyada shabaab ayaa u muuqday kuwa madax salaaxid ugu tagay Xasan Dahir oo degaanka Lafoole ku sugan, iyadoo amaankana aad loo ilaalinayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulanka madaxda kulantay ay kala hoggaaminayeen guddoomiyaha ururka Xisbul Islam Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Mukhtaar Roobow “Abu Mansuur” afhayeenkii hore shabaab.

Wararka kale ayaa sheegaya in kulankaas uu fadhiyay hogaamiyaha shabaab Axmed Cabdi Godane “Abu Zubayr”.

Warar aynu ka helany ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kulanka ay codsadeen dhinaca Al-Shabab oo la sheegay inay ka kululaadeen go’aankii adkaa ee hogganaka sare ee ururka Xisbul Islaam uu ka qaatay khilaafka Kismayao kaasi oo ay ku tilmaameen inuu ka dhigan yahay dagaal lagu soo qaaday Xisbul Islaam.

laakiin shabaabka ayaa caan ku ah qiyaanada Siyaasadeed iyagoo madaxa ka salaaxa qofkii markaas ay rabaan in ay khaarajiyaan, sida cadna Xisbul islaam ayaa ku taagan ha lug oo kaliya saadasha laga bixinayo dagaal dhex mara labada dhinaca ayaa ah mid dhaw.

Comments (0)

Somalia: Where bullets target the old and infants alike

Posted on 07 September 2009 by dadweyne

Mogadishu, Somalia – Cradling her baby brother in stick-thin arms, eight-year-old Halima Mayow says little about the incident that wiped out their family in Mogadishu.

 

But, at a camp on the outskirts of the Somali capital, the only word she does utter – “Mortar! Mortar!” – sums up the tragedy which has spawned two more orphans in this war-torn country.

Halima Mayow and her baby brother lost their family in a mortar attack.

A neighbour says a shell landed on the children’s family home at a slum in the Siisii area, north of the city.

“It killed the father, the mother and three of the children,” Shamso Abdulle said.

“We took these two children with us after their family was buried by the villagers.

A human exodus

“They will live with us because we don’t know where their relatives are and we couldn’t leave them there.”

Intense fighting between forces in favour of the UN-backed government and radical Islamist guerrillas has triggered a human exodus from the bullet-pocked capital since the second week of May.

The UN refugee agency says more than 100,000 people have been forced out of their homes during the recent bout of bloodletting.

It leaves an estimated half a million internally displaced people languishing on the outskirts of the city.

Oxfam’s coordinator for the failed Horn of Africa state warned last week that the crisis in Somalia was Africa’s worst for many years.

According to figures gathered from the cemeteries, hospitals and residential areas by local human right groups, more than 200 people have died over the last month alone.

“Nearly 300 others were injured,” said Ali Fadhaa, of the local Elmen rights organisation.

The crump of mortars; the crackle of gunfire; eerily empty streets; prowling guerrillas and looters; sprawling refugee camps; hospitals overflowing with casualties, their bodies smashed open by bullets, shells and shrapnel – these are the everyday scenes of life in Mogadishu.

Those who have managed to flee the carnage have done so with little more than sleeping mats and the clothes they wore.

Food is scarce, water is very costly and there is no sanitation, though some refugees have access to water tanks donated by local non-governmental organisations affiliated to international aid groups.

Relief efforts have been hampered by the lack of security, poor infrastructure and harassment from government soldiers.

As well as her own children, 24-year-old Sahra Ahmed Dahir is caring for six orphaned youngsters under a tree in the Elasha neighbourhood, south-west of the city.

“We’re looking for shelter but it’s very expensive. I have no-one to support me and and nowhere to go,” she said.

“My husband died a week ago before we came here. He was hit by a stray bullet, while trying to go out to bring food to the children.”

The internally displaced people’s camps are full of young people who have been separated from their adult relatives during the fighting.

Sixteen-year-old Ma’ey Kheyrow has been left caring for her baby brother after losing her parents and sister.

“I only remember a week ago we were separated by gunfire as we were running out of our village in Mogadishu,” she says. “We ran in two different directions and since then I haven’t heard of them.”

Civilians end up slaughtered daily in the crossfire.

The gory civilian by-product of the mayhem can be glimpsed in the city’s three hospitals: Medina and Keysaney (run by the International Committee of the Red Cross) and Daynile (run by Medecins Sans Frontieres).

Just 30 days old, the tiny chalky grey body of Sahali Haji Abdi lies trembling on an operating table in Medina Hospital.
His little stomach is slit down the middle.

A nurse says a doctor is searching for a bullet in the baby’s abdomen; one can see a large hole in his lower back.
Sahali’s frantic mother awaits the results of the surgery outside the operating theatre.

“Me and my family were about to flee a house in Jungal (north Mogadishu) when the bullet hit my son,” she said.

“I only realised he was hit when I heard him cry out and saw blood streaming out of a cot he was lying on.”
Overflowing hospitals

Whenever there is fighting, a convoy of cars, minibuses and trucks deliver civilians to the already overflowing hospitals.
Radical Islamist guerrillas have sworn to topple the UN-backed government.

Those without motor transport have to rely on wheelbarrows or carts.

Dr Mohamed Yusuf, a surgeon at Medina Hospital, says they could not cope with the patients because of a lack of beds and staff.

“We have the medicine provided by Red Cross, but there are few doctors and nurses,” he said.

The hospital has only 100 beds but is often coping with four times that number of patients, many lying on tables, the floor or tents in the corridors.

There are few certainties in Somalia, but one thing seems depressingly inevitable: as battles continue to rage in Mogadishu, more innocents like Halima, Sahali and Ma’ey will endure suffering beyond their tender years. (BBC online).

Comments (0)

Xasuuqa ay geysteen Amisom iyo Shabaab sanadaha 2008, 2009

Posted on 18 August 2009 by dadweyne

Mid weliba oo ka mid ah labadaasi midkoodna maaha Somali labaduba waa shisheeye mid welibana wuxuu ku andacoodaa in uu sugaayo amaanka Shacaka somaliyeed , iyadoo aysan jirin shacad u xilsaartay arintaasi.

Amisom

Hawlgalka Africa ee nabad ilaalinta Geeska Afrika ama ciidanka loo keenay Dalka Somaliya inay ilaaliyaan Nabada, Sida ku cad qaraarka 1725 ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobeey (GAQM), la hirgeliyey Disembar 2006dii, wuxuu Golaha
Ammaanku guddoonsaday,
“… in idan la siiyo Hogaanka horumarineed ee ka dhexeeya Xukuumadaha geeska Afrika (HHXDh) iyo dawladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika(MA) inay Soomaaliya ka sameeyaan hawlgallo ilaalis iyo tababbarro,” iyagoo haysta amarka sharciga ah ee soo socda:

(a) inay isha ku hayaan Hay’adaha Federaalka Ku-meel-gaarka [HFKMG] iyo sidii loo fulin lahaa wadahaladii u dhexeeyay Dowlada iyo MMI.
;
(b) in la xaqiiyiyo siduu isu socodka, is-dhexmarku u ahaan lahaa mid ammaan ah dhammaan intii wadahadallada ka qaybqaadatay;

(c) in la sugo oo isha lagu hayo ammaanka Baydhabo;oo xarun u ah Dowlada Kumeel gaarka ah .

(d) in la ilaaliyo xubnaha ka mid ah HFKMG iyo Xukuumadda iyo sidoo kale ilaha muhiimka asaasiga ah;

 (e) inay tababbaraan ciidammada ammaanka ee HFKMG si ay ammaanka dalka u sugaan iyo inay sahlaan sidii dib loogu asaasi lahaa ciidanka ammaanka qaranka Soomaaliya.”

Xasuuqa ay geysteen

Hadaba iyaga oo loo keenay Dalka in ay ilaaliyaan Nabada iyo in ay tababar siiyaan Ciidanka dowlada ayaa hadana Ciidamada Amisom mar weliba waxay xasuuq ba ani ku haayan shacabka ku dhaqan Magalada Mogdishu, iyagoo mar alla markiii weerar lagu soo qaado aanan fiirin halka uu weerarka ooga yimid ee madaafiic u qeybiya xaafadha Magaalda Mogdishu oo idil Madaafiicda ay ka tuuraan xerooyinkooda ayaa waxa ay sababtaa dhimshada rayid fara badan iyo dhaawaca, sidoo kale burbur iyo barakac. Taariiq 3-Feb-2009, Ciidamda Amisom waxay si bareer ah u dileen 14 dhalinyaro oo ka akdhowaa xili lagu soo tuuray madafiic. Rayid marayay wadada Maka Almukarama ee magaalada Mogadishu ayay xasuuqeen kuwaasi oo aan waxba galabsan tirade Rayidkaasi somaliyeed ayaa lagu qiyaasaa ilaa 40 ruux.

Ciidamadan Amisom oo ah ciidan laga keenay Dalalka Afrika hadafkooduna uu yahay in Dalka Somaliya ahaado meel Fowdo ah si Mushaarka ay ka qaadanaayaan Caalamka uusan ooga go’in taasi oo ah in sanad weliba ay ku qaataan daadinta dhiiga muslimka ah ee somaliyeed Lacag dhan 500 Milyan oo us dollar ah. Waxaa intaasi usii dheer in Rasaasta ay ku dagaalamaan Kooxaha iyaga la dagaalama laga soo iibiyay Hogaanka Amisom.

Amisom joogitaanka ay joogaan Somaliya waxay ku dhisaan dalalka ay asal ahaan kasoo jeedaan waxayna burbur iyo halaag ku haayaan Dalkeena iyo Shacabkeena Somali. hadii aanu tusaale ahaan usoo qaadano Ciidamada UGANDA waxaa sanad weliba la siiyaa Dowlada Uganda 380 Milyan US Dollar ah si ay oogu howl galaan gudaha somaliya.Dowlada Ugandhana waxay mushaar ahaan u siisaa askarta ka joogta somaliya 700 USD/Askari 100 ka mid ah ayaa loogu diraa somaliya si ay biil ahaan ugu isticmaalaan 600-kalena ee usoo hartay koonto ugu taal bank ku yaala kambaala ayaa loogu shubaa si ay ugu aruurto. Looma ogala in ay ku isticmaalaan inta badan gudaha somaliya.

halka ciidanka jooga gudaha dalka Ugandhana ee ugandeseka ah ay mushaar ahaan u qaataan lacag ka yar 50 Dollar bishii. Waxa intaasi usii dheer Agabyo Milatery , Agabyada Miltery ee loogu deeqo waxay u iibgeeyaan suuqyada Magaalada Mogadishu iyaga oo uu hadafkooda yahay in ay sii joogaan somaliya oo uu weerar ooga yimaado dhanka mucaaradka si aanan loo dhihin somaliya nabad baa ka dhalatay ee Amisom haka baxaan. Yacni si aysan u weynin dhaqaalaha kasoo galo xasuuqa ay ku haayaan shacabka aanan loo maqneyn ilaaheey kasokoow.

Dilalka Qorsheysan

00.00

Alshabaab

Waa Urur diimeed oo xiriir la leh ururo ka dagaalama Afghanistan iyo shaqsiyaad aan magacyadooda laga sheegin warbaahinta. Alshabaab ayaa waxay si xowli ahi ugu faafeen Kofurta somaliya sanadka 2006. Alshabaab waxay sheegtaan in ay yihiin urur diini ah una  dagaalama diinta iyo danaha islaamka balse arintaasi waxaa shaki weyn ka muujiyey shacabka somaliyeed,waxay ka dagaalmaan oo halaag u soo hooyeen dalka somaliya gaar ahaan Koonfurta Dalka.
Waxay feejignaan  ka qabaan dhammaan ama inta badan culimada Soomaaliyeed ee kala itijaahyada duwan, sida Suufiyada, Ikhwaanka, Salafiyada iyo sidoo kale ururrada kala duwan sida Itixaad, Ictisaam, Islaax, Majmaca Culimada iyo kuwa kaleba.
Dhaqdhaqaaqa Alshabaab malahan culumaa-udiin hogaamisa oo ay wax ka dhageystaan marka laga reebo dhalinyaro cilmigooda diinta aan sidaasi usii buurneyn, mana aha urur ku yimid rabitaanka shacabka Somaliyed ama heshiishyo Caalami ah sida AMISOM ku soo galeen dalkeena.

