Midowga Afrika ayaa sheegay in ay ka war heleen qorshayaal kooxaha dowladnimada diiddan ay ku doonayaan in ay ku qarxiyaan goobaha shacabku deggan yihiin ee magaalada muqdisho.
War ka soo baxay taliska ciidamada Midowga Afrika ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay in ay ka war heleen in kooxda Shabaab ay damacsan yihiin in qarxiyaan masaajidda iyo suuqyada shacabku ku badan yihiin.
AU waxay warkeeda ku sheegtay in ay ogaatay in gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu diyaariyay duleedka magaalada Muqdisho si loola beegsado goobo ay dad rayid ahi ku sugan yihiin.
Noocyada Gawaarida la damacsan yahay in qaraxyada loo adeegsado waxa ay kala yihiin:-
1- Gaari madow oo noociisu yahay TOYOTA Land cruiser , gaarigaas waxaa lagu hayaa gudaha Muqdisho waxaana wade ka ah nin lagu magacaabo Muxyidiin Yuusuf.
2- Gaari noociisu yahay TOYOTA Surf.
3- Booyad Midabkeedu caddaan yahay oo lagu qoray astaanta AU.
4- Labo TOYOTA oo Kaarib ah, oo lagu hayo suuqa Bakaaraha.
5- Labo baabuur oo NISSAN Diesel ah .
6- Hal gaari oo TIkniko ah iyo Minibus noociisu yahay Homy.
Kooxaha dowladnimada diiddan ee banneystay dhiigga iyo karaamada shacabka soomaaliyeed ayaa horay u fuliyay weerarro ay ku argagax galinayaan shacabka soomaaliyeed iyagoo si arxan la’aan ahna u dila cid kasta oo ay u arkaan in ay ka hor jeeddo artiyahooda gurracan





