Qeeybaha| Wararka

Shabaab iyo Xisbul Islaam

Posted on 01 August 2010 by dadweyne

Waxaa hakaday wadahadallo hoose oo Muqdisho uga socday maleeshiyaadka shabaab iyo xisbul islaam, sida uu xaqiijiyay mas’uul ka tirsan Xisbul Islaam oo diiday in magaciisa lasoo xigto.

“Hakad ayaa ku yimid wadahadallo ay awooddooda ku mideyn lahaayeen Xisbul Islaam iyo Shabaab oo Muqdisho ka socday,” ayuu yiri sarkaalka diiday in saxaafaddu ay xigato magaciisa.

Kulankan ayaa waxaa labada dhinac uga qaybgalay min shan xubnood oo ay kala hoggaaminayeen guddoomiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo hoggaamiyaha labaad ee A-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abu-Mansuur).

Qodobbada ay labada dhinac isku afgaran waayeen ayaa waxaa ka mid ah in lagu midoobo magaca shabaab, taasoo la sheegay inay diideen xubnihii ka socday dhinaca Xisbul Islaam oo iyaguna soo jeediyay in awoodda si simian loo qaybsado, lana wadaago magacyada.

Labadan kooxood waxay dagaal kula jiraan Dowladda KMG ah, kooxda shabaab waxay wakiil ka tahay ururka Al qaacida, waxayna ku eedeysan yihiin qaraxyo iyo dilal ka dhacay koonfurta soomaaliya iyo dalalka geeska afrika.

Leave a Reply