Xasuuqa ay geysteen

Si joogta ah ayay u xasuuqaan shacabka somaliyeed ee ku nool kofurta iyo bartamaha somaliya , bililiqo ayay u geystaan meel weliba oo ay qabsadaan iyaga oo ku tilmaama qaniimo waxay biliqeystaan hantida Dowladaha Maxaliga ah Waxay xasuuq ba’ani ku haayaan bulshada somaliyeed gaar ahaan goobaha ay iyagu ka taliyaan iyagoo marweliba soo roga qawaaniin ka baxsan shareecada islamka kuna tilmaama shareeco.

Dilalka Qorsheysan
Gabood-fallada Somaliya ka dhaca ee ay geystaan Ciidama Alshabaab ayaa waxaa ugu daran dilalka qorsheysan  kuwaa oo ay ku bartilmaamedsadaan dad wax tar u leh bulshada taakta daran ee somaliyed .Alshabaab ayaa waxa ay magaalada mogdishu ka dhexbilaabeen sanadka 2007 mashruuc ah dabargoynta Indheergaradka Bulshada kuwaa oo Eebe hibada usiiyay hogaaminta iyo taakuleynta Bulshada, ilaa iyo haatana wey wadaan mashruucaasi oo waxay ku faafiyeen goobaha ay ku badanyihiin.
Hanjabaadyo isdaba joog ah oo ka dhan ah Samafalayaasha iyo indheergaradka somaliyed ayaa waxa soo dirayay Jameceda Shabab iyaga oo ku eedeynaya in ay yihiin Gaal kaal kaaliye ama Murtad.
Hanjabaad toos ah ayaa waxa laga siii daayay taariiq 2-jan-2008, Radiyaha shabelle, waxana ka hadlay nin ku sheegay magaciisa sheikh Mohamoud , sheikh Mohamud ayaa waxa uu digniin kama danbeys ah siiyay Shaqalaha Hay’adaha samafalka, Odiiyaasha, Nabadoonada in ay joojiyaan howlaha ay wadaan ayna iskiiga baxaan dalka hadii kale uu ugaarsan doono meel weliba oo ay ka joogaan dalka .xaqiiqatan Sheikh Mohamud hadalkiisa uu kasii daayay Radiyaha shabelle  waa uu ka dhabeeyay oo waxa uu qaarjiyey ama si toos ah u dileen  ururkiisa mas uliyiinta iyo Rayidka hoos ku xusan magacyadooda:

Mohamud Ahmed oo ahaa xubin ka mid ah  hay’ada DBG Lagu dilay xarunta DBG taariiq 2-Jan-2008.
Isse Abdulqadir Xaji oo ahaa samale u shaqeynayay hay’ada ZAM  ZAM Foundation Lagu dilay Degmada Yaaqshiid taariiq  7-January-2008.
Qarax Bam ah waxay ku qaarjiyeen samafaleyaasha ajaaniibta ah ee soo socda taariiq 28-January-2008 gudaha Magaalada Kismayo:
Victor Okumu oo ah Kenyan, Damien Lehalle oo ah France iyo Billan  samafaleyaashaasi aya waxa ay u shaqeynayeen hay-ada MSF Nederland, Qaraxaasi bamb waxa xitaa ku dhintay Xasan Kafi Xared oo ahaa journalist ka akdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay.
9-saraakiil oo ka tirsanaa  ciidadma dowlada ayay ku Gowraceen duleedka magaalada Baydhabo Taariiq Febraury 9-2008.
Abukar Abdulahi Osman oo ahaa Kumasaarigii Degmada yaaqshiid ee Magaadla Mogdishu lagu dilay Degmada Yaaqshiid.Taariiq 14-Feb-2009.
Sarkaal ka tirsan Ciidamda policeka oo aan magaciisa saxda ah haynin hada ayaa waxa ay ku qaarjiyeen Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Mogadishu. taariiq 25-Feb-2009.
Nabadoon Sheikh Muhammad Ahmed Kashka ayay ku dileen Magaalada Mogdishu asiga oo kasoo laabtay Masaajid. Taariiq 10-March-2009.
Ciidanka shabaab ayaa waxa ay weerar ku qaadeen gaari ay laheyd hay ada msf spain oo marayay wadada u dhaxeysa Xamar iyo Balcad waxayna ku dileen shaqaalihii saarnaa , isla maalintaa ayaa waxay bartilmaamedsadeen gudoomiyihii degmada balcad iyaga oo ku weeraray gaari uu la socday kuna dilay. Taariiq 12-March-2008
Ahmed Mudey oo ahaa taliyaha ciidanka Nabad sugida ee degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayay ku dileen Isla degmadaasi taariiq 17-March-2008.
Ilaadadii hospitalka SOS ayay shashab ku qarjiyeen hospitalka iyaga oo bililiqaystay  cusspitalka waqtigaasi. Taariiq 23-March-2008.

Gudaha magaalada beledweyne waxa ay ku dileen:
Da’ud Xasan Cali, Rexana Axmed oo kawada tirsanaa Hiran Cummunity education,
Iyo Macalamin Kenyan ah oo kala ah Gilford Koech iyo Andrew Kibet. Taariiq 14-April-2008.

Ahmed Moalim Bario oo ahaa agaasimaha hay’ada  Horn Relief lagu dilay Gurigiisa dhexdiisa oo ku yaalay Magaaldaa Kismaayo Taariiq 17-May-2008.

Nasteh Dahir Farah oo ahaa journalist lagu dilay gudaha Magaalada kismaayo taariiq 7-jun-2008.

Col. Ali Barre oo ahaa sarkal ka tirsanaa ciidamda Dowlada ee Degmadaasi Qansaxdhere ayay ku dileen isla Degmadaasi gudaheeda taariiq 7-Jun-2008.

Mohammed Abdulle Mahdi oo ahaa Agaasimaha Women and Child Care Association, lagu dilay Magaalada Beledweyne taariiq 11-Jun-2008.

Nabadoon Mohamed Hassan Kulmiye Lagu qarjiyey gudaha Magaalada Beledweyne Taariiq 22-jun-2008.
Siyaad Mohamed Owroow oo ahaa Agaasimaha ASAL aid agency lagu qarjiyey Gudaha Magaalada Mogdishu.
Abdikarin Sheikh Ibrahim  oo ahaa Agaasimaha   Hay;ada Takuleynta Agoonta ayay ku qarjiyeen Gudaha Magaadla Mogadishu taariiq 2-ju-2008.
Osman Ali Ahmed oo ahaa Madaxa UNDP ee Somaliya ayay ku qarjiyeen Gudaha magaadla Mogadishu taariiq 6-Jul-2008.
Mohamed Muhamoud Qeyre oo ahaa Kuxigeenka Agaasimaha Hay’ada DBG ayay ku qaarjiyeen Daafaha Magaalada Mogdishu xilli uu dadka barakacaayasha ahi u qeybinaayay mucaawino.
Mohamud Ahmed Roble oo ahaa Agaasime hay’ad Maxali ayay ku dileen Bartamaha Somaliya taariiq 11-jul-2008.
Ali Bashi Alore oo ahaa Madaxa Hay’ada SORDO ayay ku dileen Daafaha Magaalda Mogadishu xili uu ku jiray shaqo taariiq 11-jul-2008.
Safhan Moalim Muktar oo ahaa Agaasimaha South Somali Youth Organization. Lagu dilay agagaarka magaalada Baydhabo Taariiq 14-jul-2008.
Abdulkadir Yusuf Kariye oo ahaa Madaxa Lafole Orphanage Centre ayay ku qarjiyeen xaruntiisa ee lafoole taariiq 6-Aug-2008.
Abdullahi Jahawarer oo ahaa sarkaal dhanka amaanka u qaabsinaa dowlada gobalka bakool ayay ku dileen gurugiisa Degmada Xudur.

Adan Quresh oo ahaa samafale ajnabi ah ayaa waxay ku qarjiyeen Magaalada wajid Tariq 12-Augost-2008.

Abdulkadir Diyad Mohamed oo ahaaa sarkaal u shaqeynayay hay’ada WFP ayaa waxey ku dileen Magaalada Dinsor tariiq 15-Augost-2008.

Guled abdi oo ahaa Xeer ilaaliyaha Maxkamda Gobalka Banaadir ayaa waxay ku dileen Magaalada Mogadishu. Taariiq 25-Augost-2008.

Dacar Xoshow oo ahaa Gudoomiyaha Odiyaasha Gobalka Hiiraan ayay ku qaarjiyeen Magaalada Beledweyne, taariiq 7-October-2008.

Mohamed Osman oo ahaa shaqaale u shaqeynayay hay-ada Mercy Corps ayay  ku dileen Gudaha Magaalada jamaame. Taariiq 9-Nov-2008.

Sarkaal oo hada aan heynin magaciisa una shaqeynayay Hayada Cunida Aduunka WFP ayaa ay ku dileen Degmada Dayniile ee Magaalada Mogadishu, taariiq 8-Jan-2009.

Abdirahaman Xaji Mohamed oo ka mid ahaa saraakisha Dowlada ee Gobalada jubooyinka ayaa waxa ay ku Daldaleen Gudaha Magaalda kismayo.taariiq 16-Jan-2009.

Sheik Hussein Khalif oo ka mid ahaa Culumada somaliyeed ayaa waxay ku dileen bartamaha Somaliya. Taariiq 5-Feb-2009

Caasha Dhuxulow oo aheyd gabar yar oo 13 sano jir ah ayay ku daldaleen gudaha Magaalada Kismaayo kadib markii ay ku kufsadeen xeebta magaalada kismaayo. waxay ku eedeeyeen alshabaab gabadhaasi yar in ay sinaysatay hadii aanu eegno xukunka islamka o ay ku andacoonaayaan.  ma gabar kaligeed miyaa iska sinaysatay aayadu micnaheedu waxa waaye (Azaani wazaaniyatu)aawey wiiilkii ka sinaystay (zaanigii)taasi waa ay iska cadatay in ay kufsadeen kadibne dhagax ku dileen. Halkaan ka daawo Video- ah aabaha Marxuumada yar waxa uu ka yiri Nimanka Alshabaab (guji-riix) mar uu ka hadlaayay dhacdadaasi.

Ahmed Hussein oo ahaa  Samafale u shaqeynayay Hayada WFP ayay ku dileen Magaalada Mogadishu taariiq 19-March-2009.

2-Sarkaal oo hada aanan heynin magacyadooda  kana tirsanaa Midow Maxkadaha islamiga ayaa waxa ay ku Gowraceen Gudaha magaalada balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe taariiq 19-March-2009.

Hussein Omar Mohamud iyo laba kaalkaaliye u ahaa oo u shaqeynayay hay ad maxali ah ayaa waxay ku daldaleen Degmada ceelbarde ee gobalka Bakool. Taariiq 10-April-2009.

Cumar Sherif oo ahaa Samafale u shaqeynayay Hayada Care International ayaa waxa ay ku qaarjiyeen Bartamaha Somaliya tariiq 20-Apr-2009.

Qarax ismiidaamin ah oo ay ka geysteen Gudaha Magaalada Beledweyne Taariiq 18-jun-2009 waxa ay ku qaarjiyeen Mas’uuliyiinta hoos ku qoran magacyadooda:

Xildhibaan Cumar Xaashi Aadaan oo ahaa wasiirkii Amniga Qaranka ee DFKM.
C/kariin Faarax Laqannyo oo ahaa safiirkii somaliya u fadhiyey Eithopia.
Max’ed Cabdi Yaroow (Gaashaanle sare)
Max’ed Barre Fiidow (Gaashaanle Sare)
Cumar Xasan Dhudi (G/sare iyo Taliyihii Ciidanka Asluubta Hiiraan.)
Yuusuf Xuseen Tima Cadde (Korneel.)
Faarax Cabdule Fiidow (Nabadoon.)

Xasan Dariiqow (Nabadoon.)

