Keeydka | Sawirada

DOWLADDA KMG SOMALIA OO TAAGEERO MILATARI WEYDIISATAY DALKA MARAYKANKA.

Posted on 13 March 2011 by Madaxa

FARMAJKadib dagaallo xoogan ay dowladda kmg Somalia ay kula jirto kooxda Al shabab ayaa Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya wuxuu mar kale beesha Caalamka iyo dowladda Maraykanka ka codsaday in dowladda KMG laga garabsiiyo dagaalada ay kula jiraan Al Shabaab.   

Ra’iisul Wasaare Max’ed C/laahi Max’ed Farmaaj ayaa isagoo ku sugan wadanka Maraykanka waxaa uu sheegay in dowladda ay taageero ugu baahantahay dowladda Maraykanka iyo beesha caalamka si ciidamada dowladda ay ugu guulaystaan dagaalada ay kula jiraan  Al Shabaab.

“Waxaan jeclaan lahayn in dowladda Maraykanka ay nagu taakulayso qarashaad iyo qalab Milatari oo lagu xoojiyo ciidamada dowladda KMG” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya oo u waramayay Talefeshinka CNN-ka oo laga leeyahay dalka Maraykanka.

Mr Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobolada Soomaaliya ay kaga guulaysteen Al Shabaab, isagoo shaaca ka qaaday in dowladda Maraykanka, Midowga Yurub iyo dalalka Carabta looga baahanyahay inay is garab tagaan dowladda KMG Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay inay dagaalo kula jiraan Al Shabaab oo gacan ka helaysa sida uu sheegay Al-qaacidda iyo burcad badeeda Soomaalida, waxaana uu tilmaamay in loo baahanyahay in halmeel looga soo horjeesto dhibaatooyinkaasi.\

Comments (0)

DOWLADDA OO SHEEGTAY INAY GACANTA KU DHIGTAY DAGAAL YAHANNO AL SHABAB.

Posted on 13 March 2011 by Madaxa

Somali LogoCiidamada DFKG Ayaa Sheegay In Ay Qabteen Malayshiyaad Ka Tirsan al-Shabaab

Raggaan la qabtay ee ka tirsanaa kooxda al-Shabaab ayaa ka dambeysay kadib markii Al Shabab saakay goor hore weerar ku qaadey fariisin ciidanka DFKG Soomaaliya, kaas oo ku yaala degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Cali Maxamed Axmed oo u hadley ciidanka Dawladda ayaa sheegay in saakey ay weerar ku soo qaadeen caruur yar-yar oo ka tirsan al-Shabaab kuwaas oo la soo qaldey, waxaana ciidanka Dawladdu ay qabteen 6 kamid ah caruurtaas.

Sarkaalka ayaa sheegay in dagaalku aanu ahayn mid weyn, waxaana uu baaq u direy dhalinyarada aadka u yar-yar ee dagaalada loo isticmaalayo.

 

Sarkaalka ayaa balanqaadey in ay saxaafadda u soo bandhigi doonaan, malayshiyaadka ay ka qabteen Xarakada al-Shabaab.

Comments (0)

DAGAAL CULUS OO KA SOCONAYA DULEEDKA BALEDWEYNE.

Posted on 13 March 2011 by Madaxa

SHABABSida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan Dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyada Al-Shabaab ayaa caawa ka soconaya duleedka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoona dagaalkan uu bilowday fiidkii caawa, islamarkaana ay soo qaadeen maleeshiyada Shabaab ayaa ka soconaya deegaanka Ceel-gaal oo ay fariisin ku lahaayeen qaar ka mid ah ciidamada dowladda KMG ah.

 

Iska hor imaadkan Wararka ka imaanaya deegaankaas ayaa sheegay in dagaalka uu haatan ka soo durqay deegaanka Ceel-gaal, iyadoona uu ku socdo deegaanada Dhagax -Qowlda iyo Sabad-Caano oo 4 km u jirta magaalada Baledwene.

 

Mas’uul  u hadlay ciidamada dowladda ayaa sheegay in dagaalka uu kaga dhaawacmay 1 askari, islamarkaana ay u dhaw yihiin in magaalada Baledwene ay gacanta ku dhigaan.

 

Daryanka madaafiicda labada dhinac ay isku adeegsanayaan ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada Baledweyne, wallow dadka deegaanka baqdin xoogan ku beertay.

Comments (0)

AL SHABAB OO QASAARO KALA KULMAY DAGAALKA WARADHUUMA LEH.

