Qeeybaha| Qubane

Dhalinyaro si qasab ah lagu siinayay tababar ciidan oo ka baxsaday gacanta shabaab

Posted on 15 May 2010 by dadweyne

30 Dhalinyaro ah oo Maleeshiyada Shabaab ay si qasab ah ugu hayeen Xero ku taalada Tuulada No-60 ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa halkaasi ka baxsaday, kadib markii Maleeshiyadaasi tababar ciidan oo qasab ah ay halkaasi uga fureen wiilashas.

Wararka ayaa sheegaya in dhalinyaraada ay fursad u heleen in ay baxsadaan kadib markii maleeshiyaadkii ilaalada ka hayay ay ku mashquuleen baadigoob ragg la tilmaamay in ay maleeshiyadaas hub kala baxsadeen, kuwaa oo tiradooda lagu sheegay ilaa iyo 3 Maleeshiyo.

Dhaliyaraada ka baxsatay kooxda shabaab oo da’doodu ay ka hooseyso 15 sano ayaa badankoodu ahaa arday  ay maleeshiyadu ka aruurisay Gobolada Banaandir iyo Sh/hoose si kooxdu  Maleeshiyaad ay dagaal geliso uga dhigto, kuwaas oo ka qayb qaata ololaha lagu difaacayo ajaanibta Soomaaliya nabadda u diidan, waxaana nasiib wanaag ah in shalay gelinkii danbe ay ka xuroobaan gacanta maleeshiyadkii xooga ku heeystay, inkaastoo aan la ogayn halka ay haatan ku sugan yihiin .

Intii maleeshiyaadkaas ay gacanta ku hayeen dhalinyaradaas ayaa waxaa xerooyinka ay ku jreen kula soo gudboonaatay dhibaatooyin dhinaca nolosha ah, kuwaas oo sidoo kale laga dhaa dhicin jiray in ay difaacaan afkaarta shisheeye ee duulaanka ku ah dadka iyo dadka Soomaaliyeed.

Leave a Reply