Xasan Cilmi Hure (Nabadoon.)
Axmed Carabay (Nabadoon)
Cilmi Shire  (Nabadoon)
Max’ed Cabdi Cibaar (Abwaan)
Cabdi Dhuux Guure Cali (Abwaan).
Buule xaashi Aadan (Ganacsade)
C/fitaax Cali xaydar (Injineer)

Xildhibaan Mohamed Hussein Addow (ENG Adow)oo ka mid ahaa xildhibaanadda Barlamaanka DFKM ayaa waxa ay ku Gowraceen gudaha degmada Kaaraan ee magaalada Mogadshu taariiq 19-Jun-2009.

Afar Dhalinyaro reer Mogadishu ah ayay si arxandaro ahi ooga gooyeen Gacan iyo Lug isdhaaf ah. Kadib markii laga jaray gacan iyolug  isdhaaf ah afartaasi ayaa waxa ay u dhinteen dhiig bax. Taariiq 26-Jun-2009.

Nuur daqli oo ka mid ahaa saraakiisha DFKM ayaa waxa ay ku dileen gudaha Magaalada Mogadishu taariiq 11-Jul-2009.

Abdiraxman Warabow oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa DFKM ayay ku Gowraceen duleedka Magaalada Baydhabo Taariiq 11-jul-2009.

Maamulka Alshabaab ayaa waxa uu xabsiga magaalada Balcad dhigay 350 haween kadib markii ay iibsankari waayeen dharka adag ee jalaabiibka ahi taasi oo aheyd awaamir cusub oo ay alshabaab kusoo rogeen magaalada balcad, waxayna u sheegaan raga dhalay ama qaba dumarkaasi inay ka guursandonaan hadii ay u gadi waayaan dharkaasi . Halkan ka dhageyso cabashada dadka reer balcad ay ka cabanayaan maamulka maylka adag ee alshabaab, dhacdadaasi waxay dhacday  tariiq 27-jul-2009: (guji-riix)

Alshabaab ayaa waxa ay ku saleeyaan dilalkaasi qorsheysan iyo xukunada foosha xun ee ay ku dileen/xukumeen mas uuliyiinta iyo muwaadiniinta kor ku xusan aayado iyo axaadiis iyaga oo ay ujeedadooda tahay in uu ahaado dalkeena soomaaliya fowdo iyo meel ay  qalalaasi aanu ka dhamaan si ay ugu dhuuntaan dambiile yaal ay Laaluush iyo qandaraas lasoo qaateen kuwaa oo dalalkooda ku noolaan waayay  taas oo ah in umada ay u qaxinaayaan una laaynaayaan in dad aan dalka u dhalanin lagu badbaadiyo dhiiga shacabkeena soomaaliyeed taasna waxaa si cad uga soo horjeestay Culumaa’udiinka Somaliyeed . Hadaba halkan ka dhageyso Majmaca Culumaa’udiinka Somaaliyeed sida ay u xaaraantinimeeyeen Dhaqanka iyo ahdaafta alshabaab ay ka wadaan Dalka Somaliya: (guji-riix)

Barakaca ka dhashay  is herdinta AMISOM & SHABAB

3-milyan oo Somali ah ayaa ka barakacay guryahooda iyaga oo ka cararay Dagaalka u dhexeeya Amisom iyo Shabaab. Muwaadiniintan ka Barakacay Dalkoodii ayaa qarkood waxa ay ku nafwaayeen Badaha, Saxaraha, halka qaar kalena lagu dilay xuduudahda ay ka tahriibaan.

Meeqa Muwadiniin Somali ah dooni la shiiday maraakiib la ga tuuray ama mator la shiiday Meydkoodu sabeeyay Malaaybadeedka cuneen ?
Meeqa ayaa meel lagu sheegin miriqdoodu laheynin ama macrifo aan laheyn ?.
Meeqa ayaa waaali ku nool oo maanka looga jiraa Maskaxdooda isku yaacday oo daclada Dunida ku macluulsan ?. Ma xisaab tirakoobna waa mas’allo la yaab badan.

Barakacayaal farabadan ayaa ku dhibaateysan gudahda somaliya, daafaha magaadla Mogadishu waxaa ku dhibaateysan Kumanaan guryahooda ay kasoo cayrsadeen Gashaanbuurta Shabab iyo Amisom.

Bada u dhaxeysa Somaliya iyo Yemen waxaa ku nafwaayay Muwaadiniin Somali ah oo lagu qiyaasay Boqolaal qof taariq 2008 ilaa 2009, halka tira Kumanaan kalena ay ku macluulsanyihiin xerooyinka ku yaala gudaha Yemen.

Kenya waxaa gaaray ilaa 50,000 oo qaxooti Somali ah kuwaasi oo lagu hayo xerooyin ku yaala waqooyi bari ee dalkaasi sida xerada dhadhaab Wax mustaqbal ahi ma heystaan waxa ay la ildaranyihiin Malariya waxa intaasi usii dheer hoy xumo oo waxa ay deganyihiin guryo ka samysan Cariish guryahaasi ma celin karaan roobabka marka uu roob yimaado.

Hadii aanu eegno qaxootiga somaliyed ee ka cararay Dagaalka u dhaxeeya Amisom iyo Shabaab ee gaaray Dalka Libya, waxaa Libya gudaheeda ku xeran oo ilaa mudo sanad ka badan ah xeran qaxooti tiradoodu gaareyso ilaa 1,430 oo Somali ah waxayna ku kala jiraan xabsiyada kala ah:
1-Hankar oo kuyaala Duleedka Magaalda Kufra ee Kofurta dalkaasi Libya waxa ku jirta 250 somali ah.
2-Jawasad Ijdabya 00 ku yaala bartamaha dalkaasi Libya waxaa ku xeran 200 somali ah.
3-Kunfudiyo oo ku yaala Duleedka Magaalada Benghazi ahna Bariga Libya waxaa ku xeran 500 somali ah.
4-Falaax oo ku yaala Tripoli ahna caasimada Dalkaasi Libya waxaana ku xeran 200 Somali ah.
5-Masaraata oo ah galbeedka wadankaasi Libya waxaa ku xeran 130 Somali ah.
6-Zawara oo ah Galbeedda Dalkaasi Libya waxaa ku xeran 150 Somali ah.

Maxaabiistaasi Somalida ahi ee lagu haayo xabsiyada aan soo xusnay wax daryeel ahi kuma heystaan xabsiyada ay ku jiraan waxay u dhexeeyaan nolol iyo geeri ,waana ay ka daaleen qeylo dhaan ay u qeylo dhaamiyeen hay-adadaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo  Dowlada Maqaar saarka ee Somaliya. Mar aan la xiriiray mid ka mid ah maxaabiista oo ku jira xabsi ku yaala Tripoli aya waxa uu ii sheegay in ay ka rajo dhigeen inay xuriyadoodii dib u helaan. Halkan ka aqriso warqad ay soo direen iyo sawiradooda:(guji-riix)

“waxaan xeranahay mudo ka badan sanad wax danbi ahna kama aanan gelin Dalka Libya Maxkamadna layma marin oo waa lay haaya xili aan xuriyadeyda dib u helaayana ma garanaayo” sidaasi waxaa ku calaacalay maxbuus kusoo koobay magaciisa Cumar.

Maxabiista qaarkod ayaa waxa ay ku eedeeyeen safiirka somaliya inu wax u qaban waayay.oo xitaa uu ku soo booqanwaayay xabsiyada ay ku jiraan.

Bada u dhaxeysa Libya iyo Italy “Miditranean sea” waxaa ku nafwaayay ilaa 2000 Somali ah taariiq 2008 ilaa 2009. kuwaa oo doonayay in ay ka gudbaan badaasi si ay u gaaraan meel ay ku nasankaraan oo aanan loaga daba tageynin.

Gaba gabo iyo Tallo bixin

Ka cali ahaan waxaan ku talin laha in waxgaradka, Culumaa’udiinka aynan ka daalin wacyigelinta bulshada iyo in loo   is taago islaaxa umada somaliyeed iyada oo la raacaya dariiqada alle tilmaamay ee ah in dadka loogu yeero wadada toosan iyada oo la adeegsanaayo xikmad lagana fogaanaayo wax alla wixii keeni kara kala shaki ama qalalaas. Isku meelna looga soo wada jeesto gaashaanbuurta marweliba shaarka noo soo bedelata.
Wabilaahi toowfiiq.

Comments (0)

Ra’iisal Wasaare Cumar” Shabaab iyo anaga waxaa naga dhaxeeya xabad oo kaliya”

Posted on 09 August 2009 by dadweyne

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in Dowladda wado istiraatiijiyad cusub oo ay xididaha ugu siibeyso Kooxo uu ku tilmaamay Xag-jiriin oo aan dooneyn Qaranimada Soomaaliya.

Isagoo la hadlayay Wakaalada Wararka u faafisay Faransiiska AFP ayaa waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in Kooxda Alshabaab dooneyso inay dalka gacanta u geliso Urur weynaha Al-Qaacidah sida uu hadalka u dhigay.

“Marar badan waa jirtay inaan gacan wada hadal u fidinayo Alshabaab, balse waxay noogu jawaabeen Xabad iyo Ismiidaamin”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo sidoo kale sheegay in aanu aaminsaneyd in Alshabaab dooneyso Qaranimo Soomaaliyed.

Dr, Cumar C/rashiid ayaa sidoo kale sheegay in aanu jirin waddo u furan iyaga iyo Alshabaab oo wada hadal ah, isagoona ku goodiyay inay dagaal kala hortagi doonaan waqtiyada dhow.

Hadalka ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha ayaa imaanaya xilli Dowladda KMG wado gulufyo xoogan, kaas oo maalmihii u dambeeyay diyaar garowgeeda laga dareemayay gobolada dalka iyo Caasimada

Comments (1)

Mukhtar Robow oo qaadan waayay talo u ku badbaado

Posted on 26 July 2009 by dadweyne

Afhayeenki hore ee qoryaaleeyda shabaab aya ku dhow in la dilo isagoo ay iska horyimaadeen wakiilka al qaacida ee Somaaliya Axmed Cabdi Godane oo amray in laga dhigo hubka isla markaana la xiro ama la dilo.

Waxa la amray oo kaleh lix ka mid aheeyd illadiisa iney hubka dhigaan si qasab ah, kadibna weey fuliyeen.

Robow aya ka cabsi qaba inu ku biiro dowlada oo gacan weeyn ku leeyahay Yusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo horey u uga qabsaday Shabeelada Hoose.

Dad siyaasada u fiirsada aya sheegaya in shabaab dili karaan Robow mar kasta oo macquul ama xilli an fogeeyn.

Godan oo la baxay Mukhtar Cabdalla Abu Subeeyr aya aad u fogeeyay Robow oo waliba loo adeegsaday dad ay isku beel yihiin. Sababaha lagu xumeeynayo Robow waxa ugu weeyn isaga oo ogolaaday in laamaha samafalku ka shaqeeyaan Bay iyo Bakol.

Sidoo kaleh waxa si kordheeysay sumcada Robow u ku leeyahay shabaab taasi oo ka careeysiisay Godane iyo Ajinabiga diriraya.

Comments (0)

Dhalinta ka timid Amerika oo safka hore dagaal lagu qasbayo

Posted on 13 July 2009 by dadweyne

Kooxda dagaal ka wada Somaaliya ee shabaab aya carrurta ay ka soo kaxeeyeen Mareeykanka iyo reer galbeedka kele ku qasbaya iney safka hore galaan marki dirirtu socoto si ay danahooda militari ugu gaaraan ama dhalintani oo ka shaki sanyihiin u dhamaadaan.
Waxa ka mid ah Jamal Bana oo meeydkiisa loo soo bandhigay shisheeye ahaan, marki askarta dowladu dileen wiillka 20 jirka ah ee sida fooshaxun loo geeyay meel shabaabku ku itaal daran yihiin.
Inta badan koox dhalin ah ee ka tagay America aya hadda waxa ay waayeen si ay u soo baxsadaan.
Waxa markiiba laga qaada Baasborka iyo wixi kaleh ee aqoonsi ah si anay u baxsan, waxa la geeya meel dagaal culus ka jiro oo an laga talaabi karin.
Sidoo kaleh isgaarsiin looma ogola, nin ka mid ahaa shabaabka oo la yira Ibrahim kana baxay kooxda aya horay u sheggay in dhalintaasi la mid yihiin maxaabiis lagu shaqeeysto.
Waxa waajib ah in qof kasta u ka baqo wixii an dani ugu jirin loona fakaro sidi dhalinta an wali la dilin loo soo ceeymin laha.
Fadlan soo qor wixi ad ka qabto sidi loo caawin laha dhalinyarda maqan ee ku jirta gacanta shabaab iyo sidi kuwa kaleh looga illalin laha dhibtaas.
Dadweyne@gmail.com

Comments (1)

Maxa la yira Ciidanka Midowga Maxkamadaha Islaamka (CMM), balse ayeey u shaqeeyaan?

