Keeydka | May, 2010

Ciidamada Dowladda oo la wareegay Magaalada B/weyne

Posted on 31 May 2010 by dadweyne

Lix qof ayaa la ogyahay in ay ku dhnteen dagaal saaka ka dhacay magaalada Beled Weyne, dagaalkaas oo dhex maray ciidamo dawlada Somalia ka tirsan iyo ururka Hisbul Islaam.

Hisbul Islaam ayaa sheegay in ay magaalada Beled Weyne ka baxeen waxaana hada magaalada gacanta ku hayaan ciidamada dawlada KMG ah ee Soomaaliya kuwaas oo iska eriyay maleeshiyada shabaab iyo Xisbul Islaam

Cidamada dawlad ayaa xuduuda Itoobiya ee Feerfeer weerar ka soo qaaday, waxayna hada gacanta ku hayaan 115 iyo garoonka dayuuradaha.

Sida laga war qabo magaalada ayaa marba koox gacanta u gelaysa beryahan.

Comments (0)

Maleeshiyada Xisbiga oo ku amartay Barakacayaasha Afgooye in ay ka guuraan xarumihi dowlada

Posted on 30 May 2010 by dadweyne

Dablayda Xisbul Islaam ayaa ku amartay dadka barakacayaasha ah ee degan xarumihii Dowlada ee magaalada Afgooye in ay mudo Todobaad ah uga Guuraan.

Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada Xisbul Islaam ayaa ku amray dad barakacaal ah oo deganaa Xarumihii Dowlada ee degmada Afgooye,  gaar ahaan qoysaska ku nool Gurigii Martida, kuleejadii Gabdhaha agoonta, dugsigii Kuweyt iyo Dugsiga dhagaxtuur, waxeeyna u qabteen dadkaasi in ay mudo Todobaad ah uga guuraan halkaasi hadii kale ay la kulmi doonaan ciqaab adag.

Qoysaska amarkani adag saameeyay ayaa waxa ay tiradoodu gaarayaan ilaa Afar boqol oo qoys oo barakayaal ah,  kuwaas oo aan haatan heysan meel ay gabaad ka dhigtaan xilli lagu guda jiro xilli roobaadkii Guga, waxeeyna dadkani danyarta ah ka walaacsanyihiin halkii ay hoy ka sameeysanlahaayeen.

Maleeshiyada Xisbiga ayaa dhibaatooyin kala duwan ku haya dadka ku dhaqan degmada Afgooye,  kuwaas oo ku soo roga amaro adadag oo aaneey dadku awoodi Karin fulintooda, waxeeyna Maleeshiyaadkaasi u muuqdaan kuwo isku balaarinaya islamarkaana  deegaan ka sameeysanaya xarumihii dowlada ee degmada Afgooye

Comments (0)

Madaxweyne Shariif oo soo dhaweeyay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka

Posted on 29 May 2010 by dadweyne

Madaxweynaha Dowladda KMG ah  Shariif Sh Axmed ayaa soo dhaweeyay doorashada Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya loo doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan

Madaxweyne Shariif ayaa guul u soo hoyatay mudanayaasha Barlamaanka ku tilmaamay go’aankii shalay ay ku doorteen Gudoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay in arrintaasi ay taariikhda u gali doonto mudanayaasha Barlamaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale xildhibaanada kula dardaarmay in khilaafkooda ay ku xalliyaan gudaha Barlamaanka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in gudoonka cusub iyo xildhibaanadu u guntadaan sidii meesha looga saari lahaa wixii khilaaf ah ee jira.

Sidoo kale madaxweyne Shafiir ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan gudomiye ku xiggeenka 1aad ee Barlamaanka Soomaaliya, oo uu u taagan yahay wali Prof. Maxamed Cumar dalxa oo sheegay in uusan is casilin, ayadoo guddiga doorashadu sheegeen in la dooranayo.

Madaxweynaha ayaa ku taliyay in la raaco go’aanka Maxkamadda sare ee dalka, kaas oo faray barlamaanka in dib loo dhigo doorashada inta meel laga saarayo arrintaani, lagana waafajinayo dastuurka iyo xeer hoosaadka dalka

Comments (0)

Shariif Xassan oo la filaayo inuu ku guuleeysto Afhayeenimada Barlamaanka

Posted on 26 May 2010 by dadweyne

sharif2Sharif Xassan Sheekh Adan ayaa qarka u saran inuu hoogaamiye Barlamaanka dowlada ku meel gaarka ah ee Somaliya doorasho lagu wado maalinta jimacaha. Waxaa sheriff Xassan u ahaa Afhayeenka baarlamaanka ee Somaliya intii aana laga qaadin xilkaa markii khilaaf dhaxmaray Madaxweeynihi Dowlada ku Meel Gaarka ah ee hore Cabdulaahi Yusuf Axmed.

Waxaa kula tartamay xilkaasi xubno kaleh ee magic ku leh barlamaanka sida Cabdi Xaashi Cabdullahi, hasayeeshe hordhac qiyaas ah oo la sameeyay Shariif Xassan aya la filaya inuu guusha halkaasi kala tago. Doorashadani waxay ka dambeeysay marki muran ka yimid sharci ahaanta jiritaanka guddonka barlamaanka ee Somaliya oo kentay mowjad khilaaf siyaasadeed ah. Waxaa jira xubno ka tirsan Barlamaanka oo diidan shariif balse waxa la qiyaasay inuu inta badan taageero ka heeysto oo loo dooran doono Afhayeen maalinta Jimcaha.

Comments (0)

Xanuunka qaaxada oo ragaadiyay howlihii Godane

Posted on 26 May 2010 by dadweyne

shabab2
 
Madaxa maleeshiyada shabab Axmed Cabdi Godane ayaa la il daran xanuunka qaaxada oo muddo dheer ay ka daaweeynaaeen xubno caafimaadka ugu qeeybsan dagaalyahanada shabaabn oo iskugu jira soomaali iyo ajanabi.
Xog laga helay shabaab ayaa sheegaeeysa in Godane miisaanka jirkiisa lumiyay sidoo kalena, qufacisu aad u batay iyo hadana u billabay in candhuuftiisa lagu arkayo dhiig.
Waxaa kalo Godane oo isakugu yeera Mukhtar Cabdalla Abu Zubeeyr ay qaaxadu ku abuuratay cunto xumi una nafaqada qaadan karin.
Saraakiisa shabaab ayaa iskugu yimid Kismayo si ay ugu duceeyaan hogaamiyahooda u jideeya ineey magaca Islaamka ku dilaan dad wax danbi ah an galabsan, kuwa ducada u yimid waxaa ka mida ah Mukhtar Robow Cali iyo laba kaleh, sida an ka helnay dad noo jooga Kismaayo.
Waxaa Godane loo soo jeediayay inuu tago gobalada waqooyi ee Somaliya si u caafimaadkiisa u baanto, balse waa u diiday isagoo ka baqaya in xilka hoogaanka maleshiyada laga sii qaado.
Hor joogayaasha shabab ayaa sheegaya in caafimaad daro la kulantay ninkan Godane ay wax u dhintay howlihii laga sugayay isaga iyo guud ahaan howlihi dableeyda shabaabka.
Robow oo in muddo ah u halgamayay inuu xilka kala wareego Godane ayaa la sheegay inuu la yaabanhay ninkan qaaxada dilootay ee xil u isku dhajinaya.
Godane waxa laga daaaweeyay oo kaleh saddexdi billod ee u dambeeysay calool xanuun iyo kaadi dhiig, sida ay sheegeen dad ku dhow xaaladiisa caafimaad. Daawooyinka waxa looga soo gadaa Dubai iyadoo magaca haween loogu qoray xaashi.
Waxaa xanuunka sii kordhiyay ila hadda Godane oo intu meel fadhiyo lagu daaweeyn kareeyn cabsi awgeed balse waxa la sheegay inuu isku dayo inuu daawooyniks qaarto xiligooda, kadib marki sida u soo jeediyay dhakhtar lagula tashaday telerfoonka.
Godane ma aaminsana dhakhaatiirta Somaalida ee ka howl gala dhulka ay dowlada Somaaliya ka taliso.
Sidoo kaleh la xiriiro kuwa degan dalalka reer galbeedka. Dadaal loogu jiray in lageeyo Suudaan ayaa suurtagal noqon weeyday markii laga war helay baasboorka cusum ee u sameeystay.
Yaxa Cabdisalam, Muqdisho
 
 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Comments (0)

Dagaalo ka dhacay Magaalada Muqdisho shabaabka oo lagu laayay

Posted on 23 May 2010 by dadweyne

Dagaalo culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda KMG ah iyo Maleeshiyaadka ka soo horjeeda ayaa mar kale saaka ka qarxay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Dagaaladani ayaa xoogooda waxa ka dhacay degamooyinka  Shibis.Wardhiigleey.Hodan iyo howlwadaag, waxaana dagaaladan la isu adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka, waxaana dagaalada dhinac socda duqeeymo xoog leh oo ay isweeydaarsadeen labadaasi dhinac, kuwaas oo ku dhacaya xaafado ka fog goobaha dirirtu ka socotay.

Ciidamada Dowlada ayaa guulo ka gaaray dagaaladan iyagoo ku sii siqaya goobo hor leh, waxaana sidoo kale ciidamada dowladu ay dib ula wareegeen goobo ay soo galeen maleeshiyaadka Dowlada ka soo horjeeda.

