Qeeybaha| Qubane

Danjire America oo casho sharaf u sameeyay Xulka Qaranka Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Posted on 27 April 2010 by dadweyne

Danjiraha Somaliya u fadhiya Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa habeenkii xalay ahaa casho sharaf oo aad u qiimo badan u sameeyay Cayaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo dhawaan u soo gudbay  wareega labaad ee isreebreebka tartanka dhalinyaradda  qaaradda Africa ee CAF, kadib markii ay guul ka gaareen labadii kulan ee ay la yeesheen xulka Kenya.
xulka11

 Safiirka

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali America ayaa casho sharaf la qaatay cayaartoydaas iyo wafdigii ka socday xiriirka kubadda Cagta ee soomaaliya, isagoo ku qiimeeyay xulka guusha taariikhda leh ay ka soo hoyeen tartarkaas oo sanadka soo socda lagu qaban doono dalka Rwanda.

 Xulka3

Danjire Maxamed Cali America oo la hadlayay Cayaartoyda casho sharafta kadib ayaa waxaa uu sheegay in guushan ay tahay mid aysan ilaabi doonin dhamaan dadka soomaaliyed, isagoo caddeeyay in farxada guushaas maskaxdiisa si ballaaran ugu abuurantay maadama uu yiri waxay ahayd mid anaga oo dhan wada sugayay muddo dheer.

 

“Anigoo og dhibaatada dalkeena ka taagan tahay, xaalada Xulka Soomaaliya ku sugan yahay dhan walba waxay qiyaasi waayay farxada guushan”ayuu yiri Maxamed Cali America.

 

Casha sharaftaas loo sameeyay xulka Qaranka Soomaaliya dadiisu ka yartahay 17 sano jirka una soo baxay wareega 2aad ee isreebreebka tartanka dhalinyaradda  qaaradda Africa ee CAF, kadib markii ay guul ka gaareen xulka Kenya ayaa waxaa ka soo qeybgalay marti sharaf kala duwan xubno ka tirsan Dowladda KMG ah, Jaaliyadda Soomaalida ee Kenya, Cayaartoy hore u soo martay Xulka iyo xubno kale oo aad u fara badan ayaa lagu qabtay Hotelka Barakaat ee Magaalada Nairobi.
Safiirka2

 

Xubno ka tirsan Ganacsatada Soomaalida oo ay ka mid tahay haweenayda lagu magacabo Khadiijo Cosoble ayaa ka mid ahaa dadkii lagu casuumay xafladaas.

 

Tababaraha Xulka soomaaliya Mr Fare Yare oo ka hadlay munaasabadaas ayaa u mahad celiyay taageerayaasha kubadda Cagta ee Soomaaliya, gaar ahaan waxaa uu soo qaatay Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali America isagoo sheegay in Safiirka taageero ballaaran oo la ilaabi Karin u fidiyay Xulka.

 

Danjire Maxamed Cali America ayaa u sheegay Cayaartoyda Qaranka in aysan is dhigin oo ay sii laba laaban dadaalkooda ku aadan guusha, isagoo u ballan qaaday cayaarta soo socota ee Xulka Masar la yeelan doonaan taageero dhan walba leh, wuxuuna sheegay haddii xulka soomaaliya ay ka badiyaan Masar tababar loo geyn doono dal ka mid ah Qaaradda Yurub.
Xulka2

Leave a Reply