Keeydka | Diinta

WASIIRADA GAASHANDHIGGA AFRIKA OO ARRIMAHA SOMALIA KA ARINSANAYA.

Posted on 14 March 2011 by Madaxa

Kulan MadaxWararka laga hellayo Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya  Wasiirada Gaashaandhiga ee wadamada Afrika ayaa la filayaa in ay shir ku yeehshaan magaalada Adis ababa ee xarunta dalka Itoobiya kaas oo looga hadli doono arimaha Soomaliya.

 

Kulankan  ayaa la filayaa in dabayaaqada todobaadkan uu ka furmo Magaalada Adis ababa, waxaana soo qabanqaabiyay gudiga nabadgelyada ee Midowga Africa, iyadoo si gaar ah kulankaasi uga qeybgalayaan Wasiirada Gaashaandhiga ee wadamada Ciidamada u soo diray Soomaaliya iyo kuwa qorsheeynaya in ay ciidamo u diraan Soomaaliya.

 

C/kariin Fiqi oo ah Wasiirka Gaaashan dhigga Somalia ayaa ka qeyb galaya kulankaasi, isagoo warbixin ka siindoona ka qeyb galayaasha kulanka, xaalada dalka Somalia, iyo halka ay marayaan howlgalada ay iska kaashanayaan ciidamada Qalabka sida iyo kuwa Amisom.

 

Shirkaan ay yeelanayaan wasiirada Difaaca Afrika ayaa imaanaya xilli dowladda kmg Somalia ay dagaallo culus kula jirto mucaaradka AL Shabab iyadoo ciidamada Dowladda u muuqda kuwo horumar ka sameeyay dagaalada.

Comments (0)

AL SHABABKA BALCAD OO SHALAY ALBAABADA U LAABAY GOOBAHA GANACSI AY LEEYIHIIN BEESHA DAA’UUD OO KA TIRSAN BEELWEYNTA ABGAAL IYO DADKA DEGMADAAS OO WADA KACDOON KA DHAN AH KOOXDAAS.

Posted on 14 March 2011 by Madaxa

al shabab LogoWararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka SH/hoose ayaa sheegaya in Maamulka AL Shabab ee deegaankaas ay xaalad bandow ah kusoo rogeen magaaladaas kadib markii ay ka cabsadeen inay kacdoon kala kulmaan dadka deegaankaas.

Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah maalintii Shalay ayay kooxda Al Shabab Albaabada u laabeen goobo ganacsi oo ay leeyihiin Beesha Daa’uud oo ka tirsan beel weynta Abgaal Cismaan kadib markii looga shakiyay inay taageero iyo gacan saar la leeyihiin dowladda kmg Somalia.

Al shabab ayaa cadaadis xoogan saaraya dadka reer Balcad ee kazoo jeeda beesha Abgaal cismaan iyadoo Maamulka Al Shabab Ragga mas’uulka ugu ah degmadaas ay kazoo kala jeedaan beelaha Ogaden iyo Murusade kuwaas oo si xun ula dhaqma dadka reer Balcad ee Abgaal kazoo jeeda.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo magaciisa ka gaabsaday ayaa inoo xaqiijiyay inuu jiro cadaadis Al Shabab ay ku hayaan dadka deegaanka iyagoo ka baqaya inay kacdoon kala kulmaan dadkaas.

Sidoo kale goob joogahaan ayaa noo sheegay in dadka deegaanka ay qorsheenayan kacdoon ka dhan ah kooxda Al Shabab ee gacanta ku haya qeybo ka tirsan dalka Somalia isagoo intaa ku daray in aysan u dul qaadan Karin dhibaatadaas.

“waxaa la baarayaa Taleefanada kusoo waca,kuwa aad wacdo,Internetka aad isticmaalayso,fariin qoraaleedyada Taleefanada iyo Dhaq dhaqaaqyada qof kasto oo ay is leeyihiin waa wax gal ah ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo isagoo feejigan inoo waramay.

Dhalin yarada qaar ayaa isaga baxay degmada Balcad,iyagoo ka cabsanaya inay dhibaato kala kulmaan kooxda mucaaradka ee AL Shabab.

Comments (0)

DOWLADDA KMG SOMALIA OO TAAGEERO MILATARI WEYDIISATAY DALKA MARAYKANKA.

Posted on 13 March 2011 by Madaxa

FARMAJKadib dagaallo xoogan ay dowladda kmg Somalia ay kula jirto kooxda Al shabab ayaa Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya wuxuu mar kale beesha Caalamka iyo dowladda Maraykanka ka codsaday in dowladda KMG laga garabsiiyo dagaalada ay kula jiraan Al Shabaab.   

Ra’iisul Wasaare Max’ed C/laahi Max’ed Farmaaj ayaa isagoo ku sugan wadanka Maraykanka waxaa uu sheegay in dowladda ay taageero ugu baahantahay dowladda Maraykanka iyo beesha caalamka si ciidamada dowladda ay ugu guulaystaan dagaalada ay kula jiraan  Al Shabaab.