Dagaaladan ayaa daba socda kuwii daraad ka bilowday qeybo ka mid ah degmada Shibis, waxaana lagu soo waramayaa in dagaaladani ay geysteen qasaare isugu dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka rayidka ah ee lagu duldagaalamayo.

Dagaaladani ayaa qeyb ka ah dagaaladii Maleeshiyaadka Dowlada ka soo horjeeda ay ka wadeen mudooyinkii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho kuwaas oo galaaftay nolosha dad farabadan oo rayid ah

 

Comments (0)

Madaxweyne Sharııf ayaa soo gaaray Magaalada Istanbuul ee dalka Turkıga

Posted on 21 May 2010 by dadweyne

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Somalıya Sharııf Sh Axmed ayaa soo gaaray Magaalada Istanbuul isagoo ka qeybgalaya shirka looga hadlayo dib u dhiska dalka soomaalıya.
PIC_2475

Shirkan oo bilawday maanta soconna doona ilaa iyo 23 ka bıshan  ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif uu ka jeediyo hadal ku saabsan xaalka dalka Soomaaliya, si uu sawir guud uga bixiyo waxqabadka xukuumaddiisa iyo loolanka ay kula jiraan kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda.
PIC_2476

In ka badan 53-dal ayaa ka qeybgashay furitaankii shirka maanta, sidoo kalena waxaa lagu martiqaaday kulanka Ganacsato Soomaaliya  oo ay ka mid yıhıın Eng Cabdıqaadir Eenow.Shariif Axmed.Cabdıqaadir Abukar Cadan.iimaan Maxamed Cali.Maamulayaasha shırkadaha İsgaarsıınta Soomaaliya.Shirkadda Dahabshiil iyo ganacsato kale oo soomaalı ah.
PIC_2501

Qarammada Midoobay oo soo abaabushay kulankan ayaa waxay sheegtay in loogu talogalay in dib loogu eego xaaladaha dalka Soomaaliya oo cakiran, iyadoo warkan lagu sheegay in 8-Milyan oo Dollar lagu bixiyay dib soo celinta Ammaanka Soomaaliya tan iyo 1991, balse aanay waxba kasoo naaso-caddaan.
PIC_2500

Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa ka mıd ah madaxda lagu casuumay shirka.

Khudbad uu galabta shirka ka jeediyay Faarax Macalın Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka dalka Kenya ayuu ku weeraray waxqabad la,aanta beesha caalamka ee soomaaliya.

Shirkan ayaa wuxuu qayb ka yahay shirarka looga hadlo arrimaha dalka Soomaaliya waxaana sannadkii hore bishii April lagu qabtay dalka Belgium shir noocan oo kale ah, kaasoo lacagihii lagu deeqay aanay weli bixin dalalkii ballanqaaday.

Nuuradiin Macalin Mukhtaar (Diinow)

İstanbul

Comments (0)

Shabaab oo bililiqeystay Idaacadda Soomaaliweyn

Posted on 21 May 2010 by dadweyne

Maleeshiyada kooxda Shabaab ayaa maanta bililiqaystay qalabkii ay ku shaqeynaysay idaacadda Soomaaliweyn oo ka mid ah Idaacadaha madaxa banaan ee ku yaala woqooyiga magaalada Muqdisho.

Sida uu sheegay Agaasimaha Idaacdda Soomaaliweyn maleeshiyo ka tirsan Shabaab ayaa barqanimadii maanta gudaha u galay xarunta Idaacada waxayna soo jabiyeen Albaabada Xafiisyada ayagoo qaatay agabkii ay idaacaddu ku shaqeynaysay oo ay ka mid tahay FM-ta Raadiyaha.

Idaacadda Soomaali weyn ayaa hadda hawada ka maqan Abuukar Xasan kadaf oo ah agaasimaha Idaacadda ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Shabaabku ay gacmaha ka xiren shaqaalihii joogay Idaacadda, wuxuuna tilmaamay Kadaf in ay arrintaani ay tahay mid lala yaabo, isagoo is weydiiyay sida ay Shabaabku xoolaha Muslimiinta ugu banaysanayaan magaca diimeed.

Maleeshiyada Shabaab ee bililiqaystay Idaacadda Soomaaliweyn waxaa hogaaminayay Xasan Xanafi oo Shabaab wakiil uga ah dilka wariyayaasha iyo falalka ka dhanka ah saxaafadda, wuxuuna xanafi cabsi geliyay maanta Shaqaalaha Idaacadda Soomaaliweyn oo qaarkood lugaha iyo gacmaha ay ka xireen maleeshiyaadka falaagada ah ee Shabaab.

Agaasimaha ayaa sheegay in Idaacaddu ay fulinaysay amarro ay soo rogeen maleeshiyaadku oo ah in aysan tabin Karin Suugaanta Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in aysan jirin wax dagaal ah oo kala dhaxeeyay kooxaha dagaalada ka wada Sooomaaliya.

 

Comments (0)

Shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya oo maanta ka furmaya Turkiga

Posted on 21 May 2010 by dadweyne

Maanta ayaa la filayaa in magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga uu ka furmo shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya iyadoo ay shirkan ka qeybgalayaan wafdi ka socda Ururada Bulshada rayidka, ganacsatada, Maamul goboleedka Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed.

Shirkan oo socondoona mudo sadex maalmood ah ayaa lagu marti qaaday in ay ka soo qeybgalaan illaa 50 dowladood Ururo caalami ah.Midoowga reer Yurub.Midowga Afrika. Jaamacada Carabta ururka wadamada Islaamka iyo hay’ado kale oo daneeya arimaha Soomaaliya.

Lama oga waxyaabaha ka soo bixi doona kulankan oo Dowladda Turkiga si weyn u abaabushay , waxaana la filayaa in Xoghayaha guud ee qaramada midoobay khudbad ka jeediyo.

Comments (0)

Ra’iisal Wasaare Cumar oo qaadacay go’aankii Madaxweynaha ku kala diray Xukuumadda

Posted on 18 May 2010 by dadweyne

Ra’iisal Wasaaraha Dowladdii la kala diray Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa goor dhow ku dhawaaqay in wali ay shaqeyneyso Xukuumadiisa, isla markaana uu yahay wali Ra’iisul Wasaaraha, isagoo ku tilmaamay go’aankii Madaxweynaha mid aan sharci aheyn.

Cumar C/rashiid ayaa ku tilmaamay sharci daro go’aanka Madaxweynaha uu ku kala diray Xukuumadiisa,

“Go’aanka Madaxweynaha ma ahan mid sharci ah, waxba kama jiraan, wali Xukuumadeyda waa shaqeyneysaa”ayuu yiri Cumar C/rashiid oo.

Shirka jaraa’id ee Dr. Cumar C/rashiid ayaa waxaa uu ku sheegay in Golihiisa Wasiirada uu maanta la kulmay, isla markaana uu ku amray in ay sii wataan howshooda.

Hadalka ka soo yeeray Cumar C/rashiid ayaa waxaa uu sii xoogeysinayaa khilaafka ballaaran ee dowladda u dhaxeeyo, xilli shalay Madaxweyne Shariif uu ku dhawaaqay inuu kala diray Xukuumada, isla markaana uu casilay Xukuumadii Cumar C/rashiid

Ra’iisal wasaraaha ayaa sheegay in uu xalay la kulmay Madaxwaynaha Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayna ka wadahadleen mustaqbalka xukuumada isagoo sheegay in uu tixgalinayo talada  madaxweynaha uuna u cadeeyay in aanu keenin is casilaada, islamarkaana aanay jirin xildhibaano kalsoonida kala noqday xukuumadiisa sidaa daraadeedna ay hawshooda wadanayaan.

“Waan la kulmay Madaxwaynaha waana u cadeeyay in aanan istiqaalo gayn” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mudane Sharmaake

Comments (0)

Ahmedou Ould-Abdallah”Waxaan soo dhaweynaya kala dirista Xukuumaddii Cumar C/rashiid

Posted on 18 May 2010 by dadweyne

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah, ayaa sheegay inuu si buuxda u taageersanyahay go’aanka Madaxweyne Shariif uu ku gaaray kuna saabsan xukuumadda, ka dib markuu ogolaaday iscasilaadda Guddoomiyaha Barlamaanka Sheekh Adan Madoobe.

Ergeyga Gaarka ah waxa uu ku yiri  warsaxaafadeed “waxaan jeclahay inaan arko in Guddoomihii hore ee Barlamaanka uu ogolaado inuu ku soo biiro Golaha Wasiirrada cusub siduu madaxweynuhu ugu baaqay’.

“Iyadoo uu soo waajahay qalalaase dheer ee aan loo baahnayn oo weeciyay kharash, awood iyo dareenba, Madaxweynuhu wuxuu qaatay go’aan habboon oo geesinimo ku jirto si uu u xalliyo ismariwaagii jiray.

Waxaan jecelahay inaan fursadan ka faa’idaysto oo aan Madaxweynaha ku dhiirrigeliyo hogaanka wanaagsan ee uu muujiyay waxaana ugu baaqayaa dhammaan xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo xubnihii hore ee golihii wasiirrada inay taageeraan Madaxweynaha.