Posted on 25 February 2011 by Madaxa

kalshaale

Inka badan 10 qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib dagaal u dhaxeeyay ciidaada Ahlu sunna iyo Al shabab oo ka dhacay deegaanka Waradhuuma leh ee gobolka Galgaduud.

 

 

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa dhinacyada isku hor fadhiya halkaasi waxaa ay is weedaarsadeen Madafiic cul culus sida ay ay kusoo waraayaan ilo wareedyo ku sugan deegaanada ay isku hayaan ciidamada Shabaab iyo kuwa Ahlu Sunna.

 

Afhayeenka dhinaca ciidamada u qaabilsan Al Shabaab ee NINKA lagu magacaabo C/casii Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa guulo ka sheegtay dagaaladaasi, isagoo sheegay inay dileen dhowr askari oo ka tirsan ciiamada Ahlu Sunna.

 

Dhinaca Ahlu Sunna Majjiro ayaa sheegtay inay qasaro xoogan u geysteen kooxda al shabab oo tiro ciidamo ah ay kaga dileen kuwaas oo bahalada ay cuneen hilibkooda.

 Si kastaba dagaalada ka jira deegaanka Waradhuumo leh ayaa waxaa uu noqday dagaal soo noqnoqda.

Comments (0)

Shaqsiyaad caan ah oo ka soo jeeda beesha Mudulood oo la amray in iyagana la soo xiro (xog muhiim ah).

Posted on 18 February 2011 by Madaxa

Warar gaar ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in R/wasaare Farmaajo uu amar ku bixiyey in la soo xiro shaqsiyaad kale oo ku lug yeeshay dhacdadii 15-Febrayo ee lagu laayey banaanbaxayaashi
Raga la amray in la soo xiro oo aan helnay waxaa ka mid ah .

1-Gudoomiyaha dallada bulshada rayidka Muxu’diin Xasan Afrax

2-Shire Xaaji Dalfac

3-Sharif Jilicow

4-Axmed Cumar Xabeeb (Jandhay)

5-Malaaq Showri Malaaq Colow (Malaaqa Xamar iyo Xamar-Daye)

Ragaan ayaa la sheegay iney dhamantood si isku mid ah ugu hanjabeen gudoomiyaha G/Banaadir Tarzan iyagoo sidoo kale la kulmay Max’ed Dhacdada kadib.

Ragan ayaa dhamaantood waxaa ay maanta magangalyo ahaan u galeen degmada Madiina ee maamulka Axmed Daaci halkaas oo la sheegay in ciidamo ka tirsan nabadsugida ay ku weerareen.

Ciidama beeled ku heyb ah ragan ayaa caawa ka wada degmada Madiina dhaqdhaqaaq xoogan si ay uga hortagaan ciidamada PS-ta ee uu Farmaajo soo diray.

Dhacdadi 15-Febarayo ayaa u muuqata in shaqsiyaad kale loo heysto , waxaana arinka u muuqdaa inuu xifaaltan beeleed ka dhex bilawday Tarzan iyo Waxgaradka Mudulood.

Gudoomiye Tarzan ayaa dadka wax saadaaliya waxey sheegayaan inu si ugu lug yeeshay maadama ay mucaaradsanyihiin dhamaan waxgarardka Mudlood.

Dagaalka ayaa hada muuqda mid ku dhamaan doona Tarzan +Amisom VS waxgaradka Mudulood.

Comments (0)

Maxay Tahay Sababta Horjoogihii Al Shabab ee Gobolka Banadir Cali jeesto Xilka Looga Qaaday.

Posted on 18 February 2011 by Madaxa

Horjoogihii ugu Sareeyay Kooxda Al Shabab ee Gobolka Banaadir Cali Maxamed xuseen (cali Jeesto) ayaa laga xayuubiyay xilkii uu ka haye Maleeshiyaadka kooxda Shabaab kaddib markii uu ka qayb galay kana hadlay dilkii loo gaystay Axmed Keyse oo xiriir dhaw oo saaxibtinimo iyo dhaqaale lalahaa Axmed Godane.

Cali jeesto waxa uu ku biiray horjoogayaal hore xilka looga qaaday kadib markii ay ishor taag ku sameeyeen amarro ka yimid Axmed Cabdi Godane oo ah horjooge sii adkeysanaya in xilkiisa sii haysto, Waxaana ka mid ahaa Abuu mansuur, Fu’aad shongole iyo khliif Cadale oo hore looga soo daayay xabsi ku yaalla dalka Jibuuti.

