Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Maleeshiyada kooxda Shabaab ay Bireeyeen Sheekh Mustafa Cali Caanood oo isagu kamid ahaa culumada xagga diinta ee caanka ka ahaa magaalada Kismaayo kaasi oo ay dhowaan xireen Maleeshiyadaasi.
Sheekh Mustafa Cali Caanood oo maalmihii la soo dhaafay ku xirnaa xabsi ku yaala magaalada Kismaayo oo ay ku xireen Maleeshiyo ka tirsan kooxda Shabaab isaga iyo koox uu gudaha magaaladaasi ugu aqrinayey casharro Diini ah mid kamid ah masaajida kuyaala Kismaayo ayaa dilkiisa waxa u dhacay habeennimadii Khamiista ee lasoo dhaafay sida wararku sheegayaan.
Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in shiikha Maleeshiyo ka tirsan kooxda Falaagada ah ee Shabaab ay saqdii dhexe ee Khamiista kala baxeen xabsi ku yaala magaalada Kismaayo oo uu ku xirnaa, ayagoona lasoo aaday dhanka duleedka magaaladaasi gaar ahaan wadada aadda Jamaame, wararku waxay sheegayaan in halkaasi ku bireeyeen, waxaana markaa kadib ay u geeyeen xaaskiisa Dharkii uu watay iyo gogoshii uu ku jiifsanayey intii uu u xirnaa kooxdaasi, ayagoona u sheegay inay ka samraan shiikha oo ay afadiisa ku hor aflagaadeeyeen.
Wararka ayaa sidoo kale tibaaxaya in meydka Marxuum Sheekh Mustafa Cali Caanood loo diiday mar ay weydiisteen ehelada shiikha horjoogayaal ka tirsan kooxdaasi, waxaana sidoo kale aan la ogeyn halka illaa iyo hada iyana la geeyey koox u badnayd dhalinyaro oo uu shiikhu marka la xerayey cashir ugu aqrinayey masjidka laga kaxaystay.
Shiikh Mustafa Cali Caanood ayaa waxa uu kamid ahaa Culumaa,udiinka ugu caansan magaalada Kismaayo, isagoona kamid ahaa Aas aasayaashii kooxda Mucaskar Caanoole oo ka mid ah garabyada ay ka kooban tahay Maleeshiyada Kooxda isku magacawday Xisbul Islaam, waxaana kooxdaasi uu isaga haray markii ay gudaha magaalada Kismaayo kula dagaalameen Axmed Madoobe, isagoo waayihii ugu dambeeyey ka tirsanaa Xarakada Ictisaam.
Sh. Caanood ayaa taageersanaa go’aanadii kasoo baxay shirkii Culimada ee magaalada Garoowe, waxaana wixii ka dambeeyey xiligaa uu bilaabay in masaajidyada gudaha magaalada Kismaayo uu ka aqriyo cashiro uu dadka ku wacyigelinayo, isagoona si gaar ah dadka ugu aqrin jirey casharo uu dadka ugu sheegayey inaysan habooneyn dhiiga dadka Muslimka ah oo la iska banaysanayo iyo in dadka la iska gaaleeysiiyo diinta Islaamkana aanay sal iyo raad toona ku lahayn, taasi oo horjoogayaasha maleeshiyadan ay aad uga caroodeen Markii uu Shiikhu soo bandhigay aayado Qur’aan ah iyo Axaadiis uu arimahaasi dadka ku fahansiinayo.





