Qeeybaha| Wararka

Dowladda Uganda oo ka jawaabtay hadalkii Amiirka Dablayda Shabaab

Posted on 06 July 2010 by dadweyne

Dowladda Uganda ayaa ka jawaabtay hanjabaad kaga yimid maleeshiyada Shabaab oo ku saabsan dagaallada ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Hadal kasoo baxay Hogaamiyaha Al Shabaab Sheekh Abuu-Zubeyr ayuu ku sheegay in xasuuqa ay ciidamada Uganda ka wadaan dalka Soomaaliya ay ka aargudan doonaan shacabkooda iyo ciidamadooda ku sugan Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada Uganda (UPDF) Lt-Col. Felix Kulayigye ayaa warbaahinta dalkiisa u sheegay in hanjabaaddaas ay caddeyn tahay inay kooxdan ku hungowday hamigoodii ahaa inay afgambiyaan Dowladda Soomaaliya.

“Hogaamiyaha Al-shabaab wuxuu sheegay inay gubeen taangi ayna dileen askar, taasi ma ahan wax isbadal ku keeni kara howlaha nabad ilaalineed ee aan ka wadno Soomaaliya” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka dalka Uganda ee loo yaqaan UPDF.

Lt-Col. Kulayigye wuxuu sheegay in hajabaadaha kasoo baxaya Shabaab aysan ahayn kuwii ugu horreeyay, balse dhowr jeer oo hore ay sheegeen, iyaguna aysan hadalkaas dheg u dhigeyn.

Sarkaalkan wuxuu sheegay inay dagaalka ay kula jiraan Shabaab ay sii wadi doonaan, inta ay ka saarayaan Muqdisho oo dhan, waxaana uu xusay in dagaaladii ugu dambeeyay ay ku gaarsiiyeen khasaarooyin fara badan.

“Ciidamada AMISOM howlaha ay u joogaan Soomaaliya waa inay difaacaan Dowladda mana dhacayso inaan taas ka laabano, waayo howsheenna ayaaba ah” ayuu yiri Lt-Col. Felix Kulayigye oo sheegay in dagaallada ay horumar ka sameeyeen.

Leave a Reply