Posted on 08 July 2009 by dadweyne

(sawirkan aya muujinaya mar CMM qabsadeen Hotel Saxafi) – udane Shariif Sheekh Axmed oo ah Madaxweeynaha Ku Meel Gaarka weli waxa dhib ka heeysata in la garto cida la shaqeeysa iyo cida ka soo horjeeda madaama ay jieraan kuwa u dhaxeeya labada dhinaca ee is haya oo ah dowlada oo dhinaca iyo Xisbul Islaam iyo shabaab oo is garabsanaya.
Waxa meel dhex taagan oo koox weli isku yeerta Ciidanka Midowga Maxaakiimta (CMM), waxa ay kooxdu u muuqdaan kuwa an aqbalin in dalka laga dhisay dowlad oo diidan in inti dagaal gali karta in lagu daro ciidamada qalabka sida kuwi ganacsato aha howlahoodii ku laabtaan, inti xirfad kaleh taqaan waa ineey shaqooyinki dagaalka ka hor ay ku shaqeeysan jireen ku noqdaan.
Mahacan midowga waxa la baxay maxkamado beeleed ee ka jiray Muqdisho, dalkuna inta waa ka weeynyay. Dagaal ayaa looga kala qaxay oo hal beel ayaa u hartay inta badan, waxa la raba in ummadu isku timaado looma baahna cansuriyad magac diimeed lagu qwarinayo.
Haddise cimaamad la wada qaato ee madaxnimo nooca cusub la raadsado waa arrin dhib badan ay ku jiro.
Waxa la yaab leh inaad tiraahdiin waxaan nahay ciidan balse ma labisan doono direeyska dowlada iyo inaad tiraahdid ciidanki hore dowladu waa xaaraan.
CMM waa in la fahmo iney ka mid yihiin dagaaladi sokeeye ee ka dhacay Somaaliya, markaa in xalka ay ka mid noqdaan waa ineey nabada u hiiliyaan oo ay ku biiraan xoogag nabada raadinaya ee ka hortagaya dhibaatada ka imaneeysa shabab iyo al qaacida.
Haddise ay gooni isku taagaan waxay kalifayaan in ayagana lala dagaalamo xiligooda.
Maxkamado guud ahaan ma yeeshsaan ciidan u gaar ah balse waxa fuliya go’anada garsoor ee maxkamadaha ciidanka jira ee dalka, sidaas darteed riyoda ah iney ka baxsanaadaan hanaanka dowlada oo ay ciidan beeleed ahaadaan waa arrin an suuragal aheeyn.
Ciddanka midowga maxaakiimtu ka badan 80 boqolkiiba waa hal beel markaa waa la yaab in ciidan noocaasi dalka ka jiro. Markaa in dalka u ka jiro ciidaan beeleed magac diina la huwiyay ee lagu daray in yar oo jareer weeyne ah iyo xubno kaleh la ogolaan doono iney ka jiraan Somaaliya.
Madaxweeyne Shariif ma dooran hal beel marka haddi lagu fikiro ciidan reer u badan maha mid lagu xukumi karo Somaaliya.
DAlalks Somaaliya gacanta siiyaana ma oglaan doonaan ciidan si gaar u dhisan oo ka baxsan macanaha dowladnimo, shargia iyo kala dambeeynta.
Waana in la ogaada badanka shabaab iyo xisbul islaam waxay ka yimaadeen maxkamadaha.
Somaaliya macnaheedu maha iney tahay hal degaan ama beel ku wareegsan Muqdisho.
Baahida loo qabo in la nidaamiyo CMM waa baahi deg deg ah. Dadka Somaaliyeed ma sugi karo bombo mar kaleh ku qaraxda.

Cabdi Seed Ibrahim
Gaalkacayo

Comments (0)

Khudbad waali u badan oo u jeediyay Godane

Posted on 06 July 2009 by dadweyne

 

Khubadan oo laga soo guuriyay booga ay shabaabku ku sheegtaan gardarooyinka ay rabaan ayaad ka fahmi karta in Axmed Cabdi Godane u hadlo dad an Somaaliy aheey.

Waxa kaleh oo ad fahmi karta in khudbadan in si cad looga tarjumay af labaad ee bal akhriso

Waatan khudbadi sidi u sheegay

Sheekh Mukhtaar Auzubeyr Xafidahullah ayaa kalimadiisa ku bilaaway inay fashil weyn ku yimid duulaankii ay qaadeen gaalada Is bahaystay ee ay ku qaadeen wadamada islaamka Alle SWT wuxuu u balanqaaday umada muslimiinta ah inuu Arlada makansiinayo iyagauna ay ku danbeeyn doonaan hanashadeeda iyo ku noolaashaheeda.

Sanadkii 2001 Mareeykanka waxeey ku duuleen Dalka Islaamka ah ee afgaanistaan iyagoo doonayo iney jiridgooyaan Koox Mu’minad ah oo yar oo mujaahidan ah Halku dhiga mareeykanka oo uu kor u qaaday waxa uu ahaa halkudhig uu fircoon hogaankoodii uu horay u yiri.

Alle Subxaanahu watacaal wuxuu yiri,

Fircoon waxa uu ku sheegay Muuse iyo dadkii raacay iney ahaayeen koox yar oo fara ku tirisah oo markaa ah in laga taqaluso .

Maraykanku 2003 mar labaad waxa uu ku duulay Ciraaq, 2006 Itoobiyaankana waxey ku soo duuleen Soomaaliya, Gaaladu waxba lama ay harin xoog iyo xeelad Af iyo adin waxaa hada isweeydiin leh natiijadu maxeey noqotay Sideed sano ka dib.

Mujaahidiinta Daalibaan oo intooda badan ka taliya koonfurta dhaalibaan waxey aagag hor leh ka fureen koofurta Baakistaan meel wax yar u jirta caasimada baakistaan mujaahidiinta caalamka , Mulla Cumar, Shiikh Usaama, Shiikh Eyman Al dawahiiri oo wali nool gaaladan la jihaadaya ciraaq oo mareeykanka ku naafoobay Tikreega soomaliya ku hoobtay sandulana kakga baxay.

Dowladii Ridada oo loogu talaglay iney tigreega badasho oo burbur qarka u saaraan.

Arrimahaas oo dhan waxeey tilaan u yihiin in xiligii gaalada reer yurub majaaraha dunida u hayeen uu gabagaba yahay, Waa cusub oo Dowladnimo Islaam oo toosanina uu dilaacay Waana tii RSCS uu Inoogu bishaareey Khilaafatu Calaa Minhaaju Nubuwah.

Arrimahaas oo leeysku darayna ayaa ka keenay madaxweeynaha mareeykanka kana yeersiiyay inuu ku hadaaqo isagoo doonayo inuu khaldo Umadda Muslimka.

-Dhagihii Fureeysnaa baaruud malagu furay
-Isticmaarku Fiix iyo Fin Caloosha kaga yaal

Maanta Waxaa muuqata dunida daafaheeda oo dhan inuu ka aloosan yahay Jihaad Islaami ah oo hadafkiisu yahay Alle SWT kaligiis in arlada guudkeeda lagu caabudo.

Waxaa is qabsaday halgankii Jeejniya ilaa Aljeeriya dhanka kalena Turkistaan Ilaa Yaman

Haddii aan u soo noqono Dowlada ridada ee maanta lig liganeeysa waxey aheyd

Mu’aamarad ay gaaladu isugu yeereen dhamaan awoodooda oo dhan mid dhaqaale iyo mid siyaasadee.

Waxaa laga soo shaqeeynayay mudo dheere waxase alle subxaanahu watacaalaa uu ku fashiliyay mudo yar ayaga iyo daba dhilifkoodii tigreega meesha kaga tagay.

Waxaa kaloo muuqatay araxan daradoodii taasoo ay astaan u tahay madaafiicda sida joogtada ee habqanka ah Umada Muslinka ah loogu soo tuurayay .

Sidoo kale waxa ka feeydmay dhamaan wixii diin ahaa ama dadnimo kale ahaa ee ay ku gambanayeen .

Dowladaa Ridadu waa dowlad baadhil ah oo xaqdaro ku dhisan Alle SWT waxaan ka baryeeynaa.

-Raboow magac dowladeed

-Dowlada ridada xaalada hada ay ku jirto waxaa kaliya ee furan laba wado iney isku badbaadiso

1- Wadada hore waa iney ugu baaqaan wada hadalo ayaga oo adeegsanayo wadaad xumo iyo oday dhaqmeed arrintaan waxaan u sheegeynaa mujaahidiinta iney ogaadaan oo aaney ku kadsoomin, waa iney ogaadaa iney tahay dariiqii ridad u horseeyday kooxda ay hada la jihaadayaan.Waxaanad ogaataan qof murtad ah iyo koox ridoowday heshiis inaan lalagali Karin magangalyana la siin Karin . Imaamu Ibnu Taymiya ayaa aad uga hadlay Fataawigiisa mujaladka 28aad .

2-Wadada labaad ee u furan waa iney sameeyaan isa soo dhiibid aan Qorsheeysan oo aan qarsooneyn Iyagoo gabaad ka dhiganya iney qaladkoodii garowsadeen wixii ciidan ahaa ee safka cadawga ku jiray waxaan ugu baaqeynaa iney towbad keenaan ciidanka hubkana ay mujaahidiinta ku warejiyaan, lagamana ogolaan doono iney hubka sii haaystaan, Waxey haaystaan fursad yar oo shan maalmood ah iney kagaga baxaan safka cadowga .

Dhanka kalena Madaxda sar sare dowlada Ridada waxaa la soo taagi doonaa Maxkamad Islaami ah waxaana lagu qaadi doonaa danbiyada ay Ummada Islaamka ah u geeysteen iyo Allaah SWT, sida xasuuqa ay umada u geeysteen keenida dowladaha shisheeye, Qiyaamada Ummadeed oo ay ku kaceen.

 

 

 

BAAQA SHACABKA

 

 

Ugu dambeeyn Ummada Mislimka ah ee soomaaliya waxan u sheegeynaa ineey u diyaar noqdaan ku dhaqanka shareecada Alle iyo Dowlada Islaami ah, waa dowlada ku dhisan Cadaalad iyo walaatinimda Islaamka, WAa dowlada ku qotanta Kalimatu Towxiid.

Kalimada Sheekha oo aad u dheereyd ayaa inoo suura gali weyse inaan qoraal ku soo koobno waxaan aqristayaasha ka raali galinaynaa inaan wada dhamaystiri weyne kalimada sheekha kalimada iyadoo dhamaystiran ka dhagayso hoos.