“Waxaan jeclaan lahayn in dowladda Maraykanka ay nagu taakulayso qarashaad iyo qalab Milatari oo lagu xoojiyo ciidamada dowladda KMG” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya oo u waramayay Talefeshinka CNN-ka oo laga leeyahay dalka Maraykanka.

Mr Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobolada Soomaaliya ay kaga guulaysteen Al Shabaab, isagoo shaaca ka qaaday in dowladda Maraykanka, Midowga Yurub iyo dalalka Carabta looga baahanyahay inay is garab tagaan dowladda KMG Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay inay dagaalo kula jiraan Al Shabaab oo gacan ka helaysa sida uu sheegay Al-qaacidda iyo burcad badeeda Soomaalida, waxaana uu tilmaamay in loo baahanyahay in halmeel looga soo horjeesto dhibaatooyinkaasi.\

Comments (0)

AL SHABAB OO QASAARO KALA KULMAY DAGAALKA WARADHUUMA LEH.

Posted on 25 February 2011 by Madaxa

kalshaale

Inka badan 10 qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib dagaal u dhaxeeyay ciidaada Ahlu sunna iyo Al shabab oo ka dhacay deegaanka Waradhuuma leh ee gobolka Galgaduud.

 

 

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa dhinacyada isku hor fadhiya halkaasi waxaa ay is weedaarsadeen Madafiic cul culus sida ay ay kusoo waraayaan ilo wareedyo ku sugan deegaanada ay isku hayaan ciidamada Shabaab iyo kuwa Ahlu Sunna.

 

Afhayeenka dhinaca ciidamada u qaabilsan Al Shabaab ee NINKA lagu magacaabo C/casii Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa guulo ka sheegtay dagaaladaasi, isagoo sheegay inay dileen dhowr askari oo ka tirsan ciiamada Ahlu Sunna.

 

Dhinaca Ahlu Sunna Majjiro ayaa sheegtay inay qasaro xoogan u geysteen kooxda al shabab oo tiro ciidamo ah ay kaga dileen kuwaas oo bahalada ay cuneen hilibkooda.

 Si kastaba dagaalada ka jira deegaanka Waradhuumo leh ayaa waxaa uu noqday dagaal soo noqnoqda.

Comments (0)

AL SHABAB OO KU XERAY CEELDHEER WADAAD CAAN KA AHAA DEGMADAAS.

Posted on 18 February 2011 by Madaxa

Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Al Shabab ay xabsiga dhigeen wadaad caan ka ahaa magaaladaas iyo labo wadaad oo kale oo la joogay.

Wadaadkaan ay xereen kooxda Al SHabab ayaa lagu magacaabaa Sheekh Max’ed Xasan oo ahaa wadaad muddo ku noolaa magalada Ceeldheer isagoo dadka reer Ceeldheer ay si weyn u ixtiraami jireen.

Ciidamo ka tirsan Al Shabab ayaa saakay waxay u dhaceen guriga uu ka deganaa Magaalada Ceeldheer wadadkan lagu magacaabo Shekh Max’ed Xasan kadibna halkaas ay ka wateen Wadaadka iyo labo wadaad kale oo la joogay Sheekha.

Raga lala xiray Sheekhaan oo lagu kala magacaabo C/laahi Sheekh Daa’uud iyo Ibraahin Sheekh Axmed Yare ayaa la ogayn sababta ka dambeysa xariga loo gaystay Sheekhan iyo ragas.

Wararka ayaa intaa ku daraya in wadaadkan SHeekh Max’ed Xasan uu muddo ku noolaa magaalada Ceeldheer isagoo magaalada bartamaheeda ka daganaa wuxuuna ahaa wadad aan dadka la hadlin marka laga reebo labadaan nin ee lala xeray.

Comments (0)

KOOXDA AL SHABAB OO XILKA KA QAADAY HORJOOGE YUUSUF KABO KU DUKADE EE GOBOLKA GALGADUUD.

Posted on 18 February 2011 by Madaxa

Warar hoose oo aynu heleyno ayaa sheegaya in Kooxda AL SHabab ay xilka ka qaaday Horjoogihii ugu sareeyay Kooxdaas Gobolka Galgaduud ninka lagu Magacaabo Yuusuf Sheekh Ciise oo ku magac dheeraa KABO KU DUKADE.

 

Xil ka qaadista Yuusuf Kabo ku dukade ayaa waxaa ay ka dambeysay kadib markii xurguf iyo qilaaf uu soo kala dhexgalay kooxda Al Shabab oo labo qeybood u kala jabay.

 

Kooxda Al Shabab ayaa shalay xilkii ka qaaday Horjoogihii hore ee gobolka Banaadir iyadoo sidoo kale xilka ka qaaday Yuusuf Kabo Ku dukade Xalay.

 

Al Shabab ayaa ilaa haatan si rasmi ah u Shaacinin xil ka qaadista Kabo Ku Dukade iyadoo dhawaan ay ku dhawaaqi doonaan.

Comments (0)

Al Shabaab oo Berdaale ku xiray dhallinyaro xer ah maxay ku eedeeyeen???

