Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta xarunta maamulka B/Banaadir kaga qeybgalay Munaasabad lagu maamuusayay nabadda ka aslaaxday Muqdisho iyo howlgallada ciidamada.
Munaasabaddaasi oo ay ka soo qeybgaleen dadweyne aad u farabadan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka ayaa Madaxweynuhu ka jeediyay qudbad qiimo leh oo taabaneysay dhinacyada Amaanka, nadaafadda iyo dib u dhiska.
Madaxweynaha ayaa ciidamada qalabka sida ugu hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen howlagallada ay ka wadaan dalka isagoo tilmaamay in ay guteen waajib qaran iyo mid Diini ah.
“waxaan ku jirnaa marxalad taariikhi ah Labaatan sanno oo amni darro ah kadib Waxaan dul taagannahay nabad iyo dowladnimo soo ifeysa, nabaddana waxey u Baahantahay in la adkeeyo waxyaabaha lagu adkeeyana waxaa ka mid ah Nadaafadda, dib u dhiska, iyo isku xirnaanta dadka nabada ma sugi karaan Ciidamada oo kaliya haddi aysan shacabku gacan ka geeysan”ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo la hadlayay shacabka.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in la billaabayo olole lagu nadiifinayo Muqdisho isagoo ku booriyay shacabka in nadaafadaasi si wada jir ah looga qeyb qaato si ayuu yiri an deegaankeenna u nadiifsanno.
Madaxweynaha ayaa maalmihii la soo dhaafay waday booqashooyin uu ku tagayay xarumaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida, cisbitaalada iyo Degmooyinka G/banaadir isagoo u kuurgalayay howlaha ka socda halkaasi iyo xaalada dhabta ah ee ka jirta.





