Mid ka mid ah Wariyaasha Soomaalida ee isaga cararay dilalka qorsheysan ee loo geysto Suxufiyiinta Soomaalida ayaa gaaray dalka Holland halkaas oo uu weydiistay Magangalyo .
Nuradiin Macalin Mukhtaar (Diinow) oo ka mid ahaa Suxufiyiinta Soomaaliyed ee ka howlgali jiray Warfaafinta Magaalada Muqdisho, waxaa uu ka cararay dilalka iyo hanjabaadyada loo geysto Suxufiyiinta isagoo dhawr jeerna hanjabaad kala kulmay kooxda shabaab oo Mareykanka ku daray Liiska kooxaha Argigixisada Caalamka ee xiriirka leh Al qaacida.

Nuuradiin iyo Raíisal Wasaare Nuur Cadde
Nuradiin waxaa uu ka soo shaqeeyay Wargesyada kala ah, Qaran, Xidigta Banaadir, Panorama, Codka Xoriyadda oo dhamaantood ka soo bixi jireen Magaalada Muqdisho, Sahan oo isna ka soo bixi jiray Magaalada Boosaaso.
Sidoo kale Waxaa uu soo noqday Tafatiraha Bogga wararka Soomaalida iyo Caalamka www.midnimo.com sidoo kale waxaa uu ka soo shaqeeyay bogaga kala ah www.arlaadi.net www.dalka24.com iyo www.ufurow.com
Magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay Wariyaal fara badan waxaana ugu dambeeyay Wariye ka tirsanaa Idaacadda Dowladad Sheekh Nuur Abkey