Posted on 15 February 2011 by Madaxa

Kooxda Al Shabaab ee magaalada Berdaale ee gobolka Baay, ayaa xalay weerar ku qaaday guri uu deggan yahay sheekh caan ka ah degmadaasi oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Rooble. Guriga sheekhaasi ayaa ah mid ay diinta ku bartaan dhallinyaro badan oo xer ah, waxayna maleeshiyadu halkaasi ka qabteen oo ay xireen 10 ka mid ah xertaasi. Maleeshiyada Al Shabaab ayaa ku eedeeyay xertan in ay u diyaar garoobayeen xuska munaasabadda mowliidka ee dhalashada Nebi Muxamed (NNKH), oo la sameeyo bishan oo kale sanad kasta. Maleeshiyada ayaa lagu soo warramayaa inay jir-dil u geysteen xertaasi, ka hor intii aanay u kaxeyn xabsiga, iyadoo la sheegayo in qaar ka mid ah xertaasi ay haatan xaaladdoodu liidato. Dadka deggan degmada Berdaale ayaa walaac ka muujiyay xarigga iyo jirdilka ay maleeshiyada Al Shabaab kula kaceen culimadaasi. Maalmo ka hor ayay ahayd markii horjooge ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab uu digniin u jeediyay bulshada ku nool degmadaasi, isagoo ugu hanjabay in ciddii xusta mowliidka ay tallaabo adag ka qaadi doonaan.

Comments (0)

Kooxda Al Shabab oo Caruurta dugsiyada Askareynayso iyo Dad Xamaalato ah oo xabsiga Jowhar lagu xiray Maxay Tahay sababta???.

Posted on 15 February 2011 by Madaxa

zchildWararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in kooxda Al SHabab ay dar dar galiyeen askaraynta caruurta aadka u da’da yar  ee dugsiyada Quraanka Dhigta ay bilaabeen inay ku daraan Ciidamada Mara habaawsan ee ay ku halaajiyaan dagaalada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Waaliddiinta ku nool magaalada Jowhar ayaa maalmihii ugu dambeeyey carruurtoodii kala cararayey  halkaasi, iyagoo ka cabsanaya in Al Shabaab ciidameeyaan.

 

Kooxda Bahalada ah ee Al Shabaab ayaa ilaa bishii hore ee Janaayo waxay ilaa 200 caruur ah geeyeen xero ciidan oo ku taalla magaalada Warsheeq ee isla gobolkaasi.

 

Waalidiinta ayaa sheegay in aysan u dulqaadan karin in ay arkaan carruurtooda oo hubaysan kana qayb qaadanaya dagaallada ay maleeshiyada Al Shabaab kala soo horjeedaan dowladda KMG ee Soomaaliya

Sidoo kale.

 

Al Shabaabka magaaladaa Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada dhexe ayaa maanta xabsiga u taxaabay dhowr iyo tobon ka mid ah ganacsatada iyo dadka ku xoogsada gaari-gacannada, kadib markii ay diideen in ay bixiyaan 20 doollar oo ay ay maleeshiyada ku amreen in ay bixiyaan.

 

Kooxda dad qalatada ah ee Al Shabab ayaa waxay jimcihii ku amreen dadka dan yarta ee ka xoogsada suuqa Magaalada Jowhar Lacago Baad ah oo qofkiiba laga doonayo 600 kun shilin Somali oo u dhiganta lacag ka badan 20 dollar laakin Xamaaliyaaasha ku xamaasha Gaari Gacanada ayaa sheegay inaysan helin lacagahaas bishii oo aysanba keyd u galin sidaas darted aysan dhididkooda xoog looga qaadan doonin.

Comments (0)

Shabaabka Shabeelaha Hoose oo Haweenka ka Mamnuucay Inay iibiyaan Khatka Ganacsatadana ku amray inay qaatan Dolarka Jeex jeexan.

Posted on 13 February 2011 by Madaxa

Shabaabka Shabeelaha Hoose oo Haweenka ka Mamnuucay Inay iibiyaan Khatka Ganacsatadana ku amray inay qaatan Dolarka Jeex jeexan.

Kooxda Munaaqiinta ah ee Al Shabab ayaa sheegay inaysan haweenka iibin Karin Khaatka isla markaana aanan lagu dhex cuni Karin Jaadka gudaha Magaalada Afgoye.

Koox wata gaari Hoomey ah oo ku xeran cod baahiye xoogan ayaa ku wargaliyay Haweeenka Iibiya Khadka inaysan gadi Karin mar dambo oo ay joogaan guryahooda.

Tan iyo burburkii dalka waxaa Haweenka ay ka ganacsanayeen iibinta Khaatka iyagoo daboolayay Baahida qoyska laakin Argagixisadan Shababka ayaa waxaa ay u muuqdaan kuwo bur burinaya nolosha qoysas badan oo ay ku tiirsaaa Ganacsiga Haweenka ee Khaatdka.

