Dadka Soomaaliyed iyo muslimiinta adduunka intiisa badan ku nool waxaa loo sheegay in la soo afjarayo jiritaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana la baabiínayo askarta ka socota midowga afrika ee taageerada siisa maamulka uu madaxda u yahay madaxweyne Shariif Sh Axmed.Jihaadkaas la sheegay waxaa uu ku dambeeyay inuu noqdo mid ka mid ah is tuur tuurkii magaalada muqdisho ee caan ku ahaan jireen hogaamiye kooxeedyo hore ee waqtigooda dhamaaday sida Xaaji Muuse Suudi, Maxamed Saciid Morgan, Maxamed Qanyare Afrax iyo Bare Hiraale oo ahaa shaqsiyaad ku caan baxay dagaalo aan dhameystir lahayn oo aanu midna guul buuxda oo la taaban karo aanu ka gaari jirin barnaamijyada uu ku howlgali jiray ee uu ku soo kiciyay beeshiisa ama taageerayaashiisa.
Duulaankii u dambeeyay ee Shabaab waxaa looga magacadaray dhameystirka kooxaha soo duulay ama soo gardarooday waxaana howlgalka loo bixiyay magaca af carabi ah si in yaroo wax tar ah looga helo hayáda al qaacida ee maalgelisa dagaalada iyadoo soo mareysa kooxda cagaha ku qaadato ee la magacbaxday shabaab.
Jihaadka ay ku baaqan shabaabka waa mid leh micno iska soo horjeeda sababtoo ah marka hore waxaa lagu doodaa in la rabo in laga bixiyo dalka xoogaga shisheeye AMISOM balse waxaa sababay in askartaas sii joogaan diidmada ka imaanaysa shabaab ee lidka ku ah in la helo xabad joojin, wada xaajood iyo hal loo helo dhibaatada soomaaliya, waxaa nasiib daro ah in shabaabka is garab marinayaan si buuxda in ay u fahamaan qaladkooda sababto oo ah waxay diidan yihiin in ay heshiis la galaan Dowladda Federaalka KMG ah kaas oo ku dhisan awood qeybsi.
Nasiib darada kale ee Shabaab haysata waxaa ugu weyn dagaalka in aysan qiimeyn fiican ka haysanin, sababtoo ah ma gartaan ama ma yaqaanaan tirada askarta ka dhimata mar walba, inta ay ka dileen shisheeyaha, inta ay ka dhimatay shacabka soomaaliyed iyo inta ay ka laayeen askar ka tirsan Dowladda KMG ah.
Mararka qaarkood waxaa dhacda in ay iyaga ka dhintaan 10 askari oo la soo qalday Dowladda KMG ahna ay ka dhintaan tiro intaas la eg halka ay ku naf waayan shacab tiradooda dhan tahay 30 meeyo iyo 1 askari oo Uganda u dhashay, taasina waxay ka dhigaysaa isku celcelis 50 soomaali dhimashadooda iyo 1 askari oo ka tirsan midowga afrika.
Tiradaa aan kor ku soo qornay waxaa si qalad ah u soo geli kara mararka qaarkood hal ama labo oo shisheeye ah laguna soo qalday magaca jihaad islaami ah.
Soomaali dhibaatooyinka ka jira ma jiraan koox ku dhameyn karta xoog ee ka jirta haatan balse shabaabka waxay horseed u noqonayaan in dhiiga soomaalida la daadiyo maalin kasta loona adeegsanayo hal ku dhigyo diidni ah iyo kuwa siyaasi ah oo dhamaantood ku aadan xukun raadis.
Dowladda Federaalka KMG ah ayaa iyadana ka mid ah dhibaatooyinka jira sida shabaabka oo kale waxay noqdeen kuwa aan gudan karin xilkooda isla markaana aan ka tagaynin masúuliyada ay sheegayanayan waxayna ku caan baxeen karti dari, safar jacayl iyo in ay lacago yar ka qaataan dhibaatada uu dalka marayo.
Xubnaha ka tirsan TNG da waa kuwa aan si shaki ku jiran looga soo xulay karti dari, aqaan yaraan iyo kooxnimo, intooda badani waxay ka og yihiin ma jiraan xaqiiqooyinka ka jira dalka soomaaliya mudooyinka ay isku yimaadan waxaa ay ka wada hadlaan mushaar la bixin waayay iyo gunooyin ka raagay mana laha ajando qeexaya waxqabadkooda.
Marka culeyska noocaas ah iyo askarta midowga Afrika oo aan haysanin talo ka badan in ay madaafiicda ku ridaan goobaha ay rayidka degan yahay ayaa la moodaa in ay noqdeen kuwa ku sifeysan in ay u taagan yihiin mushaarka ay helayaan mudada ay joogan soomaaliya, waxaana nasiib daro ah in askarta Uganda u badan aanay la dagaalamaynin cadawgooda balse ay ku kooban yihiin in ay ku gabadaan caro tuur iyo taangi an tagaynin meel ka baxsan goobaha ay ka taliyaan.