Tan waa fursad ku habboob in lagu soo magacaabo Gole Wasiirro oo ka tayo badan kii hore, oo aan rajaynayo inuu si aad ah u hormarin karo Geeddi Socodka Nabadeed ee Jabuuti golahaasoo si wanaagsan ugu adeegi doono dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan, keeni doonana isla xisaabtan dheeraad ah. Waxaan ku kalsoonahay in doorashada Guddoomiyaha cusub ay noqoto mid furan oona hufan.”

“Madaxweynuhu wuxuu isku halleyn karaa taageerada Qaramada Midoobay iyo Bulshada Caalamka xilligan hadda la joogo. Waxaan qaswadayaasha iyo kuwa qalalaasaha ka faa’idaysanaya uga digayaa inay soo farageliyaan xaaladda hadda taagan,” ayuu yiri Md. Ould-Abdallah.

“Waxaan Bulshada Caalamka ugu baaqayaa inay taageero dhab ah oo la taaban karo siiyaan Madaxweynaha iyo Golihiisa Wasiirro ee soo socda. Si tan loo gaaro, waxaa loo baahanyahay in dabacsanaan laga muujiyo bixinta kaalmada caalamiga oo laga dhigo mid waxtar leh oo dhacda waqtigii loogu talagalay.

Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay go’aankiisa shir jaraa’id oo uu ku qabya magaalada Muqdisho.

“Shirka Istanbul ee loo qabanayo Soomaaliya wuxuu dhacayaa toddobaadkan dhammaadkiisa, annaga dhammaanteena waxaan ku hanweynahay inaan Madaxweyne Sheekh Shariif kula kulano munaasabaddan muhimka ah oo ay soo wada qabaqaabiyeen Qaramada Middobay iyo Dowladda Turkey,” ayuu yiri Md. Ould-Abdallah

Comments (0)

Sh Aadan madoobe oo is casilay iyo madaxweyne shariif oo sheegay inuu soo magacabi doono Ra’iisal Wasaare usub

Posted on 17 May 2010 by dadweyne

Kadib shir jara’iid oo ay Saxaafada u qabteen goordhow madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa Saxaafada horteeda isku casilay gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe iyadoo Madaxweynahana uu shirkaasi ka sheegay in uu si deg deg ah u soo magaaabi doono Ra’isul wasaare cusub oo soo dhisa Xumuumad tayo leh oo uu ku jiro Aadan Madoobe.

Madaxweyaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhinaca kale ugu baaqay baarlamaanka KMG ee Soomaaliya in ay si deg deg ah  soo doortaan gudoomiye cusub oo uu yeesho Baarlamaanka Soomaaliya.

Lama oga sababta Aadan madoobe ku dhalisay in uu iska casilo afhayeenka baarlamaanka balse waxaa jirta in uu mucaarado xoogan kala kulmayay maalmahan xildhibaanada baarlamaanka iyadoo maalintii shalayna Aadan madoobe buuq kala kulmay fadhigii baarlamaanka.

Comments (0)

Galgalashada Riyaale ma ragaadin kartaa doorashadda?…..Qalinkii Muna Casayr Jaamac

Posted on 17 May 2010 by dadweyne

Shacbiga ayaa ah awooda kaliya ee baddali karta nidaam maamul oo dal ka jira iyaga oo u maraya sifo sharciya islamarkaana ay ku dooran karaan cidda ay u dhiibayaan ka talinta Aayahoodda  

Shacbiga reer S/land ayaa fursadani ay hal mar soo martay  waxaanay ahayd sanadkii 2003 markii ay dalka ka qabsoontay Doorashadii u horaysay ee M/wayne lagu doorto

Doorashadani waxay ay  noqtay mid dadka reer S/land dareensiisay qiimaha iyo wanaaga doorasho xor wallow natiijadii Doorashadaasi  ay ahayd mid aan lagu wadda qancin oo Mugdi iyo Musuqmaasuq hadheeyey haddana waxaa loo arkayey in laga rayn doono Doorashooyinka danbe

Sida oo kale  Doorashadaasi waxay u iftiimisay shacabka  Awoodooda ay u leyihiin inay dooran karaan cidda ay rabaan
Islamarkaana ay heli karaan inay codkooda kaga dajiyaan  kursiga ciddii uu damac dheeraadi  ka galo

Taa badalkeedii  Madaxwayne Riyaale iyo intii daba socotay oo  Doorashadaasi looga tanaasulay  waxay ku beertay warar iyo cabsi xoogle oo ay gundhig u tahay kalsooni darro u soo  baxday markay dib u eegeen Bogaga ay ku leeyihiin Taariikhda , Aqoontooda, iyo baahidda dhaqaale ee haysatay wakhtigaasi  waxaanay halkaas ka sii ogaadeen in aanay  fursadan oo kale  mardanbe soo maraynin

Arintaasi waxa ay sababtay inay qaadaan talaabo kasta oo ay dan u arkaan islamarkaana ay ku  fushan karaan ujeedooyinkooda gaarka ah
Waxaanay ku guulaysteen tijaabooyin baddan oo ay ku sameeyeen shacabka waxaana ka mid ahaa tijaaboyinkaas (ka dhago adaygii xukuumaddu ka dhago adaygtay qabashadda doorashooyinkii Guurtidda iyo deegaanka, Boobkii hantidda qaranka, Baabiintii taarriikhda SNM, Xadhigii Mujaahidiinta, waxqab la,aantii laga aqbalay iyo tijaabooyin kale oo baddan
Kuwaasi oo dhamaantood u hirgalay arintani waxa ay sii xoojisay aragtidii diciifka ahayd ee riyaale iyo kooxdiisa ilaa ay ka gaadheen heer ay isku qanciyaan in ay dalkaba ka joojin karaan doorasho  ka dhacda si aanay uga bixin meesha 

Shaqaddii qaran ku u igmaday waxay ku ilaabeen  soo uruurinta fikrado jahli iyo kali talisnimo ku salaysan oo dalka ay ku sii haystaan Balse waxaa ka diiday Xisbiyada mucaaradka iyo sidoo kale Beesha caalamka oo  si wayn u danaynaysa xasiloonida s/land maadaama oo ay ku taalo mandaqad ay colaado ka Ooganyihiin Waxaanay ka maarmi wayday inay soo faro galiyaan s/land markay arkeen halka uu la maray ina Riyaale iyo halka uu ku waddo oo ku biyo shubanaysa burbur

Sidaa darteed waxa ay ku qasbeen inuu si dhakhso ah dalka uga qabto  doorasho  xor iyo xalaala oo xisbiyaddu ugu tartamaan jagada Madaxwaynaha si loo badbaadiyo S/land

Dadaalkaa beesha caalamka laftiisa  ayey  inbadan m/wayne riyaale iyo caqliyaad ka la taliyaa ay isugu sheekeeyen in ay ka warwareegi  karaan waxaanay sameeyeen shirqoolo badan oo ay u malaynayeen inay ragaadin karaan doorasho dhacda balse waxay noqdaan shirqooladaasi kuwo fashilma ama hakad yar uu galiya doorashada Sababta oo ah waxa ay adeegsadaan riyaale iyo kooxdiisu  falsafad caalamku ka soo  daalay oo jaahiliyad ka soo jeeda islamarkaana aqoon badan caalamku u leeyahay  Waxaana lagu macnayn karaa qorshayaasha laba jir ku fahmi karo   Riyaale iyo rakaabkiisa (dhalaankii hooyadii dhalmadda baray )

Waxaa u danbeeyey isku dayadaasi kii maalintii labaad ee qaadashadda kaadhadhka cusub ee lagu galayo doorashada markii ay xukuumadda Riyaale soo xanbaaratay laba sanduuq oo ka mida  kuwii hawsha loogu wadday dadwaynaha magaalladda hargaysa

Waxaa ka sii daraa sida liidata ee ay u fakareen  kuma ay wargalin komishankii sharciga u lahaa fulinta hawshaasi waxaanay xabsiga u taxaabeen shaqaalihii komishanka iyo agabkii lagu shaqaynayey

Gudomiyaha komishanka doorashooyinka ayaa ka hadlay macno darada iyo talaabada yaq,yaqsiga leh ee ay qaaday xukuumada Udub isaga oo ugu baaqay cidkasta oo danaynaysa jiritaanka s/land in ay ogaadaan shirqooladda lagu mijo xaabinayo doorashada 

Haddaba dadka indheer garadka ah ee reer S/land  ayaa iyagu caadi u arka inay ka suurowdo xukuumadda riyaale shirqoolada naf la caaridka  ee salka ku haya cabsida iyo  caqliga liita,  waxaanay saadaalinayaan dadka aragtida fogi  in ay  samayn karaan riyaale iyo kooxdiisu wax kasta oo caqligoodu siiyo oo ay kaga galgalanayaan doorashadda  balse aanay  ka heli  doonin waxa ay ka raadinayaan oo ah cimri dharar iyo kursiga oo lagu laaluusho

muna

Qalinkii Muna Casayr Jaamac
Hargaysa /s/land

Comments (0)

Xildhibaano Barlamaanka ka tirsan oo gudoon KMG ah doortay

Posted on 16 May 2010 by dadweyne

Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay magacaabeen sii hayaha Gudoonka barlamaanka Soomaaliya, ka dib markii ay sheegeen in uu waqtigu ka dhamaaday gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanadaan oo ku shiray  xarunta Golaha Shacbiga Soomaaliyeed ayaa oo tirsadooda ku sheegay 319 xildhibaan  ayaa sheegay in Xildhibaan xaaji Shukri Sh Axmed oo ah mudanaha ugu da’da weyn Barlamaanka Soomaaliya uu si ku meel gaar ah u noqon doono Guduuiyaha barlamaanka inta ay xildhibaanadu ka dooranayaan Gudoomiye.