Kooxda Al Shabaab ee degmadaasi ayaa waxaa ay u digeen dadka qaadka ku dhex cuna gudaha degmadaasi, iyagoo sheegay in cidii ka dhaga adeegtaa amarada ay soo jeediyeen ay ka qaadi doonaan talaabo cad oo waafaqsan sharciga sida ay hadalka u dhigeen.

Sidaoo kale Maamulka Shabaab ee degmada Afgooye ayaa waxaa ay amaro dul dhigeen ganacsatada sarafta lacagaha Dollar-ka kuwaasi oo ay ku amreen inay qaataan lacagta jeexan ee dollarka ah, iyagoo sheegay ganacsadihii diidaa lacagtaasi inay u taxaabi doonaan xabsiga islamarkaana ay soo istaajin doonaa shareecada Islaamka.

 

Al Shabaab ayaa lagu eedeeyaa in ay amaro xoogan dul dhigaan ganacsatada ku nool goobaha ay Maamulaan, iyagoo awaamiirtaan ay walaac xoogan ku muujiyeen dhamaan ganacsatadii ay dul dhigeen amarka, kuwaasi oo ku jahwareersan qaabka ay u dhaqan galin lahaayeen amarka kasoo baxay Maamulka Al Shabaab ee degmada Afgooye.

Comments (0)

Kooxda qeeybsan ee al qaacida maxeey ku tari Somaali dhibaateeysan

Posted on 27 July 2009 by dadweyne

Qoryaaleeyda shabaab maxeey tari karaan dad u baahan, cunto, daawo, hooy, biyo iyo nabad dalkooda u baahan yahay 20 sano.
Waxa ka jira Afqaanistaan iyo qeeybo ka mid ah Baakistaan khilaaf u dhaxeeya askarta al qaacida ee halka ku timid fikrado kala duwan.
Al qaacida waa urur wakhtigiisi dhamaaday oo an rajo laheeyn dhibna ku haya dalal Muslim ah sida Afqaanistaan, Baakistaan, Ciraaq, Indooneeshiya iyo dalal kaleh sida algeeriya.
Waxa ay dilayaan dadka sunniyiin ah ee ciraaq iyo qaraxyayna u geeysta shiicada dalkaasi. Waxa jira oo kaleh in khilaaf weeyn u dhaxeeyo xubnaha al qaacidada Masar ka soo jeeda iyo Sucuudiga.
Waxaana lagu muransanyahay nolosha horjoogihi hore al qaacida Cusaama bin laaden

Comments (0)

dadka la diriraya dowladu ma heeystaan Diinta slaam, R/W C.Cabidrashiid

Posted on 19 June 2009 by dadweyne

Raisul Wasaare Cumar Cabdi Rashiid Cali “Sharmarke” ayaa qeexay dadka la diriraya Dowlafiisa ku doodaya iney yihiin dad an heeysan caqiidada Islaamka.

“Waxa maqaleeysa qof ayay ku dileen masaajid u ku tukanayay, waxaeyna sameeyeen wax kasta oo Islaamku fogeeyay, sidaad darteed maha dad Muslimiin ah,” ayu yiri Sharmarke oo la hadalayay saxaafada isagoo jooga caassimaad Somaaliya.

“Cabsan meeyno, ka gaban meeyno argagixiso ka amar qaadata shisheeye oo dalka Somaaliya gaarsiiyay dhib.

Waxa la sheego shabaab iyo al qaacida, aragagixiso anaga waa iskugu kaayo mid.”

Waxa kaloo u sheegay in ay been tahay in Baladweeyne lagu dilay dad Etoobiya ka yimid.”

Horjoogayaasha shabaab aya sheegay in saraakiil ka soda Etoobiya lagu dilay qaraxi lagu  beegsaday saraakiil Dowlada ku meel gaarka ah ee Somaaliya oo u sareeyay Marxuum Cumar Xashi Aden, Wasiirki Amniga Qaranka ee Somaliya.

Comments (5)

Aqoon ma u leedahay ABUL-CAAS BINU RABIIC AL-ANSAARI

Posted on 10 June 2009 by dadweyne

Rasuulka (scw) markii uu dhammeeyay Salaadda ayaa wuxuu u jileecay xaggaa iyo saxaabada isagoo leh “Ma maqasheen wixii aan anigu maqlay?”. Saxaabadii ayaa yiri “Haa, Rasuulkii Alloow”. Intaa dabadeedna wuxuu yiri Rasuulka “Allaha nafteyda ay gacantiisu ku jirtaan ku dhaartayee waxna kama ogi arrinkan, ilaa aan ka maqlay wixii hadda aad maqlaysayn, Muslimiintana waxaa wax magangaliya kuwooda ugu sokeeya”, kaddibna wuxuu aaday gurigiisa , wuxuuna ku yiri gabadhiisa “Wanaaji hoyga Abul-Caas, si akhri

Comments (1)

CABDULLAAHI BINU XUDAAFA AL-SAHMIYI

Posted on 08 June 2009 by dadweyne

 

 

SAXAABADII RASUULKA

CABDULLAAHI BINU XUDAAFA AL-SAHMIYI

(1)

Saxaabi kasta, taariikh nololeedkiisu wax un buu caan ku ahaa. Matalan, waxaynu wada ognahay in