-Intaan dugsaneeyn.yaqiin

-Raboow Dumi waa Hungee

-Dastuurada baadilkaa

-Intaan Xaqa daafaceen

-ka yeel danbas Waab dhex yaal

-Meeys yiri kafara xalo nabarkii ma sii fiday

-Sida furuq Tin iyo Cirib Maku faafaaha xidida

-Ma Fariistay dhuunta iyo meelaan farsamo galin

Comments (0)

Waxaad doonta samee, is qarxi kadibna Janada iska gal, aragtida shabaab

Posted on 02 July 2009 by dadweyne

Shabaabka ayaa keenay Somaliya Falsafad cusub oo waddo aan dheereyn loo marayo Janada halkii ay u baahnaan jirtay adkeynta xubnaha aasaasiga ah ee Diinta sida kuwa waajibka ah iyo sunno dheeri ah. Haddii ay dhab ahaan laheeyd oo uu yeelan lahaa macno run oo ku saleysan Caqiiqda aan aaminsanahay ee Diinta baaqooda Janada ku aadan waxaa uu noqon lahaa mid la soo dhaweeyo. Maleeshiyada Shabaab iyo kuwa hor booda waxay yiraahden Adduunka waxaad doonta ku samee,marka aan meel kuu dirno is qarxi Janadaadi waa hubaal anagana ka marag ah. Maleeshiyooyin hore oo ifka ku geystay fal kasta oo ka dhan ah Bani’adanimada iyo shareecada Islaamka ayaa in yar oo kooban kor u soo gaabiyay surwaalkooda,waxay la baxeen gar yar yar, dushana waxay iska saareen koofiyad aan ahayn sunno dhameystiran,afkana waxay ka xafideen eriyo ay ka mid yihiin Subxaanalaah, Maasha Alllah, Aqwaano iyo kuwa oo u muujin kara qaar diinta wax ka yaqaana marka uu hor yimaado qof lahayn aqoon ballaaran ee diimeed balse iska niyad furan. Haddii Janadu ay kaa xigto kursi baabuur lagugu xirxiro laguna hoos geliyo bambooyin aad isku qarxiso,hadii aad qarxin weydana lagu daba dhigay qofkii ku qarxin lahaa Janada loomaba dejiyeen sababo lagu galo diimeed. Dadka ku dhinta qaraxaga aad sameyso ee aan ku jirin dadkii aad uga talagashay ma jano ayaa isku arki doontaan mise meel kale. Sideed Jano u wada galeeysaan, iyagi la dulmiyay Ilaahooda waxay ka rajeeynayaan naxariis, adiga dileyna maxaad rabta. Waxa jira ineey ku doodaan dad gaar ayaa la rabay oo kuwa kaleh waxay ku dhinteen si an bareer aheeyn oo aya lama raadsaneeyn. balse waa la oga iney goobta joogeen. Ineey dad rayad ah oo an dagaal ku jirin ku dhintaan rasaas baadi waa arrin laga xumaado marka ay ka dhacdo meel kasta oo dunida ah. Cidii dagaal u sabab ah aya masul ka ah. Somaaliyana dagaalka ka jira waxa u sabab ah shabaab oo diidan in xiliga ku meel gaarka ah u dhamaado. Dowlada jirta qabka l;agu so dhisayna waa mid aad fool xun balse waa mid ku kooban wakhti gaaban Iyaga waa la hubaa in ay dishay gacan ka gardaran oo ay u dhaw yihiin Ahlu Jano balse adigo Jano aad galaysa ma jirtee waxaa ay ku siiyaan ayaad leedahay kuwa Shabaab ee ku soo diray ee adigu kuu adeegsaday sidii waxyaabaha qarxa ee iyagana u nool in ay kaa daba hadlaan oo ay kaa soo daba diraan dhawr Sawir oo ay ku dul qoran yihiin “Shahiid Waaye Allaha ka Aqbalo.” Waxaad dilaysaa naftaada iyo naf kale oo wax ay kuu dhintay aanun jirin oo Ilaahayna kaa xaarantimeeyay inaad dhiigooda daadiso,waxaa ka maqan tahay waalidkii ku dhalay ama haddii ay jiraan kuwa adiga dhashay ee kama maqnid kuwa adiga ku soo diray ee kugu faanaya markaad is disho ee qof walba ku leh waxaan kuu soo dirayaa kuwa is qarxiya marka ay cabsi gelinayaan cadawgooda Siyaasadeed. Dib u fiirso, dadkii is qarxiyay ee qoysaska lahaa, sida ay u nool yihiin, kuwii aad ka tagtay dadka ayaa loo bariyaa lacag ama cuno iyadoo la leeyahay nin Shahiid ah ayaa dhalay ee sadaqo soo siiya. Kuwii ay dhaleen Axmed Cabdi Godane, Mukhtar Robow Cali “Abumansuur, Xasan Dahir waxay ku nool yihiin dibadda ama gudaha ayay ku haystaan noolal ka tayo fiican kuwa carruurtooda loo tuugsanayo. Carruurta uu dhalay Xasan qabqable dagaal Xassan Cabdullahi “Turki” iyo kuwa la xididka ah askarta ayay xukumaan oo goobo aad u xuna looma diro, mana jiro hal qof oo hogaamiye ah oo caruurtiisa u diray in ay is qarxiyan, sidaas darteed ayaa laga dhiganin bamboo dadka lagu tuuri kadibna lagu faano ee wax ka baro taariikhda dhacday. Ibraahim Sheekh Maxamed Dimishiq, Suuriya

Comments (0)

Dhanka Ilaahey ma u Cararnaa? (W/Q/ Cabduraxman Baadiyow)

Posted on 22 June 2009 by dadweyne

Dhanka Ilaahey ma u Cararnaa? (W/Q/ Cabduraxman Baadiyow)

“ Xataa haddii qalinkii qalalay, ha quusan oo qoraal ha deyn”

Markii xaajadu xumaato oo meel loo ceyrsado la waayo, markii caqligu fadhiisto oo cayshkuna ciriiri galo, markii naftu soo uruurto oo aad indhahaaga hortooda geerida ka aragto, meesha kaliya oo loo cararayaa waa Ilaahey agtiis. Sidaas, ayaa Ilaahey Qu’aankiisa nagu amray, wuxuuna yiri: “Fa firuu Ila laahi, Inni lakum minhu nadiirun mubiin”, taas oo micnaheedu yahay: ucarara dhanka Ilaahey, anigu digniin cad ayaan idinkaga wadaa dhankiisa. Markaan oo kale, Ilaahey ayaa loo noqodaa, asiga kaliya ayaa loo dan-sheegtaa, asiga kaliya ayaa yuwaada inuu sameeyo waxa uu rabo iyo sida uu rabo. Qofka tooba keenka ah waxaa laga rabaa inuu qalbi saafi ah oo ay ku dheehantahay cabsida Ilaahey la yimaado, si dhab ahna Ilaahey dhankiisa ugu cararo, toobad keen run ahna la yimaado. Xaalka koofurta Somaaliya, gaar ahaan waxyaabaha ka socda magaalada Muqdisho, shuruudda tooba-keenka waxaa ka mid ah in hantidii la boobay loo celiyo dadkii lahaa iyo dhigii gardarada loo daadshay mag laga bixiyo oo laga garaabo. Waxaa la iska rabaa in khaladkii hore loo galay, la go’ansado inaan dib loogu noqon. Waxaa tooba keenka ka mid ah in la wada qiro in dalka, diinta iyo dawladnimada ay Somaalidu shirko ku tahay. Waxaa la iska rabaa in musiibada si wada jir ah loo wajaho oo inta dagaalada dhamaan la joojiyo, wada tashi lagu balamo.

Haseyeeshee, magaalada Muqdisho gaar ahaan, waxaa ka muuqata tallo xumo weyn, ma muuqato tooba-keen saafi ah, ma muuqato u damqashada shacbiga dhibaateysan oo dushooda madaaficda lagu garaacayo. Waxaan mareynaa baroor-diiq kasii baroor-diiq iyo tacsi joogto ah. Waxaan ka sheekeyneynaa qaabka loo dilay waxgarad badan. Waxaan mareynaa qixitaan joogto ah oo aan la garaneyn meesha looga sii qixidoono meesha hadda loo qaxay. Waxaan mareynaa inaan shisheeye kaalmo iyo taageero ka doonano si aan dagaalka dhexdeyna ah usii hurino. Faragelinta Al-Qacidda, Itoobiya iyo Eriteria ayaan marmasiyo ka dhiganeynaa. Dagaalka Somaalida u dhexeeya wuxuu soo jiray muddo dheer, maalinba wuxuu soo gaarayay heer, hadana wuxuu joogaa in lagu diriro magaca “Islaamka”. Waxaa la marayaa in Qur’aanka la isku daliishado, diinta la iska saaro, dhiiggana la xalaashado. Dawladda KMG iyo mucaaradkeeda hubeysan awood ciidan oo ay ku dagaalamaan ma laha, hubka, lacagta iyo tababarka waxey kula xiranyihiin xoogag shisheeye oo ayagu dirirsan, dhiiga daadanayana waa kan Somaaliga.

Markii heerkaan murugsan xaaladu gaarto, dad badan waxaa ka soo hara aamusnaan iyo amankaag. Kuwa kalena waa is-madax-maraan, kuwa kalena waxaa waxey diidaan iney aamusaan waxey cabiraan xaaladooda. Dadka qaar ayaa gabya ayaga oo aan hore loogu baran iney suugaanley yihiin. Hadaba, erayada calaacalka ah ee hoos ku qoran, waxaa mireheeda iska leh oo curiyay ruux aan hadda ka hor gabay ama hees aan lagu aqoon. Miraha heestu waxey iftiiminayaan sida ay ufikirayaan aqoonyahaanada bulshada rayidka ah, gaar ahaan kuwii kasoo shaqeynayay waxbarashda, caafimaadka iyo dhamaan adeegyada bulsha ee magaalda Muqdisho intii dagaalada sokeeye socdeen.

Haddii gobannidu oydo Ilmada ay gabax ka siiso,
Haddii geyigaaga oo dhan La geed-falo oo la gooyo,
Haddii gabalkii dhacaaba, Colaad loo gurbaan tumaayo,
Haddii gulfkaas colaadeed, Gardaro geesh loo dhisaayo.
Haddii gunudaad xirtaba, Mid kale kaa goosanaayo;
Haddii geedkii dhashaaba, La gooyo oo la jirid-gubo,
Haddii goobtii waxbarashaba, Gerwayn loola soo gulfaayo,
Haddii ruuxii garadleba, La gawracoo geeri loo diro;
Haddii aad ku gaaf wareegto, Gumaad iyo geeri joogtaa,
Maxaa kula gudboon! Maxaa kula gudboon!

Tixdaas aan soo sheegnay waxey cabireysaa ruux ka shaqeynaya wanaagga dadkiisa, dhismaha dalkiisa oo wax kasta uu dhisaba ay burburin la daba socdaan kooxaha hubeysan oo aan u naxeyn dadka iyo dalka. Su’aalaha ah maxaa nala gudboon waxaa jawaab ka bixinaya tixda miriheedu hoos ku qoranyihiin, taas oo cabireysa xaaladu sida ay u cakirantahay iyo sida uu yahay dareenka dadweynaha.

Ma garan waxa ila gudboon, Ma garan oo garaad ma lihi;
Ma garan godka la iiwadaa; Ma garan goobanimada iyo
Gunnimo waxey kala gayaan Ma garan goobta loo socdaa;
Gargaar gaal keenayaan Mar kasta gacan hoos dhigtaa
Geelii caanihii gursaday Beertii geed sooma dhalin,
Inaan go’ay waan gartaa! In gablamaan gartaa;
Geediga aan kala go,ayn, Inaan guuraan gartaa;
Geedigu meeshow igeyn Ma garan oo garaad ma lihi

Markii xaalku sidaas soo gaaray ayaa baroorta inta la isku darsaday oo taladii soo oodantay ayaa inta la isfiirshay, waxaa loo cararay dhanka Ilaahey. Markaas ayaa la wada qaaday heestaan Rabbi tuugga ah:

Gargaar waa Ilaah agtiis Galadii waa Ilaah agtiis
Gabaad waa Ilaah agtiis Gacmahaan kor uqaayaa
Gargaar weydiisanaa Ilaahow waa gefnoo
Waddadi waa gees marnee Ilaahow noo gargaar
Ilaahow maa gefnoo Warkaagaan gees marnee
Ilaahow noo gargaar Ilaahow waa gefnoo
Garadkaan gees marnee Ilaahow noo gargaar
Ilaahow waa gefnoo Gardaro weynaan galnee
Ilaahow noo gargaar Ilaahow waa gefnoo
Hadana waa sii gefnee Ilaahow noo gargaar

Markii Ilaahey ummadiisa lunsan u gargaarayo, wuxuu ka dhaliyaa wax garad wanaagga u horseeda, wuxuu siiyaa tawfiiq ay isku raacaan waxyaabaha fiican, ugana soo hosjeestaan waxyaabaha xun. Markii umaadiisa Ilaahey kheyrka la doonayo, wuxuu garaadsiiyaa waddada maamulka, dawladnimada iyo kala dambeynta. Dawladnimo si sax ah loo maamulay oo kaliya ayaa badbaadin kartaa nafta, diinta, maalka, sharafta iyo caqliga. Badbaadinta shataas qodob oo aan soo sheegnay ayaa sal u ah ujeedada dhaqangelinta shareecada Islaamka. Sidoo kale, haddii Ilaahey ummad halaagayo wuxuu madax uga dhigaa kuwooda xun, markaas ay ayey xumaan ku hogaamiyaan. Sidaas ayaa qur’aanka kariimka ah lagu yiri: “Wa-idaa aradnaa an nuhlika qaryatan amarnaa mutrafiihaa, fa fasaquu fiihaa fa-xaqa caleyhal qawlu faddamarnaahaa tadmiiraan”. Micnaheeda guud ahaan waa haddii aan rabno inaan ummad halaagno, waxaan madax uga dhignaa kuwa xun-xun oo kibirsan, markaas ayey fusuq iyo jawro sameeyaan, waxaana ku dhaca amarka ilaahey, markaas ayaan si buuxda u burburinaa.

