Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa bishan 21-keedii wuxuu qoraal Afka Ingiriiska ku daabacan u diray Wargeyska Forein Policy, waxaana u suurogashay inay warbixinta oo loo badalay Afka Soomaaliga idiin soo gudbiso, waxaana ay u qornayd sidan:
Bilihii ugu dambeeyay dadka ku ugan Mareykanka waxay u ekaayeen inay ka quusteen Soomaaliya, Tusaale ahaan bishii April ee sannadkan guddiga Xiriiradda Dibadda ayaa soo saaray Warbixin Gaar ah oo ku baaqaysa “Siyaasad Cusub” oo ah “Iska Dhaafida Waxtarka leh” oo wadankeena ah, hadii dhanka kale loo dhigana ah in lagala noqdo Taageerada Caalamiga ah ee la siiyo Dowladda Soomaaliya.
Fikradaasi waxay si shaki la’aan ah u duufsanaysaa in badan oo ku sugan Washington, sidoo kale kuwo ku sugan London iyo Caasimadaha kale ee Reer Galbeedka, taasoo sii adkeynaaya dhibaatooyinka aanu wajahayno, maadaama ay Dowladdu ka shaqaynayso sidii ay u soo celin lahayd Nidaamkii ka jiray Dhul ay Cadaawadi ka jirto, laakiin sida muuqata Habkan cusub wuxuu ku noqon doonaa Musiibo maanta sida uu horay ugu noqday Soomaalida iyo Beesha Caalamkaba.
Fikirka “Iska Dhaafida Waxtarka leh” ayaa ah asluubayn wanaagsan oo la mid ah tii hore iyo Siyaasadihii gebi ahaanba guuldaraystay, taasoo Wadamada Reer Galbeedka ay isticmaalayeen mudo sanado ah Muranka qaldan ee ah in Dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira loo daayo Soomaalida, tani waxay ahayd Aragtida caadiga ah ee ay qabtay Beesha Caalamka inta badan 20kii sano ee la soo dhaafay- ilaa ay soo baxdo Burcad baddeed baahday, taasoo sababtay in Ciidamada Badda ee Adduunka ay u soo ruqaansadaan Biyaha Soomaaliya, joogitaanka ay joogaan Cutubyo Maraakiib dagaal oo ka socda Ciidamada Badda in ka badan 24 dal ayaa sharaxaad cad u ah sida dhibaatooyinka ka jira gudaha dalkeena ay u cadaadinayaan arrimaha Caalamka.
Aragtida Aduunka ee dhibaatada Soomaaliya ayaa ah sidoo kale mid muuqata oo dhulka taala, halkaasoo ay ku soo qulqulayaan dagaal yahaniin Shisheeye oo sii kordhinaya Heerka ay marayaan Mintidiinta Mucaaradka ah, kuwaasoo si furan ula xulufoobay Ururka Al-qaacida. Boqolaal Mintidiin Ajaaniib ah ayaa hada ku sugan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo muuqaalkooda kore uu yahay sidii ay ula dagaalami lahaayeen Dowladda Soomaaliya iyagoo ka dhinac dagaalamaya Kooxaha Shabaab iyo Xisbul Islaamoo ah Kooxo Argagaixiso ah, kuwaasoo ay soo jiiteen dhiirigelinta ka imaanaysa Qaaar ka mid ah Kooxaha Argagixisada Islaamiyiinta Asal raaca ah ee Adduunka.
Dhabtii, Waxbixintii dhawaan ay Hay’adda Human Rights Watch ay ku eegaysay dadka Soomaalida ah ee ku nool deegaanada ay gacanta ku hayaan Shabaab ayaa u eg Midii ay horay Hay’addu uga soo saartay Ururka Daalibaan ee Afgaanistaan ka dagaalama xiligii uu talada hayay, Argagixisadu waxay karaamadii ka qaadeen Qabuurtii Soomaalida iyagoo u arka in aysan Islaamka ku jirin marka loo eego Tarjumaadooda qaloocan ee ay ka bixinayaan Islaamka. Masuuliyiinta Al shabaab ayaa si joogto ah u soo saara Amaro xun xun oo ay ku mabnuucayaan Waxkasta laga soo bilaabo Calankii Soomaaliya ee ka babanayay dhulkeena ilaa Daawashada Ciyaaraha Koobka Aduunka.
Laga soo bilaabo Ganbaleelkii Iskuulka ilaa Cagaf-Cagafyadii Beeraha lagu falanaayay. Xoog Amar ku Fuliyayaasha Shabaab ayaa karbaasha Haweenka hadii ay xiran waayaan Marooyin daboola min Madaxa ilaa Suulka jirkooda inkastoo aysan Qoysaska intooda badan awoodi Karin in ay sidaa sameeyaan. Argagixisadan waxay qarxiyeen Arday Caafimaadka dhamaysatay iyo Barafasooro ku sugnaa Xafladdii Jalanjebinta sanadkii la soo dhaafay, waxayna si aan shaki ku jirin masuul uga yihiin Shan mayd oo Madaxa laga gooyay oo laga helay Bishii April Muqdisho, Dhibanayaashaas ayaa ka shaaynaayay dayactir cusub oo lagu sameynaayay Dhismihii Baarlamaanka Soomaaliya.