Saciib Binu Caamir Al-Jumaxi (rc) uu caan ku ahaa zuhdiga iyo in la naco dhaldhalaalka adduunyada. Haddaba, Cabullahi Binu Xudaafi Al-Sahmi wuxuu isagu caan ku ahaa geesinnimo iyo in aan loo jixin-jixin cadowga Alle. Diinta Islaamka, waxay u suurto gelisay Cabdullahi in uu la kulmo labadii boqor ee jiray wakhtigaas ee kala ahaa Kisraa iyo Qaysar

oo kala xukumi jiray Faaris iyo Ruum. Nasiib wanaag, Cabdullahi Binu Xudaafa wuxuu nasiib u yeeshay inuu la kulmo labadaas boqor.Sheekada la xiriirta la kulankiisa uu la kulmay boqorka Kisraa, waxay ahayd sannadkii lixaad ee hijriyada, ka dib markii uu go’aansaday Rasuulka (scw) inuu u diro qaar ka mid ah asxaabta boqorada cajamta (aan carabta ahayn), si ay ugu yeeraan Diinta Islaamka. Rasuulka wuu dareensanaa dhibaatada ay wadato howshan. Waayo, Saxaabada loo dirayo magaalooyinkaas waa dad aan aqoon luqadaha ay ku hadlaan dadyowgaas, waa magaalooyin fog-fog, taasoo ayan weligood arag. Saxaabadaa waxay dadkaa iyo boqorradadoodaba ugu yeerayaan inay ka tagaan diimaha ay heystaan, isla markaasna ay qaataan diinta Islaamka. Waa safar wata khatar. Waa safar kii safra aan soo noqon, kii soo noqdana uu noqonayo mid nasiib badan. Sidaa darteed, Rasuulka (scw) wuxuu kulmiyay saxaabada, isagoo u jeediyay khudbad. Ilaah ayuu ku mahadiyay, dabadeedna wuxuu Saxaabada ku yiri “Waxaan doonayaa inaan qaarkiin u diro boqorrada cajam ee sidaa darteed ha i khilaafina, sidii ay reer Banuu Isra’il ay u khilaafeen Nebigooda Ciise (cs). Asxaabtii ayaa yiri “Rasuulkii Alloow meeshaad doonto noo dir waan fulinaynaa’e” Haddaba, Rasuulka (scw) wuxuu magacaabay 6 qofood oo ka mid ah asxaabta si ay diinta Islaamka u gaarsiiyaan boqorrada Cajam iyo carbeed.

Lixdii qof ee la magacaabay waxaa ku jiray Cabdullahi Binu Xudaafa Al-Sahmi, waxaana loo doortay inuu gaarsiiyo dhambaalka Rasuulka boqorka Kisraa. Cabdullahi wuxuu u diyaar garoobay safarkiisii, isagoo sagootiyay xaaskiisa iyo caruurtiisa, ka dibna wuxuu u kicitimay safarkii. Waa kelligii oo axad aan Ilaah ahayn lama socdo wuu sii socday ilaa uu ka gaaray magaalooyinka reer Faaris. Markii uu yimi magaaladii uu deganaa boqorka Kisraa, wuxuu weydiistay in uu u soo geli karo boqorka isagoo weliba u sheegay ciidanka Kisraa in uu sido dhambaal ama waraaq ku socoto Kisraa. Boqorka Kisraa wuxuu u fasaxay inuu u soo geli karo Cabdullaahi. Sidii ayuu ku soo galay Cabdullahi Binu Xudaafa oo ay weliba ka muuqato sharafta iyo cisada Islaamka. Kisraa ayaa wuxuu u baaqay ama u ishaaray nin ka mid ah ciidamadiisa inuu ka soo qaado waraaqda uu sido. Hase ahaatee wuu diiday Cabdullahi inuu dhiibo waraaqda, wuxuuna yiri “Rasuulkii Alle ayaa wuxuu i faray inaan gacanta kaa saaro waraaqda, mana laga yaabo inaan khilaafo amarka Rasuulka (scw)”. Intaa ka dibna boqorka Kisraa ayaa wuxuu ku yiri ninkii faraha ka qaad ha ii soo dhowaado’e, ka dibna wuxuu Cabdullahi u dhiibay Kisraa waraaqdii uu uga siday Rasuulka (scw). Waxaa loo yeeray tarjumaan Carabi ah ee ah reer “Xiyara” (magaalo ku taalla Ciraaq).

Waraaqdii ayaa la furay, deedna waa la aqriyay waxaana ku qornaa sida soo socota

 

 

“Magaca Alle ka dib, warqaddan waxay ka socotaa Muxammad oo ah Rasuulkii Alle, waxayna ku socotaa Kisraa ee ahaa boqorkii Faaris, Nabad gelyo Allaha yeelo ciddii raacda hanuunka”.

