Keeydka | April, 2010

Madaxda ugu sareysa dowladda oo manta kulan albaabada u laaban ku qaatay Madaxtooyada (War-Murtiyeed)

Posted on 30 April 2010 by dadweyne

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Sheikh Aden Maxamed Nuur iyo Ras’iisul Wasaaraha Xukuuadda FKMG, Cumar Cabdirashiid Cali-Sharmaarke waxay mahad ballaaran u soo jeeddinayaan dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo ergeyga Madaxweynha Jabuuti ahna Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee dalka Jabuuti Mudane Xaamud Cabdi Suldaan oo gacan weyn nagu siiyey xallinta khilaafka baarlamaanka soo dhex-galay.

Madaxda Qaranku waxa ay ku midaysan yihiin dareenka ah in dhammaan hay’adaha dastuuriga ah iyo xubnaha Baarlamaankuba ay ku dadaalaan hir-gelinta waajibaadka qaran ee loo wada dhaartay.

Madaxda Qaranku waxay gar-waaqsan yihiin in sii socoshada khilaafka soo dhexgalay baarlamaanka aysan xamili karrin hay’adaha curdanka ah ee dastuuriga ah ee DFKM iyo shacabka Soomaaliyeedba.

Sidaas darteed ayay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaruhu u go’aansadeen in ay u caddeeyaan shacabka Soomaaliyeed, mudanayaasha Baarlamaanka, xubnaha golaha Wasiirada iyo bulshada caalamka, gaar ahaan saaxiibada Soomaaliya, in masuuliyiinta sare ee Qaranka Soomaaliyeed ay midaysan yihiin, una taagan yihiin in ay ku shaqeeyaan kana mira dhaliyaan mabaadiiddii iyo himilooyinkii loo soo dhisay DFKM.

Madaxda sare ee Qaranku:

1)Waxay isla garteen in khilaafka lagu xalliyo si waafaqsan sharciga iyo maslaxadda Qaranka,

2)Waxay isla garteen in baarlamaanku uu bilaabo fadhiyadiisa caadiga ah, si uu u guto waajibaadka horyaalla,

3)Waxay ballan-qaadaysaa xukuumaddu in ay gacan ku siiso baarlamaanka sidii uu u gudan lahaa hawlihiisa,

4)Waxay adkaynayaan in ay lagama maarmaan tahay xoojinta wada shaqaynta xukuumadda iyo baarlamaanka,

Sidoo kale, masuuliyiinta Qaranku, waxay ballan-qaadayaan in loo xaliyo wixii ka dhashay khilafka si ay ku jirto niyad-sami iyo masuuliyad.

Madaxda Qaranku waxay uga mahad-naqayaan mudanaayasha baarlamaanka duruufihii adkaa ee ay ku shaqeeyeen iyo gacanta ay ka geysanayaan xallinta khilaafka, waxaanna ugu baaqaynaa in ay sii laban laabaan dadaalka si marxaladdaan adag looga gudbo.

Mar labaad, waxaan si weyn ugu mahad naqaynaa Mudane Xaamud Cabdi Suldaan oo kaalin aad weyn ka geystey is-fahamkii la gaaray.

Sharif Sheekh Axmed
Madaxweynaha Soomaaliya

Sheekh Aden Maxamed Nuur
Guddoomiyaha Baarlamaanka

Cumar Cabdirashid Cali-Sharmaarke
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya, Jimce, April 30, 2010

Comments (0)

Somali Bantu office opens for business

Posted on 30 April 2010 by dadweyne

UTICA , NY —  Seven years ago, the first Somali Bantu refugee arrived in Utica, starting a new life for himself and bringing more culture to the Mohawk Valley.

Today, the story of the Bantu presence continues. On Thursday, the nonprofit Mohawk Valley Somali Bantu Community Association celebrated the opening of its new office at 309 Genesee St.
Sidi_Mwalimu

“We decided to open the office to help our community because there is a lot of need on the language barriers, employment, case management and resources for families.” Executive Director Sidi Mwalimu said.

The plan to open an office began evolving about two years ago, when organizers wanted to ensure that their relatives and other Bantu refugees knew where to find needed services.

“We will be like a bridge for the outside and our community,” he said.

According to Mwalimu, Bantu families have a hard time communicating in English and reading documents. The nonprofit group will help refugees read their mail, fill out forms and complete daily routines such as paying bills and going to appointments.

 “When they need a job, we can help them with job searching, interview preparations, and training on how to find a job.” Mwalimu said. We are also authorized to work with any refugee in Utica, so whoever comes in the door and has refugee status, we can help them.”

Assist on medical call

The extent of need for arrivals from overseas is highlighted in a recent blog entry by consultant George Wright on the Web site of the Institute for Social and Economic Development in Washington, D.C. Wright, who writes about issues related to Bantu in the United States, had made a swing through Upstate New York, where several cities have burgeoning Bantu populations.

He wrote about a Somali Bantu resident who had a late-night health complication and called 911. The dispatcher contacted the Somali Bantu Association, and Mwalimu arrived to accompany the woman in the ambulance and assist her during much of her care.

“I tell this story not simply because Sidi provided humane assistance to his fellow community member in her time of need,” Wright wrote. “I also tell this story to highlight the value of bridging case management as a vital service to refugees, who may be beyond their initial resettlement period, but who often have difficulty fully operating in American society without linguistic and cultural assistance.”

He noted that the Somali Bantu Association “operates on almost no financial support and yet the organization is recognized by local emergency services agencies as essential to their effective provision of service.”

Refugee center helps out

 

NICOLE L. CVETNIC

Aziza Arbo, left, and Amina Chivala, both of Utica, embrace while celebrating the Mohawk Valley Somali Bantu Community Association, Inc. grand opening ceremony in their new office at the Mohawk Valley Resource Center for Refugees, Thursday, April 29, 2010 in Utica.

The Bantu are just one of the myriad groups that have arrived in Utica escaping political, ethnic or religious persecution in their homelands. Newcomers have hailed from Vietnam, the former Soviet Union, Bosnia, Somalia, the Sudan, Myanmar (Burma) and many other countries.

 
For Mwalimu, getting the office space was possible because of the Mohawk Valley Resource Center for Refugees.

“We really appreciate them because they gave us a very good space,” he said. “We sat down, met with the Refugee Center, requested a space and they accepted us.”

According to refugee center Senior Director of Programs and Services Shelly Callahan, providing the Bantu group with an office will continue the cultural exchange process in the Utica area.

“We enthusiastically support them and look forward to partnering with them as they go forward with their association,” she said.

The new office is located near the Mohawk Valley Latino Association, an arrangement that Callahan hopes will bring about teamwork between different cultures in the area.

 “We are hopeful that they all can work together and collaborate on this and be sort of an incubator for ethnic community organizations,” she said.

 

“Our tagline is, ‘many cultures, one community,’” she said. “I think the good help and well-being of each ethnic community really informs the help of the overall community.”

 
Source: Observer Dispatch

Comments (0)

Somalia oo gashay kaalinta sadexaad wadamada falalka argagixisnimo ka dhacaan

Posted on 29 April 2010 by dadweyne

Dalka Soomaaliya ayaa galay kaalinta sadexaad ee wadamada ugu falalka argagixisada badan caalamka, waxaana ka sara maray dalalka Afghanistan iyo Pakistan, sida ku cad warbixin ay soo saartay hey`ad Mareykan ah oo lagu magacaabo National Caunterterrorism Center.
shababterror

Warbixintan oo ka hadleysa falalkii argagixisnimo ee caalamka ka dhacay sanadkii 2009-ka ayaa waxaa ay hey`addu sheegtay in tiro kor u dhaafeyso 500 oo fal argagixisnimo oo noocwalba leh uu ka dhacau dalka Somaliya, halka ay ka kala dheceen dalalka Afghanistan (2126-jeer) iyo Pakistan (1915-jeer).

Sanadkii ka horeeyay ee 2008 ayay warbixintu sheegtay in Somaliya ay ka dheceen 444 fal oo argagixisnimo, sida ku cad sawirka warbixinta.

Warbixinta ayaa kusoo beegmeysa xilli ay laba jibaarmeen sanooyinkii u dambeeyay falalka argagixiso ee Somaliya ka dhacaya kuwaasoo isugu jira isqarxin, bambooyinka wadooyinka la dhigo iyo hoobiyayaasha rayidka lala dhoco.