Arrintaan ayaa waxa ay imaanysaa kadib markii khilaaf xooggan oo u dhaxeeya labada garab ee shabaab uu dib u soo cusboonaaday kaddib markii awood qabsi xooggaan uu soo muuqday, waxaana la sheegayaa in khilaafkani keeni karo is ugaarsi u dhaxeeya labda garab.

Tan ayaa waxa ay muujinaysaa in khilaafka laabda garab oo ay kala hogaamiyaan Abuu mansuur iyo godane uu gaaray meel sare.

Comments (0)

AL SHABAB OO KU XERAY CEELDHEER WADAAD CAAN KA AHAA DEGMADAAS.

Posted on 18 February 2011 by Madaxa

Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Al Shabab ay xabsiga dhigeen wadaad caan ka ahaa magaaladaas iyo labo wadaad oo kale oo la joogay.

Wadaadkaan ay xereen kooxda Al SHabab ayaa lagu magacaabaa Sheekh Max’ed Xasan oo ahaa wadaad muddo ku noolaa magalada Ceeldheer isagoo dadka reer Ceeldheer ay si weyn u ixtiraami jireen.

Ciidamo ka tirsan Al Shabab ayaa saakay waxay u dhaceen guriga uu ka deganaa Magaalada Ceeldheer wadadkan lagu magacaabo Shekh Max’ed Xasan kadibna halkaas ay ka wateen Wadaadka iyo labo wadaad kale oo la joogay Sheekha.

Raga lala xiray Sheekhaan oo lagu kala magacaabo C/laahi Sheekh Daa’uud iyo Ibraahin Sheekh Axmed Yare ayaa la ogayn sababta ka dambeysa xariga loo gaystay Sheekhan iyo ragas.

Wararka ayaa intaa ku daraya in wadaadkan SHeekh Max’ed Xasan uu muddo ku noolaa magaalada Ceeldheer isagoo magaalada bartamaheeda ka daganaa wuxuuna ahaa wadad aan dadka la hadlin marka laga reebo labadaan nin ee lala xeray.

Comments (0)

KOOXDA AL SHABAB OO XILKA KA QAADAY HORJOOGE YUUSUF KABO KU DUKADE EE GOBOLKA GALGADUUD.

Posted on 18 February 2011 by Madaxa

Warar hoose oo aynu heleyno ayaa sheegaya in Kooxda AL SHabab ay xilka ka qaaday Horjoogihii ugu sareeyay Kooxdaas Gobolka Galgaduud ninka lagu Magacaabo Yuusuf Sheekh Ciise oo ku magac dheeraa KABO KU DUKADE.

 

Xil ka qaadista Yuusuf Kabo ku dukade ayaa waxaa ay ka dambeysay kadib markii xurguf iyo qilaaf uu soo kala dhexgalay kooxda Al Shabab oo labo qeybood u kala jabay.

 

Kooxda Al Shabab ayaa shalay xilkii ka qaaday Horjoogihii hore ee gobolka Banaadir iyadoo sidoo kale xilka ka qaaday Yuusuf Kabo Ku dukade Xalay.

 

Al Shabab ayaa ilaa haatan si rasmi ah u Shaacinin xil ka qaadista Kabo Ku Dukade iyadoo dhawaan ay ku dhawaaqi doonaan.

Comments (0)

CIIDAMADA AMISOM OO XABSIGA DHIGAY GUDDOOMIYIHII HORE EE GOBOLKA BANAADIR SABABTA MAXAY TAHAY.

Posted on 17 February 2011 by Madaxa

Dowladda KMG ah ayaa maanta xabsiga dhigtay shan qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday dadkii bannaanbaxa nabad gelyo ku sameynayay magaalada Muqdisho shalay oo ahayd 15kii bishan.

Galabta ayaa ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom waxay kazoo wadeen Max’ed Dheere guriga uu daganaa oo ku yaala dhismo ku dhegen Hotel Naasa Hablood 2 ex-Safaaraddii Shiinaha kadibna geeyay Madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda ay ka codsadeen Ciidamada Amisom inay soo qabtaan dad uu kamid yahay Max’ed Dheere waxaa kalo jira dad kale oo iyana la tuhun san yahay inay ka dambeeyeen falkii shalay ka dhacay Muqdisho.