Shirkaan lagu doortay sii hayaha Gudoomiyaha barlamaanka ayaa ka dhacay xarunta golaha Shacbiga Soomaaliyeed waxaana qabtay xildhibaano barlamaanka ka tirsan oo maanta diiday in Sh Aadan Madoobe uu shirka Barlamaanka uu daadihiyo sidii caada ahayd.

Waxaa saxaafadda loo soo bandhigay Baasabiirka xildhibaanka ay magacaabeen Barlamaanku oo ay ku qornayd in uu dhashay sanadkii 1925ti, waana Xildhibaanka ugu da’da weyn barlamaanka sida ay sheegeen Xubnihii doortay.

Waxay ka dambeysay doorashadaani ka dib markii qaar ka tirsan mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya ay qeylo iyo sawaxan ku soo dhaweeyeen Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, taas oo muddo saacado ah saamixi waysay in uu bilowdo Fadhiga Barlamaanka Soomaaliya, mudanayashaasi waxay diidanaaayeen in shirka uu gudoomiyo Sh. Aadan Madoobe oo ah gudoomiyaha Barlamaanka, balse ay sheegeen in waqtigii uu ka dhamaaday.

Saxaafadda ka soo qeyb gashay shirka ayaa bananka loo saaray inta uu socday sawaxanka Barlamaanka oo ay qeyb ka ahaayeen wasiiro xukuumadda ka tirsan, ka dibna waxaa soo baxay Gudoomiyaha barlamaanka, ayadoo xubnihii diidanaa Gudoomiye Sh. Aadan ay ku hareen madasha shirka, ka dibna ay doorteen sii hayaha Gudoomiyaha Barlamaanka oo ay u codeeyeen in uu yahay Xaaji Shukri Sh. Axmed

 

Comments (0)

Xukuumadii Cumar C/rashiid oo la kala diray

Posted on 16 May 2010 by dadweyne

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur, ayaa ku dhawaaqay in dowladii ay dhacday kadib markii sida uu sheegay uu baarlamaanku u codeeyay.

Kulanka baarlamaanka ayaa maanta buuq badan uu ka jiray, iyadoo xubnaha ka soo horjeeda guddoonka baarlamaanka ay ku doodayeen in Sheekh Aadan Madoobe uusan guddoomin karin maadaama uu waqtigii ka dhamaaday, loona baahan ay in qofka ugu da’da wayn xubnaha baarlamaanka uu guddoonka qabto inta shir gudoon cusub laga soo dooranayo, halka guddoomiyaha iyo taageerayaashiisu ay leeyihiin waqtigii ma dhamaanin.

Guddoomiyaha, ayaa sheegay in kulanka intii uu socday cod la qaaday, uuna ku dhawaaqay in dowladii ay dhacday, oo uuna ka dalbanayo madaxwaynaha in uu magacaabo Ra’iisul wasaare cusub oo soo dhisa dowlad cusub.

Guddoomiyaha, ayaa sheegay in ay xarunta ku sugnaayeen 318 xildhibaan, kuwaas oo markii cod laga qaaday 280 ay ku codaysay in xukuumadda waqtigeedii uu dhamaaday, 30-na ay diideen in waqtigii xukuumadda uu dhamaaday, 8 xildhibaanna ay ka aamuseen.

Wuxuu ku dhawaaqay in ay sharci tahay codbixinta baarlamaanka, oo xukuumadiina ay dhacday. Wuxuuna ku eedeeyay Ra’iisul wasaaraha in uu yahay nin aan awood badan lahayn oo ay ka awood badan yihiin qaar ka mid ah wasiirada dowladda.

Hase yeeshee, xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka, ayaa ku haray golaha shacabka, iyagoo ku doodaya in ay haystaan aqlabiyadii baarlamaanka.

Kooxdan, ayaa ah kooxda diidayn awalba in guddoomiyaha baarlamaanka uu shirka guddoomiye, una arkayay in uu xilligii ka dhamaaday.

Waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan go’aanno liddi ku ah kan guddoomiyaha.

Si kasta ha ahaatee, tallaabadan guddoomiyaha, ayaa u muuqata in ay sii kordhinayso xiisadda ka dhex taagnayd xubnaha baarlamaanka oo halis galisay jiritaanka guud dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

Ma aha markii ugu horaysay ee dowladda ay soo foodsaarto xiisad tan la mid ah, iyadoo maamulkii kan ka horeeyay uu ka dhexjiray muran u dhaxeeyay madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaaraha, taas oo keentay in xubnihii baarlamaanku ay labada dhinac la saftaan.

Waxaa la is waydiinayaa waxa xalka kama dambaysta ah ee arrintan uu noqon doono, maadaama dhinacyada iska soo horjeeda uu mid walba ku doodayo in uu isagu saxan yahay, go’aanada ka soo baxayna ay tahay in la qaato

Comments (0)

Kalfadhiga Baarlamaanka soomaaliya oo muqdisho ka bilawday

Posted on 16 May 2010 by dadweyne

Kalfadhiga Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta abarihii 10-kii Barqanimo ka furmay Xaruntii Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho oo dib loo dayactiray.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay inta banan Mudanayaasha Barlamanka, waxaana si weyn loo adkeeyay Amaanka Goobta shirku uu ka dhacayo, sidoo kale waxaa la arkayay Ciidamo faraban oo kuwa Dowlada ah oo lagu daadiyay wadooyinka waaweyn oo ku dhow goobta shirku ka dhacayo

Wax yar kadib markii uu shirku bilowday ayaa waxaa dhacay iska hor’imaad u dhaxeeyay ciidamada Dowlada iyo Maleeshiyaadka Dowlada ka soo horjeeda kaas oo mudo kooban ka socday agagaarka wadada Wadnaha waxaana dhinac socday duqeeymo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka rayidka ah.

 

 

Comments (0)

WAR DEG DEG AH: Duqeymihii la filayay oo bilowday, Dhawaqa BM-ka iyo Taangiga oo dhacaya

Posted on 16 May 2010 by dadweyne

Duqeymihii la filayay ayaa daqiiqado ka hor ka bilowday magaalada Muqdisho, iyadoo la maqlayo hugunka madaafiicda culus oo ka dhacaya qoryaha Taangiga iyo BM-ka loo yaqaan.

Sida ay sheegayaan wararka Xoogaga Islaamiyiinta ayaa Madaafiic ku soo garaacay Xarunta Golaha Shacabka oo ay ku shirsan yihiin Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana duqeymaha ay yihiin kuwo bilow ah.

Hugunka Madaafiicda loo yaqaano BM-ka iyo kan ka dhacay Taangiga ayaa si culus loo maqlayaa, waxaana wehliya qoryaha Lidka diyaaradaha ee ka dhacay qoryaha Zuuga iyo 37-taha.

Si dhab looma oga qasaaraha madaafiicda howtul hamaga ay tuurayaan Ciidamada AMISOM, iyadoo markii horeba dadka reer Muqdisho ay ahaayeen kuwo filanayay

Comments (0)

Cabsi dagaal oo saaka Muqdisho ka jirta, Bakaaraha oo haawanaya iyo dadka Muqdisho wadnaha farta ku haya

Posted on 16 May 2010 by dadweyne

Cabsi dagaal ayaa saaka laga dareemayaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, tan iyo markii shalay Gudoonka Baarlamaanka uu si rasmi u iclaamiyay inuu furmi doono kalfadhiga Baarlamaanka.

Furitaanka kalfadhigan ayaa ah caqabada kaliya ee maanta dadka reer Muqdisho heysta, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalo ay ka dhashaan, waxaana magaalada ay gashay dhaq dhaqaaq ciidan kii ugu saameynta badnaa.

Suuqa Bakaaraha ayaa saaka ah mid haawanaya, oo aanay cidina soo aadin, waxaana dadkii ku qaxweyn jiray goobaha la isugu yimaado ay yihiin kuwo cidlo ah, goobaha maqaayadaha ayaanay la isku salaameyn.

Saameynta ugu weyn ee heysata Suuqa ayaa ah hadii la weeraro Xarunta Golaha Shacabka in ay madaafiic lagu garaaco, taasoo keentay in dadka ay guryahooda ku negaadaan, bedelkii ay suuqa ay cabsi ku geli lahaayeen.

Inkastoo xaalada ay saaka tahay mid degan, hadana dadka Muqdisho ayaa ah kuwo wadnaha farta ku haya, maadaama ay daqiiqad kasta wax is badali karaan, iyadoo saacadaha soo socda lagu wado inuu furmo kalfadhiga Baarlamaanka.

Kulanka Baarlamaanka oo laftigiisa ay xiisadi ka jirto ayaa laga cabsi qabaa in ay Xildhibaanada ay isku gacan qaadaan, maadaama ay Xildhibaanadu ay yihiin kuwo kala qeybsan oo isku khilaafsan arrinta Gudoonka Baarlamaanka.