WARBIXINTA HEY`ADA OO DHAMEYSTIRAN HALKAN KA > -Akhriso

Comments (0)

Inter Milan oo 38 sano kadib soo caga dhigatay Fiinalka koobka horyaalada kooxaha qaarada yurub

Posted on 29 April 2010 by dadweyne

Inter Milan ayaa soo caga dhigatay ciyaarta kama danbeysta ah ee tartanka horyaalada kooxaha qaarada yurub markii ugu horeysay mudo haatan laga joogo 38 sano.
inter2

Inter oo inta badan ku ciyaareysay qaab difaac ah ayaa waxey ciyaarta ku dhameysatay 10-ciyaartoy markii laga saaray Thiago Motta qeybtii hore ee ciyarta, wallow 1-0 looga adkaaday hadana waxey ku soo baxday 3-2  oo ah isku celcelis ahaan ciyaarta 2dii lug ee ay wada ciyaareen.

Inter waxey la ciyaari doontaa Bayern Munich bisha May 22keeda marka ay iskugu tagaan magaalada Madrid ciyaarta kama danbeysta ah.

Kooxda horyaalka talyaaniga ka socota waxaa hogaaminaya Jose Mourinho, wuxuuna u raadinayaa sidii ay ku qaadi laheyd koobkii 3aad ee tartanka kooxaha yurub laga soo bilaabo markii ay qaaday koobkaan 2 sano oo isku xigta oo kala aheyd 1964 and 1965.
Mota

Gerard Pique ayaa goolka ay Barca dhalisay u dhaliyay daqiiqadii 84aad, laakiin taasi waxba kama badalin natiijadii ciyaarta oo aheyd in gudaha  Italy  looga soo adkaaday 3-1 todobaadkii hore.

Hadii ay 2-0 inta ku badiso ay ku soo bixi laheyd waxey Barca  u ahaan laheyd markii 2aad oo isku xigta oo ay sidaasi oo kale ku soo baxdo maadaama sanadkii tagay ay ku qaabkaasi ku soo baxday .

Inter waxey ceebeysay xalay mar kale mucjisada k/cagta aduunka isla markaan ah xiddiga aduunka ee FIFA Lionel Messi iyadoo ay garoonka soo camireen taageerayaasha Barca oo gaarayay 100,000 garoonka Camp Nou.

Marka loo fiiriyo dadaalka Barcelona ay sameysay wuxuu ahaa mid aad u weyn oo weeraro is daba jog ah ayay ku qaadayeen kooxda Inter lakiin waxaa xujo ku noqday daafaca birta ah ee Inter Milan kuwasoo u diiday in banooni uu dib maro isla markaana ay ka faa’ideystaan weeraryahanada Barcelona

Mourinho ayay u aheyd guul lama ilaawan waxaana sarre u sii kacday sumcadii uu ku dhex lahaa bahweynta kubada cagta, waxa uu haatan keenay Final koox ay ugu danbeysay inay final timaado sanadkii la bilaabay qorida afsoomaliga 1972dii, waxa uu Jose Mourinho cadeeyay inuu yahay “Special One” oo ah naaneesta loogu yeero

Inter waxey heysataa fursad ay 3 koob sanadkaan ku qaadi karto oo ah taariikh cusub oo ay yeelan doonto. Sabatoo ah horyaalkeeda waxey ku hogaamindeysaa 2 dhibcood iyadoo 3 kulan ay u harsan yihiin waxey Roma la ciyaari doonta finalaha koobka Italian Cup final bisha May 5teeda

Comments (0)

Maleeshiyada Xisbiga oo lacago baad ah ka qaadaya ganacsatada yaryar ee degmada Afgooye

Posted on 28 April 2010 by dadweyne

Ganacsatada  yar yar ee  wax ku iibisa hareeraha wadooyinka degmada Afgooye ayaa waxaa la soo deristay xaalado adag, kadib markii meleeshiyada  kooxada isku sheegta xisbul islaam ay lacago baad ah oo aan dadkaaasi awoodin ay  duldhigeen .

Qaar  ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Afgooye ayaa laga soo xigtay in horjogayaal dhowr ah ay dadkaasi amar ku siiyeen in ay bixiyaan lacago baad ah oo gaaraya 9 doolar todobaad kasta hadii  kale, loogu hanjabay ciddii aan fulin in ganacsigeeda laga burburindoono islamarkaana  laga rari doono goobaha ay noloshoda ka raadsadaan taa oo culeeswayn ku ah ganacsatadaasi.

Dhibaatadan  haysata shacabka ku nool Degmada Afgoooye ayaa qayb ka ah dhibaato si guud uga taagan goobaha ay kooxhaaasi dalka ka joogaan taas oo keentay in meelaha qaar ay ka bilowdaan kacdoono ka dhan ah maleeshiyaadkaas.

Talaabadan ayaa qayb ka ah siyaasadda aan maskaxda badan ku dhisneen ee dhaqaalo doonka ah taas oo keentay in maleeshiyaadkaasi ay  dadka shacabka ah ku soo rogaan xanibaado  ganacsi,  kadib markii ay dareemeen culeeyska dhaqaale oo kooxdaasi soo wajahday islamarkaana dantu ku qasabtay in ay umadda lacago ka aruuriyaan taas oo sida la sheegay kala bar ku dhicidoonta qasnadda kooxda shabaab

Comments (0)

Dablay ka tirsan Xisbul Islaam oo toogtay mid ka mid ah Mas’uuliyiinta Shirkadda Hormuud

Posted on 28 April 2010 by dadweyne

Mas’uul ka tirsanaa Shirkada Hormuud Afgooye ayaa xalay fiidkii kooxo hubeeysani ku toogteen gudaha Degmadaasi sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya degmadaas oo ka tirsan shabeellaha hoose.

Maxamed Mayow oo ka mid ahaa Madaxda Shirkada Isgaarsiinta ee Hormuud Afgooye isla markaana sidoo kale madax ka ahaa hay’ad maxalli ah oo lagu magacaabo Hijra, ayaa kooxo bistoolado ku hubeeysani ku toogteen fiidnimadii xalay gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose.

Lama oga ilaa iyo haatan sababta loo dilay Mas’uulkaasi, balse wararka ayaa sheegaya in kooxda dilka geysatay ay ka tirsan yihiin kooxda xisbul islaam.

Kooxaha Dowlada ka soo horjeeda ayaa looga bartay dilalka dadka waxtarka u leh Bulshada Soomaliyeed,  mana aha markii ugu horeeysay oo dilal noocaan oo kale ah ay u geeystaan Mas’uuliyiin ka tirsan Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howlgala gudaha Dalka

Comments (0)

Shabaab oo sheegay in ay ka dambeeyan weerar argigixisinimo

Posted on 27 April 2010 by dadweyne

Weerar is qarxin ah ayaa maanta lagu qaaday ciidanka AMISOM ee magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa fariisanka ku leh agagaarka Hotelkii Curuba ee Muqdisho.

Weerarkani waxaa uu ka dhacay dhismihii hore ee Bankiga Gacansiga ee magaalada Muqdisho, oo u dhexeeya meeshii ay ku oolli jireen Hotel Curuba iyo Masjidka Arbaca Rukun.

Shabaab ayaa sheegatay in ay weerarka ka dambeyen isla markaana uu fuliyay nin ka tirsan kooxda shabaab.

Afhayeen u hadlay AMISOM ayaa sheegay inay laba ruux ku dhaawacantay.

Wixii ka soo kordha kala soco halkan

Comments (0)

Xisbul Islaam oo dhac u geysanaya ganacsatada degmada Afgooye

Posted on 27 April 2010 by dadweyne

Horjoogayaasha Xisbul Islaam ee degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha hoose ayaa amar ku siiyay ganacsatada yar yare e goobaha ganacsiga ku leh wadada laamiga ah ee degmadaasi in ay baneeyaan.

Horjoogayaasha Maleeshiyada Xisbul-islaam ayaa amar ku siiyay Ganasatada in  mudo 3 maalmood ah oo ka bilaabaneysa maanta ay  ku fujiyaan dhisamyaasha uga dhisan wadada hareeraheeda kuwaasoo ay ku tilmaameen Sharci daro.

