Heshiis dhanka amaanka ah iyo La dagaalanka kooxaha burcad badeeda ayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku kala saxiixdeen Dowlada KMG Soomaaliya iyo maamul goboleedka Putland.
Heshiiskan oo Dhinacyo badan taabnayay ayaa waxa ay dhumucdiisu ahayd sidii Dowladda KMG ah iyo maamul goboleedka Puntland ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyo badan oo amaanka si gooni ah u quseeya sida in xero ciidanka Badda lagu tababaro laga furo magaalada Garawe, sidii burcadeeda wax looga qaban lahaa, isla markaana shaqooyin loogu abuuri lahaa maadamaa ay dhalin yaro Soomaaliyeed yihiin:


Heshiiskan ayaa waxaa saxiixay wasiirka gudaha Puntland Cabdulaahi Axmed Jaamac, halka dhanka dowladda Federaalka uu u saxiixay wasiirka gaashaan dhiga Cabdalla Boss Axmed, waxaana goob joogayaal ka ahaa masuuliyiin aad u fara badan sida madaxweynaha Puntland iyo wasiirka maaliyada Dowlada KMG ahna ra’iisul wasaare ku xegeen Shariif Xasan Shiikh Aadan, sidoo kale waxaa goobta xaadir ku ahaa goob joogayaal caalami ah oo u badnaa safiiro sida Sweden, Norway, Spain, france iyo talayaaniga.
Waxaa sidoo kale goob jooge ka ahaa heshiiskaan wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya Axmed Waldu Cabdal
Kadib saxiixa heshiiska ayaa waxa ay labada dhinac saxaafada u qabteen shir jaraa’id oo ay ku faahfaahiyeen muhiimada heshiiska waxaana ugu horeynba hadlay wasiirka gaashaan dhiga Cabla Boss oo sheegay in heshiiskaan uu caqabado badan oo taagan uu xalin doono, isagoo raaciyay in uu noqon doono mid miro dhal ah.
Dhanka kale wasiirka waxa uu si cad uga hadlay ciidamada lagu tababarayo dalkaan Kenya isagoo sheegay in ciidamadaas ay yihiin ciidamo qaranku leeyahay aanay ahayn ciidamo beeleed ama ciidamo cid gaari ah leedahay, ayna ka howl geli doonaan dalka Soomaaliya gaar ahaan halka loo arko in ay haboon tahay.
Heshiiskaan ayaa waxa uu daba yaallaa heshiis ay labada ninac ku gaareen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug Agost sanadii 2009, iyadoo ay saxiixeen madaxweynaha Puntland iyo R/wasaaraha Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali







