Qeeybaha| Qubane

Garabyada Shabaab oo Masaajidyada isku dhex qarxinaya.Daawo Sawirada

Posted on 01 May 2010 by dadweyne

Khilaafka u dhaxeeya kooxda shabaab ayaa gaaray meeshii ugu xumeyd kadib markii ay bilaabeen garabyada shabaab in ay isku dhex qarxiyaan gudaha Masaajidyada.
masjidka9

Wararka naga soo gaaraya suuqa Bakaaraha ee Magaalada muqdisho qarax dad badani ay ku dhinteen ayaa ka dhacay Masjid oo ku yaala gudaha suuqa Bakaaraha halkaasi oo dad farabadan ay ku tuganayeen Salaadii Duhurka.

 Masjidka4

Qaraxa ayaa la sheegay in uu dhacay kadib markii laga baxay salaada Duhur waxaana halka uu qaraxu ka dhacay ka dhashay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac farabadan wallow aan la heyn tirtada rasmiga ah ee halkaasi ku waxyeelowday.

 

Masjidka uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa uu ku yaala Bartamaha qeybta loo yaqaan Cabdalla Shideeye halkaasi oo ka mid ah goobaha sida weyn dadku ay u dhoobanyihiin.
Masjidka7

 

Wararka ayaa sheegaya in kooxda shabaab ay ku xirtay Masjidka miinooyin iyagoo go’aansaday in ay laayan dadka masaajidka ku tukanaya, ujeedada laga leeyahayna ay tahay in dadka iyo Masaajidyada nacayb laga dhex abuuro.

 

Qaraxan ayaa waxaa fuliyay garabka Axmed Cabdi Godane oo damacsanaa in ay dilaan Sarkaal Al qaacida ka tirsan iyo Afhayeenka Shabaab Cali Dheere oo ka mid ahaa dadkii Salaada ku tukanayay Masjidka.

Leave a Reply