Qeeybaha| Qubane

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya”Waa been aan sal iyo Raad lahayn in Saraakiil Mareykanka ah ay ka howlgalaan xarunta Safaaradda”

Posted on 14 April 2010 by dadweyne

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa ku talaabsatay horumar dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin in Safaaradda dib u soo celiso  adeegyadii guud ee ay qaban jirtay iyadoo muujisay karti iyo aqoon dhinaca diblomaasiyadda ah,waxayna bilawday toddobaadyadii la soo dhaafay ama aan iraahdo bilihii la soo dhaafay in dadka ajanabiga ee u socdaala soomaaliya ay siiso fiisooyin dal ku gal ah.

Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo aan shalay booqday ayaan ku arkay dad ajanabi ah oo u badan Suxufiyiin kuwaas oo qunsuliyadda Safaaradda ka qaadanayen Fiiso ama dal ku gal sharci ah.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Nuur (America) uu ku wargeliyay dhamaan dadka u socdaala Soomaaliya in ay fiisaha dal ku galka ka soo doontaan xarunta Safaaradda.

Hase yeeshe tallaabadaas horumarka ah oo la qaaday ayaa waxaa jira dad faafiyay qoraalo been abuur ah oo laga qoray Safaaradda kuwaas oo qoray in Saraakiil Mareykan ah lagu soo biiriyay Safaaradda kuwaas oo ay ku sheegeen in ay dabagal ku sameeyan dadka u socdaala soomaaliya.

Sida lagu qoray mid ka mid ah Bogaga wararka Soomaaliya, Saraakiishan Mareykanka ah ayaa waxay ka tirsan yihiin laanta la dagaalanka Argigixisada, warkaas oo runtii la soo been abuuray oo dad ka soo horjeeda horumarka Safaaradda faafiyay.

Haddii Safaaradda Soomaaliya ka shaqeysay in ay ogaato ama baaris ku sameyso dadka u socdaala soomaaliya ujeedada socdaalkooda taasina ay qeyb ka tahay sugida amaanka dalka isla markaana ay ahayd in lagu amaano waxqabadkaas Safaaradda ma waxaa taa bedelkeedu la faafinaya warar been abuur ah oo ka soo horjeeda qaranimada soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali America isagoo kaashanaya howl wadeenada kala duwan ee Safaaradda ayuu ballaariyay waxqabadkiisa, xataa waxaa uu gaarsiiyay in dadka Soomaalida ku xuquuq noqdaan ajanabiga kale ee ku dhaqan Kenya, taasina waxay ku timid dadaalka diblomaasiyadeed ee Safiirka iyo kaalayaashiisa.

Danjire America ayaa ku wargeliyay soomaalida Kenya ku dhaqan haddii ay dareeman dhib iyo xaalado adag in ay ku soo wargeliyaan Safaaradda si wax looga qabto.

Marka aad eegto Waxqabadka Safaaradda ma aha oo kaliya arrimo dhinaca Siyaasadda ah, waxay Safaaraddu gacan ka geysataa daaweynta Caruur soomaaliyed oo gudaha dalka wax looga soo qaban waayay kuwaas oo la jiifa cuduro kala duwan, sida labo cunug oo isku taalay, Safiirka isagoo ka turjumayay Dowladda Soomaaliya ayuu baaq u jeediyay beesha Caalamka in wax laga qabto ama la badbaadiyo caruurtaas.

Sidoo kale Safiirka Soomaliya Kenya waxaa uu dadaal weyn ugu jira sidii waxbarasho casri ah u heli lahaayeen boqolaal Caruur Soomaaliyed oo ku nool xeryaha Qaxootiga ee ku yaala dalka Kenya, taasina waxay ka dambeysay socdaal Safiirka ku tagay xerooyinka qaxootiga, isagoo ballan qaaday in caruurtaas ka taageeri doono dhinaca waxbarashada.

Balse dadaaladaas faraha badan ee is barbar socda ka sokoe waxaa jira qaar ka mid ah Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay oo lagu faafinayo warar iyo qoraalo been abuur ah.

Dadkaas sida qaloocan wax u arka waxay doonayaan iyagoo dano siyaasadeed leh in ay bedelaan aragtida shacabka soomaaliyed isla markaana doonaya in ay ka bixiyaan Safaaradda Soomaaliya Kenya muuqaal qaab daran.

Xarunta Safaaradda waxaa ka howlgala dad soomaaliyed oo u taagan danta guud, waxayna doonayaan in ay ilaaliyaan sharafta iyo Magaca Soomaaliyed.

Dhinaca kale talaabada Safaaradda Soomaaliya qaaday ee ah in la ogaado ujeedooyinkooda dadka u socdaalaya soomaaliya waxay ka mid tahay waxyaabaha lagu adkeyn karo amaanka dalka isla markaana lagu joojin karo dadka dibada ka yimaada ee ka qeyb qaata dagaalada ka socda Soomaaliya.

Ma jiro dal caalamka ka tirsan oo fiiso la’aan lagu tago, dal kasta xishmad ayuu leeyahay haddii la ilaaliyo xishamada dalkeena ma qalad baa mise waa wanaag lagu dhaqaaqay.

Ugu dambeynta dadka soomaaliyed waxaa looga baaqaya in ay gacan ka siiyaan Safaarada Soomaaliya Kenya ilaalinya iyo jiritaanka dalkeena soomaaliya.

Leave a Reply