Ugu dambeystii, aan dhamaan Ilaah u noqono oo dhankiisa u cararno, aan ogaanno in dambiga ugu weyn ee ruux Muslim ah galo, marka laga reebo gaalnimada, ay tahay inuu gardaro ku daadiyo dhiig aadami ah oo Ilaahey karaameeyay iskaba daa dhiigga ruuxa Muslimka ah. Waa inaan ogaanaa in meesha loo socdaa ay tahay meel baas, gobanimada iyo madaxbanaanida Somaaliya ay halis ku jirto.

Comments (0)

Shabaab oo al qaacida shati u siiyay iney Somaali disho

Posted on 18 June 2009 by dadweyne

Allaha u naxariisto dhamaan inti ku dhimatay wareerki waalida ah ee lagu dilay Wassirka Aminga Qaranka Cumar Xaashi Aden ee u geeystay shaqsi garshada la lumiyay oo ogolaaday inu noqdo bombo ay soo tuuraan alqaadida/shabab si akhri

Comments (0)

Inquiry into Somali food aid sale

Posted on 16 June 2009 by dadweyne

The UN World Food Programme in Somalia has launched an inquiry into a report that thousands of sacks of aid were being sold on the open market.

Maize, wheat and cooking oil – marked not for re-sale and bearing the UN logo – were found in Mogadishu markets.

One trader told Britain’s Channel 4 News he bought food from WFP staff who allowed them to load lorries freely.

Another trader said he invented fictional refugee camps, which were then allocated food that he sold.

“You go to the WFP office and fill in an application form to create a camp,” he told Channel 4 News.

 

 

“When we receive the food, we give out some, and then divide the rest between ourselves and the WFP guys, who negotiated the deal.”

The WFP denied that its staff were implicated but said powerful clans in war-torn Somalia may be involved.

Marcus Prior, a WFP spokesman for East Africa, said they were particularly concerned by the report of bogus refugee camps and had never before heard such an allegation.

“We take any allegation of food diversion extremely seriously and rigorously investigate all allegations that are drawn to our attention, as we are doing in this case,” he told the BBC’s Network Africa programme.

“And since we spoke to Channel 4, a separate unrelated investigation has also been launched.”

The agency says it feeds at least 2.5 million people in Somalia every month – almost a third of the population.

It has had problems in the past ensuring its shipments even reach Somali ports, owing to a spate of attacks by gangs of pirates off the coast.

Comments (1)

BARO-UMMU SALAMA

Posted on 12 June 2009 by dadweyne

BARO-UMMU SALAMA

(3)

Ummu Salama ninkeeda waxaa la oran jiray Cabdillaahi Binu Cabdil-Asadi oo ka mid ahaa tobankii nin ee goor hore qaatay diinta Islaamka, oo waxaaba isaga hortiisa islaamay oo keliya Abiibakar As-saddiiq iyo kuwa kale aan saa u badnayn. Ummu Salama, waxay la islaamtay ninkeeda Cadullaahi Binu Cadil-Asadi, waxayna ahayd sida ninkeeda oo kale oo wakhti hore ayeey iyadana islaamtay.

Islaamidda ay soo islaameen Ummu Salama iyo ninkeeda Cabdullahi ayaa gaaray gaaladii Qureysh., sidii marka horeba laga filayay Qureysh waxay bilaabeen inay jir dil daran ku sameeyaan Ummu Salama iyo ninkeeda, hase ahaatee ma aynan tabar daraynin oo ma daciifin arrinkaa iimaankoodi. Balse, waxay ka sii siyaadsadeen ku kalsoonaan iyo rumeyn ay rumeyaan Eebe (sw). Dhibaatadii Qureysh ay ku hayeen Saxaabada Rasuulka (scw) markay badatay, ayaa Rasuulka (scw) wuxuu u ogolaaday Asxaabta inay u haajiraan oo u cararaan dhulka Xabashida. Ummu Salama iyo ninkeeda waxay ka mid ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee u haajira dhulka Xabashida.

Ummu Salama iyo ninkeedii waxay u kicitimeen dhulkii qurbaha. Ummu Salama, waxay magaalada Makka kaga carartay gurigeedii dabaqa ahaa, maalkeedii iyo wixii ay hanti ay lahayd oo dhan, iyadoo sidaa u sameynaysa inay ku dhaafsato jidka Alle, iyo inuu Illaah abaal ahaan u siiyo Jannadiisa maalinta aakhiro.

Ummu Salama iyo ninkeedii waxay yimaadeen dhulka Xabasha, iyagoo magangalyo ka helay boqorkii Najaashi Allaha ka raalli noqdee. In kastoo Najaashigu soo dhoweeyay oo uu ka magangeliyay cabsidii ay ka soo carareen, haddana waxay aad xiiso weyn ugu qabeen ku noqoshada magaalada Makka oo ahayd meeshii uu waxyiga ku soo degayay, sidoo kale waa meeshii Rasuulka (scw) saldhiga u ahayd.

Muslimiintii joogay dhulka Xabashida oo aad u fara badnaa, ayaa waxaa soo gaaray war sheegayay in tirada Muslimiinta joogta Makka ay aad u bateen, sidoo kale ay soo islaameen halyeeyadii Xamza iyo Cumar Binu Khadaab oo iyagu ahaa kuwo ay qureysh ka haybaysato. Qaar ka mid ahaa muslimiintii ayaa go’aan ku gaaray inay u laabtaan magaalada Makka, kuwaasoo markii horeba xiiso weyn ugu qabay magaalada Makka.

Haddaba, Ummu Salama iyo ninkeedii ayaa waxay ka mid ahaayeen dadkii ku soo laabtay magaalada Makka. Muslimiintii markii ay yimaadeen Makka, ayaa waxay ogaadeen in warkii loo sheegay uusan ahayn sidii loogu sheegay, balse dhexalsiiyay inay dhibaato ka weyn tii hore ay kala kulmeen Qureysh. Gaaladii waxaa lagu fidneeyay jirdilka iyo cabsi gelinta muslimiinta, waxay u geysteen dhibaato ayan hore ugu geysan. Rasuulka (scw) markuu arkay xaaladdaas qadhaadh ee qallafsan, ayaa wuxuu Asxaabta amray inay mar kale u haajiraan, iyagoo u hijroonaya magaalada Maddiina.

Ummu Salama mar kale waxay go’aansatay inay ka mid noqoto dadka u hijroonaya Madiina, kuwaasoo la cararaya diintooda iyo inay ka badbaadaan dhibaatooyinka qureysh. Hijradan danbe ma ahayn mid sahlan, sida hijradii hore ee ay ugu haajirtay dhulka Xabashida, waayoo waxay ahayd mid aad u dhib badan oo aan saUmmu Salama waxay tiri, markuu ninkayga Abuu Salama go’aan ku gaaray in aan u safarno Magaalada Madiina, ayaa wuxuu ii raray oo uu iidiyaariyay awr, dabadeedna wuxuu i saaray awrtii. Wiilkeenii Salama oo nala socdayna wuxuu fariisiyay dhabtayda. Intaa ka dib, Abuu Salama wuxuu nagu kaxeeyay awrtii, isagoo aan istaagaynin meelna. Ummu Salama waxay tiri, ka hor inta aanan ka bixin magaalada Makka ayaa waxaa na arkay rag ka mid ah qaraabadeyda (reer Banuu Makhzuum), isla markiiba xaggeena ayeey soo aadeen, iyagoo ku yiri ninkeyga Abuu Salama “Haddii aad adiga naga baxsatay, sideey nooga baxsanaysaa gabadha kula socoto. Waa gabadheenna, sideen kuugu ogolaanaynaa inaad la tagto oo la baxsato”.

Intaa ka dib, raggii waxay ku soo boodeen Abuu Salama, dabadeedna way iga soo jiiteen ninkeeyga Abuu Salama. Ummu Salama waxay tiri, markii nimankii ay iga soo wateen ninkayga anniga iyo wiilkayga Salama ayaa waxaa na arkay niman reer Banuu Cabdil-Asad oo ay qaraabo yihiin ninkeeyga. Aad ayeey uga caroodeen wixii nalagu sameeyay, oo waxay nimankii ku yiraahdeen raggii kale ee reer Banuu Makhzuum “Wallaahi qaadan maysaan wiilka, waayoo waa wiilkannaga, innagaana xaq u leh inaan qaadanno” Sidaa dabadeed waxay labadii kooxood bilaabeen inay jiitaan wiilka Salama iyadoo ay arkayso Ummu Salama ilaa ay qaataan reer Banii Cabdil-Asadi. Waxay tiri Ummu Salama, wakhti gaaban ayaa nala kala geeyay anniga iyo ninkeeyga iyo wiilkayga Salama. Ninkayga wuxuu u kacay xaggaa iyo magaalada Madiina, isagoo diintiisa la cararaya, wiilkaygii waxaa iga boobay oo iga qaatay reer Banii Cabdul-Asadi isagoo jajaban sidii ay u kala jii-jiidanayeen labada reer. Annigase waxaa i kaxeestay reerkayga reer Banuu Makhzuum.

Ummu Salama waa keligeed oo waxay la nooshahay reerkeeda reer Banuu Makhzuum, Wilkeeda waxaa qaatay reer Banuu Cabdil-asadi. Ninkeeda wuxuu u caray magalaada Madiina. Qoyskii wada socday waa la kala firdhiyay oo la kala geeyay. Waa amakaag iyo yaab. Waxay tiri Ummu Salama iyadoo ka waramaysa arrinkaa murugta lehi waxay tiri: Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaan imi meeshii la iiga qaatay wiilkayga, iyo sidii murugada lahayd ee nala kala geeyay anniga iyo ninkeeyga. Muddo hal sanno ku dhow ama wax ku dhow hal sanno markeey ka soo wareegtay xaaladdaas ayaa waxaa maalintii danbe ii yimi nin aan ilmo adeer nahay, waxaana uga waramay sheekadeeyda biloow iyo dhammaad. Ninkii, ayaa naxariis gashay ka dib markuu maqlay qisadayda, dabdeedna wuxuu la hadlay kuwii aan maxbuuska u ah, isagoo ku yiri “War maad iska sii daysaan miskiintaan, waayo waxaad kala geyseen iyada iyo wiilkeeda iyo ninkeeda. Nasiib wanaag, nimankii way sii daayeen Ummu Salama.

Aad ayeey arrinkaa ugu faraxday Ummu Salama, hase ahaatee su’aasha ay is weydiisay Ummu Salama ayaa ahaa sidii ay ku haleeli lahayd ninkeeda Abuu Salama oo markaa joogay magaalada Madiina. Dhinaca kale, taas waxaa ka sii darnayd iyadoo aan ka tagi karin wiilkeeda Salama oo ay heestaan Reer Banii Cabdil-Asadi oo ah reeraha Abuu Salama. Qaar ka mid ah dadkii ka war hayey dhibaatada iyo murugada Ummu Salama haysata ayaa ka naxay xaaladdeeda, ka dibna waxay la hadlayn reer Banuu Cabdil-Asadi si ay ugu soo celiyaan wiilkeeda Salama oo ay markaa haysteen. Wayna u soo celiyeen. Waxay tiri Ummu Salama, maa aanan siiba sugin inaan magaalada sii joogo ka dib markii wiilkayga Salama la ii soo celiyay.