Markii uu intaa maqlay Kisraa aad ayuu u carooday, waraaqdiinna wuu ka dafay oo isla markiiba wuu jeejeexay, isagoo aan ogaan waxa kalee waraaqda ku xiran dhameystirkeeda, isla markaana uu qalylinayo isagoo leh “Ma sidatan ayuu waraaqda iigu soo qorayaa waraaqda isagoo ah addoonkayga”Binu xudaafa wuxuu ka dhaqaaqay fadhigii uu Kisraa fadhiyay, isagoo aan garanayn waxa lagu sameyn doono. In la dili doono iyo in faraha laga qaadi doono. Hase ahaatee, wuxuu Cabdullaahi naftiisa ku yiri “Waxba igama gelin marba haddiiba aan gutay amaanadii iyo dhambaalkii Rasuulka (scw) ee uu ii soo dhiibay. Boqorkii Kisraa, markii ay carada ka dentay ayaa wuxuu ciidamadiisa amar ku siiyay in la soo qabto Cabdullaahi Binu Xudaafa. Nasiib wanaag, ma ayan soo helin oo waxay ogaadeen inuu gaaray Jasiiradda Carabta. Cabdullaahi Binu Xudaafa, wuxuu yimi magaaladii Madiina, isagoo la kulmay Rasuulka (scw), wuxuuna Rasuulka (scw) uga waramay wixii uu kala kulmay boqorkii Kisraa iyo inuu jeejeexay waraaqdii uu u siday. Rasuulka (scw) aad ayuu uga carooday arrinkaa, wuxuuna Illaah ka baryay inuu ciribtiro boqortooyada Kisraa. Habaarkii Rasuulka (scw) waa la aqbalay, oo wuxuu Illaah ku salliday (sababay) Kisraa wilkiisa “Shiiraweeh”, halkaas oo uu ku dilay. Taasi waxay ahayd sheekadii dhexmartay Cabdullaahi Binu Xudaafa iyo boqorka Kisraa.

 

La kulankii C/llaahi ee Qaysar:

Haddaan u gudagalno sheekadii Cabdullaahi Binu Xudaafaee la xiriirtay la kulankiisa boqorka Qaysar ee xukumay Ruum. Waxay ahayd xilligii khilaafada Cumar Binu Khaddaab (rc), sannadkii sagaal iyo tobanaad ee Hijriga. Wuxuu Cumar Binu Khaddaab (rc) diyaariyay ciidan la dagaalanta ciidanka Roomaanka ee uu xukumay boqorka Qaysar. Boqorka Qaysar wuxuu ciidanskiisa amar ku siiyay in haddii ay ku guuleystaan in ay soo qabtaan qof ka mid ah ciidamada Muslimiinta ay u keenaan, ka hor inta ayan dilin. Illaahay, wuxuu doonay in la soo qabto Cabdullaahi binu Xudaafa, waxaa loo keenay boqorka Qaysar, iyadoo boqorka loo sheegay inuu C/llaahi Binu Xudaafa ka mid yahay saxaabadii Nebiga (scw) ee mar hore islaamay.

Boqorka Qaysar wuxuu si aad ah u eegay Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu ku yiri “Waxaan kuu bandhigayaa arrin”. Cabdullaahi ayaa ku iri “waa maxay!?”. Boqorka Qaysar: “In aad noqoto kirishtaan, haddii aad yeesho faraha ayaan kaa qaadayaa oo ku dili maayo, dhinaca kale waan ku wanaajinayaa”. Cabdullaahi Binu Xudaafa ayaa si geesinimo ku jirta u yiri “Lagama yaabo! geerida ayaa kun jeer ka jeclahay inaan kirishtaan noqdo”.

Boqorka Qaysar ayaa haddana yiri “Haddii aad yeesho waxa aan kuugu yeerayo ee galnimada ah waxaan qayb kaa siinayaa boqortooyadayda”. Cabdullaahi ayaa muusooday isagoo weliba ku xir-xiran silsilad, wuxuuna yiri “Wallaahi, haddii aad iigu deeqdid dhammaan wixii hanti ah ee aad leedahay, iyo waxa ay boqorrada carabta haystaan oo maal ah si markaas diinta uga laabto il-biriqsi ma aan sameeyeen”. Boqorkii ayaa wuxuu yiri “Haddaba, waan ku dilayaa”. Cabdullaahi ayaa yiri “waxaad doonto samee”. Intaa ka dib, boqorka Qaysar wuxuu amar ciidamadiisa ku siiyay in la daldalo Cabdullaahi, isagoo amar siiyay nimankiisa wax toogta/shiisha, isagoo kula hadlay afka laatiinka ee ay ku hadli jireen Roomaanka, wuxuuna ku yiri toogta meel u dhow labadiisa gacmood, laakiin isaga ha ku dhufanina”. Isla mar ahaantaana wuxuu u bandhigayay inuu gaaloobo. Cabdullaahi, haddana wuu diiday. Boqorka, ayaa haddana yiri toogta meel u dhow labadiisa lugood.

