Qeeybaha| Wararka

Sheekh Cumar Faaruuq oo sheegay inay banaan tahay in IGAD fara geliyaan Arrimaha Soomaaliya

Posted on 10 July 2010 by dadweyne

Sheekh Cumar Faaruuq Cabdi oo ka mid ah mashaa’iqda waaweyn ee Soomaaliyeed kuna sugan magaalada Jiddah ee Boqortooyada dalka Sacuudiga ayaa ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan go’aanka madaxda Afrika ka soo saareen Soomaaliya, keenista ciidamo shisheeye iyo baahida keentay in dalka la keeno ciidamo shisheeye.

Hadalka Sheekh Cumar Faaruuq oo intiisa badan u daliishanayay diinta Islaamka iyo shareecada inay ku bannaan tahay maanta faragelin caalami iyo mid goboleedba lagu sameeyo arrimaha Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in arrintaasi ay sabab u tahay Soomaalida qolo qolo iyo koox koox u qeybsan oo iyagu ku heshiin waayay inay dalkooda ku heshiiyaan.

“IGAD ama dalalka deriska ah inay farageliyaan Soomaalida is maqli weysay way bannaan tahay” ayuu yiri Sheekh Cumar Faaruuq oo sheegay inuu isagu soo dhoweynayo go’aanka dalalka Afrika ay ka soo saareen dalka Soomaaliya, waayo buu yiri Sheekha dabka ka holcaya Soomaaliya haddii ay Afrika ku fiirsato waa hubaal inuu iyaga gaarayo.

Sheekh Cumar Faaruuq waxa uu sheegay dhinaca kale inay sii kordhayaan dagaalada dalka ka socda haddii ay yimaadaan ciidamo shisheeye ama la soo kordhiyo kuwa AMISOM, hase yeeshee dagaalladaasi ayuu sheegay inuu yahay mid loo baahan yahay bacdamaa uu yahay mid lagu soo celinayo nabadda iyo kala dambeyntii Soomaalida ka luntay 20-sano ka badan.

Sheekha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan inay ka heshiiyaan wixii dhexdooda ka dhacay, wuxuuna si gaar ah baaq ugu jeediyay Dowladda KMG ah iyo kooxaha mucaaradka inay hubka dhigaan oo ay xabbadda joojiyaan iyagoo u turaya dadka rayidka ah ee dhibaatada inta badan ka soo gaareyso, wuxuuna intaasi raaciyay Sheekh Cumar Faaruuq in Shareecada Islaamka dembi ahayn tallaabo kasta oo horseedeysa xal ka gaaridda iyo masaalixda dadka iyo dalka Soomaaliya.

Leave a Reply