Ummu Salama waxay iyada iyo wiilkeed u safreen magaalada Madiina, iyadoo mareysa meel la yiraahdo “Tanciim” ayaa waxaa la kulmay nin la yiraahdo Cusmaan binu Dhalxa. Ninkii wuxuu Ummu Salama weydiiyay halka ay u socoto, waxayna tiri magaalada Madiina. Wuxuu haddana weydiiyay cidda ay la socoto. Ummu Salama waxay ku jawaabtay wallaahi waxaan ahay anniga iyo wiilkayga Salama oo keliya. Haddaba, Cusmaan ayaa yiri wallaahi kaa tegi maayo ilaa aan ku geeyo magaalada Madiina, sidaasna ayuu sameeyay. Ummu Salama iyo wiilkeedii Salam waxay yimaadeen magaalada Madiina, halkaas oo ay la kulmeen Abuu Salama oo ayan is arag in Muddo ah. Ummu Salama aad ayeey ugu faraxday la kulanka ninkeeda Abuu Salama. Wax yar maba la joogin ilaa ay ka billowdaan dagaaladii Badar iyo Uxud.

Ummu Salam ninkeeda Abuu Salam wuxuu ka qayb galay labadaas duulimaad, nasiib darrose wuxuu ku dhaawacmay dagaalkii danbe ee Uxud, ka dib markii uu wacdaro daran halkaa ku soo bandhigay. Wixii intaa ka danbeeyay Abuu Salama wuxuu saarnaa sariirta halkaas oo lagu daaweenayay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa Abuu Salam soo booqday Rasuulka (scw), markii uu Rasuulka (scw) ka tagayna maba sii noolaan Abuu Salama oo wuu geeriyooday. Ummu Salama waxay Illaah ka bariday in uu Illaah u sahlo nin ka kheyr badan Abuu Salama, laakiin waxay gadaal danbe is weydiisay su’aasha ah, yaa noqon kara ninka ka kheyr badan Abuu Salama. Hase ahaatee, Illaah wuu aqbalay ducadeedii, oo waxay heshay Ummu Salama nin ka kheyr badan Abuu Salama waana Rasuulka (scw). Waxaa Ummu Salama maalintaa wixii ka danbeeyay guursaday Rasuulka (scw). Sidaasna ayeey waxay ku noqotay mid ka mid ah hooyooyinka Muslimiinta, waayoo xaasaka Rasuulka waa hooyooyinka muslimiinta.

 

mmu Salama magaceedu waxaa la oran jiray Hindo, laakiin waxay caan ku ahayd magaca Ummu Salama. Aabaheed wuxuu ka mid ahaa kaaba qabiillada reer Khazraj ee sar sare, sidoo kale wuxuu ahaa mid aad u deeqsi badan.  

Comments (0)

Goorma ayu Godane la fariisan doona Charles Taylor maxakamada danbiyada Dagaalka

Posted on 12 June 2009 by dadweyne

 Axmed Cabdi Godane waxa u si buuxda u ogyahay in anu laheeyn xisbi siyaasi ah sidoo kalena waxa u ka dharagsan yahay in dalka dableeynimo an lagu xukumi karin, kamana qarsoona inaan qori afki wax lagu gaari waayay, si akhri

Comments (6)

Xataa Haddii Qalinkii Qalalay!W/Q/ Cabduraxman M. Cabdullahi (Baadiyow)

Posted on 10 June 2009 by dadweyne

 

Xataa Haddii Qalinkii Qalalay!

W/Q/ Cabduraxman M. Cabdullahi (Baadiyow)

 

 

Abwaanka caanka ah Cabdi Muxumad Amiin (Ilaahey ha u naxariistee) ayaa wuxuu curiyay hees hal-xiraalle ah asaga oo sawir ka bixinaaya xaalada Soomaaliya ee 1969.  Abwaanku wuxuu hal-xiraalkaas ku weydiiday su’aalo ay ka mid yihiin “haddii dawadii bukooto maxaa lagu dabiiba”? iyo “haddii dabkii dhaxamoodo maxaa lagu diiriyaa”? Hal-xiraalka hore,  waxaa loola jeedaa “[daliilnimada] diintiyo, dastuurkiyo xeerka, haddii dabool la saaro, dawo bukoote weyee”.  Hal-xiraalka labaadna waa “ruux hadii la doorto darajadii la saariyo, xilkii daryeelli waayo, dab dhaxamoode weeyee”. Haseyeeshee,  abwaanku ma sheegin sida lagu diirin karo dab dhaxamoode, laguna daweyn karo dawo bukootay; laakiin, wuxuu bixiyay tilmaan iyo tusaaleyn aad u fiican. Annaga oo abwaanka tusmadiisa  raaceynaa, waxaa soo if-baxay hal-xilaalaha ah “hadii qalinkii qalalo, maxaa lagu qoraayaa?  Qalinku wuxuu qalalaa haddii si wax loo qoro la waayo oo wax kasta isku darsamaan, kheyrka iyo shartuna is-dhex galaan, ama qoraalku naftaada khatar geliyo. Maanta labadaas xaaladood ayaa taagan. Waxaan joognaa yaan la hadlin, yaan la qorin, haddii kale ciqaabteedu waa toogasho iyo dil!  Alle ha unaxariisto inta geesiyaasha ah oo gardarada loogu dilay hadalka iyo qoraalka ee uu ugu dambeeyay Agaasimaha Idaacadda iyo TV Shabelle mudane Mukhtar Moxamed Hiraabe.

 

 

Sida qalmaan badan ay uqalaleen, ayaa qalikeygii qalalay oo qoritaanka waa diiday! aniguna kama aan quusaan oo quusitiinu ma aqaan. Mar kasta oo aan isku dayo inaan wax qoro, waxaan sheego waa waayay. Hadana ma aamusi karo oo waxaan xasuustaa xadiiskii Nabigeynaa (saw): “Ruuxii arka wax munkar ah, haku bedelo gacantiisa, hadii uu kari waayo, haku bedelo carabkiisa, haddii uu kari waayo, haku bedelo qalbigiisa, taas ayaana ah meesha ugu daciifsan imaanka”.  Inkasta micnaha xadiiskaan siyaabo kale duwan loogu adeegsaday oo koox kasta oo dagaal ku jirta usoo daliishato iney munkar reebayso, laakiin sida la ogyahay, xoog adeegsi sharciyeysan (legitimate use of force) waxaa iska leh dawlad sharci ah. Xoog adeegsi ma aha hawl utaalla koox aan dawlad aheen, marka laga reebo gobanimo-doonka xaqqa ah. Haseyeeshee, labada qodob oo kale, kuwaas oo kala ah in wixii munkar ah laga hadlo ama qabliga laga naco waa arin ruux kasta lagana rabo. Gaar ahaan, aqoonyahaanada waxaa looga fadhiyaa iney ka hadlaan waxyaabaha foosha-xun ee ka socda koofurta Somaaliya. Waa in laga hadlaa arimahaas si Ilaahey agtiisa cudur-daar looga helo, loona badbaadiyo qarannimada, maatada, sharafta iyo karaamada Somaaliyeed.

 

Laakiin, maxaa la sameynayaa haddii qalinku qoritaanka diido?  Waxey noqotay in qalinka la qur’aan saaro oo Ilaahey loo baryo iyo in loo wardiyo, loona duco qaado. Sidaas darteed, ayaan  saqda dhexe dhawr rakco ugu dukaday, waxaan ku baryaayay Ilaah ducada Qur’aanka ku jirta ee ah “ Rabi ishrax lii sadrii, wa yasir lii amrii, waxlul cuqdatan min lisaani yafqahu qawlii  oo ah erayadii uu ku duceystay Nabi Muuse (CS). Micnaha ducadaasu waa: “Ilaahow laabteyda iifur, arinkeyga ka dhig mid fudud, carabkeygana ka fur gunuda si ay hadalkeyga u fahmaan”. Saqda dhexe, aniga oo duceysanaya, waxaan maqlaayay oohinta caruurta cabsida iyo qaajada la seexan waysan oo hooyadood dhabta ku hayso ayada oo Ilaahey u eed-sheeganeysa. Waxaan maqlaayay ayada oo dheheysa“ Ilaahow kuwaan naga qabo”, “ Ilaahow kuwaan naga qabo”, “ ma sidaan ayaa diin ah!” “Ilaahow adiga kale ayaan ku dansheegtay ee naxariistaada nala soo gaar, kuwa daalimiinta ahna naga qabo”!. Waxaa kale oo dhegaheyga kusoo dhacaayay riinka iyo adaarka dhawaaca dawo la’aantu hayso oo waran geedaha hoostooda iyo habaarkooda oo aan kala go’a laheyn!  Waxaan maqlaayay dhawaaqa waayeel aan qixi karin oo xanuun iyo daryeel la’aatu hayso oo ashahaatanka iyo subxanalayska aan kala joojineyn!.  Waxaan maqlaayay … waxaan maqlaayay …. Waxaan maqlaayay wax kasta oo dhaqaajin kara damiirka aadamiga oo aan marna laga amusi karin!  

 

Markaas ayaan qalinkeygii kusoo jeestay oo aan baryay;  fadlan wax qor waqti la amuso lama joogee! wuxuu iigu jawaabay:  anigu waxba ma qori aqaan, waxba ma qori karo. Waxaan mar kale ku iri: qor oo hawshii laguugu yaqiinay ee  qoritaanka aheed haka fadhiisanin! wuxuu hadan ku jawaabaya, haddii xaalku sidaas yahay, hadaba iisheeg maxaan qoraa? Waxaan ku iri: sanado badan waxaan kuu sheegi jiray wax kasoo qaado, aniga caqligii ayaa iga faaray ee adigu wax soo xasuuso!    Wuxuu qalinkii isdaba geliyay su’aalaha ah: oo maxaa la qorayaa? Yaa wax loo qorayaa? Afkee wax ku qoraa? Waxaan ku iri:  Somali wax u qor, af-Somaali wax ku qor, wixii la qorayana aniga ha iweydiin. Wuxuu igu yiri: sida aan arki jiray, Somaalida intooda badan wax ma qoraan, waxna ma aqriyaan, inta yar oo wax aqrisana intooda badan wax ma fahmaan, inta yare ee wax fahamtana intooda badan fikirka la qoro  dan kama leh ee waxy aqriyaan ruuxa wax qora markii la reebo in yar oo Ilaahey u naxariistay! Qalinkii wuxuu yiri: anigu reerna kama tirsani, kooxna kuma abtirsado, Somaali ma ihi, waxaan ahay aadami, waan ku abtirsadaa Nabi Aadan (CS), waxaan qoraa runta, waxaan ka tarjama nabadda iyo hurumarka, waxaan jecelahay nidaamka iyo dawaldnimada. Hadaba, sidii aan Somalida noocaas ah wax ugu qorayaa, igama dhaaftidoo?

 

Waxaan ku iri: lagaama dhaafaayo ee wax sheeg, hadii lagu dhaafo, waxey la mid tahay ayada oo la isdhiibay, ayada oo kuwa dagaalada hurinaya loo hogaansamay, ayada oo mustaqbalka mugdi la geliyay, sidaasna ma aha dhaqanka ruuxa muslimka ah oo laga rabo inuusan marna quusan. Wuxuu ugu dambeyntii yiri: hadaba waxaa qorayaa dhawrka eray ee soo socda ee dadka iga gaarsi. (1) Ha isdilinna, ha isku xoog-sheegana, ha isxaqirina, wada-tashada, walaalooba.  (2) Wada hadla, shesheeye ha isku kaalmeysana, faragelin shesheeye ka maarma. (3) Dawlad la’aan wax uga daran Somaalida ma laha, dawlad la’aan lama dhaqangeli karo shareecada Islaamka.  Dawlad ayaan idinku ogahay.

