Qeeybaha| Qubane

Radio Muqdisho mise radio Daahir Geele

Posted on 09 May 2010 by dadweyne

Wasiirka warfaafinta ee dowlada ku meel gaarka ayaa lagu edeeyay inuu idaacada qaranka u adeegsanayo danaha u gaark ah isagoo ku fidinaya barnaamijyo u dan ah  isaga iyo kuwa iyo jaalku ku yihiin siyaasada. “Wasiirku Dahir Maxamuud Geele idaacada waxa ugu dhaqmay sidii midi u lahaan jiray ee idaacada la dhihi jiray Quraanka Kariimka, ma u maleeyo idaacadan in dowladu leedahay,” ayu yiri xildhibaan ka tirsan dowlada oo ka cabanayay hab dhaqanka wasiirka Geele. “Waxaa idaacada laga sii deeyn kara oo kaliya waxa shaqsiyan isagu rabo, waxa u dhaqmaya sidii u yahay wasiiro warfaafin ee dowlad milatrai ah. Baryahan waxa u idaacada u adeegsaday qaab ka dhan ah danta guud ee ummada Somaliyeed, gaar ahaan rabitaanka xubnaha barlamaanka intooda badan,” ayuu yirixildhibaankaasi oo arrinka ay la wadaagaan xubno ka ba badan 280 in ka badan yiri. Wasiirka cabashada ku aadan waxay tahay inuu khilaafka barlamaanka ka taagan u adeegsaday idaacada inu ku difaaco Aden Maxamed Nur Guddomiyihi Hore ee barlaamaanka. “Guddomiye barlamaan waxa shaqadiisu tahay inuu kal fadhiyada golaha gudoomiyo. Haddi u qaban kari waayay kal fadhiga maxaa u ka yahay goddommiye,” waxaa sidaa dhahay Amiin Cabduraxmaan oo ka tirsan dadweeynaha muqdisho. “Ma radio muqdisho ayuu gudoomiye u noqon,” ayuu Amiin raaciyay hadalkiisa. Wasiirku waxaa kaloo si xoogan uga soo horjeeda heshiis ay galaan ururka Ahlusuna iyo dowlada ku meel gaarka ee Somaliya isagoo fiirinaya danaha u gaarka ah ee ah inuu sii hayo xilkiisa. Ahlu suna iyo dowlada iskaashadaan waxaa raba mujtamac Somaliyeed iyo kan caalamka oo doonaaaya in la jabiyo kooxda argagixisada ah ee shabaab iyo dhadhilifyada Xisbul Islaam la baxday. Nasiib daro waxa ka soo horjeeda ficilkan Daahir, wasiirka cadaalada iyo xubnaha ka tirsan al itixaad ee shabaab ka soo abuurmay. Itifaad ku jira dowladu ma oglaa horumar buuxa oo lagu talaabsado. “Jagada u hayo Daahir waxaa ay si buuxada u jabineeysa sharci guud ee yaala dowlada federaalka madaama ay baxsan tahay awooda qeeybisga ku cad xeerka ku meel gaarka ah ee 4.5,” ayuu yiri. Daahir iyo wasiirka lacgta, iyo mid kaloo beesha mareexaan la siiyay waxay loo magacaabay si baxsan sharciga guud taasina waxa u sabab ah ayaa la leeyahay madaxweeyne Shariif Sheekh Axmed oo an rumeeysneeyn xeerka u ku dhaaratay iyo isagoo sad bursi u raadiyay beesha u ka dhashay isaga ku xadgudbaya kitaabkii u ku dhaartay. “Waxaa nasiib daroo noqotay qof ku magacaaban sharci daro iyo xeer jajab inuu isku heeysto qof isagu ku taagan sharci,” sida waxa yiri qof ka tirsan wafaafinta oo ka cabsaday in magaciisa la sheego.

Leave a Reply