Warbixin: Gurigii Safaaradda Soomaalidu ku lahayd Nairobi ee la iibsadey burburkii Soomaaliya kaddib, ciddii iibsatey, taariikhda dhismaha gurigaas iyo xilligii dawladdii Soomaaliyeed iibsatey…..
- – – ***- – -
“Dowladaha Ethiopia, Uganda, Kenya, Burundi iyo Dowladdaha reer Galbeedka Sida Mareekan-ka waa Cadowga koowad ee Soomaaliya Qarnigan 21-aad.” Ibrahim Da’ud Abdalle
Asalaamu calaykum waraxmatulahi wabarakaatuhu.
Kahor inta aanan u soo wareegin dalka Malaysia oo aan u imid in aan wax ka barto waxaan mudo afar sano ah ku noolaa dalka Kenya oo intii aan joogay waxbadan ka bartaya Siyaasada Soomaaliya ee Maanta,Cadowga Soomaalida, Siyaasiyiinta Soomaalida iyo guud ahaan dhibaatada Soomaalida ku heesata Qurbaha gaar ahaan Geeska Afrika….Cabsi, Qaxooti iyo rajo la’aan waa nolasha Soomaalida geeska Afrika ku nool!
Qoraalkani waxaan ugu tala galay in aan waxyar ka iraahdo halka uu ku danbeeyo dhulkii SafaaraddaSoomaaliyeed ee dalka Kenya iyo cida iibsatay, Sida loo iibsaday iyo Magacyadda dadkii iibsaday..”Somaaliya Cidna Uma maqna ceelna uma qodna”.!
Sidoo kalle dhibaatadda Soomaalida ku heesata dalka Kenya iyo soomaalida Qaxootiga ku ah dalkaas ayaan waxyar ka dhihi doonaa Insha Allah.
Soomaaliya iyo Kenya.
Dowladnimadu waa Sharaf!
Inkastoo dalalka Afrika ay intooda badan xoriyada qaateen 1960-kii ayay sidoo kalle Soomaalida xoriyada heshay sanadkii 1960-kii halka Kenya ay xoriyadeeda heshay sanadkii 1963-kii, waxaana halkaas ka ogaaneeysaa in Soomaalida ay xoriyad aheyd dalka Kenya oo gacanta Gumeestaha (British) ku jira. —Maantana dhibaatada iyo dowlad la’aanta ina heeysa iyo horumarka ay hiigsanayaan shacabka reer Kenya waa kaaf iyo kala dheeri–!
Dalalka Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhaxeeya muran dhuleed sida in dowladda Kenya ay Maamusho (Gumeesato) Gobalka Waqooyi Beri (NFD) ee dalka Kenya oo ay daganyihiin dad Soomaali ah kadib markii Gumeestihii dalka Igiriis-ka ee dhibaatada badan kaga tagay dalal badan oo afrikan ah uu ku wareejiyay Gobalka NFD ee Soomaalida ku nooshahay si la mid ah sida dowladda Ethiopia loogu wareejiyay dhulka Soomaali Galbeed.
Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobalka Waqooyi bari waa dad wanaagsan kana muuqda shacabka ay la noolyihiin ee dalka Kenya, waxaana loo garanaya magaca “Somali-Kenyan” iyadoo waliba ay ka muuqdaan qeebaha kalla duwan ee bulshada gaar ahaan siyaasada dalka Kenya sida Farah Macalim oo a Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka dalka Kenya, Yusuf Xaaji oo ah wasiirka Difaaca, Ahmed Isaaq oo ah Gudoomiyaha Gudiga doorashada dalka Kenya iyo dad kalle oo magac iyo maamuusba ku leh dalka Kenya iskugna jira, Siyaasiyiin, Saraakiil, Ganacsato iyo aqoonyahanba.
Soomaalida aanan haysan sharciga dalka Kenya ama aanan ku dhalan Gudaha dalka Kenya waxaa loo garanayaa “Soomali Waryaa” inkastoo mararka qaar Soomaalida guud ahaan kuwa ku dhashay iyo kuwa yimaadayba loo yaqaan “Waryaa”. Sababta magacan loo bixiyay ayaa lagu sheegaa in dadka Soomaalida marka ay isku yeerayaan ay isugu soo jeediyaan Oraagda “Waryaa” sida Afafka Qalaadba ay u isticlaamaan {Tacaal, Af Carabi}, {Kuuja Af Kenyan}, {Come, Af English} iyo intaas iyo ka badanba oo Soomaalida shanta Qaaradood ee Duniga joogto ay aqoon u leeyihiin gaar ahaan caruurta ku dhalatay dalalka Soomaalida ay u kala qaxeen.. Allow dadkeena oo nabad ah iyo dadkiina oo si nabad ah ku wada noolaada.. Aamin.
Kenya iyo Soomaaliya sidoo kalle waxaa ka dhaxeysa Xuduud Badeed balse dowladda KMG ee ay Hogaamiyaan Shariifyadadda (Shariif Xasan iyo Shariif Axmed) ayaa isku deyey in muran galiyaan kadib markii C/rahmaan C/shakuur oo dowladda KMG wasiir-ka Iskaashiga ka ahaa ka hor inta uusan iska casilin xilka Wasiirnimo ee Dowladda KMG ee Soomaaliya uu magaaladda Nairobi kula saxiiday Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Kenya Muses Watangula heshiis loogu magac daray is faham balse ugu danbeyntii ku dhamaday fashil iyo fadeexad.
Dowladda Kenya waxa ay xorun u tahay Dowladdo, Xafiiska UN-ka, Safaarado, Heyado iyo shaqsiyaasad intaba daneeya arrimaha soomaaliya iyadoo magaaladda Nairobi ay ka dhacaan shirar, aqoon is weedaarsiyo, Siminaaro iyo dib u heshiisiin ay lacago badan ku baxdo taas oo dhamaantood aysan ka soo bixin wax xal ah oo Soomaalida ka saarta dhibaatada 20 jirsatay ee ka socota dalka tan iyo wixii ka danbeeyay Allaha u naxariistee Madaxwayne Maxamed Siyaade Barre.
Magaaladda Nairobi waxaa lagu cunaa Malaayiin lacag ah oo loogu tala galay dalka Soomaaliya iyadoo xafiiska ugu weyn ee Heyada Qaramada Midoobay qaaradda Afrika ay ku leedahay dalka Kenya. Waxaana u shaqeey shaqaalo fara badan, waxana ku baxa Malaayiin lacag ah oo aanan dhaafin Magaaladda Nairobi.
Goormaa la furay Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya?
Dabcan ma ahi Siyaasi, dublamaasi ama shaqsi wax badan ka garanaya xiriirka laba dal ee Kenya iyo Somaaliya balse waxaan is leeyahay mar walba xiriirka Soomaalida iyo Kenya ka dhaxeeyay ama ka dhaxeeya hadda uu yahay mid ku dhisan is faham iyo taxadar sababtuna waa muranka dhuleed ee labada dal u dhaxeeya.