Magacyada dadka la xiray waxay kala yihiin:

1. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir

2. Cabdi Qeybdiid (Ma aha Cabdi Xasan Qeybdiid)

3. Maxamed Raage Tifow

4. Cali Nuur Maxamed

5. Nuur Cali Yalaxow

Waxaa magacyadan ku dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha, Ra’iisul-wasaare-ku-xigeenka, ahna Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Warfaafinta, Boostaha & Isgaarsiinta. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in weli lagu raad-joogo dad kale oo la aaminsan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkaas lagu qaaday muwaadiniinta sameynayay bannaanbax nabadeed.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo maanta uu Madaxweynaha cambaareeyay weerarkaas, isla markaana ballanqaaday in caddaaladda la horkeeni doono dadkii ka dambeeyay dhacdadii dadka lagu laayay. Sidoo kale shir aan caadi ahayn oo uu yeeshay Golaha Wasiirrada maanta waxaa la faray Hay’adaha Amniga inay tallaabo ka qaadaan dadkii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday shacabkii mudaaharaadayay.

Comments (0)

HORJOOGIHII UGU SAREEYAY KOOXDA AL SHABAB CALI JEESTO OO XILKA LAGA QAADAY XOG KU SAABSAN SABABTA KA DAMBEYSAY XIL KA QAADISTIISA.

Posted on 16 February 2011 by Madaxa

Kadib markii mudooyinkii ugu dambeeyay ay jireen qilaaf xoogan oo u dhaxeeyay kooxda Al SHabab ayaa waxaa maanta xilka laga qaaday Cali Maxaa Xuseen oo ku magac dheer Cali Jeesto kaasi oo ahaa horjoogaha ugu sareeyo kooxda Al Shabab ee magaalada muqdisho.

Horjoogihii hore ee gobolka Banadir ee kooxda Al Shabab Cali Maxaa Xuseen Cali Jeesto ayaa waayay ugu dambeyn xilkiisa isagoo looga qaaday xaflad ay soo qaban qaabiyeen horjoogayal ka tirsan Garabka Axmed Godane kuwaasi oo aad u dhaliilsanaa siyaasadda Cali Jeesto.

 

Cali Jeesto ayaa la sheegay inuu ku siyaasad ahaa garabka uu hogaamiyo Abuu Mansuur ee kooxda Al Shabab kuwaasi oo kazoo hor jeestay kooxda uu hogaamiyo Axmed Godane ee loo yaqaano Shababka Shisheeyaha ah.

 

Horjoogaha cusub ayaa lagu magacaabaa Maxamed Xasan Cumar Abuu C/raxman wuxuuna ka tirsan yahay Garabka Axmed Godane kuwaasi oo isku dayaya inay ka takhaluusiyaan kooxda kale ee kazoo horjeedo oo uu hogaamiyo Abuu Mansuur.

 

Cali Jeesto ayaa horey loogu wargalinin in xilka laga qaadayo waxaana markii hore looga yeeray kulan lagu sheegay wada Tashi dhex maraya kooxda Al Shabab laakin markii uu imaaday ayaa loo sheegay in la doonayo inuu xilka warejiyo kadibna uu wareejiyay xilkaas isagoo ka cabsaday in shirqool lagu dilo.

 

Horjoogahaan ayaa muddo ahaa u qeybsanaha kooxda Al Shabab gobolka Banadir wuxuuna qeyb weyn ka qaatay leysmada dadka Rayidka ah.

 

Maxamed Xasan Cumar Abuu C/raxman waa Shaqsiga lagu badalay Cali Jeesto wuxuuna qabiil ahaan kazoo jeeda beesha Abgaal oo uu kazoo jeeday Cali Jeesto laakin fuliya fikirka Axmed Godane iyo kooxdiisa.

Comments (0)

Al Shabaab oo Berdaale ku xiray dhallinyaro xer ah maxay ku eedeeyeen???

Posted on 15 February 2011 by Madaxa

Kooxda Al Shabaab ee magaalada Berdaale ee gobolka Baay, ayaa xalay weerar ku qaaday guri uu deggan yahay sheekh caan ka ah degmadaasi oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Rooble. Guriga sheekhaasi ayaa ah mid ay diinta ku bartaan dhallinyaro badan oo xer ah, waxayna maleeshiyadu halkaasi ka qabteen oo ay xireen 10 ka mid ah xertaasi. Maleeshiyada Al Shabaab ayaa ku eedeeyay xertan in ay u diyaar garoobayeen xuska munaasabadda mowliidka ee dhalashada Nebi Muxamed (NNKH), oo la sameeyo bishan oo kale sanad kasta. Maleeshiyada ayaa lagu soo warramayaa inay jir-dil u geysteen xertaasi, ka hor intii aanay u kaxeyn xabsiga, iyadoo la sheegayo in qaar ka mid ah xertaasi ay haatan xaaladdoodu liidato. Dadka deggan degmada Berdaale ayaa walaac ka muujiyay xarigga iyo jirdilka ay maleeshiyada Al Shabaab kula kaceen culimadaasi. Maalmo ka hor ayay ahayd markii horjooge ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab uu digniin u jeediyay bulshada ku nool degmadaasi, isagoo ugu hanjabay in ciddii xusta mowliidka ay tallaabo adag ka qaadi doonaan.