Dadka odorasa Siyaasada ayaa sheegaya in maanta Muqdisho ay u tahay maalin cabsi ah, isla markaana sababi karta in geeri ay dhacdo, hadii xabad Ak47 kooxaha Mucaaradka ku soo ridaan xarunta uu shirka ka socdo

Comments (0)

Shabaab oo Sheekh Caan ah ku gowracay Jubada Hoose

Posted on 15 May 2010 by dadweyne

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Maleeshiyada kooxda Shabaab ay Bireeyeen  Sheekh Mustafa Cali Caanood oo isagu kamid ahaa culumada xagga diinta ee caanka ka ahaa magaalada Kismaayo kaasi oo ay dhowaan xireen Maleeshiyadaasi.

Sheekh Mustafa Cali Caanood oo maalmihii la soo dhaafay ku xirnaa xabsi ku yaala magaalada Kismaayo oo ay ku xireen Maleeshiyo ka tirsan kooxda Shabaab isaga iyo koox uu gudaha magaaladaasi ugu aqrinayey casharro Diini ah mid kamid ah masaajida kuyaala Kismaayo ayaa dilkiisa waxa u dhacay habeennimadii Khamiista ee lasoo dhaafay sida wararku sheegayaan.

Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in shiikha   Maleeshiyo ka tirsan kooxda Falaagada ah ee Shabaab   ay saqdii dhexe ee Khamiista kala baxeen xabsi ku yaala magaalada Kismaayo oo uu ku xirnaa, ayagoona lasoo aaday dhanka duleedka magaaladaasi gaar ahaan wadada aadda Jamaame, wararku waxay sheegayaan in halkaasi ku bireeyeen, waxaana markaa kadib ay u geeyeen xaaskiisa Dharkii uu watay iyo gogoshii uu ku jiifsanayey intii uu u xirnaa kooxdaasi, ayagoona u sheegay inay ka samraan shiikha oo ay afadiisa ku hor aflagaadeeyeen.

Wararka ayaa sidoo kale  tibaaxaya in meydka Marxuum Sheekh Mustafa Cali Caanood loo diiday mar ay weydiisteen ehelada shiikha horjoogayaal ka tirsan kooxdaasi, waxaana sidoo kale aan la ogeyn halka illaa iyo hada iyana la geeyey koox u badnayd dhalinyaro oo uu shiikhu marka la xerayey cashir ugu aqrinayey masjidka laga kaxaystay.

Shiikh Mustafa Cali Caanood ayaa waxa uu kamid ahaa Culumaa,udiinka ugu caansan magaalada Kismaayo, isagoona kamid ahaa Aas aasayaashii  kooxda Mucaskar Caanoole oo ka mid ah garabyada ay ka kooban tahay Maleeshiyada Kooxda isku magacawday Xisbul Islaam, waxaana kooxdaasi uu isaga haray markii ay gudaha magaalada Kismaayo kula dagaalameen Axmed Madoobe, isagoo waayihii ugu dambeeyey ka tirsanaa Xarakada Ictisaam.

Sh. Caanood ayaa  taageersanaa go’aanadii kasoo baxay shirkii Culimada ee magaalada Garoowe, waxaana wixii ka dambeeyey xiligaa uu bilaabay in masaajidyada gudaha magaalada Kismaayo uu ka aqriyo cashiro  uu dadka ku wacyigelinayo, isagoona si gaar ah dadka ugu aqrin jirey casharo uu dadka ugu sheegayey inaysan habooneyn dhiiga dadka Muslimka ah  oo la iska banaysanayo iyo in dadka la iska gaaleeysiiyo diinta Islaamkana aanay sal iyo raad toona ku lahayn, taasi oo  horjoogayaasha maleeshiyadan ay aad uga caroodeen Markii uu Shiikhu soo bandhigay aayado Qur’aan ah iyo Axaadiis uu arimahaasi dadka ku fahansiinayo.

Comments (0)

Dhalinyaro si qasab ah lagu siinayay tababar ciidan oo ka baxsaday gacanta shabaab

Posted on 15 May 2010 by dadweyne

30 Dhalinyaro ah oo Maleeshiyada Shabaab ay si qasab ah ugu hayeen Xero ku taalada Tuulada No-60 ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa halkaasi ka baxsaday, kadib markii Maleeshiyadaasi tababar ciidan oo qasab ah ay halkaasi uga fureen wiilashas.

Wararka ayaa sheegaya in dhalinyaraada ay fursad u heleen in ay baxsadaan kadib markii maleeshiyaadkii ilaalada ka hayay ay ku mashquuleen baadigoob ragg la tilmaamay in ay maleeshiyadaas hub kala baxsadeen, kuwaa oo tiradooda lagu sheegay ilaa iyo 3 Maleeshiyo.

Dhaliyaraada ka baxsatay kooxda shabaab oo da’doodu ay ka hooseyso 15 sano ayaa badankoodu ahaa arday  ay maleeshiyadu ka aruurisay Gobolada Banaandir iyo Sh/hoose si kooxdu  Maleeshiyaad ay dagaal geliso uga dhigto, kuwaas oo ka qayb qaata ololaha lagu difaacayo ajaanibta Soomaaliya nabadda u diidan, waxaana nasiib wanaag ah in shalay gelinkii danbe ay ka xuroobaan gacanta maleeshiyadkii xooga ku heeystay, inkaastoo aan la ogayn halka ay haatan ku sugan yihiin .

Intii maleeshiyaadkaas ay gacanta ku hayeen dhalinyaradaas ayaa waxaa xerooyinka ay ku jreen kula soo gudboonaatay dhibaatooyin dhinaca nolosha ah, kuwaas oo sidoo kale laga dhaa dhicin jiray in ay difaacaan afkaarta shisheeye ee duulaanka ku ah dadka iyo dadka Soomaaliyeed.

Comments (0)

SYL-2 iyo Maalinta 15-ka May, Cayaaro ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Posted on 14 May 2010 by dadweyne

Ururka dhallinyarada Soomaaliyeed SYL-2 ayaa ku howlan xuska maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15 may oo ku began maalinta sabtida ee fooda nagu soo haysa.
11
SYL2

Afhayeen u hadlay SYL-2 ayaa sheegay in maalintaasi ay ugu talgaleen in ay soo bandhigaan tusaalooyinkii wanaagsanaa  ee ay lahaayen dhalinyaradaasi ciyaaro Kubada cagta hidaha iyo dhaqanka soomaalida  kuwaas oo ay dhamaantood ku muujinayaan halgankii taariikhiga ahaa ee ay lahaayeen 13 dhalinyaro ee ku midoobay ururka SYL islamarkaana xurnimada gaarsiiyaya umada Soomaaliyeed.
22

Gudooomiyaha naadiga dhalinyarada SYL-2 ayaa diyaar garowgaas ku aadan maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL   sheegay in muhiimadu ay tahay in umada la xasuusiyo halgankii dheeraa ee ay lahaayeen dhalinyaradaasi u midoobay ka xureynta umada gumaysigii xiligaasi haystay.
44
33

Maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May waa maalin taariikh ku leh shacabka Soomaaliyeed, waana aasaaska xoriyadda dalka Soomaaliya, ayadoo abaal badan looga hayo halgamayaashii Soomaaliyeed ee ku midoobay ururka Dhallinyarada ee SYL

Cayaar saaka SYL-2 u qabteen Labo koox oo kubadda Cagta oo kala ah Dahabshiil iyo SYL-2 ayaa guusha waxay gool ku laad ku raacday kooxda Dahabshiil.

syl1

SYL-2 waxay sanadkan halku dhig uga dhigtay xuska 15 may in dhalinyarada laga joojiyo Tahriibka, ka qeyb qaadashada dagaalada sokeeye iyo ka hor taga gaajada sida uu sheegay Guddoomiyaha SYL -2 Faarax Xaaji Cali.

SYL -2 waxay sanadkan ku guuleysatyay in dhalinyaro badan hubka ka dhigaan kadibna ay baraan farsamada gacanta.

Dhinaca kale SYL-2 waxay ka wadaa Magaalooyinka, Nairobi, Adis ababa, Jabuuti iyo Sanca Barnaamijo looga hortagayo dhalinyarada Tahriibka ah ee ka cararaysa dalkooda hooyo.
77
12
66
55

Comments (0)

Hargeisa: a capital in search of a country

Posted on 14 May 2010 by dadweyne

For a people without an official nation, Somalilanders sure love their flag.

It’s everywhere–painted on doors, flying from government buildings and private homes, hanging from rear view mirrors, worn on belt buckles and even knitted into a cap like this barber is wearing in the photo. Somalilanders are proud of their nation and want everyone to know it.

After sleeping off a grueling ten-hour bus ride to get to the capital Hargeisa, I wake up and see at least a dozen flags from my hotel window. I’m eager to start exploring. I don’t know what to expect. Somalilanders say the capital is safe, but can an unrecognized government next to one of the world’s worst war zones really keep the peace?

My contact in Harar, Muhammed Dake, had assured me, “Hargeisa is safe. Just watch out for two things. Foreigners are offered prostitutes and alcohol. Both are illegal.”

I can handle that. I’ve never paid for sex in my life and if I can’t go without booze for a week, I should go without it forever.