Wareegtada ay Xisbul-islaam ka soo saareen degmada Afgooye ayeey ku sheegeen in goobahaasi ay caqabad ku hayaan habsami u socodka ganacsiga degmada Afgooye iyagoo intaa ku daray in ay talaabo ka qaadi doonaan  cidii u hogaansami weysa amarkooda.

Amarkaan ayaa saameyn ku yeelan doona  ganacsata jeebka yar,

Shalay ayeey eheyd markii horjoogayaasha Al-shabaab ee magaalada Baydhabo ay ganacsatada yar yare e magaaladaasi ku soo rogeen amar kan la mid ah

iyagoo sheegay in amarka uu yahay mid khatar ku ah noloshooda maadama aysan haysanin goobo kale oo ay ku ganacsadan.

Comments (0)

Danjire America oo casho sharaf u sameeyay Xulka Qaranka Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Posted on 27 April 2010 by dadweyne

Danjiraha Somaliya u fadhiya Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa habeenkii xalay ahaa casho sharaf oo aad u qiimo badan u sameeyay Cayaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo dhawaan u soo gudbay  wareega labaad ee isreebreebka tartanka dhalinyaradda  qaaradda Africa ee CAF, kadib markii ay guul ka gaareen labadii kulan ee ay la yeesheen xulka Kenya.
xulka11

 Safiirka

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali America ayaa casho sharaf la qaatay cayaartoydaas iyo wafdigii ka socday xiriirka kubadda Cagta ee soomaaliya, isagoo ku qiimeeyay xulka guusha taariikhda leh ay ka soo hoyeen tartarkaas oo sanadka soo socda lagu qaban doono dalka Rwanda.

 Xulka3

Danjire Maxamed Cali America oo la hadlayay Cayaartoyda casho sharafta kadib ayaa waxaa uu sheegay in guushan ay tahay mid aysan ilaabi doonin dhamaan dadka soomaaliyed, isagoo caddeeyay in farxada guushaas maskaxdiisa si ballaaran ugu abuurantay maadama uu yiri waxay ahayd mid anaga oo dhan wada sugayay muddo dheer.

 

“Anigoo og dhibaatada dalkeena ka taagan tahay, xaalada Xulka Soomaaliya ku sugan yahay dhan walba waxay qiyaasi waayay farxada guushan”ayuu yiri Maxamed Cali America.

 

Casha sharaftaas loo sameeyay xulka Qaranka Soomaaliya dadiisu ka yartahay 17 sano jirka una soo baxay wareega 2aad ee isreebreebka tartanka dhalinyaradda  qaaradda Africa ee CAF, kadib markii ay guul ka gaareen xulka Kenya ayaa waxaa ka soo qeybgalay marti sharaf kala duwan xubno ka tirsan Dowladda KMG ah, Jaaliyadda Soomaalida ee Kenya, Cayaartoy hore u soo martay Xulka iyo xubno kale oo aad u fara badan ayaa lagu qabtay Hotelka Barakaat ee Magaalada Nairobi.
Safiirka2

 

Xubno ka tirsan Ganacsatada Soomaalida oo ay ka mid tahay haweenayda lagu magacabo Khadiijo Cosoble ayaa ka mid ahaa dadkii lagu casuumay xafladaas.

 

Tababaraha Xulka soomaaliya Mr Fare Yare oo ka hadlay munaasabadaas ayaa u mahad celiyay taageerayaasha kubadda Cagta ee Soomaaliya, gaar ahaan waxaa uu soo qaatay Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali America isagoo sheegay in Safiirka taageero ballaaran oo la ilaabi Karin u fidiyay Xulka.

 

Danjire Maxamed Cali America ayaa u sheegay Cayaartoyda Qaranka in aysan is dhigin oo ay sii laba laaban dadaalkooda ku aadan guusha, isagoo u ballan qaaday cayaarta soo socota ee Xulka Masar la yeelan doonaan taageero dhan walba leh, wuxuuna sheegay haddii xulka soomaaliya ay ka badiyaan Masar tababar loo geyn doono dal ka mid ah Qaaradda Yurub.
Xulka2

Comments (0)

Shabaab oo Xukun been ah fuliyay

Posted on 26 April 2010 by dadweyne

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in Al Shabaab ay maanta xukun dil ah ku fuliyeen nin la sheegay inuu hore dad u dilay laakiin aan la xaqiijin Karin sheegashada Shabab  

Warku, waxaa uu sheegay in ninkaas oo la oran jiray Maxamed Axmed Qaasim meel fagaare ah oo ka tirsan degaanka Dayniile rasaas lagu dilay kaddib markii sida la sheegay uu hore u dilay 3 qof, dembigaas oo la sheegay inuu isaguna qirtay balse ehelada ninkaas ayaa beeniyay warka shabaab.

Warku waxaa kaloo sheegay in nin isagana lagu magacaabo Shiine Abuukar Xersi lagu fuliyay xukun gacanta midigta lagaga jaray kaddib markii lagu eedeeyay in uu wax xaday.

Ma aha markii ugu horreysay ee Al Shabaab ay xukunno noocaas ah ay fuliyaan.

Comments (0)

Degmada Ceeldheer oo lagu arkay dagaalyahano ajanabi ah oo ka soo degay Doonyo

Posted on 26 April 2010 by dadweyne

Warar goordhaw naga soo gaaray degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka waaberigii Labo doonyo oo ku soo xirtay xeebta Ceeldheer ay ka soo degeen dagaalyahano ajanabi ah oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn halka ay ka yimaaden iyo dalalka ay u kala dhasheen.

 

Goobjooga ku sugan Ceeldheer oo aad loogu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyay dadweyne.com, in labadaas Doonyo dadkii ka soo degay lagu qiyaasi karo ilaa iyo 40 ajanabi ah isla markaana saldhig KMG ah ka dhigteen Saldhiga Booliska ee Degmada Ceeldheer.

 

Magaalada Ceeldheer ee Bariga Gobolka Galgaduud ayaa maalmo ka hor u gacan gashay kooxda mayalka adag ee Shabaab

 

Qabsashada Shabaab degaankaas ayaa warar kala duwan ka soo baxayeen maalmahan, wararka qaar ayaa sheegayay in ujeedada shabaab ee dgaankaas ula wareegen ay tahay in halkaas ay ka soo dejiyaan ajanabi al qaacida ah oo dhinaca Yeman ka yimid.

Comments (0)

Shabaabka oo afduubtay qoys ka kooban Afar ruux

Posted on 25 April 2010 by dadweyne

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay falkaan afduubka ah ee maleeshiyada Shabaaku ay gaysteen ayaa waxaa uu dhacay muddo Isbooc laga joogo, illaa hadana lama oga waxa ay rasmi ahaan ku sugan tahay xaaladda dadkaasi u gacan galay dablayda shabaab

Dadka ay qafaasheen Alshabaab ayaa waxaa ay dhamaantood ka soo jeedaan hal qoys, waxaana ay kala yihiin nin dhaqtar ah oo lagu magcaabo Dr. Xasan Cali Maxamuud oo loo yaqaan Caana Booro, labo wiil oo uu dhalay iyo wiil uu adeer u yahay.

Wararka ku saabsan sababta ka danbaysay afduubkooda ayaa sheegaya in markii hore uu salka ku hayay muran dhaqaale oo soo kala dhex galay mid ka mid ah ragga la afduubay iyo shaqsiyaad ka agdhaw kooxda Alshabaab horjoogayaal ka tirsan.

Afduubka dadkaan ayaa waxaa si gaar ah loola xiriirinayaa horjooge ku caanbaxay naxariis darro oo magaciisa lagu soo gaabiyay Mustaf Qoorgaab, kaas oo ka tirsan kooxda Alshabaab isaga gacantiisa ayaana dad ugu war dambaysay raga afduuban oo aan war iyo wacaal toona laga hayn muddo ka badan todobaad.

 

Aabaha isaga iyo caruurtiisa ay qafaaleen Alshabaab ayaa waxaa uu yahay shaqsi si wayn looga yaqaan degmada Huriwaa, oo uu muddo dheer ka mid ahaa waxgaradkeeda, goobo ganacsina ku lahaa, lagumana aqoon wax aan ahayn inuu ahaa nin jecel nabada iyo horumarka.

Comments (0)

Sh Aadan Madoobe oo sheegay in la dhameeyn doono Khilaafka ka oogan Barlamanka dhexdiisa

Posted on 24 April 2010 by dadweyne

Afhayeenka Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in uu rajeynayo in goor dhow la soo afjaro Khilaafaadka ka dhex jira Baarlamaanka Soomaaliya.