Comments (0)

Kooxda Al Shabab oo Caruurta dugsiyada Askareynayso iyo Dad Xamaalato ah oo xabsiga Jowhar lagu xiray Maxay Tahay sababta???.

Posted on 15 February 2011 by Madaxa

zchildWararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in kooxda Al SHabab ay dar dar galiyeen askaraynta caruurta aadka u da’da yar  ee dugsiyada Quraanka Dhigta ay bilaabeen inay ku daraan Ciidamada Mara habaawsan ee ay ku halaajiyaan dagaalada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Waaliddiinta ku nool magaalada Jowhar ayaa maalmihii ugu dambeeyey carruurtoodii kala cararayey  halkaasi, iyagoo ka cabsanaya in Al Shabaab ciidameeyaan.

 

Kooxda Bahalada ah ee Al Shabaab ayaa ilaa bishii hore ee Janaayo waxay ilaa 200 caruur ah geeyeen xero ciidan oo ku taalla magaalada Warsheeq ee isla gobolkaasi.

 

Waalidiinta ayaa sheegay in aysan u dulqaadan karin in ay arkaan carruurtooda oo hubaysan kana qayb qaadanaya dagaallada ay maleeshiyada Al Shabaab kala soo horjeedaan dowladda KMG ee Soomaaliya

Sidoo kale.

 

Al Shabaabka magaaladaa Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada dhexe ayaa maanta xabsiga u taxaabay dhowr iyo tobon ka mid ah ganacsatada iyo dadka ku xoogsada gaari-gacannada, kadib markii ay diideen in ay bixiyaan 20 doollar oo ay ay maleeshiyada ku amreen in ay bixiyaan.

 

Kooxda dad qalatada ah ee Al Shabab ayaa waxay jimcihii ku amreen dadka dan yarta ee ka xoogsada suuqa Magaalada Jowhar Lacago Baad ah oo qofkiiba laga doonayo 600 kun shilin Somali oo u dhiganta lacag ka badan 20 dollar laakin Xamaaliyaaasha ku xamaasha Gaari Gacanada ayaa sheegay inaysan helin lacagahaas bishii oo aysanba keyd u galin sidaas darted aysan dhididkooda xoog looga qaadan doonin.

Comments (0)

Madaxweyne Sheekh Shariif oo sheegay in Dowladda Waqtiga loo kordhinaayo War saxaafadeed kazoo baxay xafiiskiisa.

Posted on 15 February 2011 by Madaxa

AFGADUUD

Waxaan wada ognahay in waqtigii Dowladda FKM ah ee lagu soo dhisay heshiiskii Jabuuti uu ku eg yahay Ogoosto 20, 2011.

 

Waxaan goobjoog ka ahaa talo soo jeedintii IGAD ay ku gaartay Shir-madaxeedkii AU ee January 31 ee magaalada Adis Ababa.

Waxaan kaloo ka war haynaa go’aankii Baarlamaaanka ee 3-da February ee ku saabsan xilliga kala guurka, waxaana hubaal ah in uu baarlamaanka yahay hay’da sharci dejinta qaranka soomaaliyeed.

Hadana, waxaan ka warhaynaa welwelkii iyo walaaca ay ka muujiyeen qaybo badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed iyo bulshada caalamka go’aankii baarlamaanka ee xilliga kordhinta.

Sidoo kale, annaga oo la soconna dadaalka caalamiga ah ee uu hoggaaminayo ergeyga gaarka ee QM ambassador Mahiga ee ku aaddan sidii aragti midaysan looga gaari lahaa arrinta ku saabsan dhammaynta xaaladda kala guurka. Iyo sidii looga gudbi laha.

Waxaan kaloon jeclahay in aan u sheego shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada caalamka iyo inta danaysa arrimaha Soomaaliya, in aan ku guda jirno wada tashiyo aan uga gol leenahay in aan ku gaarno talo mideysan oo danta soomaaliyeed ku jirto  horayna loogu socon karo.

