Wasiirka arrimaha dibbadda dalka Turkiga Axmed Da’ud Oogle oo warbaahinta la hadlay asagoo ku sugan magaalada New York oo uu uga qeyg qgalay shir gaar ah oo arrimaha bini’aadanimada Soomaaliya looga hadlayay ayaa waxaa uu ugu horeyn sheegay in xukuumadiisu ay safaaradeeda ka furanayso Soomaaliya todobabaadkaan gudahiisa.
Wasiirka waxaa uu sheegay inay Soomaaliya ka fulinayaan hawl badan oo dhinacyo kala duwan taabanaya sida u gar gaarida dadka dhibaateysan ee ay sida weyn u saameeyeen abaaraaha iyo macaluusha dalka ka jirta iyo sidoo dib u dhis lagu sameynayo goobaha muhiimka ah ee Muqdisho ku yaala.
Axmed Da’ud wasiirka arrimaha dibbadda Turkiga waxaa uu warbaahinta u xaqiijiyay in kulanka uu ka qeyb galay oo ka sheegay in Soomaalidu xilligaan u baahantahay gacan dhab oo lagu caawiyo waxaana uu intaa ku daray in safaarada ay Muqdisho ka furanayaan ay wax badan ka tari doonto kaalmada ay Soomaalida ugu talo galeen.
Sidoo kale wasiirku waxaa uu xusay inay dalka keenayaan shirkado dayac tir ku sameeya dhismooyinka dalka si gaar ah waxaa uu carabka ugu dhuftay aqalka golaha shacabka ee ay haatan ku shiraan xildhibaanada baarlamaanka KMG.
Soomaaliya ayaa noqonaysa dalkii Sadexaad oo bariga Africa ku yaala oo Turkigu safaarad ku leeyahay waxaana uu horey safaarado uga furtay wadamada Kenya iyo Uganda.
Dalka Turkigu waxaa uu ka mid yahay wadamada dunida Muslimka ee u soo gurmaday bulshada Soomaaliyeed ee la dhibaateysan macaluusha iyo abaaraha.