I’m staying at the Oriental Hotel, the country’s oldest, having been built in 1953 when this was still the colony of British Somaliland. After two months in the Horn of Africa it is by far the nicest place I’ve stayed in–clean sheets, good service, new facilities, and water and electricity that never go off. Even before making it into the street I can see the government and investors are getting at least some things right

The Oriental Hotel is in the center of town next to a large mosque, rows of low concrete buildings housing shops and apartments, and the gold market. It’s here, in the first half hour of my first day, that I get a lesson about the kind of country the Somalilanders have built.

First stop is the money changer, who sits on the ground with a pile of bank notes around him. The Somaliland shilling isn’t internationally recognized, so it fluctuates constantly and hard currency is in big demand. “Hard currency” even includes Ethiopian birr, the currency of their biggest trading partner. You can use it as cash just about anywhere, and every shopkeeper knows the day’s exchange rate. One U.S. dollar is worth about 6,800 shillings, but since the government hasn’t printed notes above 500, any trip to the money changer gives you a gangster-style wad of cash. These exchanges happen in the open without any sign of worry. The money changers do keep the hard currency in their pocket, though.

Gallery: Hargeisa: capital of Somaliland

  • Money changer on the streets of Hargeisa
  • Seven dollars worth of Somaliland shillings--all in 500 shilling notes
  • Ruined house
  • Under construction
  • Furniture ad
  • Old meets new

At the gold market, mesh wire boxes the size of small tables sit by the side of the street displaying chains, rings, and earrings. Most of these “shops” are run by women in niqab, a full face veil made of black cloth. The niqab has become increasingly common in Somaliland and the Muslim parts of Ethiopia in recent years. Gold is handled freely and in the open, despite there being no police around. At one point I see a gold seller showing a tray of earrings to a customer. The customer walks away without buying anything and the jeweler goes off to talk to someone else, leaving the tray on top of her box. I stand a few meters away, watching and wondering what would happen. Will someone run up and grab it? Will another merchant chase down the dealer and tell her to put away her gold? Or will they put it away for her?

What actually happens is what I least expect–nothing. Nobody touches it, and after five minutes the jeweler finally comes back and calmly puts away the earrings.

When I ask Muhammed Dake about this later he shrugs and says, “Nobody steals in the market. It would mean a bullet, and that would mean civil war.”

In Somaliland, even the thieves appreciate stability.

Everyone knows what it could be like. Somaliland became independent in 1960 and a few days later joined Somalia. It was a fatal mistake. Soon the brutal dictator Siad Barre was in power and the Somalilanders tried to break away. Barre’s air force leveled Hargeisa, killing thousands. Somalia disintegrated into dozens of warring factions and Barre’s regime eventually fell. Only Somaliland was able to create a nation. The rest of former Somalia is a living hell of constant warfare. A steady stream of refugees flees to Somaliland looking for a better life.

Hargeisa is a new city, having risen literally out of the ashes of the old one. Every now and then you spot evidence of the past in a heap of rubble or pockmark shrapnel scars on a concrete wall. Most buildings are new and the sound of countless hammers counterpoints with the muezzin’s call over the city.

This place is a traveler’s dream. There’s nothing to see–no museums, no art galleries, virtually no monuments, there are only the people. Ancient ruins and fine art are great, but in any country it’s the people who teach you the most.


Somaliland adventure: getting to nowhere

In Somaliland a foreigner will have no trouble meeting the locals. In a week I see only half a dozen other Westerners, even the Chinese engineers ubiquitous in the rest of Africa are absent, so I’m a curiosity wherever I go. I cannot walk down Hargeisa’s dusty streets for more than two minutes without someone starting a conversation. If I stop for any length of time a crowd gathers. At times I even block traffic. When I tell them I’m writing about Somaliland the inevitable answer is, “Thank you,” followed by,

“See how safe it is here, don’t forget to tell them that,” or,

“It’s not like the rest of Somalia. Why don’t people understand?” or,

“We need recognition. Then we can get more investment.”

Recognition is on everyone’s mind. Recognition would provide foreign investors, international aid, and dignity. Somaliland doesn’t even have a postal system because the Universal Postal Union won’t recognize it as a nation. Everyone uses private couriers like DHL or the reliable broadband Internet available in most cities. And while the Somali diaspora invests millions in the country, international recognition would bring in international organizations and specialists to help with building infrastructure, dealing with refugees, and tackling poverty. Somaliland has only a fraction of the NGOs that Ethiopia has, and few foreign companies. Yet this region of former Somalia has built up a stable nation with virtually no help from abroad. Meanwhile aid money pours into the chaos to the south, to no visible effect.

So as I wander in and out of shops selling the latest electronics, or through street markets filled with shoppers, or watch workers busy putting up yet another building, I ask myself, “What did these people do wrong? How isn’t this a country?” It’s like suddenly every court in the world decided my wife and I weren’t married, and my son is a bastard.

Who decides these things, and why?

Don’t miss the rest of my series on travel in Somaliland.

Next time: Hargeisa’s camel market!

Comments (0)

Raaskanbooni oo ku baaqay dagaala ka dhan ah Shabaab

Posted on 13 May 2010 by dadweyne

Kooxda Raaskambooni ayaa sheegay in ay la dagaalamayaan  kooxda hubesyan ee Al-Shabaab oo ay ku tilmaameen in ay ku socdaan jid qaldan.

Shir ay ku yeesheen kooxda Raaskambooni deegaanka Dhoobleey intii u dhaxeysay 9-kii illaa 12-kii Bishaan May ayeey ka soo saareen go’aano ay ka mid yihiin iney ka baxeen Isbaheysiga Xizbul Islaam.

Waxey sheegeen In uu burburay Isbaheysigii Xisbul Islaam oo uusan jirin  maantay wax la yiraah  Isbaheysiga Xizbul Islaam, sidaa darteed waxey go’aansadeen in ay la dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab ee ku socota wadadda qaldan sida ay yiraahdeen.

Waxey uga digeen dhalinyaradda Soomaaliyeed  in aan la qaldan oo ay ka toobad keenaan wixii horey u dhacay, iyagoo Culumadda Soomaaliyeedna ka codsaday in ay gacan ku siiyaan go’aankooda.

Qoraal ay soo saareen kooxda Raaskambooni ayaa waxaa ku saxiixnaa Guddoomiyaha Golaha Shuuradda ee ururkaasi Sheekh C/raxmaan Sheekh Maxamed Cabdi (Qaadi).

Comments (0)

Ahmed Madoobe oo ka baxay Xizbul Islaam

Posted on 13 May 2010 by dadweyne

Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in uu ka baxay ururka Xisbul isla markaana dib u soo ceshaday magacii ururkiisa hore ee Raaskanbooni.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa xaqiijiyay Radio in Xizbul Islaam ay ku guuldareystay in uu fuliyo heshiisyo badan oo ay horey u kala saxiixdeen.

Khilaafka Sheekh Axmed Madoobe iyo ururka Xisbul islaam ayaa ahaa mudooyinkii danbe mid meel sare gaaray iyadoo ay jireen xurgufyo soo kala dhex galay Sh Axmed madoobe iyo qeybo ka tirsan ururka Xisbul Islaam taasoo markii danbe sababtay in uu Sheekh Axmed madoobe uu ku dhawaaqo in uu ka baxay ururka Xisbul Islaam.

Sh Xasan Dahir Aweys madaxa Xisbul Islaam ayaa dhawaan ku eedeeyay Axmed Madoobe inuu la heshiiyay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Comments (0)

Dowlada Switzerland oo xayiraad ku soo rogtay Ururo iyo Shaqsiyaad xag jir ah oo ka dagaalama Somaliya

Posted on 12 May 2010 by dadweyne

Dawladda Switzerland ayaa xayiraad ku soo rogtay Ururo iyo Shaqsiyaad xag jir ah oo ka dagaalama Gudaha Somalia oo isugu jira Soomaalida iyo Ajanabi.

Go’aan ay Maanta Dawladda Switzerland meel marisay ayaa lagu mamnuucay in dalkeeda ay soo galaan Dadka ka tirsan Kooxaha Argagixisadda ah ee ka dagaalama Gudaha Somalia.

Iyadoona ay sidoo kale Dawladdaasi ballan qaaday inay xayirayso Hantida ay leeyihiin Dadka ka tirsan Kooxaha Somalia ka dagaalama ee Xiriirka la leh Al-Qaacidda.

Waxaana ay Switzerland soo saaray Black List ay ku qoran yihiin illaa iyo 8 Qof oo Soomaali iyo Ajanabi ah kuwaasoo qayb ka ah Dagaaladda Somalia ee lagala soo horjeedo Dawladda Sharciga ah ee Somalia iyo Hawlgalka Nabad Illaalinta Midowga Afrika.

  1. A. Liiska 8-da Qof ee laga mamnuucay Dalka Switzerland Hantidoodana la xayiray.

 

1-Yasin Ali Baynah oo dhashay 1966, Soomaali ah, haystana Dhalashada Sweden, digannaRin-keby, Stockholm, Sweden; Mogadishu, Somalia

 

2-Hassan Dahir Aweys Waa Muwaadin Soomaali ah, haysta dhalashada Wadanka Somalia, waxa uuna dhashay 1935, waxa uu dagan yahay Wadamada Somalia iyo Eritrea. Waana Horjoogaha ugu sareeya Kooxda Xisbul Islaam.

