Ciidammada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa maanta Howlgal ku qaaday goob ay isbaaro u taalay Maleeshiyo ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.
Goobta ay Ciidammada Dowladda Soomaaliya maanta howlgalka ka fuliyeen ayaa 20KM u jirta magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo waxaana Ciidammada u suurto gashay inay la wareegaan gacan ku heynta goobta ay Maleeshiyada Shabaabka horey Jidgooyada u dhigteen.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Gedo Mudane Maxamed Cabdi Kaliil oo wareysi siiyey Radiyaha dowlada ayaa tilmaamay in howlgalka uu guul kusoo dhamaaday Maleeshiyadii Isbaarada u taalayna ay badankood goobtaasi ku dileen halka ay Ciidammadii howlgalka fuliyeyna Laba ka mid ah goobta iyana ku nafwaayeen.
Mudane Maxamed Cabdi Kaliil ayaa tilmaamay in Ciidammada howlgalkan fuliyey ay ka mid yihiin Ciidammo dhowaan tababar loosoo xiray kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya howlgalka gobollada Koonfur Galbeed looga sifeynayo Maleeshiyada Shabaab arrintaasoo in mudo ahba diyaar garow xoog leh loogu jiray.
Howlgalkan maanta ay Ciidammada Dowladda ka fuliyeen duleedka degmada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo ayaa qeyb ka ah howlgallo ay dhowr jeer isla gudaha gobolkaasi ka sameeyeen Ciidammada Dowladda kuwaasi oo lagu bartilmaameedkoodu ahaa goobaha ay Maleeshiyada Shabaab Isbaarooyinka dhigtaan.





