Qeeybaha| Qubane

Qoraa Qalinkiisa Af beelay (ka jawaabid qoraal wax looga Sheegayo Safiirka Somaliya ee kenya)

Posted on 08 April 2010 by dadweyne

Intan aan gudaha u gelin jawaabta maqaalka uu qoray Maxamed Siidi, Waxaan jeclahay inaan ka hor mariyo micnaha uu leeyahay eriga xil ka qaadis iyo xil u dhiibid, labadaas eriyo waxaa adeegsada Dowlad ama Maamul midi markaas awoodeeda shaqeysa.
America iyo Yuusuf

Haddii Dowladda KMG ah ee Somaliya ay garatay in ay xilka ka qaado Maareeyihii hore ee Dekedda Muqdisho Cabdi Jiinow Calasow taasi dambi ma aha, waa wax loo joogo inta la nool yahayna ay dhacdo xil ka qaadis iyo xil u magacabid, labadaas waxay ka mid yihiin nolosha Maamul ama nidaam.

Haddii aan dib ugu noqdo Magacabista Maareeyihii hore ee Dekedda Muqdisho Cabdi Jiinow kuma imaan doorasho mas’uul oo waqti badan laga fikiray loona fikiray in ruux aqoontiisa adag tahay oo ay dhisan loo magacabo Maareeyaha Dekedda Xamar balse waxay ku timid xaalad deg deg ah oo waqtigaas dhacday micnaha is bedel ku yimid gacan ku haynta Magaalada muqdisho dhamaadkii bishii Decembar 2006 kii markaas oo Magaalada Xamar ay soo geleen Ciidamadii Itoobiya oo xukunka ka tuuray Maxakamadihii Islaamiga.

Ra’iisal Wasaarihii waqtigaas xukunka haayay Cali Maxamed Geeddi si deg deg ah ayuu ku magacabay Cabdi Jiinow Calasow oo sida la ogsoon yahay hal jufo ka soo wada jeedan.

Wixii markaas ka dambeeyayna Dekedda Xamar waxaa maamula ka ahaa Jiinow

Hase yeeshe in xilka laga qaado Cabdi Jiinow waxay ku timid arrimo dhawr ah oo ay u badan tahay lunsasho dhaqaalaha Dekedda iyo muran soo dhexgalay Jiinow iyo ganacsatada Gobolka Banaadir.

Ogow arrinta ah in xil ka qaadista Jiinow ay salka ku hayso arrimo dhaqaale waxaa ku garan kartaa Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah iyo xubno kale oo Dowladda ka tirsan oo laga furay gudaha garoonka bartamihii bishii Marso ee aynu ka soo gudubnay.

Sidaas darteed Jiinow waqtigiisa wuu soo qaatay, haddana waxaa dhici karta in loo magacabo xilal kale laakiin kama hor dhici doono mustaqbalka Jiinow waxaa uu ku dambeyn doona kadib xil ka qaadistiisa.

Laakiin ninkan qoraaga ah ee qalinkiisa qalalay uma jeedo xil ka qaadista Jiinow ee waxaa uu u gurmaan tumanayaa mas’uul kale oo Dowladda soomaaliya xil u haayo, isagoo ka duulaya ujeedooyin kale ayuu waxaa uu bartimaamed ka dhigay Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali America.

Waa qoraa caadifad ka buuxda, lama dhihi karo ninka maqaalkan qoray waa nin qalinkiisa dhexdhaxaad ka ah siyaasadaha is diidan ee ka taagan soomaaliya,waxaa la dhihi karaa nin la soo adeegsaday oo gurbaanta uu wato gadaasheeda ay ku dhuumanayaan dad kale oo dano siyaasadeed u qarsoon.

Waxaa uu yiri mar hadii Jiinow xilka laga qaaday maa xilka laga qaado isagana Safiir America, bal u fiirsa hadalkan, doorashada xil ka qaadista iyo u dhiibida ma waxay ka imaanaysaa talada Siidi mise waa mid Dowladda soomaaliya waajibkeedu yahay labadaas arrimood.