Sidaas darteed anigoo ka ambaqaadaya waajibaadka dastuuriga ee aan u hayo qaranka Soomaaliyeed, tix galinayana xaalada siyaasadeed ee dalku ku jiro iyo duruufaha amni iyo nololeed iyo weliba aniga oo ka ambaqaadaya kala duwanaanshaha aragtiyada siyaasadeed ee saameyn ku yeelan karta hay’adaha qaran iyo mustaqbalka shacabka soomaaliyeed -  ayaan go’ aan saday in aan fursad ku filan siiyo wadatashi balaaran oo ku Aadan sidii looga gudbi lahaa xaaladda kala guurka)

Sidaas oo kale, waxaa laga maarmaan ah in loo helo xilli cusub oo lagu dhameystiro hawlaha qabyada ah ee dhexda uga jirto dawlada KMG.

Hadaba, waxaan marnaba laga maarmin in fursad la siiyo xukuumada cusub ee weli ku jirta boqolkeedii maalmood ee hore iyo hay’adaha kale ee dastuuriga ah.

Waxaa sidoo kale iyana laga maarmaan ah in loo baahan yahay xilligan degaanaansho siyaasadeed oo suurta geliya dhameystirka hawlaha aan kor ku soo sheegnay kaas oo u baahan isla jaanqaad iyo wada socodka dhamaan mu’asasaadka dastuuriga ah ee DFKMG.

Markasta oo aan aayaheena ka tashaneyno waxaan diirada saareynaaa maslaxada qaranka iyo madax banaanidiisa iyada oo aan meeshada laga saareynin lagama maarmaaninada kasbashada iyo joogteynta taageerada bulshada caalamka

GEBO GEBODII, aniga oo ka fii’iideysanaya fursadan qaaliga ah waxaan jeclahay in aan ku baaqo:

1.      In isha lagu hayo laguna mintido hawlaha calculus ee xilligan hor yaala dawlada sida aminiga, xoojinta mu’asasaadka dawlada iyo wax kaqabadka abaaraha ba’an ee ku habsaday shacabka soomaaliyeed .

2.      In hay’adaha dawladau ay dadaal joogto ah ku bixiyaan xoojinta wadashaqayn soo hoysa guulo la taaban karo.

3.      In ganacsatada gudaha iyo dibada iyo qurbo joogta ay u istaagaan  gurmadka shacabka ay aafeeyeen abaaruhu.

4.      In beesha caalamka lagarab taagnaato dawlada hay’adeheeda kala duwan taageero wax ku ool ah oo xoojisa haay’daha sharciga iyo kala danbeynta kuwaas oo lagama maarmaan u ah xal u helida amnidarada ka jirta badda iyo berriga.

Waxaan si gaar ah ugu baaqayaa shacabka soomaaliyeed (gudaha iyo dibaddaba) oo udub dhexaad u ah qaranimadeena aniga oo hubo in uu baahi xoogan u qabo midnimo iyo dawladnimo baahda in ay taageero wadanimo la garab istaagaan dawladooda sidii horay looga bartay, isla markaasna ay  ka hortagaan kala qaybinta shacabka jamhuuriyada  iyo ka qaybqaadashada hurinta colaadaha.

Comments (0)

Shabaabka Shabeelaha Hoose oo Haweenka ka Mamnuucay Inay iibiyaan Khatka Ganacsatadana ku amray inay qaatan Dolarka Jeex jeexan.

Posted on 13 February 2011 by Madaxa

Shabaabka Shabeelaha Hoose oo Haweenka ka Mamnuucay Inay iibiyaan Khatka Ganacsatadana ku amray inay qaatan Dolarka Jeex jeexan.

Kooxda Munaaqiinta ah ee Al Shabab ayaa sheegay inaysan haweenka iibin Karin Khaatka isla markaana aanan lagu dhex cuni Karin Jaadka gudaha Magaalada Afgoye.

Koox wata gaari Hoomey ah oo ku xeran cod baahiye xoogan ayaa ku wargaliyay Haweeenka Iibiya Khadka inaysan gadi Karin mar dambo oo ay joogaan guryahooda.

Tan iyo burburkii dalka waxaa Haweenka ay ka ganacsanayeen iibinta Khaatka iyagoo daboolayay Baahida qoyska laakin Argagixisadan Shababka ayaa waxaa ay u muuqdaan kuwo bur burinaya nolosha qoysas badan oo ay ku tiirsaaa Ganacsiga Haweenka ee Khaatdka.

Kooxda Al Shabaab ee degmadaasi ayaa waxaa ay u digeen dadka qaadka ku dhex cuna gudaha degmadaasi, iyagoo sheegay in cidii ka dhaga adeegtaa amarada ay soo jeediyeen ay ka qaadi doonaan talaabo cad oo waafaqsan sharciga sida ay hadalka u dhigeen.