Sheekh Aaden Maxamed Nuur Madoobe, Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in guddoonka Baarlamanka uu yahay mid sharci ah islamarkaana uu haysto Kalsoonida Baarlamaanka oo waqtiga loogu kordhiyay Heshiiskii Jabuuti,waxa uuna tilmaamay in uu jiro Khilaaf hase ahaatee ay Madaxda Dowladda ugu sareeysa isku afgarteen in la xaliyo Khilaafaadka ka dhex jira Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo tibaaxay in ay jiraan Xildhibaanno soo jeediyay in Guddoonka waqtigu ka dhamaaday halka qaar kalena ay qabaan in ay Xukuumaddu kalsooni soo weydiisato Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shekh Aaden Madoobe ayaa dhinaca kale qaar ka mid ah Saxaafadda ku dhaliilay inay ka qeyb qaateen Hurinta Khilaafaadka isagoo ugu baaqay Saxafiyiinta in ay ka qeyb qaataan Horumkarinta iyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhanka kale tilmaamay  in Maalmaha soo socda ay Xildhibaannadu ku shiri doonaan Xarunta Golaha Shacbiga Soomaaliyeed, isagoo xusay in uu rajo wanaagsan ka qabo in la soo gebagebeeyo Khilaafaadka ka dhex jira Baarlamanaka ka hor inta aysan bilaaban Fadhiyada Baarlamaanka Soomaaliya.

Hadalkan uu jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa imaanaya Xilli Maalmihii ugu dambeeyay ay soo ifbaxayeen Khilaafaad  ka dhex jira Baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo salka ku haya jiritaanka Guddoonka Baarlamaanka oo ay Xildhibaannadu qaarkood aaminsanyihiin in uu dhamaaday halka qaar kalena ay qabaan inuu Sharci yahay jiritaanka Guddoonka Baarlamanka Soomaaliya

Comments (0)

Shabaabka oo si xun ula dhaqma beeralayda Shabeelaha hoose iyo jubbooyinka

Posted on 24 April 2010 by dadweyne

Wasiirka wasaarada Beeraha ee xukuumada KMG ah Soomaliya Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa sheegay in ay dhibaatooyin badan ku qabaan Beeralayda Soomaaliya maleeshiyada kooxda  Shabaab iyo dagaalyahano ajanabi ah oo dhibaatooyin kala duwan ka geysanaya dalka soomaaliya.

Xaabsade ayaa sheegay in Beeralayda Gobolada Shabeelaha hoose,Shebeelaha dhexe iyo Jubooyinka ay maleeshiyaadkaasi cadaadis ku saaraan waxyaabo aaney awoodin  islamarkaana ay ka qaadaan lacago xad dhaaf ah taas oo uu tilmaamay wasiirku in ay tahay mid ay ku caanbaxeen maleeshiyadaasi shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xitaa qalabka beeralaydaasi ay isticmaalaan ay ku bixiyaan lacago ay siiyaan maleeshiyadkaasi  iyo in qayb ka mid ah Beerahooda ay isticmaalaan rag ka tirsan Shabaab hadana ay u sii dheer tahay lacago sharci daro ah oo laga qaado, isagoona hoosta ka xariiqay in Wasaarada Beeraha ay arinkaasi ka warqabto hasa ahaatee loo bahanyahay in Beeralayda Soomaaliyeed ay sabraan waqti dhowna ay ka bixidoonaan dhibaatadaasi.

Maleeshiyaadkaasi  oo aan marnaba ka gaban daadinta dhiiga dadka iyo dhaca hantida shacabka Soomaaliyeed ay ku faanaan in deegaanada ay ka taliyaan aan dadka lagu dhicin, hasa ahaatee goobaha ay ku suganyihiin ay ka dhacaan dhacdooyin naxdin leh oo ay ka mid tahay gowrac.dhac iyo boob oo ay kula dhaqaaqaan shacabka Soomaaliyeed

Comments (0)

Shan ka mid ah Shaqaalihii Fuundiyaasha dayactiray Gurigii Umada oo la gowracay

Posted on 22 April 2010 by dadweyne

Dadka ku dhaqan degmada Yaaqshiid ayaa saaka arkay meydka shan ruux oo la gowracay, kuwaasoo la soo dhigay meel u dhow Qabuuraha Barakaat ee Jidka Warshadaha ee magaalada muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka dadkan ayaa ka mid ahaa shaqaalaha loo yaqaano Fuundiga, kuwaasoo dayactiray Gurigii Umada oo lagu wado in ay xarun u noqoto Baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay in dadkan la gowracay shalay gelinkii dambe, kuwaasoo hal god la isugu geeyay, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ay arkeen lugahooda oo ka muuqda godka.

Waxaa la aaminsan yahay oo hubaal ah in dalka raggan ay fuliyeen koox ka tirsan shabaab oo qaabilsan dilalka noocaan oo kale ah.

Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku aadan dilkan wadarta ah ee lagu fuliyay raggii dayactiray xaruntii Golaha Shacabka oo kalfadhi ugu furmi doono maalmaha soo socda Baarlamaanka Soomaaliya

Comments (0)

Aadan Madoobe “Xildhibaanada waxay ku doodayaan waa sharci daro, aniga xilkeyga ma dhamaan”

Posted on 21 April 2010 by dadweyne

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa mar kale ku dooday in sharci ay tahay Kursiga uu ku fadhiyo ee Gudoonka Baarlamaanka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in sharci daro ay tahay hadalada ka soo yeeraya Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku aadan inuu dhamaaday waqtigiia, waxaana uu carabka ku dhiftay in aanay taasi waxba ka jirin.

Waxaa uu sheegay in aanu waqtigiisa dhamaan, isla markaana uu wali yahay Gudoomiyaha sharciga ee Baarlamaanka, isagoo ku eedeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay doonayaan in ay bur buriyaan qaranka Soomaaliyed.

Mar wax laga weydiiyay hadii xilkiisa loo arko in ay maslaxada Umada ku jirto inuu ka dago, ayuu sheegay in taasi uu diyaar u yahay, isla markaana uu isago sharciga dhowrayo sida uu hadalka u dhigay.

Aadan Madoobe ayaa sheegay in aanay dib u dhici doonin Kalfadhiga Baarlamaanka ee maalinta berrito ah, waxaana uu si cad u sheegay in Kulanka Baarlamaanka uu berri ka furmi doono Xarunta Golaha Shacabka.

Guuxa weyn ee ku dhex jira Baarlamaanka ayaa ku wajahan jiritaanka Gudoonka Baarlamaanka, iyadoo uu cirka isku shareerayo is qab qabsiga u dhaxeeya Xildhibaanada Baarlamaanka

Comments (0)

Mid ka mid ah Maleeshiyada shabaab oo diiday inuu Aabihiisa oo dhintay lagu tukado

Posted on 21 April 2010 by dadweyne

Khawaarij ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab ayaa wuxuu ku dhintey aabbihiis Shalay Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.

Odeyga dhintey ee Khawaarijta Abbihiisa ah ayaa lagu magacaabi jirey Xassan Nuur Galaal, markii Aaskiisa loo dhaqaaqey ayaa waxaa loo yeerey wiil uu dhalay oo joogey Magaalada Kismaayo oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab.

Wiilka oo lagu magacaabo Maxammed ayaa diidey in uu ka qayb-galo aaska iyo Janaasada Abbihiis Xassan Nuur, markii la waydiiyey sababta uu ugu qayb gali waayeyna wuxuu sheegey in uu aabbihiis iyo isagu aysan isku diin ahayn.

Khawaarijkaan ayaa aamisanaa in uu aabbihiis gaal ahaa maaddaama uusan ahayn Al-shabaab. Odeyga wiil kale oo uu dhalay oo wax laga waydiiyey Khawaarijka lagu magacaabo Maxammed, ayaa waxay sheegeen in horey cidda oo dhan u gooyey.

Abbihiis iyo hooyadiis oo soo koriyey waxna barey ayuu ola yimid diin kale isagoo ku yiri “hooyo iyo aabbe islaama, haddana is-guursada, guurkiinnii hore xalaal ma ahayne”, taas oo aad uga yaabisay Odeygii iyo Habartii iyo dhammaan carruurtii ay dhaleen.