Sawirka Gurigii Safaaradda Safaaradda Soomaalida ee Nairobi
Dhulka Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya waxa uu ku yaalaa caasimada dalka Kenya ee Nairobi gaar ahaan xaafadda Westland ee ka mid ah xaafadaha ugu Amaanka badan, ugu qurxoon uguna qaalisan magaaladda Nairobi waxaana inta badan daga dadka hodanka/lacagta heesta.
Marka aan taariikhdiisa dibu raacno, Guriga ay markii dambe noqday Safaaradda Soomaalida ee Kenya waxaa markiisii hore iibsaday 1930-kii nin Cadaan ah oo la oran jiray Will Kardon kadibna waxa uu ka iibsaday nin kalle oo cadaan ah iyadoo ninka cadaanka ah ee la yiraahdo Will Kordan uu guriga ku qaatay deyn ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo “loan”.
Gurigan waxa uu ninka Cadaanka ah iibsaday xilligii Gumeestaha Ingiriis-ka uu gumeesan jiray dalka Kenya iyadoo kadibna uu ka iibiyay nin cadaan ah iyadoo markii ugu danbeeysay uu nin u dhashay dalka India uu la wareegay guriga. Ninka Hindiga ah ee guriga iibsaday waxa la oran jiray Harban Sin isagoo ugu danbeyntii sanadka marka uu ahaa 1969-kii ka iibiyay Dowladda Soomaaliya oo 9 sano jirsatay.

Sanadkii 1969 marka ay dowladda Soomaaliya iibsatay kadib waxaa biloowday Dhismaha, sharciyeenta iyo dhameestirka Dhismaha cusub ee Safaaradda Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya.
1969-kii Dowladda Soomaaliya waxa ay ninka Hindiga ah dhulka kaga iibsatay aduun lacageed oo gaaraya 550,000 Ksh lacagta dalka Kenya , 550,000 Ksh iyo 1969 dabcan lacag qiimo leh ayay aheyd taas oo xilligaas marka Dollar loo badalo ay noqoneeysayo $77,000 doolar (FG. Xilligaas waxaa $1 Doolar qiimahiisu ahaa 7.14 Kenya Shilling)
Lacagta ay dowladda Soomaaliya ay Dhismahan ku iibsatay waxay xilligaas ahayd lacag qiimo badan, Shilin Soomaaligu uu qiimo lahaa marka loo barbar dhigo Doolarka, balse waxaan filayaa in ay jiraan dad joogay xilligasi oo xasuusan kara.
Insha Allah qormada labaad waxaan kaga hadli doonaa sida loo sii iibsaday ee uu dhismahaasi hadda uga maqan yahay Soomaalida iyo cida iibsatay Dhulkii Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya.?


Ibraahim Da’ud Abdalle
sayfudiin@gmail.com
Kuala Lumpur, Malaysia.
Xigasho:SomaliTalk.com