Qaraxyo ka dhacay caasimadda Uganda, Kampala, ayaa dilay ugu yaraan 64 ruux oo daawanayay cayaarta kama dambeysta ah ee Koobka Adduunka.
Dad goob joogayaal ahaa ayaa ka warramay in kuraasta dhiig dhiiggu aslay iyo baabuur laga cararay ay goobt buuxeen.
Shakigu wuxuu dusha ka fuulay Shabaab oo u hanjabtay in shacabka Uganda iyo Burundi ay uga aargoyn doonaan waxa ay ku tilmaameen xasuuqa ay ciidammada dalalkaasi ku hayaan shacabka Muqdisho.
Isniintii 5-ta July ayay ahayd, Cabdi Axmed Aw Maxamuud Godane, oo loo yaqaan Abu Zubeyr, uu faafiyay hadal isugu jira hanjabaad, xigasho diineed iyo suugaan Soomaali hadalkaas oo macnahiisu ahaa hanjbaad toos ah oo ku wajahan Uganda iyo Burundi.
Isaga oo shacabka labadaas dal toos ula hadlaya, Abu Zubeyr wuxuu sheegay, in Soomaalida ay Muqdisho ku dileen Uganda iyo Burundi looga arrgudi doono shacabka Uganda iyo Burundi.
Makhaayadda la qarxiyay waxay ahayd makhaayad Ethiopian ah