Markii odeygii iyo habartii ay ka diideen ayuu wuxuu ku yiri “Beri ayaan idin ka ahay”, wuxuuna bilaabay in uu gebi ahaamba xiriirkii u jaro.

Arrintaan oo ugub ku ah dadka Reer Kismaayo ayaa waxay noqotey arrin lala yaabo, waxayna dadku qireen in ay Khawaarijtu Diin kale oo cusub waddo

Comments (0)

Xildhibaanad Aamino Maxamed Mursal ayaa sheegtay in ay tahay musharaxa Afhayeenka Baarlamaanka Somaliya

Posted on 20 April 2010 by dadweyne

Mid ka mid ah Haweenka ku jira Baarlamaanka KMG ah ee Somaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay tahay musharaxa jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska iyo Xildhibaanad Aamino Mursal

Xildhibaanad Aamino Maxamed Mursal, oo dhawaan safar kaga soo laabtay dalka Liibiya ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in tixgelin gaar ah la siiyo haweenka Soomaalida maadama muddo badan haweenka xuquuqda ay u lahaayeen hoggaaminta dalka laga hortaagana.

 

“Waxaan ahay Musharaxa jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka, ujeedada aan isugu soo taagay tartanka guddoonka Baarlamaanka waxaa waaye in kor loo qaado awooda dumarka”ayay tiri Xildhibaanad Aamino Maxamed Mursal.

 

iyadoo ka hadlaysay aragtida beesha Caalamka ee ah in haweenka laga qeybgeliyo hoggaanka Siyaasadda dalka ayaa waxay sheegtay in beesha Caalamka looga baahan yahay in ay taageeran qorshaheeda ah in ay tahay musharaxa jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Waxay xustay in dumarka soomaalida ay yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatada ka soo gaaray hogaan la’aanta dalka la degtay.

Mar wax laga weydiiyay in ay taageero ku helayso Xubnaha Baarlamaanka ayaa waxay sheegtay in ay ku kalsoon tahay xubnaha Baarlamaanka soomaaliya waxayna kula talisay in markan la tijaabo dumarka.

Aamino, oo la soo kulantay hoggaamiyaha Liibiya, ayaa sheegtay in ay uga mahad celinayso doorka Hoggaamiyaha Liibiya Col

Waxay ka codsatay hoggaamiyaha Liibiya inuu gacan ka siiyo dadaalka ay uga jirto in ay ku guuleysato hogaaminta Guddoonka Baarlamaanka.

 

Xildhibaanad Aamino Maxamed Mursal waxay ka mid tahay xubnaha ugu muhiimsan haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ka dhex muuqda,waxayna Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska ka soo noqotay Xukuumaddii uu madaxda ka ahaa Prof Cali Maxamed Geeddi.

Mucamar al Qadaafi siiyay haweenka,isagoo ku tilmaantay in Qadaafi si weyn u taageeray haweenka iyo caruurta qaarada Afrika.

Comments (0)

Shabaabka oo jab weyn ka soo gaaray dagaalo ka socda degaanka Messega-way

Posted on 20 April 2010 by dadweyne

Wararka ka imaanaya Deegaanada Galcad iyo Messega-way oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalo ay ka qarxeen, kadib markii deegaanadaas ay gudaha u soo galeen maleeshiyada  Alshabaab.

Sida ay wararku sheegayaan dagaaladan oo goor dhow bilowday ayaa ka dambeeyay markii Shabaab oo ka soo duulay dhinaca Sh/Dhexe ay galeen deegaanadaas, waxaana saaka lagala hortagayu iska caabin adag.

Wararka laga helayo Deegaanka Messega-way ayaa sheegaya in rasaas culus ay ka dhaxeyso nawaaxiga deegaankaas, waxaana soo rogaal celiyay Ciidamada Ahlu Sunah oo deegaanka ku sugnaa, kuwaasoo sida la sheegay isaga baxay markii Shabaab soo galeen deegaanka.

Dagaalka oo xowli ku socda ayaa la soo sheegayaa in la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dadkii deegaanka ay bilaabeen in ay isaga qaxaan, iyagoo ka baqdin qaba in ay ku waxyeeloobaan dagaalka.

Haweeney ka mid aheyd dadka deegaanka oo caruurteeda kala carartay ayaa sheegay in deegaanka Galcad aanu wax dagaal ah ka jirin, hase ahaatee meel u dhow Messega-way, taasoo muujineysa in Shabaab laga soo saaray.

Muddo haatan laga joogo 10-bilood ayaa dagaalo lagu hoobtay ka dhacay deegaanka Galcad, waxaana dagaalkaas ahaa mid Shabaab jab culus lagu gaarsiiyay

Comments (0)

Warqad ku socota Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee u nool Dalka Dibaddisa

Posted on 20 April 2010 by dadweyne

United Nations Political Office for Somalia (UNPOS)

 

Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimmaha Siyaasada Soomaaliya

(UNPOS)

Warqad ku socota Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee u nool Dalka Dibaddisa.

(war. Number 24)

 

Nairobi, 19 April 2010

Asalamu calykum

Igagudoma Salan diran

1. Intabadan xilliga guga oo aan filayo in uu ka dhacaayo inta badan dalaka aad degan-tihiin, ayaa la imaanaaya inta badan rejo ku saabsan mustaqbalka. Waxaan rajeynayaa in warbixinteydan joogtada ah ee aan siinayo qurba joogta Soomaliyeed in ay dhamaantiin idiin xasuusin doonto aayaha wadankiina iyo halka uu ku socdo maadaama ay jirto xoogaa hormar ah.

2. Hirgelinta heshiiska dowlada ay la gashay Ahlu suna waljameca, 15 Marso ayaa weli socda. Kulamo ay wada leeyihiin dhamaan dhinacyada arrintu ay khuseyso ayaa ka socda Muqdisho, ayadoo dooddu kus aleysan tahay sidii arrimmaha nabadgelyada horay loogu dhaqaajin lahaa iyo sidii la isugu dhafi lahaa ciidamada Ahlusuna waljameca {Qiyaas laba kun 2000} iyo kuwas TFG iyo sidii layskaga kaashan lahaa dhinaca dowladnimada.

3. Sidaan idiin sheegay bishii hore, arrintani waa tallaabo aad u wanaagsan oo horay loo  qaaday, dadka Soomaaliyeedna waa in ay codsadaan hirgelinteeda sida ugu dhakhso badan. Heshiiskani waa talaabo looga soo guuraayo sideey arrimuhu horay u ahaan jireen taas oo ay kamid tahay {in qolo guuleysato qolane la jabiyo} hadda arintu sidaa ma ahan.

Go’anka Ahlu sunna waljameca ay ugu soo biirtay Dowladda KMG  ahi waa tallaabo ku dhisan wadaninimo, huwana sharaf, waana talaabo rajo galineysa dadweynaha caadiga ah. Arrimuhu way isbedelayaan, Kuwa doonaya in ay sii wadaan qaska, ma heli doonan cudur daar kumana gaban karaan dagalka iyo qaska ay qadaan.

4. Mar labad waxaan rajeynayaa in heshiiska Ahlu suna uu yahay tusaalo dhab ah oo la raaci karo dadka Somaliyeedna looga baahan yahay in eey soo raacaan geedi socodka nabadda. Arintani waxa ay gacan ka geysaneysaa wax ka qabashada arrimaha aasaasiga ah ee jira, sida walalaha Putland iyo Somaliland ay hada sameynayaan.

Labadaas meel waxaa ka jira hormar muuqda oo ay gaareen ayaga uun kaligood.

Dowlada fedaralka KMG iyo mamulka Putland waxa ay saxiixdeen heshiis 12, April, si ay isu waafajiyaan heshiis ay horay ugu wada gareen labada dhinac Magaalada Galkacyo 23.Agusto. Nuxur ahaan heshiisku wuxuu ku waajibinayaa labada dhinac in ay la dagalaman burcad badeeda, kuna soo celiyaan sharcigga iyo kala dambeenta berriga iyo badaba, arintaas oo wax tar weyn uleh dhinacyada bulshada, dhaqaalaha, iyo deegaanka, wax tarkaas oo ay ka mid tahay sugusta amniga iyo abuuritaanka shaqo.

