Dowladda Sweden ayaa sheegtay in dhallinyaro u dhashay dalkeeda ay qoratay Shabaab si ay ugu dagaalamaan, uguna fuliyaan qaraxyo dalka Soomaliya gudihiisa.
Warbixinta ayaa wargays kasoo baxa dalkaas waxaa ku qoray Wariye lagu magacaabo Per Gudmundson, wuxuuna sheegay in dhallinyarada la qoray ay isugu jiraan kuwo u dhashay dalkooda iyo kuwo Soomaali ah, lana doonayo in laga duuliyo halkaasi.
Dhalinyaradaasi in la qoray ayaa waxa sheegay Ciidamada Ammaanka dalka Sweden, waxayna ciidamadu sheegeen in dhallinyarada la qoray hada ay tiradoodu gaarayso 20-qof oo iyagu laga qoray Magaalada Gothenburg oo ah caasimada ee dalkaas ugu weyn, inkastoo aanay sheegin in dalkaas laga duuliyay iyo in kale.
Ciidamada Booliiska Sweden ayaa sheegay in dalkooda uu yahay meel ay lacago badan ka hesho Al-Shabaab taasoo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay in lacagtaas ay ururiyaan Muslimiinta dalkaas ku nool.
“Waa khatar wayn oo ku wajahan dalkeena qorashada dhallinyarada Sweden u dhashay ama kuwa qoxootiga ku ah ee la doonayo inay ka soo dagaalamaan Soomaaliya” ayuu yiri Wariye Gudmundson oo intaas ku daray in tallaabadan ay tahay mid ay muddo dheer ka fikiraysay dowladdaas go’aankii ay ka qaadan lahayd.
Wariye Per Gudmundson wuxuu sheegay in tani aysan ahayn khatar Soomaalida oo keliya ku wajahan, balse ay tahay khatar weyn oo dalkooda u soo hoyatay, isagoo sheegay in dadka ka soo laabanaya goobaha colaadaha ay yihiin kuwo tababaran.
Dhanka kale Dalka Sweden ayaa waxaa daggan Muslimiin badan, iyadoo Booliisku ay sheegeen inay qaarkood ka soo dagaalameen dalka Afghanistan ayna halkaasi ka wadaan casharro lagu barayo dadka Jihaadka iyo faa‘iidooyinkiisa