3-Hassan Abdullah Hersi Al-Turki waxa uu ku dhashay Kilinka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya, sannadkii 1944, Waa Muwaadin Soomali ah, waxa uuna dagan yahay Somalia.

4-Ahmed Abdi aw-Mohamed Godane waxa ay Shabaabku ugu yeeraan Mukhtar Abdirahman Abu-Zubayr, waa Horjoogaha ugu sareeyay Horjoogayaasha Soomaalida ah ee Kooxda Al-Shabaab, waxa uuna ku dhashay 10-kii July 1977 Deegaanada Waqooyi Galbeed ee Somalia, Waana Nin Soomaali ah.

5-Fuad Mohamed Khalaf Shongole, Waa Soomaali haysta Baasaboor laga kansalay oo Swedish ah, waxa uuna dagan yahay Somalia.

6-Bashir Mohamed (Bashir Qorgab), waxayna Al-Shabaab-ku u yaqaanaan Abuu Muscab, waxa uu dhashay 1982, waana Nin Muwaadin Soomaali ah.

7-Mohamed Sa’id  Atom; waa Nin Soomali ah oo dhashay  1966 waxa uuna dagan yahay Magaaladda Badhan ee Somalia.

Ajanabi

8-Fares Mohammed Mana’a  waxa uu dhashay  February 8, 1965 waxa uu ku dhashay Magaalada  Sadah, Yemen, waxa uu haystaa Baasaboor Tirsigiisu yahay: 00514146; waxaana laga bixiyay Baasaboorkaasi Magaalada Sanca ee Wadanka Yemen, waxa uu leeyahay Ninkani ID Card tirsigiisu yahay: 1417576; oo laga soo saaray Al-Amana, Yemen, taariikhdu markeey ahayd January 7, 1996

Shaqsiyaadkani ayaa horay waxaa sidan oo kale Xayiraad Socdaalka ah iyo Hantidoodaba ah ku soo rogtay Dawladda Maraykanka, waxayna ka mid yihiin Liiska Caalamiga ah ee Argagixisadda Caalamka. Waxaana Sidoo kale Dalka Switzerland laga mamnuucay Kooxda Al-Shabaab oo horay Wadamo badan oo Caalamka ah oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Australia, Maraykanka iyo Dalal kalaba u aqoonsadeen Argagixiso Caalami ah.

 Nuuradiin Macalin Mukhtaar Diinow

Muqdisho

Comments (0)

Shabaab oo ku guul dareystay qorshe ay xero Ciidan uga furanayeen degaano ku dhaw Jowhar

Posted on 12 May 2010 by dadweyne

Maleeshiyada kooxda Shabaab ayaa ku fashilmay qorshe ay xero ciidan uga sameysanayeen deegaano hoos taga degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/ Dhexe.

Horjoogayaal ka tirsan Shabaab ayaa xero ay ku tababaraan dhallinyarada gobolka Sh/dhexe dhawaan ka furtay deegaanka Biyacade oo ka tirsan degmada Mahaddaay ee Gobolka Sh/dhexe, taas oo dhawaan ay geeyeen horjoogayaal ay ugu talo galeen in ay tababaraan dhallinyarada deegaankaas.

Dhismaha xerada ka dib maleeshiyada Shabaab waxa ay waayeen wax dhallinyaro ah oo yimaada xaruntooa, sidoo kale waxa ay ku guuldareysteen in ay dhallinyarada deegaanka ka dhaadhiciyaan mabda’ooda takfiirka ah iyo in ay ku qanciyaan dagaalada ay ka wadaan wadanka Soomaaliya.

Horjoogayaasha Shabaab ka tirsan ee Goobta gaaray waxaa ka mid ah Gudoomiyihii hore ee Gobolka Sh/dhexe Shabaab u qaabilsanaa  Macalin C/Raxmaan Xasan Xuseen oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Sh/dhexe iyo rag kale oo ka soo jeeda deegaanda xerada ay ka sameysteen oo ay ka mid yihiin Khaliif Maxamud Warsame Cadale, Faarax Kallar, Macalin Muxudiin, waxaana sidoo kale ka mid ah horjoogayaasha Shabaab ee Gobtaas gaaray horjoogaha Shabaab u qaabilsan Jowhar  oo lagu magacaabo Bukhaari.

Markii ay waayeen Horjoogayaashu  dhallinyarada deegaanka ayay u yeereen odayaasha iyo wax garadka dhow tuulo oo ku yaala gobolka, gaar ahaan tuulooyinka la isku dhaho “afarta Tuulo”, waxay u sheegeen in ay caruurtooda ciidameeyaan oo ay keenaan xeryaha tababarka ee ay ka fureen meel horay ay Midowga Maxkamaduhu ciidamo ugu tababran jireen  oo la yiraahdo Shalooq, taas oo u dhow tuulada Biyacade ee Gobolka Sh/dhexe.

Wax garadka deegaanadasi ayaa Shabaab u sheegay in aysan qasbi Karin dhallinyarada, ayaggoo Shabaab u sheegay in ay mabda’ooda ka dhaadhiciyaan da’yarta Soomaaliyeed ee  ku gacan seyray dalabka Shabaab.

“ way noo yimideen waxayna noo sheegeen in aan ilmaheena geyno xeraa Shalooq si ay Shabaab uga mid noqdaan, annagu waxaan u sheegnay in ay caruurta la heshiiyaan wayna naga tageen” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha.

Comments (0)

Shabaabka oo rag bastoolado iyo bambooyin ku hubeysan ku daadiyeen degaanka ceelasha biyaha

Posted on 11 May 2010 by dadweyne

Maleeshiyada la Magac baxday Xisbul Islaam ayaa habeenkii xalay Bandow ku soo rogtay Deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana la arkayay maleeshiyaadkaasi oo dadka u diidaya in ay sameeyaan wax dhaqdhaqaaq ah.

Bandowgan oo bilaabanayay maqribnimadii xalay ayaa ka danbeeyay kadib markii Habeen hore Bam gacdmeedyo lagu weeraray fariisimo ay maleeshiyaadkaasi ku lahayeen deegaanka ceelasha Biyaha, waxaana Maleeshiyaadkaasi ay habeenkii xalay jirdil xoogan u geeysanayeen cid kasta oo ay arkaan,  gaar ahaan dadka rayidka ah ee wadooyinka iska maraya,  kuwaas oo aan hore loogu wargelin Bandoowgaasi.

Maleeshiyadan ayaa waxay ka cabsanayaan weerarada hubeysan oo uga imaanaya dhinaca dablayda shabaab, waxaana la soo sheegaya in shabaabka kooxo bastoolado iyo bambooyin wata ku daadiyeen degaanka ceelasha biyaha si ay u dilaan saraakiisha xisbul islaam.

 

Comments (0)

Shabaabka oo sheegtay qarax miino oo lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah

Posted on 10 May 2010 by dadweyne

Magaalada Muqdisho, dhowr qof, ayaa ku dhintay, iyadoo qaar kalena ku dhaawacmeen weerar bomb oo lala eegtay ciidamada dowladda iyo rasaas ay qaraxa kadib fureen ciidamadu.

Qaraxa, ayaa ka dhashay miinada meelaha fog laga hago oo kooxda shabaab ka dambeysay

al-Shabaab ayaa sheegatay in ay weerarka ka dambaysay waana dhaqanka kooxdan oo ku xiran al qaacida.

Warar kale ayaa sheegaya in xalay gurigiisa lagu weeraray oo la dilay taliye xigeenkii booliiska ee degmada Dharkaynleey ee Muqdisho.

 

Comments (0)

Shalay Maxkamadihii Islaamka, Maanta Ahlu-sunah wal-jaamac!

Posted on 10 May 2010 by dadweyne

Runtii xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya waxay noqotay mid si loo saadaaliyo ay dhib badantahay, waxayna mar kasta yeelata ama la soo baxdaa wajiyo cusub oo aan horey loo aqoon!

Tan iyo markii la riday xukunkii kaligi-taliska ahaa ee Siyaad Bare, dalka waxuu galay qas siyaasadeed iyo jiho wareer ka dhashay loolankii ay qabaa’ilka iyo kooxahoodii hubeysnaa u galeen hanshada xukunka dalka iyo guul-daradii taas ka timid ee keentay inay suurta-galiweydoo dib dhis lagu sameeyo dawlad qaran.

Xaaladdaas dalka uma horseeday, oo kaliya, inay geeriyoodeen amd ay dhaawacmeen dad aad u badan, qaar kalena ay dalka uga hayaameen colaadda iyo burburkii dhacay. Hayeeshee, waxay abuurtay kalsooni xumo iyo kala aamin bax ku baahada bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa soo baxay oo dalka la haray kooxo hubeysan oo ka amar qaata rag u dhaqma Maafiyada oo kale, isla markaana doonaya in lagu tilmaamo inay yihiin ‘SIYAASIYIIN’ iyo madax ururu siyaasadeed. Kuwaas oo, ayaan daro, looga yeero jiray shirarka loo qabto in Soomaalida lagu heshiisiyo.