5. Somaliland, gudomiyaasha axsaabta halkaasi kaj ira waxeey wada saxiixdeen habka ay u wada shaqeyn lahaayeen, dhamaan axsaabta jirtana waxeey ballan qaadeen in ay u Hogaansanaan doonaan heshiiskaasi ay wada saxiixdeen, waxaa isbuuca labaad ee May, 2010 bilaaban doonta bixinta kaararkii lagu codeyn lahaa. Reer Soomalilad waxa ay wali mudnaan siinayaan wadaxaajood iyo wadahadal, waxayna ka fogaanayaan qas iyo xasilooni darro.

6. Dhinaca amniga, waxaa la rajeynayaa in kun askari tababarkodu uu ka bilawdo Ugandha bisha May, waxaana Kharashka bixinayo Uruka Midawga Yurub.

Tababarkana waxa uu fursad u yahay isku dhafista qaar kamid ah ciidamada Ahllu suna waljameca iyo kuwa Dowladda. Waxa kale ee deeganada qaar u ogalaanaya in ay ciidamadooda ku dhinac tababartaan kuwa dowladda. Tababarida ciidamada nabad sugida marhore ayaa lagu qabtay wadamada dariska ah ee IGAD.

Ciidamada aminiga Soomaliyeed tiradooda ilaa iyo hada wax ay gaareysaa toban kun, 10,000. Boliskuna waxa ay tiradooda gaaridoonta ilaa iyo bisha 1 July 7000 todobo kun.

Dhab ahaantii arimahaan waa tilaabo wanaagsan, dowladuna waa in si dhab ah oo deg deg ay kaalmo uga heshaa bulshada calamka, si gacan looga geysto qalabaynta ciidamadaan, mushaarkoodana loo bixiyo xilliga kummel gaarka ah.

7. Habkii qoritanka dasturkuna wuxuu marayaa heer wanaagsan. Tababar aqoon kororsi ah ayaa loo furay guddigii madaxa banaanaa ee qoritaanka Dasturka, wuxuuna tababarka ka dhacay Jabuti inta udhaxeysay 4 ilaa iyo 23Marso2010.

Waxeeyna ka qeyb galayaashii ku heshiiyeen arrimo la taaban karo oo horay loogu dhigayo qoritaanka Dasturka. Tiradda Gudigga arrimaha Dasturka waxaa laga dhigay 30, horayna waxay u aheed 15 xunood. Wuxuuna ku heshiiyay sida uu noqonayo qaab dhismeedka Gudiga Madaxa banan ee Arrimaha Faderalka Soomaliya. Xubno ka mid ah Guddiga Barlamaanka u qaabilsan arrimaha Dasturka iyo Gudiga madaxa banan ee qoritaanka dastuurka ayaa wada dhisay guddi wada jir ah oo dabagal ku sameeya habkii labada dhinac u wada shaqeyn lahaayeen. Waxeyna ku wada heshiiyeey qorsho howleed mideysan, sida xeeladii arrimohooda ugu gudbin lahaayeen warbaahinta dadweynahana la tashi ula sameyn lahaayeen. Qoralka hordhaca ah ee dasturka waxaa la rajaynayaa in uu diyaar noqdo 1 July 2010, malintaas oo ku beeganaan doonto kontan guuradii madax banaanida ummadda Soomaliyeed!.

Dhab ahaantii, sannada 2010 waxa Uruka Midawga Africa u aqonsaday sannadii Nabdda, waana sannadii qaarada Africa, maadaama labaatan 20 wadan oo ka mid ah Africa ay u dabaal dagaayaan sannad guuradoodii kontonaad ee madax banaanidooda. Waxaana ka mid ah wadamadaasi Beniin, Burkinafaso, Kamaroon, Ivory Cost, Madakskar, Mali, Nayjeriya, Senegal, Iyo Suddan. Inta badan wadamadani wali halgan ayeey kuj iraan waana wadamo hormar sameynayo. Soomaliyana sidoo kale ayeey noqon kartaa. Waana sidaas sida aan marwalbo aan bulshada caalamku oogu celcelinayo in ayna arrimaha Soomaliya ay gacmaha kal aabanin in kastoo hadalkani uu noqday mid soo noqnoqday.

8. Dhab ahaantii waxaa la qaban doonaa Shirka kooxda la xariirka caalamiga ah ee Somaliya, wuxuuna ka dhici doonaa Qahira inta udhaxeysa 21 illa iyo 22April

2010. Bulshada caalamka waxaa halkaas ka joogi doona afartan dal ,taas oo mujinaysa taageerada ay bulshada caalamku u hayso Somaliya. Shirka waxaa marti galiyay uruka Jamacada Carabta, waana fursad labaad oo lagu eegayo waxii hormar ah ee Soomaliya laga sameeyay, waxeyna ku heshiin doonaan sidii horay loogu sii durjin lahaa geedi socodka nabada ee Soomaliya.

Aniga, dabcan, waxaan idiinka siin doonaa warbixin tafaftiran shirkaan markuu dhamaado.

9. Waxaan kaloo jeclahay in aan wax kasheego “weerarkii” sida guud loo hadal haayay. Dowladu in muda ahba diyaar garoow weerar ayeey kuj irtay si wax looga qabto arrimaha amniga ee caasimada. Weerarkani wuxuu ka koobnaa seddax arimood: dhinaca siyaasada, Aminiga, Dhaqalaha ama Shaqa abuurista. Sidaasi darteed weerarkii mar hore ayuu bilaawday si is ku mar ah ayadoo tilaabo laga qaadayo sadaxda waji ee aan soo shegnay. Heshiiska lala-galay Ahllu sunna Waljameca wuxuu balaarinayaa salka Dowladda: wuxuuna xambaarsan yahay isku dhafis iyo tababarid ciidamo Soomaliyeed waxaana kaalin weyn ka ciyaarayo Uruka Midawga Yurub, Qaramada Midobay iyo Uruka Midawga Africa waana uu socdaa. ugu danbeyntii arrinta laxariirta shaqa abuurista, dibu dhiska kaabayasha dhaqaalaha iyo horomarinta shirkadaha gaarka, waa arrimo ka mid abuurayo shaqo waana qayb ka mid ah weerarkii dowladdu ay mudoyinkaan ba sheegeysay.

10. Ilaa iyo hadda, waxaan idiin soo koobay dhowr arrimood oo wax tar ama wax dhisid leh. Lakiinse talaabadii ugu dambeysay ee ay qaadeen kooxaha xag jirka ah ee ay ku amreen 14 Raadiyo ee ka jira Muqdisho in ay joojiyeen ciyaarta muusikada ama ay la kulmayaa ciqaab, ma aha arrin la yaraysan karo. In loo caga jugleeyo lana handado dadweynaha iyo warbaahuntu iyo hayadaha kaalmada bixiyo, waa meel ka dhac aan waafaqsaneen dhaqnaka Soomaaliyeed, waana gef loo geysanayo xuquuqda aasaasiga ah ee bini adamka, Soomaali waxaa lagu yaqaanaa laguna amaanaa in ay yihiin dad ay ku weyn tahay muusikada, gabayada iyo riwaayadahaba. Intaas waxaa dheer majaajilooyinka laga baahiyo raadiyaha ayaa ah hab loogu sheego ummada Soomaaliyeed waxyaabaha ka dhacaayo wadankooda. Waa cadaadiskale in ummada Soomaaliyeed lo diido ogaansha wax yaabaha kadhacaayo hareerahooda.

11. Waxaan doonayaa in aan wax ka iraahdo dooda aan loo baahneen ee ka socota barlamaanka dhexdiisa. Doodaasi waxa ay ka leexinaysaa Dowladda, Barlamanka, iyo madaxduba in ay wax ka qabtaan arrimaha muhiimka ah iyo masuuliyada saaranba. Haddaba, waa in wakhtiga qaaliga ah ee madaxda lagu khasaarinin wax aan waxtar laheyn. Waxaan rajeynaya in arirmahaan wax tarka leh ee socdo ay baabi’in doonaan kuwa sida xun u dhaqma ee doonaya in ummada Soomaliyeed dhibaatada ku sii jirto. Waxaan dhamaanteen wada ogsoonahay in ay waddo dheer nasugeyso lakiinse aan ku heeyno qalbiga arrimaha sidii aan horay ugu riixi laheeyn.