Aduunku horay ayuu u soo arkay Waxuushnimada noocan oo kala ah kadib markii ay Daalibaaniyiintu burburiyeen Dowladdii hore ee Budhistaha ee ka jirta dalka Afgaanistaan. Sidoo kale markii Mintidiin Al-qaacida ku xiran ay si habaysan u bambeeyeen Goobo barakaysan oo ku yaala dalka Ciraaq. Sida ay muujinayso Taariikhdii Tobankii sano ee la soo dhaafay, Argagixisada ku sugan Soomaaliya ayaa waxay si aan shaki ku jirin u bilaabayaan in ay Rabshado ka abuuraan guud ahaan Gobolaka iyo Aduunkaba, hadii aan ka hortagi weyno, dhabtii Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa si tartiib tartiib ah gacan uga geysanaya sidii Muqdisho sharciga iyo kala danbaynta loogu soo celin lahaa iyo goobaha kale ee Soomaaliya, dagaalka adag ee dhulka kuwa ku guulaysanaya waa Anaga, laakiin waxaanu u baahanahay Taageero Caalami ah oo ka timaadda Meelo fogfog si aanu awood ugu yeelano maadaama aanu aminsanahay in aanu guulaysanayno.
Waxba laguma guulaysan karo hadaysan jirin Illo dhaqaale, Nasiibdaro, dhamaan Ilihii Daqliga ee Dowladdeenu isticmaali jirtay ayaa burburay ama la burburay, Soomaaliya waxay aad ooga baahan tahay hada dalalka sida Britain iyo Mareykanka waa Taageero maaliyadeed ma ahan Ciidamo ama Nabad ilaaliyayaal, Dowladdeenu waxay si hoose u eegaysaa Dhacdooyinka daaha ka rogan ee ka socda Afgaanistaan, halkaasoo ay Askarta Mareykanka iyo kuwa Britain aysi geesinimo leh uga qeybqaadanayaan dagaalka, waxaanu doorbidaynaa in aanu ka soo baxno teena. Soomaalidu waxay aad ugu kulul yihiin in ay dhankooda qeyb ka qaataan dib u riixidas Qatarta Argagixisada Islaamiyiinta, laakiin ma haystaan Tasiilaadkii ay ku fulin lahaayeen arrintaas.
Taageerada ka timaada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa naga caawinaysa in aan dhisano Ciidamo habaysan, laakiin naguma filno, waxaanu u baahanahay in aan u helno Taageero Ciidamadeena Qalabka-Sida maadaama aanu rajeynayno in aan ku guulaysanayno Goobaha dagaalka ee Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya Bilaha soo socda.
Soomaaliya sidoo kale waxay u baahan tahay Taageero badan oo ka timaada Beesha Caalamka si ay duulaanka uga bilowdo Goobaha Dagaalka, waxaanu u baahanahay Taageero si aanu u soo ceshano Dhaqdhaqaayadii Gaacsi ee xalaasha ahaa si aan wax badan uga faa’iideysano Kaluunka tiradda badan ee aanu qaniga ku nahay, Shidaalka ama Saliida, Gaaska iyo Macdanta oo aan maalin uun noqono dowlad wax badan qabsata horumarna gaarta marka hada loo eego, waxaanu u baahanahay Dhaqaale degdeg ah oo lagu bilaabo, taasoo lagu soo noolaynayo Adeegyadii Bulshada sida: Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo Nadaafada aas-aasiga ah oo laga hirgeliyo Goobaha ay Dowladdu ka taliso.waanu kaga aqoon badanahay Qofkasta waxa ay u arkaan Ciidamada Caalamiga ah wax adag, wadada looga guulaysan karo Argagixisada iyo Burcad baddeeda waa in la buuxiyo meelaha banaan ee ay ka faa’iideysanayaan oo ah hadii aan magacaabo Masuuliyadii Qaranka oo meesha ka maqan iyo Dowlad Wanaaga.
Dowladdeena Federaalka KMG ah waxaa la aas-aasay 2004-tii sida ku cad Magaca, waanu ku dadaali doonaa in aan maamulno ilaa aan ka gaarsiino dadka Soomaaliyeed xili ay six or ah ku dooran karaan Madaxdooda Dhul Nabad ah oo Nabadgelyo ka jirto iyo Rajo mustaqbalka ah oo ka soo horjeeda waxa ay aaminsan yihiin qaar, maalintaas waa la gaari doonaa anagoo og shaqada dowladdeenu qabatay iyadoo kaashaanaysa beesha caalamka laakiin maalintaas ma imaanayso hadii soomaaliya mar labaad meel cidla ah looga tagayo.
XIGASHO: Foreignpolicy.com