Amiirka maleeshiyada Alshabaab Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaano Abuu Zubeyr ayaa fariin cod ah oo uu soo marsiiyay warbaahinta Muqdisho ayaa waxaa uu ku bogaadiyay weeraradii mataanaha ahaa ee lagu qarxiyay magaalada Kampala ee caasimadda uganda habeenkii Isniinta.
Abuu Zubeyr ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay geysteen xasuuq ka daran kuwii ay ka geysteen dalka Soomaaliya Ciidamadii Itoobiya iyo Mareykanka sida uu yiri.
“Waxa loogu yeero AMISOM waxay geysteen xasuuq ka daran kuwii ay Itoobiya iyo Mareykanka geysteen, waxay dadka ku laayeen Madaafiic, dhismayaashii waxay dhulka la simeen Taangiyo”ayuu yiri Abuu Zubeyr.
Waxaa uu sheegay in qaraxyadii ka dhacay Kampala ay bilow u ahaayeen weeraro hor leh oo uu qeexay in ay la beegsan doonaan magaalooyinka Bujumbura iyo Kampala, waxaana uu ugu hambalyeeyay weerarkaas kuwii fuliyay inay ahaayeen Guutada Saalax Nabhaan oo sanadkii hore Mareykanka ku dilay weerar duqeyn ah oo ka dhacday agagaarka degmada Baraawe.
5-tii bishan ayay ahayd markii Amiirka Alshabaab uu fariin uu soo marsiiyay warbaahinta uu ugu hanjabay dalalka Uganda iyo Brundi in ay beegsan doonaan, iyadoo hanjabaadiisa 6-maalmood kadiba si ficil ahaan u fushay