Intaa ka dib, wuxuu boqorka amar ku bixiyay in laga soo dejiyo tiirkii uu ku xirnaa, ka dibna wuxuu codsaday in loo keeno dheri. Dherigii ayaa waxaa lagu shubay saliid, dabadeedna dherigii ayaa dabka la saaray ilaa ay saliiddii ka karkarto. Wuxuu yiri boqorkii, ha la ii keeno labo ka mid ah maxaabiistii Muslimiinta. Midkood ayaa lagu riday dherigii karkayay, wax yar ka dibna hilibkiisa ayaa kala tagay oo cad-cad u gogo’ay, lafihiisana way muuqdeen. Kii kalena, sidaasoo kale ayaa lagu sameeyay. Intaasoo dhan Cabdullaahi wuu arkayaa, waxaana la doonayay inuu cabsado.

Boqorka Qaysar, ayaa wuxuu deymooday Cabdullaahi isagoo ugu yeeray gaalnimo. Hase ahaatee, Cabdullaahi sidii si ka sii daran ayuu u diiday inuu ka laabto diinta Islaamka. Markii uu boqorkii ka quustay Cabdullaahi, ayaa wuxuu amar ku bixiyay in isna lagu rido dherigii lagu riday labadiisa saaxiib. Markii loo qaaday xaggii dheriga ayaa Cabdullaahi ilmeeyay (ooyay). Raggii Qaysar ayaa ku yiri boqorka “wuu oonayaa”. Boqorkii ayaa wuxuu u maleeyay inuu cabsaday oo argagaxay, markaasuu yiri igu soo celiya. Kolkii, Cabdullaahi la soo istaajiyay boqorka hortiisa, ayaa wuxuu boqorkii haddana u soo jeediyay kiristaanimadii, laakiinse Cabdullaahi wuu diiday. Boqorkii ayaa yiri, war haddaba maxaa kaa oohiyay?. Cabdullaahi ayaa yiri, waxaan naftaydii u sheegay in hadda la igu tuuri doono dherigan oo aan hal jeer shahiidoobayo, anna waxaana jeclaa in aan lahaado inta jirkayga timo ku taallo oo naf ah inaan lahaado, oo markaas lagu rido dhammaantood dherigan. Wuxuu ka wadaa inuu dhowr jeer shahiido.

Markuu boqorkii ka quustay Cabdullaahi, ayaa wuxuu ku yiri cabdullaahi “Ma doonaysaa inaad madaxa iga dhunkatid, markaasna aan ku siidaayo?. Cabdullaahi ayaa wuxuu yiri, ma siidaynaysaa maxaabiista Muslimiintana. Boqorka ayaa yiri “Haa, oo waan sii daynayaa dhammaan maxaabiista muslimiinta”. Cabdullaahi, wuxuu naftiisa ku yiri maxay ku yeelaysaa inaad dhunkato madax ka mid cadowga Muslimiinta oo markaas aan ku badbaado anniga iyo maxaabiista Muslimiinta. Cabdullaahi, wuxuu u soo dhowaaday boqorkii, ka dibna wuxuu dhunkaday madaxiisa. Boqorkii ayaa soo daayay Cabdullaahi iyo dhammaan maxaabiista Muslimiinta. Markii uu Cabdullaahi u soo galay Cumar Binu Khaddaab (rc), ayaa wuxuu uga waramay wixii uu la kulmay. Cumar (rc) aad iyo aad ayuu ugu farxay arrinkaas, wuxuuna u jileecay maxaabiistii la socotay isagoo ku yiri “Waxaa waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah inuu dhunkado madaxa Cabdullaahi Binu Xudaafa, annigaana bilaabaya. Cumar ayaa istaagay, ka dibna wuxuu dhunkaday madaxa Cabdullaahi. Illaah ha ka raalli noqdo Cabdullaahi, waayo wuxuu ahaa tusaale looga deydo geesinimo.

 

Comments (0)

Guriceel oo Xalay Bandow lagu soo rogay

Posted on 01 June 2009 by dadweyne

Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa xalay bandow waxaa ay ku soo rogeen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

 

Sida ay sheegayan wararka Ciidamada Ahlu sunna ayaa Bandowgan waxaa ay sheegeen in uu bilaabanayay 9-ka Fiidnimo kaasoo ku dhamaanayay marka laga baxo salaadda Subax ee saakay.

 

Dadweynaha Magaalada Guriceel ayaa lagu amray in ay u hoggaansiman amarka lagu soo rogay Magaalada si loo adkeeyo ammaanka.

 

Dadka ayaa markii ay maqleen in ay magaalada bandow tahay wixii ka dambeeya 9-ka fiidnimo waxaa ay alaabada u laabeen goobaha ganacsiga ee halkaasi ka jiray Waxaana Xalay gudaha Magaalada oo haawanaysa dhex wareegaya oo kaliyah ciidamada Ahlu Sunna ee gobolka Galgaduud.

 

Laakiin ujeedada amarkan Bandowga ah ayaa la ogeyn sababta ka dambeysa waxaase la leeyahay waxaa jira cabsi dagaal oo Magaalada ku soo wajahan.