Walaalkina
Walad

Ahmedou Ould- Abdalla

Comments (0)

Shabab Leaders are from Somaliland

Posted on 19 April 2010 by dadweyne

As far as The Southern Somalis are concerned, the people who are destroying Somali are from The Break away republic OF Somaliland who wants to entertain international recognition. Perhaps the Southern Somalia´s woes and wars; are the efforts of people from Somaliland who want to achieve international recognition for Somaliland. There has been no time for political settlement in the south, rehabilitation or reconstruction. The- population from southern Somalia have scattered around the world and Most do not know where their loved ones are and whether they are still living or dead. They live in fear under a heavy Shabab military presence, led Axmed Cabdi Goodane, also known as Moktar Ali Zubeyr Godane the Amir of Shabab who is from Somaliland. according

Ahmed Abdi Ow Mohamud Godane was born in Hargeisa, the capital of Somaliland 10 July 1977. • He is from Arab sub-clan in Isaq clan, one of the dominant clan in northern Somalia . • He had received a scholarship in Pakistan funded by Saudi blind millionaires. • He used to visit in Afghanistan during holidays

In 2001, physically tin, Godane returned to Hargeisa, Somaliland . He began preaching in Abu-Bashir mosque in central Hargeisa between 2002 and 2003.

He was working for Ex-Barakat Telesom, Somaliland .

Later Godane left from Somaliland follwing a row with some of his group over a large amount of money they roped from an Ethiopian businessman and then come to southern Somalia. Godane and Afkhani both had trainings in Afghanistan and made friends in southern Somalia where they diverted their mission and doubled it.

When the Islamic Courts Union came to power in southern Somalia in 2006 Mr. Godane who gave himself the name ´Abu-Zubeyr became the general secretary for ICU.

During the start of the war with Ethiopia late 2006, Godane got wounded and flown to Sudan for medical treatment. • He was brought back in southern Somalia February 2007 where he continued his terror mission.

In southern Somalia, People suffer a continued armed Shabab presence, and daily human rights violations that are perpetrated with impunity and with no independent investigation of these crimes.

According to reliable sources, then the former business man and man with money coming from Somali land is definitely the evil in southern Somalia. But should the Somali Landers covertly be backing him as their candidate to insatiability in Southern Somalia? Which I don’t think so; he is implicated in war crimes and crimes against humanity. These men and many other Somalilanders in Shabab ranks were largely responsible for the instability of the South Somalia and kin and for the destruction of Somalia.

They should be brought to court to answer for their crimes and, given that, I believe it is morally and ethically impossible to throw one’s monetary or material support behind either of these criminals from Northern Somalia.

Southern Somali have always been at warlord sponsored wars. However this war is different and it has to be one that is getting monetary and material support from Northern Somalia and other State sponsors. The international community should monitor this situation closely.

Mahdi Haile
E-mail: somalisolutions@gmail.com

Comments (0)

Shabaab iyo Al qaacida oo qabsaday degaanka Ceelbarde

Posted on 19 April 2010 by dadweyne

Wararka inaga soo gaaraya degmada Ceel Berde ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in magaaladaasi ay saaka aroortii la wareegtay kooxda Alshabab oo ay la socdaan dagaalyahano al qaacida ah

Degmada Ceel Berde oo u dhaw xadka Soomaaliya iyo Ithoobiya ayaa waxa horey gacanta ugu hayay malliishiya taabacsan maamulladii hore ee gobollada Bay iyo Bakool.

Ma jiro wax dagaal ah oo ka dhacay magaalada, maaddaama malliishiyadii hore u joogtay ay ka baxeen ka hor inta aan weerarku soo gaarin.

Qabsashada Shabaab iyo Al qaacida degaanka Ceelbarde waxaa uu qalqal gelinayaa amaanka xadka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.

Comments (0)

Wakiilka Ahlu Sunah Gobolka Banaadir oo sheegay in gacanta ku dhigi doonaan Degmooyinka Banaadir

Posted on 19 April 2010 by dadweyne

Wakiilka Culumaa’udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah u magacaabeen Gobolka Banaadir Sheekh C/qaadir Macalin Nuur ayaa sheegay in tallaabada ugu horeysay ee ay qaadi doonaan ay tahay sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Degmooyinka Banaadir.

Sheekh C/qaadir ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay sidii abaabul dagaal uga bilaabi lahaayeen Caasimada, isagoo xusay in dagaaladii Gobolada dhexe ay u soo wareejin doonaan Magaalada Muqdisho.

“Nimankaan Khawaarijinta waxay yihiin kuwo Diinta ka been sheegaya, waxaana ku dadaali doonaa inaan Degmooyinka Banaadir ka xoreyno, dadkana aan ka dulqaadno culeyska heysta”ayuu yiri Sheekh C/qaadir Macalin Nuur.

Waxaa uu ugu baaqay Dowladda KMG in ay iska kaashadaan sidii ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen Shabaab iyo Xisbul Islaam, waxaana uu xusay in dhinacooda diyaariyeen Ciidamo.

“Dhinaceena waxaan diyaarinay Ciidamadii howl geli lahaa, dhowaana waxaa weerari doonaan meel walba oo ay Muqdisho ka joogaan”ayuu hadalkiisa ku sii daray Ina Macalin Nuur Maxaa Siyaad oo aabihiisa ahaa Caalim aad loo yaqaano.

Qorshaha Ahlu Sunah ku dooneyso in ay dalka oo dhan kula wareegto ayaa ah mid ugub ah, waxaana haatan jira heshiis is faham oo u dhaxeeya iyaga iyo Dowladda KMG, waxaana Ahlu Sunah horay uga guuleysteen in ay la wareegaan deegaanada Gobolada Dhexe.

Maamulka Ahlu Sunah u magacaabeen Gobolka Banaadir ayaa ah maamulkii afaraad oo dhinacyada siyaasada isku haaya ay u wada magacaabaan Caasimada Soomaaliya oo haatan ah meesha kaliya oo hardanka siyaasadeed ka socdo

Comments (0)

Maleeshiyada Shabaab oo bilowday dhaca Gaadiidka ay leeyihiin dadka ka soo jeeda G/SH/Dhexe

Posted on 18 April 2010 by dadweyne

Maleeshiyada Shabaab ayaa bilowday dhac ay ugeysanayaan gaadiidka ay leeyihiin dadka ka soo jeeda Gobolka Shabeellada dhexe kuwaas oo dhawaan bilaabay in ay kacdoon kala hor yimaadan Shabaabka iyo Al qaacidada haysata Gobolkooda.

Maleeshiyada ayaa dhac u geeystay gaadiid Rakaab ah oo ku sii jeeday deegaanada Raage Ceelle iyo Ceelbacad oo ka wada tirsan Gobolka Shabeellada dhexe,halka ay sidoo kale dhac u geeysteen gaadiid kale oo rakaab ah oo siday Arri,kuwaas oo ku soo jeeday M/muqdisho kana yimid deeganadaasi waxaana la xaqiijiyay in gaadiid kale ay kala baxeen Garaashyo ku yaalla Magaalada Muqdsiho.

Xildhibaan C/llaahi Axmed Garuun oo ka mid ah Mudanayaasha ka soo jeedda Gobolka Shabeelada dhexe ,ayaa sheegay in maleeshiyada Shabaab ay baneeysanayaan dhaca hantida dadka ka soo jeeda Gobolkaasi, kadib markii ay dareemeen in dadku ay bilaabeen kacdoonno ka dhan ah kooxdaasi,wuxuuna xildhibaanku xusay in dadku ay sii kordhindoonaan dhaqdhaqaaqyada ay isaga caabinayaan kooxahan uu ku tilmaamay dad qalato u adeegta dano dad shisheeye.

Comments (0)

Maleeshiyada Xisbul Islaam oo gabar 18 jir ah ka afduubtay xaflad aroos.

Posted on 17 April 2010 by dadweyne

Maleeeshiyada Xisbul islaam ee hoggaamiyaha wadaadka inta badan noloshiisa ku qaatay Ak47 Sh Xasan Dahir Aweys ayaa gabar 18 jir ah ka afduubtay xaflad aroos ah oo ka dhaceysay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose.

Sida ay sheegayan wararka shalay gelinkii dambe ayaa maleeshiyo ka tirsan kooxda Xisbul Islaam oo ku hubeeysnaa qoryaha fudfudud waxa ay soo weerareen xaflad aroos ah oo ka dhaceeysay xaafadda 21-ka Oktoobar ee degmada Afgooye,waxeeyna halkaasi ka kaxeeysteen gabar 18 jir ah oo ka mid ahayd dadkii xafladaasi ka qeybgalayay.