Taas ayaa ka dhigtay in bulshada Soomaaliyeed kala furfurato una kala baxado qoloqol iyo inuu reer kastaba u noqdo halkii uu dagaan ama, asal ahaan, uu kasoo jeeday

Waxaan argnay in dalka, JOGORAAFI ahaan, ay soo baxeen maamulo sheeganaya dawlad goboleedyo ku salaysan qabiil, islamarkaasna aan wadan wax AJEENDO wadaniyadeed ah oo horseeda soo celinta kalsoonida iyo midnimada bulshada Soomaaliyeed, iyadoo qaar kalena ay sheeganayaan inay ka go’een ama ka bexeen Midowga Qaranka Soomaaliyeed

Waxaa murug iyo mushkilo joogto ah noqotay xaaladda ay yeelatay magaalo-madaxa dalka Mogdishow, oo ilaa iyo markii ay dhacday dawladii Soomaaliyeed noqotay meel horjoogsata ama laga diido wax kasta oo dadaal ah ee ku wajahan heshiis, nabad iyo dib u dhis dowladnimo Soomaaliyedd.

Waxaa laga warqabaa muddo ka badan 16 sano inay caasmaddu ahayd meel ay ka taliyaan rag aan marnaba u naxaariisan shacbiga darxumeysan ama aan ka qiiroon burburka iyo quusta ka taagan guud ahaan dalka, si gaar ahna u saameyda dadka ku nool magaalada Xamar

Ka dib mudadaas dheer oo ay kooxahaas iyo hogaamiyaashoodu ay dhibaato kasta u geysteen dadweynaha masaakiinta ah, ayaa waxaa soo baxay xoogaggii Maxakiimta Islaamiga. Waxaay si degdeg ah ugu xoogeysteyn magaalada Xamar iyagoo ugu danbeyntii dagaalo culus ka dib baabi’yay xarumihii hogaamiye kooxeeyada, neecaaw nabad iyo rajo nololeedna usoo celiyay dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

Sababihii keenay soo bixitaanka Maxaakintii Islaamka iyo sidii ay si degdeg ah isgu badaleen xoog siyaasadeed waa arrin aanan halkan uga hadlayn, hayeeshee waxay u noqotay astaan, ‘phenomenon sida lama filaanka ah oo xaaladda siyaasadeed ay dalka ka jira ay dhaqso isgu badali karaan!

Ururkii Midowga Maxaakamdah Islaamiga waxuu isugu jiray rag, xagga Fakirka Islaamiga, aad ugu kala duwan; qaarkood waxay rumeysnayeen in dadka Islaamiyiintaa, oo kaliya, ay u gaar noqdaan hogaanka dalka, lana dhiso dowlad si buuxda u dhaqan galisa dhamaan xududka Shareecada Islaamka.

Qaar kalena waxay ku qanacsanaayeen in xalka Islaamku uusan ka dheereyn bulshada Soomaalida, kuna koobnaado sidii dalka looga saari lahaa dhibaatada uu ku jiro iyadoo la kaashanayo wax garadka iyo qaybaha bulshada ee kala duwan. Taas macnaheedu waxa uu yahay in laga mid noqdo dowlad kasta ee dalku yeesho, iyadoo la tixgalinayo dhibaatada dalka ka jirta iyo duruufaha siyaasadeed ee caalamku ku suganyahay.

Haddii uu guul ku dhamaanlahaa wada hadalkii u dhexeeyay Midowgii Maxaakimta Islaamiga iyo Dowladdii KMG ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ee sanadkii 2006 lagu qabta Khartuum -Sudaan, waxaan shaki ku jirin in sida ay maanta xaalku yahay, oo ah Maxaakimtii oo seddax qaybood u kale baxay; qayb ka mid noqota Dowladda iyo uruka la baxay Xisbul al-Islaam iyo kooxda seddaxeed ee al-Shabaab. Kuwaas oo, sida aan qabo yeelanlahaa isla qaabkaas ay maanta u kala qeybsanyihiin ama mid aad uga xun!

Marna ragga maanta hogaanka u ah Xisbul al-Islaam iyo Shabaabka ma aysan ogolaadeen inay wax la qeybsadaan shacbiga Soomaliyeed iyo cid kasta oo iyaga, Islaam ahaan, ka faker duwan.

Runtii, Xisbul al-Islaam iyo al-Shabaab waxay maanta taaganyihiin halkii ay shalay joogeyn kooxihii hubeysnaa iyo hogaamiyaashoodii loo yaqiin QABQABLAYAASHA DAGAALKA!

Dhinaca kale, waxaa masraxa Siyaasadda dalka si lama filaan ah ugu soo biiray ururka hubeysan ee AHLU SUNNAH WAL-JAMAAC oo la ogsoonahay in duruuf la mid ah tii soo saartay Maxaakimtii Islaamka ay iyana ku kaliftay inay hubka qaataan!

Hayeeshee, waxay dadweynuhu ka walwal qabaan oo ay is weydiiyaan haddii ay Dowladdan KMG iyo ururka Ahlu Sunna wal-Jaamaac, oo haatan ku qasban hal saf inay noqdaan, bal haddii ay ka adkaan karaan ururadan mawqifkoodu khalafsanyahay ee Shabaab iyo Xisbul al-Islaami

Haddii aan si kale u iraahdo, ma laga yaabaa in ururka Ahlu Sunnah wal-Jamaac ee ka kooban dariiqooyinka suufiyada ee iyagu, diin ahaan, saldhiga u ah bulshada Soomaaliyeed inay dalka ka badbaadiyaan dhibaatada sii kordhaysa iyo colaadda ay hurinayaan ururada Xisbul al-Islaam iyo Shabaabka. Ama ma waxay kusoo bixidoonaan, iyaguna, qaar kooxo u qeybsama oo dadka iyo dalka ku kordhiya xaaladda murugsan ee raagtay.  Waxaa la ogsoonahay in dalka uu naafeeyay dagaal sokey oo qabyaalad ku salaysan uusan manaba ka bixi Karin dagaal kale oo diin ku salaysan, shakina uusan ku jirin inuu wax badan ka xumaan doono waxii horay dhibaato lasoo mary.

Allahayow sida roon

Igala soo xiriir: hassanhaile@hotmail.com

Qore Xassan Xayle

Comments (0)

Somali Bantus turn to each other for help

Posted on 09 May 2010 by dadweyne

Reading a utility bill or a child’s report card are daunting tasks for the 600 Somali Bantu people in South Dakota, most of whom live in Sioux Falls.

 Ninety-nine percent of the adults do not speak English,So the Somali Bantu people are turning to each other for help.
Sharifo_Barake

Five Somali Bantu men who do speak English have been visiting homes across Sioux Falls, helping to translate forms that arrive in the mail into the Mai Mai language, so others in their community can understand.

 

In March, they opened a new community center in a small office on the edge of downtown, at 201 N. Minnesota Ave.. They are planning a literacy program that aims to lower the percentage of adults who speak no English.

“I believe that what I learn should help other people,” said Abdullahi Sidow, who learned English at a refugee camp in Kenya, where his family fled because of civil war in Somalia. “Since we are the English speakers of the community, we feel we are obligated to help them.”

 

Unlike the Multi-Cultural Center, the Bantus receive no outside assistance to fund the new center, known as the Somali Bantu Community Development Council of South Dakota

The men volunteer their time, Sidow said. They go door-to-door each month collecting $20 from families, which is used to pay for the rent and expenses at the office.

“It is pretty amazing to see how this community has embraced their needs and are reaching out to help their community,” said Carol Muller, executive director of the HelpLine Center in Sioux Falls. “It’s amazing, and it’s humbling.”

 

Sidow, 23, attends Kilian Community College, where he’s working toward an associate degree in social work. He volunteers at the center when he’s not in class.

Sidow’s family fled Somalia when he was 4 years old, and he spent the next 14 years in a refugee camp in Kenya.

 

His relatives were farmers and became caught in a vicious civil war. When they arrived in the refugee camps of Kenya, they encountered more violence.

 

The men were frequently beaten in the camps, recalls Suleiman Khamis, another volunteer at the center.

“We went to Kenya for safety, but didn’t get the safety we need there,” Khamis said

When women ventured outside the refugee camp to collect firewood, he said, they were raped.

Khamis entered in the U.S. in May 2004, when he moved to Sioux Falls. He now works at Bell Inc., which makes packaging products. Other Sioux Falls firms employing Somali Bantus include John Morrell and Co. and Sanford Health.

 

Sidow was relocated to the Boston area in 2004, and moved to Sioux Falls last summer.

 

The men work with the Sioux Falls School District to help translate when they are needed, such as parent-teacher conferences.

Many of the Somali-Bantu children in Sioux Falls attend Cleveland, Longfellow, Lowell and Terry Redlin elementary schools, Khamis said. Once the adult language programs are in place at the center on North Minnesota Avenue, Sidow hopes to expand the effort to include more of the children.

 

Somalia “remains one of the most insecure places in the world, with an unprecedented humanitarian crisis,” according to the nation’s 2010 operations profile from the United Nations High Commissioner for Refugees.

In Sioux Falls, Muller met Sidow recently when he stopped by the HelpLine Center to deliver materials about what his group is doing. An impression he left on Muller is the value placed on education by he and others in the community, she said.

 

“There is a huge desire to help their families, and there is a huge commitment to education,” Muller said. “They recognize that education is key for

Comments (0)