Qeeybaha| English News

Afar loo xiray toogashadii General Kayumba

Posted on 21 June 2010 by dadweyne

Ciidamada Booliiska ee Koonfur Afrika ayaa xiray afar qof oo loo heysto isku daygii dil ee lagu toogtay General u dhashay Rwanda oo masaafuris u jooga Koonfura Afrika.

Afhayeen u hadlay ciidamada booliiska ayaa sheegay in laga yaabo in dad kale loo xiro dhacdadaasi.

General Kayumba Nyamwasa ayaa laga toogtay caloosha xilli uu ka soo laabtay dukaan uu wax ka iibsanayay.

Xaaska Generalka ayaa ku tilmaantay in ay ahayd isku day dil oo ay ka danbeysay dowladda Rwanda.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Rwanda ayaa beeniyay eedeyntaasi.

General Nyamwasa ayaa magangelyo u tagay Koonfur Afrika bishii February, kadib markii ay isku dhaceen Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame.

 

Leave a Reply