Comments (0)

Calan Towxiid Ku Qoran Yahay oo Lagu Dilo Muslimiinta

Posted on 30 May 2009 by admin

Dad badan aya rumeeysan in kooxda shabaab caalanka madoow ay ka taagaan meelaha ay qabsadaan iney garsho u leeyihiin ama wax fikra ka heeystaan balse arrinkaasi waa been oo waxa u dhiibay calankan dad u ku soo qaatay hanti oo ay u soo dhoiibtay kooxda al qaacida.
Badanka askartu waxba kama oga ee weey iska xambaarsan yihiin.
Calankan waxa ku qoran towxiida balse waxa wata dad Muslimiin an wax galansan dila maalin iyo habeen.
Somali manta waxa ka socda dagaalo aad u fool xun oo la isku adeegsaday hub, fikradu iska soo horjeeda, beelnimo iyo Nasiib daro diinta muqadiska ah ee Islaamka oo laga dhigay mid la isku tuur tuuro oo qof walba si gaar ah u sheegto.
Shareecada Islaamku waa mid qeexan oo si buuxda ugu tilmaaman Kitaabka Qur’aanka iyo Sunadii Nabigeena Mohamed Nabadgalyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaate.SOMALIA MILITIA

Waxaase ka dhacday in sida hoobiyaasha iyo Madaafiicda goobta la isugu tuurayo Aayadaha Qur’aanka iyagoo la waafajiyay Micnahooda dano gaar ah oo qof walba iska dhigayo muumin ku dagaalamaya sareynta shareecada Islaamka iyo Muslimiinta,halka kan ka soo horjeeda loo daliilinayo Aayadu lagu kufaarsiinayo ee looga bixinayo Muslimnimada laguna xalaalanayo dilka naftiisa iyo dhaca Maalkiisa.
Eedeha noocaan ah ee koox si gaar ah diinta u sheeganaysa waxaa horsed u ah kooxda Al Shabaab oo si muran aan ka jirin u xalaalaysay dhiiga Walaalahooda iyagoo aan marna eegin Qodobada Islaamiga ah ee la xiriira Garsoor waafaqsan Shareecada Islaamka.
Kooxda Marka hore maba aaminsana in ay u dagaalamayaan Shareecada Islaamka meelmarinteeda iyo in ay wadaan Halgan Islaami ah, sababtoo ah haddii ay og yihiin waxaa ay sameynayaan in ay Shareecad ku fadhido wejogooda ma dabooli lahayn sababto ah waxa is qariya oo wejigiisa bedela qofka ku dhaqaaqaya ficil xun ee ka baqaya in la aqoonsado ama la qabto.
Diinta Islaamku kama soo horjeedo in Maslaxad wixii jira lagu dhameysto iyo in la wadahadalo,sidaas darted waxa ay Shabaabku u diidayaan in la isu soo hor fariisto iyadoo aan hub la wadin waxaa aysan haysanin daliil waafaqsan waxaa ay sheeganayaan ama waxaa aysan lahayn dad aqoonta Diintu ku weyn tahay oo la xaajoon kara ciddii wax ka qabta dhaqankooda.
In Maxkamad La’aan la dilo qof isagoo si buuxda loogu cadeyn waxaa lagu eedeynaya ayaa ah mid Diinta ka soo horjeeda.
Shabaabku ilaa iyo hadda ma jiro mab’da qoran oo ay soo bandhigeen ee muujinaya sidii dalkan loogu xukumi lahaa Shareecada Islaamka,waxay si duu duuban u sheegan in Kitaabka lagu dhaqmayo waxaana nasiib daro ah in ay diidan in la kala furo Kitaabka oo dadka loo aqriiyo Kalmada Ilaahay.
Inta badan waxaa ay dilaan dad muuminiin ah oo ku soo cibaadeystay Masaajidyada iyagoo gudanaya mid ka mid ah Waajibka Islaamiga ugu waa weyn kadib marka ay dadka ku sugaan Masaajidyada iyagoo qalbiga ku haaya in ay qof dilaan Salaadda ay soo tukadaan ee Masaajidka ay ku yimaaden ay tahay in ay dhiig Islaameed galaan.
Mudada loo taagan yahay Salaada, qalbigooda waxa ay ku mashquulsan yihiin raadinta qofkii ay dili lahaayeen iyagoo marba marka kale dhinaca u jeesta, halkii ay uga qashuuci lahaayeen Salaadda Ilaahay ee loo tukanayo.
Waxaa kooxdan u dheer dilka, been iyagoo si buuxda u sheega inaan dilin qof la xaqiijiyay inuu gacantooda ku baxay taas oo muujinaysa in been la sheego sida ay shareecadu u fogeysay iyo in qur’aanka Kariimka sheegay in ay caro ilaahay ku soo degto.
Kooxdan ma fidiso Diinta Islaamka mana jiro Sheekh ka tirsan Shabaabka oo Qur’aan iyo Xadiis midna laga barto,sidoo kale ma jiro Sh weyn oo dadkii wax soo baray dalka ay joogan.
Waxaana hoggaan u ah Sida Axmed Cabdi Godane oo kale oo in yar oo Qur’aan ah ka soo bartay Shirkaddii Al Barakaat oo u ahaan jiray shaqaale.

Comments (1)