Sidaoo kale Maamulka Shabaab ee degmada Afgooye ayaa waxaa ay amaro dul dhigeen ganacsatada sarafta lacagaha Dollar-ka kuwaasi oo ay ku amreen inay qaataan lacagta jeexan ee dollarka ah, iyagoo sheegay ganacsadihii diidaa lacagtaasi inay u taxaabi doonaan xabsiga islamarkaana ay soo istaajin doonaa shareecada Islaamka.

 

Al Shabaab ayaa lagu eedeeyaa in ay amaro xoogan dul dhigaan ganacsatada ku nool goobaha ay Maamulaan, iyagoo awaamiirtaan ay walaac xoogan ku muujiyeen dhamaan ganacsatadii ay dul dhigeen amarka, kuwaasi oo ku jahwareersan qaabka ay u dhaqan galin lahaayeen amarka kasoo baxay Maamulka Al Shabaab ee degmada Afgooye.

Comments (0)

Al Shabaab oo sheegay in Takfiirkii lagu xer xeray Wanlaweyn ay wadeen Howlo diinta islaamka ka dhan ah,

Posted on 11 February 2011 by Madaxa

Al Shabaab oo sheegay in Takfiirkii lagu xer xeray Wanlaweyn ay wadeen Howlo diinta islaamka ka dhan ah,

Maamulka kooxda AL Shabaab ee gobolka Sh/hoose ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo ciidamadooda ay ka sameynayeen maalmihii dambe deegaano badan oo ka tirsan gobolkaasi.

 

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Sh/hoose Sheekh C/qani Abuu Yaxya ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Xarakada AL Shabaab ay howlgaladaasi kusoo qab qabteen dad farabadan kuwaasi oo ay ku eedeeyeen falal ka dhan ah shareecada Islaamka.

 

Sheekh C/qani Abuu Yaxya ayaa tilmaamay in ciidamada howlgalkaasi fuliyay ay ahaayeen ciidamo si gooni ah u tababaran kuwaasi oo uu tibaaxay in maalmihii dambe tabaro ay soo dhamaysteen.

 

Mudooyinkii dambe ayaa Maamulka Al Shabaab ee gobolka Sh/hoose waxaa ay wadeen howlgalo ay tilmaameen in ay ku cirib tirayaan Ururka Takfiirka, iyagoo sida ay sheegeen howlgaladaasi ku qab qabtay dad badan oo ay carabaabeen inay ka mid ahaayeen Ururka Takfiirka.

Comments (0)

GUDOOMIYE TARSAN” TARTANKAAN WAA MID SARO LOOGU QAADAYO NIYADDA CARUURTA AY MARINHABABIYEN KOOXDA AL SHABAB,MUQDISHO WAXAY U BAAHAN TAHAY NABAD.

Posted on 11 February 2011 by Madaxa

GUDOOMIYE TARSAN” TARTANKAAN WAA MID SARO LOOGU QAADAYO NIYADDA CARUURTA AY MARINHABABIYEN KOOXDA AL SHABAB,MUQDISHO WAXAY U BAAHAN TAHAY NABAD.

tarsan5Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magalada Muqdisho ayaa maanta ka hadlay tartan Tartan oo ay ka qeybgaleen ilaa Labaatan dhalinyaro ah oo ka kalayimid degmooyinka Gobolka  Banaadir oo ciyaaraha Orodada ah,  ayaa waxaa xariga ka jaray gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo sheegay in ujeedada Tartankani ay tahay sidii sare loogu qaadi lahaa muraalka dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ay marinhabaabiyeen maleeshiyaadka Shabaab.

Tartan Sporti oo lagu dhiirigelinayay Nabadda isla markaana ay soo qabanqaabiyeen maamulka G/Banaadiy iyo Xiriirka Olyompicada Gobolka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Mr Tarsan ayaa sheegayin lagama maarmaan ay tahay in dhalinyarada loo abuuro Mustaqbal ay ku shaqeynstaan, maamulka Gobolkuna waxa uu ku dadaalayaa sidii loo horumarinlahaa Sportiga,  kaas oo keeni kara isdhaxgalka Bulshada, Nabada qeyb ka qaadankarta.

MUQDISHO WAXAY U BAAHANTAHAY NABAD ayaa lagu qorey maaliyadaha ay wateen ciyaaryahanadi ku tartamaysay tartanka nabadda iyo ka hor tagga kooxda Al Shabab.

 

Comments (0)

JANTA JOORNO DI PALERMO IYO CIRIBTIRKA AL SHABAB.