 

Waxaan ku iri: intaas Somaalidu waa ogyhiin, hadana waa lagu kari waayay iney ku howlgalaan ee maxaa talo ah?  Wuxuu yiri: “madax nool iyo middi saawir ah midna lagama quusto”. Waxaa Ilaahey naga rabaa inaan la quusan oo dadaal joogta ah aan ku jirno oo meel kasta aan ka baadi-goobno xalka. Sidaas ayaa abwaanka caanka  ee Somaaliyeed Moxamed Ibrahin Xadraawi si qurux badan ugu cabiray gabagaan aan qeyb ka mid ah soo qaatay:

 

Markay dani meeday tidhi  Maxaan talo meel ka dayey
Markay dani maaha tidhi  Weydiiyey qof meel ka dayey
Markay dani maaha tidhi  Ku laabtay halkaan ka dayey
Markay dani maaha tidhi  Ka sii dayey meel la dayey
 

Qalinkeygii wuxuu soo gunaanaday qoraalkiisa asaga oo intii hore ka rajo fiican markaan waano iyo duco iskugu daray: “Ilaa dulmigii mudadda dheer la gelaayay laga tooban keenayo, Ilaa inta dawlad diidka ah Ilaahey soo hanuuninaayo ama laga adkaanaayo, ilaa inta dadka wanaagsan madaxda bulshada iyo dalka ka noqonayaan, wax weyn iskama bedelayaan xaalka Somaaliya”. Hadaba, furaha guusha Somaaliya waa inuu dhaco isbedelka caqliga iyo fikirka oo ku yimaada waxbarasho iyo barbaarin. Waxaan ku soo gunaadeenaa qoraalkaan, ayaadda Qu’aanka ah “Ilaahey ma bedelo xaaladda qawn ku suganyihiin [wanaag iyo xumaan], ilaa ay ka bedelaan waxyaabaha naftooda ku jira [khayr ama shar]…”. Waa taas tubta toosan, wadadda guusha, wadda kalena ma jirto! Xataa haddii qalinkii qalayay, ha quusan oo qoraal ha dayn !!!

 

 

 

 

 

 

 

 

Comments (0)

International Community to discuss Somalia at meeting in Rome

Posted on 09 June 2009 by dadweyne

For Immediate Release 

PRESS RELEASE 020/2009

 

 

Nairobi, 09 June 2009 – The UN Special Representative for Somalia, Ahmedou Ould-Abdallah, has announced that the 15th meeting of the International Contact Group will be held in Rome from 9 – 10 June. Representatives from more than 35 countries and international organizations are expected to attend.

 

“This is an important time for Somalia and it is vital that the international community gives a strong message of support to the legal Government,” said Mr Ould-Abdallah who chairs the International Contact Group. “The regional organisation IGAD, along with the African Union are both extremely concerned, as is the wider international community, by the long Somali crisis. They have shown us the way at their recent meetings.”

 

He said Somalia had always attracted support from its friends abroad. The International Contact Group, established by the US and Norway, held its first meeting in 2005 in New York and its second in London. In recent years the membership of the Group has expanded greatly, demonstrating increased interest in resolving the Somali crisis.

 

The meeting will include discussions on the political, security, humanitarian and development situation. Piracy, which is discussed in various specialized groups, is on the agenda. Somalia’s Prime Minister will attend the meeting.

 

“These talks will be about supporting the legitimate, internationally recognized Government, said Mr Ould-Abdallah. “There is no question of any inter-Somali discussions taking place as some have tried to suggest. The ICG is a group of friends of Somalia not a negotiating forum.

 

“I would like to thank the Italian Government for offering to host this meeting. We are looking forward to a positive, fruitful discussion.”

 

Comments (0)

Shabaab oo dilay wiil 17 jir ah oo ka tirsana, adeerkiis aya cadeeyay

Posted on 08 June 2009 by dadweyne

Xafiiska danbi baarista aya baararyay muddo bilo ah 20 Mareeykan Somali ka soo jeeda ee degan Minneeapolis oo u dhoofay si ay tababar u qaataan una caawiyaan kooxaha xadka diinta dhaafay.

Waxa ka mid aha ragaas  Burhan Xassan ee 17 jir ah oo ku dhintay Jimcihi Muqdisho,
Cusman Axmed oo ah adeerkii aya u sheegay ha’yada waraka ee Fox
“Qof sheeganaya inu xubin ka yahay shabaab aya soo wacay Burhan hooyadi jimacaha galinkiisi dambe una sheegay inu Burhan Dhintay,” ayu yiri Axmed.
“Burhaan hooyayadi weey naxday waxayna tuurtay telefoonka marki ay maqashay warka.” 

Sarkaal ka tirsan ciidanka amaanka aya u sheegay Fox Sabtidi in mid ka mid ah Mareynkanka Somaalida lagu dilay Somaaliya, haseyeeshe sarkaalku magac ma sheegin. 

Axmed waxa u sheegay in Burhan shabab ay dileen. Nin magacweyn ku leh Minneapolis bulshadeeda aya mar dambe sheegay isaguna in xubnaha shabaab ee ka tagay Mineapolis ay u badan tahay iney masul ka ahaayeen dilkan.

 

“Shabaab aya dilay Burhan oo ka toogtay madaxa” Axmed aya sheegay,

“Sida dhabta ah. Burhan waxa laga toogtay meel dhow,” sida u leeyahay Cumar Jamal oo ah madaxa Xarunta u dooda Cadaalada ee ku taal St Paul Mineapolis.

“Burhaan qoyskiisu waxa ugu dambeesay warkiisa laba todobaad ka hor.

“Marka waa u bukay mana sheegi kareeyn wax badan,” Axmed aya yiri. “Waxa u Burhaan soo wacay qooyskiisa codkiisuna waa u hooseeyay, kadibna mid ka mid saaxiibadiisa aya sheegay oo yiri Burhaan waa jiran yahay waxana u qabaa Malariya,” ayu Axmed ku daray.

“Xanuunkaasi aya u sahlay qoyskiisa iney ku qanciyaan inu ku soo laabto Ameerika, Wuxuna Burhaan u soo duuli laha dalka Keenya todobaadka soo socday,” aya waxa sheegay Jamal.

“Dhab ahaanti shabaabku inu Burhaan tagayo weey la xumaatay, markaasey dileen,” Jamal oo la hadlay qooyska aya cadeeyay. “Kuwa kaleh ee ku fikira iney soo noqdaan jidku sida uguma fududa.”

“Burhan waxa lagu aasay Somalia dhamaadki todobaadka laakiin Jamal aya weeydiistay Xafiiska Danbi Baarista (FBI) in gacan ka geeystaan in meeydka la keeno America. iyaguna waxay sheegeen in eegi doonaan suurtagalnimada arrinkan,” Jamal aya sido kaleh sheegay.

Burhaan waxa u dhigan jiray Dugisiga sare Roosevelt ee Minneapolis inti anu u kicin Somaaliya sanadkan..

Waxa u ahaa wiil karti badan oo la iman jiray A oo ugu fiicna fasalkiisa,” ayu Axmed ku marag furay mal ay wareeysanayeen Sanadka Mareeynkanka oo ka hadlayay tabarka shabaab

.”Waxa u aha wiil hami badan oo ku talo jiray inu tago Jamacada Havard sidi u baran laha daawooyinka ama shariga si u noqdo garyaqaan ama dhakhtar.”

 

Axmed waxa ku eedeeyay Musaajidka degaanka inu gacan siiyay iney shabaab wiilki u adeerka u yaha iyo dhalin kaleba ay u fududeeyeen shabaab iney wax tababaraan.

“Burhaan ma daneeyn jirin siyaasada Somaalyia mana fahmi jirin qabyaalada Somaalida,” Axmed aya sheegay .“Carrurtani fikrad kama heysan Somalia marka laga reebo waxa ay u sheegeen macalimiintooda masaajidadu. Waxaan rumeeysan nahay in carrutani anay Somaaliya iska tagin. Waxa jira kuwa kaleh oo u sheegay in ka qeeyb galka xaalka Somaaliya u yahay arrin toosan.”

Burhaan inta la ogyahay waa qofki labaad ee Mareeykan ah ee ku dhintay isagoo la safan shabaab lana dagaalamayay Dowlada Somaaliya ee qunyar socdka ah ila 2006.

Bishi October ee 2008, Shirwac Axmed oo 27 jir ah ee ka soo jiida Mineapolis aya noqday qofki kowad ee is qarxiyay marki u isku gubay Somalia isaga dilay dad badan, sida ay sheegtsay FBI.

Illo ku dhow FBI aya u sheegay bishi FOX in kuwi tagay Somalia in badan oo ka mid ah ay soo noqdeen walina qaar badan “ay jiraan Somaaliya.”

Related
Somali activist says Mpls. teen reportedly killed – KSAX TV

Xigasho FOXNews, June 07, 2009

 

 

Comments (3)

Consultative meeting of AU,IGAD,UPOS and TFG

Posted on 07 June 2009 by dadweyne

au-igad-un-tfg3

In accordance with the Communiqués of the IGAD extra ordinary Council of Ministers meeting of 20 May 2009 and the African Union Peace and Security Council meeting of 22 May 2009 calling for a more concerted and coordinated efforts by the IGAD, AU and UN in addressing the Somalia crisis and, United Nations Security Council resolution 1872 (2009), a meeting of AU Member States that have pledged training and service support to the Somalia Transitional Federal Government (TFG) was convened by the three institutions on Saturday, 6th June 2009 at Nairobi, Kenya.

The meeting was attended by Ambassadors/Representatives of the following AU Member States: Angola, Botswana, Burkina Faso, Burundi, Djibouti, Egypt, Ethiopia, Ghana, Kenya, Rwanda, Sierra Leone, Somalia, South Africa, Sudan, Tanzania and Uganda. The United Nations Development Programme (UNDP) Somalia, also participated in the meeting.The meeting received briefs on the political, security and socio-economic situation in Somalia from the Somalia Minister for Defence, the Special Representative of the AU Commission Chairperson for Somalia and the IGAD Facilitator for the Somalia Peace and Reconciliation Process. The meeting highlighted the need for coordination of all ongoing and future training support and other services pledged by AU Member States to the TFG in order to avoid duplication, wastage of the scarce resources available to maximize such support and to urgently re-establish Somalia’s Security Sector Institutions. The meeting also discussed, and agreed upon, urgent areas for capacity building in support of revitalising Somali state institutions in the security, financial integrity, governance and revenue generation sectors notably the key ministries of Finance and Economic Planning, Defence, Interior, National Security and the Parliament, Judiciary, Prime Minister’s Office and the Presidency.Accordingly, the meeting encouraged AU Member States and relevant organizations to reenergize their resolve to support the TFG by initiating or reactivating their bi-lateral co-operations with the TFG. The meeting also called upon bilateral and multilateral institutions and governmental institutions with the requisite expertise and comparative advantages in the areas identified above, to urgently support the TFG with such expertise by either seconding such expertise to the TFG or allowing Somalia to benefit from on-the-job training in their organizations or countries respectively. The meeting called for the speedy disbursement of funds and delivery of other assistance pledged for Somalia Security Sector Institutions at the Brussels conference in April 2009.

The meeting further welcomed the initiative of AMISOM, IGAD and UNPOS in convening this meeting and stressed its support and determination to ensure the achievement of the objectives of the meeting. In this regard, the meeting proposed that a follow up meeting at the technical and ambassadorial levels be convened on 13 and 14 July 2009 respectively to review the status of implementation of the decisions of this meeting.

Comments Off

Dagaalo goos goos ah oo dib ugu bilowday Yaaqshiid ee Muqdisho

Posted on 05 June 2009 by dadweyne

Dagaalo goos goos ah ayaa ka soconaya maalintii shanad oo xiriir ah deeganada degmada yaaqshiid ee gobolka Banaadir, waxaana marar qaar la maqlayaa xooga rasaasta ay adeegsanayaan labada dhinac.

Dagaalkan oo soo socday in muddo ah ayaa weli laga gaarin wax natiijo ah iyadoo labada dhinaca waa Dowlada Soomaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda e ay qolo waliba dooneysay inay qolada kale awood ku jiirto.

Dagaalkani ayaa geystay qasaare lixaad leh iyadoo ay ku dhinteen dad aad u tirio badan boqolaal ay ku dhaawacmeen iyadoo tiro intaasi ka badan ay guryahooda ka barakaceen.

Xaalada deegaanadaasi ayaa ah mid aad u mururgsan xiili laga deyrinayo guud ahaan xaalada Soomaliya oo lagu tilmaamay inay mareyso meeshii ugu xumeyd ay abid gaarto madaama dagaalada ay saameyeen dhaamaan gobolada koonfureed ee soomaliya hlkaasoo ay dagaalo ku wada jiraan kooxaha islaamiyiin iyo kooxo taabacan dowlada Somaaliya

Comments (0)