Sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo lagu magaaabi jiray Salaad Xareed ayaa goor dhaweyd lagu dilay Degmada Baladwyene ee Xaruntga Gobolka Hiiraan, waxaana mas’uuliyadda dilkaas sheegatay maleeshiyada Al shabaab.
Dilka sarkaalkan ayaa ka dhacay guri uu ku sugnaa oo ku yaalla Baladweyne iyadoo saxaafadda ay u xaqiijiyeen dilkiisa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ee dablayda shabaab iyagoo ku eedeeyay inuu ahaa Jaajuus.
“Salaad Xareed wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya wuxuuna u joogay Baladweyne sidii uu ugu jaajuusi lahaa ciidamada Dowladda ee Gobolka ku sugan Xaaaladda degmada iyo awoodda ciidan ee Shabaab, waxaana dilay dablay ka tirsan Shabaab” ayuu yiri Mas’uul ka tirsan Shabaab.
Sarkaalkan la dilay ayaa wuxuu ahaa afhayeenkii ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Hiiraan, kaasoo ay mas’uuliyiinta shabaab ay sheegeen inuu afar habeen ku sugnaa Degmada Baladweyne.
Ehellada marxuumka qaarkood ayaa heegay in Salaad Xareed lagu toogtay guri uu kaga sugnaa Magaalad Baladweyne, waxayna sheegeen inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay ku aasaan.
Toogashada sarkaalkan ayaa imaanaysa iyadoo mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Hiiraan ay sheegeen dhawaan inay wadaan qorshayaal dagaal oo ay kula wareegayaan Gobolka Hiiraan oo ay ka taliso Xarrkatul Shabaab