Posted on 11 February 2011 by Madaxa

JANTA JOORNO DI PALERMO IYO  CIRIBTIRKA AL SHABAB.

Janta joorno di Palermo waa erey Talyaani ah kaasi oo ka hadlaya qorshaha 100 maalmood ee lagu xoreeyay magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga.

Ra’iisul wasaaraha Somalia Max’ed C/laahi Farmaajo ayaa qabsaday in xukuumadiisa ay 100 maalmood ku cirib tireyso Canaasiirta AL Shabab ee caadaystay inay baa ba’shaan shacabka Somaliyeeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo ay weheliyaan Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Xaaji Maxamed Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdishakuur Sh. Xasan Faarax ayaa booqday Taliska Ciidanka Daraawiishta oo xarun u ah ciidamo lagu soo tababarayay muddo labo sano ah qeybo kala duwan oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa isugu jira, gaar ahaana Tuulada Carmo ee gobolka Bari.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi khudbad ugu jeediyay ciidanka Daraawiishta oo ay tiradoodu dhameyd 500 oo Askari isagoo u sheegay in laga sugayo waajib adag kaasoo ah xoreynta dalka iyo amni ku soo celinta “Waqti badan ayaa la idin geliyay, waad soo tababarateen, waajib culus ayaana la idinka sugayaa, dhanka xukuumadeydana wey ku dedaaleysaa sidii aad waajibaadkiina Askarnimo u  heli laheydeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ku adkeeyey ciidankaasi in aysan waxyeeleyn dadka shacabka ah balse ay gacan qabtaan “Qofka dumarka ah ee waayeelka ah haddii aad aragtaan gacan qabta, oday waayeel ah haddii aad aragtaana sidoo kale gacansiiya, balse ha furanina haddii kale waxaad noqoneysaan dambiilayaal aan ku camal falin wixii la soo baray”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Askartan xasuusiyay in dalka Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin kooxo Soomaali ah oo Nabad iyo dowlad-diid ah oo uu sheegay inay kaashanayaan dagaalyahano Ajnabi ah oo ka soo hayaamay dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Afganistan iyo Jejniya loogana baahan yahay inay ka saaraan dalka.

Saraakiisha hogaamisa ciidankaasi Daraawiishta ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in muddo labo sano aaney wax mushaar ah qaadan ayna xukuumada ka rajeynayaan inay si deg deg ah ugu bilowdo mushaar, waxaana Ra’iisul Wasaaraha oo ka jawaabaya arrinkaasi uu u balan qaaday inay helayaan wixii xuquuq Askarinimo ah.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaraha ayaa salaam sharaf ka qaatay ciidankaasi, isagoona mid mid u gacan qaaday uguna hambalyeeyey dedaalkooda.

Comments (0)

Kooxda AL Shabab oo Caawa Haween iyo Caruur qarax ugu gaystay Xaafadda Buula Xuubay ee Magaalada Muqdisho Maxay Tahay Sababta ay ula beegsadeen.

Posted on 10 February 2011 by Madaxa

Kooxda AL Shabab oo Caawa Haween iyo Caruur qarax ugu gaystay Xaafadda Buula Xuubay ee Magaalada Muqdisho Maxay Tahay Sababta ay ula beegsadeen.

Shabab CanadaShan qof oo saddex kamid ah ay aad u culus tahay dhaawacooda ayaa ku dhaawacmay kadib markii kooxo ka tirsan Al Shabab ay Bam ku tureen goob ay ku sugnaayeen Haweenkan.

Dadka dhaawacmay ayaa afar waxay ahaayeen Haween halka kan kale uu ahaa wiil 7 sanno jir ah kaasi oo ay dhashay mid kamid ah haweenka dhaawacmay.

Kooxda Argagaxisada ee Al Shabab ayaa doonayay inay bam gacmeedkaas ay ku weeraran Ciidamo ka tirsan dowladda Somalia oo aad u feejignaa oo marayay xaafada buula xuubay kadib markii ay ka cabsadeen in dhibaato ay kazoo gaarto ayay si xanaaq ah ugu tureen haweenkan oo soo dukaamaysanayay.

Maleeshiyaadka AL SHabab ayaa caado u ah in ay dhibaateeyaan dadka Rayidka ah waxana ka go’an in bamka loo dhiibo wiilasha yar yar ee ay lumiyen inay la beegsadaan dadka xitaa haddii ay u suura gali wayso inay la bartilmaamedsadaan ciidamada oo aysan lasoo noqonin.

Comments (0)