Madaxweyne Shariif Sh Axmed isaga ayay u taala ninkii xil laga qaadi lahaa iyo kii loo dhiibi lahaa jago, balse lagama tashanayo dadka la midka ah qoraagan xil ka qaadista Mas’uul dalkiisa u adeegaya.

Qoraaga maqaalkan gardaran waxaa uu yiri Shariif Xasan Sh Aadan Wasiirka Maaliyadda ahna Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Dowladda soomaaliya ku tilmaamay ninka iska leh go’aanka qof xil looga magacabayo iyo mid xil laga qaadayo, waxaa is weydiin mudan qoraagan ma isaga ayaa ku dhex jira niyada Shariif Xasan, waa maya, laakiin ujeedadiisa ayaa waxay tahay inuu dacaayad raqiis ah ka faafiyo Madaxda qaran soomaaliya.

Dabcan qoraaga maqaalkan, haddii aan dib ugu laabto taariikhdisa qeyb yar oo ka mid ah,waxaa uu ka mid ahaa shaqaalaha Xafiiska Ra’iisal Wasaarihii hore ee Dowladda KMG ah Cali Maxamed Geedi uma baahna marka in laga faalooda talooyinkiisa xambaarsan ujeedooyin kale waxaa loo baahan yahay in aad aqristo oo kaliya cidda uu la soo shaqeeyay.
Bal eeg, waxaa uu yiri Cali Maxamed Geeddi ayaa magacabay Danjire America maantana waxay yihiin Geeddi iyo America labo nin oo cadaw isku ah waa sii hadlay ee waxaa uu yiri America si uu kursigiisa u badbaadsado waxaa uu ka fogaaday Cali Maxamed Geeddi.

Haddaba jawaabta maxay tahay cid walba oo aduunka ku nool haddii xil loo magacano qof baa ka dambeeya oo ninkaas magacabaya ma jirto cid xilka calooshii hooyadiisa kala soo baxa, Haddii Geeddi Magacabay Danjire America oday Geeddina waxaa soo magacabay C/llaahi Yuusuf ee muxuu uga hor yimid, xataa in Geeddi Wasiirka koowaad loo magacabo waxaa sabab u ahaa Maxamed Dheere maantana iskuma wanaagsana Geeddi iyo Maxamed Dheere.

Sidaas darteed, ma jirto sabab Safiir Maxamed Cali u cagtaagnaado Geeddi waayo America waa shaqaale oo daacad u ah nidaamkiisa wuxuuna haaya xil qaran oo Dowladeed Geeddina waa nin oday ah oo shalay xil haayay maantana rayid ah marka ma jirto sabab ay ku wada shaqeeyan in kastoo Geeddi uu ka mid yahay Baarlamaanka soomaaliya.
Sidoo kale ma jirto sabab qasab ka dhigaysa in Danjire America uu ku dhawaado Siyaasi mucaarad ah oo hunguri jago sare qalbiga kaga wareegsan.
Haddii Maxamed Cali America xilka laga qaado waa mid ay soo go’aansatay Dowladda Soomaaliya, hibil aniga ayaa ciil u qabee maa xilka laga qaado ma aha hadal qof wax garta ku hadla.
Ugu dambeynta ninka qormadan qaloocan qoray inta aadan wax qorin bal eeg cida aad la hadlayso iyo cida aad wax u sheegayso, waxaad ogaata in dadka aqriisanaya qoraalkaada ay isugu dhex jiraan dad aqoon leh iyo kuwan dhexdhaxaad ah iyo kuwa aan wax aqoon ah lahayn, sidaas darteed wax qiimo ah oo uu leeyahay qormada aad qortay ma jirto laakiin waxaa meel uga dhacday qiimaha uu lahaan lahaa qalinka qof kasta oo qoraa ah.

Leave a Reply