Xaaladda qabqablaha dagaal oogaha ka tirsan kooxda shabaab oo dad badan dil ku xukumay isagoo haysanin cadeyn ayaa haddana jirkiisa bilaabay inuu cad cad u gala go’go, waxaana la soo sheegaya in Fu’aad Shangole oo shalay ku dhaawacmay qarax ka dhacay Masjid ku yaala Suuqa Bakaaraha uu hadda ka tagay ogaalkiisa dhinaca Maskaxda, mana garanayo cida la joogta iyo qofkii u yimaada.
Isagoo xalay la hadlayay maleeshiyadiisa ayaa waxaa uu ku qayliyay waa dhiman rabay ilaahay ayaa I badbaadiyay ma rabo inaan ka tago adduunyadan waayo ficil wanaagsan ma aanu sameynin, waqtigayga waxaan ku soo qaatay inaan dad micno daro u gaaleysiiyo ama dil aan ugu xukumo.
Fu’aad isagoo doonayay inuu beer nuqeel ku abuuro dhalinyarada dibadda iyo gudaha ku nool si ay uga qeyb qaatan dagaalada dalka ka socda ayuu fariin qayli dhaan ah oo been abuur ah dirsaday
Dhalinyarada Soomaaliyed ayaa looga dhigayaa in aysan dhageysanin fariimaha been abuurka ah ee Fu’aad shangole soo diray iyo kuwa Axmed Cabdi Godane.
Runtii Caruurta ay dhaleen Fu’aad ama Ina Godane midna isma qarxiyo midna kama qeyb qaato dagaalada midna kama tirsana Maleeshiyada shabaab waxa ay adeegsanayaan waa caruur soomaaliyed oo la qalday.
Hadaan u soo laabto Fu’aad shangole waa nin dambi badan ka galay dadka soomaaliyed, waana Maxkamad suga haddii uu ka badbaado mida aduunyada kama uusan badbaadi doono midi Ilaahay.
Haddana Maskaxdiisa waxay beeshay ogaal iyo garasho,wuxuuna ku sugan yahay xaalad khatar ah.