Gabadhaasi ayaa ka tagtay Magalaada Muqdisho waxayna Afgooye u tagtay ka qeybgalka xafladda Arooska,waxaana maleeshiyadaasi oo afafka u duubnaayeen ay rasaas ku fureen goobtii xafladu ka dhaceysay.

Maleeshiyadaasi ayaa la sheegay in ay jirdil xoog leh u geeysteen haweeneey uur leh oo isku dayday in ay gabadha ka badbaadiso Maleeshiyaadka,waxana buuq iyo jahawareer uu hareeyay goobtii xaflada, kadib markii Maleeshiyaadku ay rasaas ku fureen.

Maleeshiyadan ayaa la sheegay in ay gabadha ku eedeeyeen in ay la shaqeeyso dowlada KMG ah. lamana oga ilaa iyo haatan halka ay u kaxeeysteen gabadhaasi, waxaana xiligaan welwel iyo cabsi xoog leh ay soo wajahday gabdhaha ku dhaqan degmada Afgooye,kuwaas oo ka cabsi qaba in ay iska kaxeeystaan maleeshiyaadka afka soo duubtay.

Comments (1)

Sawirro Xaaladda Muqdisho

Posted on 17 April 2010 by dadweyne

Sawirada Xaaladda Barakacayaasha, Waxbarashada iyo qeybaha kale ee Nolosha Magaalada Muqdisho,waana sawiro muujinaya xaalada dhabta ah ee Caasimadda soomaaliya

barakacay 10

barakacay 9

barakacay 8

barakacay 7

barakacay 5

barakacay 6

barakacay 4

barakacay 3

barakacay

barakacay 2

Comments (0)

In kabad an 80 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa ugu baaqay xildhibaanada dib u dhigaan Mooshinada ku wajahan Gudoonka Baarlamaanka iyo Xukumadda

Posted on 16 April 2010 by dadweyne

Mudanayaashan oo isku magacaabay Guddiga Mideynt iyo Badbaadinta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Shir ay maanta ku qabteen Magaalada Muqdisho ku sheegay in qorshahooda uu yahay sida xal waara  looga gaari lahaa is jiid jiidka ka jira baarlmaanka gudahiisa si loo badbaadiyo Mirihii ka soo baxay heshiiskii Jabuuti.

Xidhibaan Cabdu-Khaalaq Cabdulaahi Xamza ayaa shirka ka  aqriyay baaq ka kooban dhowr qodab oo ay soo saareen.

Xildhibaan C/Raaxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) oo gudoomiye u ah  Guddigaaan la magacbaxay Guddiga  Mideynt iyo Badbaadinta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in hadafkooda uu yahay midnimada  baarlamaanka si looga fogaado waxyaabihii curyaamiyay dowladii tan ka horeysay

Xidhibaan Xuseen Caraale Cadaan oo ka mid ah xubnaha shirka maanta soo qaban qaabiyay ayaa ka waramay rajada ay ka qabaan xal kagaarista Khilaafaadyada baarlamaanka u dhaxeeya .

Maxamed Mire Cabdi oo kamid xildhibaanada shirka ka qeybgalay  ayaa qaba in xalka uu ku jiro in dib loo soo celiyo fadhiyadii baarlaamanka si mudanayaasha ay u soo bandhigaan fikradaha ay kala aaminsanyihiin.

Baaqa xildhibaanada ayaa ku soo beegmaya xilli uu wali jiro qilaafka mudanayaasha baarlamaanka oo qaarkood  ay qabaan inuu waqtiga ka idlaaday Guddoonka baarlamaanka sidaa darteedana ay tahay in doorasho la qabto halka  qaarka kalane  arintaa ka soo horjeeda oo iyaguna aaminsan in cida waqtiga ka dhacay ay tahay Xukumada

Comments (0)

US Admiral: military ships can’t stop Somali piracy

Posted on 16 April 2010 by dadweyne

Commercial ships traversing the Gulf of Aden and the Indian Ocean should be armed to defend themselves against marauding Somali pirates because international warships can’t do the whole job and won’t be there forever, a top U.S. Navy admiral said on Thursday.
250px-ADM_Mark_Fitzgerald

Seaborne gangs of pirates have stepped up hijack attacks on vessels in recent months, making tens of millions of dollars in ransoms by seizing ships, including tankers, despite the presence of dozens of foreign naval vessels.

“We could put a World War Two fleet of ships out there and we still wouldn’t be able to cover the whole ocean,” said Admiral Mark Fitzgerald, commander of U.S. Naval Forces, Europe and Africa, citing attacks from the Gulf of Aden and the Mozambique Channel to off the coast of India.

Overwhelmed by the scope of the maritime problem, the United States has called for a greater international-led focus on going after the pirate money trail

Commercial ships traversing the Gulf of Aden and the Indian Ocean should be armed to defend themselves against marauding Somali pirates because international warships can’t do the whole job and won’t be there forever, a top U.S. Navy admiral said on Thursday. 

Seaborne gangs of pirates have stepped up hijack attacks on vessels in recent months, making tens of millions of dollars in ransoms by seizing ships, including tankers, despite the presence of dozens of foreign naval vessels.

 

“We could put a World War Two fleet of ships out there and we still wouldn’t be able to cover the whole ocean,” said Admiral Mark Fitzgerald, commander of U.S. Naval Forces, Europe and Africa, citing attacks from the Gulf of Aden and the Mozambique Channel to off the coast of India.

 

Overwhelmed by the scope of the maritime problem, the United States has called for a greater international-led focus on going after the pirate money trail

Underscoring the financial impact of piracy, Fitzgerald said he was told by Kenyan officials that prime real estate in Mombasa and Nairobi were being “bought up by rich Somalis” who lead clans which control piracy syndicates. He cited a similar investment trend in Ethiopian property.

“The U.S. can’t go this alone,” he said.

Speaking to reporters at the Pentagon, Fitzgerald said it was “incumbent upon the vessels who are sailing the high seas to either protect themselves or accept the dangers.”

Asked if he would recommend that commercial ships arm themselves, Fitzgerald said: “I think they should.”

Some ships already have armed guards on board. Others are using protective devices to try to keep pirates at bay.

“Commercial ships should take appropriate protections … because we cannot offer 100 percent guarantees of protection as the ships go through,” Fitzgerald said, putting the onus on the maritime industry to decide “how seriously they want to take this on.”

WEAR-AND-TEAR

On any given day, between 30 and 40 international ships are involved in anti-pirating efforts in the Somali basin and the western Indian Ocean. That includes five to 10 American vessels, Fitzgerald said.

“Yet we’re still getting piracy incidents happening,” he said, citing the ability of the gangs to “adapt to our tactics” by shifting attacks to areas where there are fewer international patrols, such as near Seychelles or the Mozambique strait.

“I don’t think we can sustain the level of operation that we have down there forever,” Fitzgerald said, noting that the daily patrols were limiting the number of U.S. Navy ships available for other priorities.

“It tends to concentrate all of our fleet logistics in that one area,” Fitzgerald said. “I’d much rather be able to use those ships in other areas for doing other things.”

“It costs a lot of money to keep ships down there. It’s a lot of wear-and-tear on the ships themselves. And there are other things going on in the world,” he added.

The recent capture of five suspected pirates by the U.S. warship Nicholas, in the Indian Ocean west of the Seychelles, has put a spotlight on the thorny issue of how and where to try and jail Somalis who are taken into custody.

“Catch and release is not a very good option,” Fitzgerald said, noting that Kenya has decided not to take any more captured pirates. “How do we deal with this? We’ve got to come to some kind of solution.”

Fitzgerald said officials with the U.S. departments of State and Justice were trying to come up with a plan for those being held on the USS Nicholas. (Reporting by Adam Entous; editing by Patricia Wilson and Eric Beech).

Source: Reuters

Comments (0)

Fu’aad Shongole Aabihii oo maalintii afaraad ku xiran Xabsiga Jowhar

Posted on 15 April 2010 by dadweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maalintii afaraad uu ku xiran yahay magaalada Jowhar aabaha dhalay Fu’aad Shongole oo ka mid ah Horjoogayaasha sar sare ee maleeshiyada Alshabaab.

Wararka ayaa intaa ku daraya in aabaha Fu’aad oo lagu magacaabo Maxamed Khalaf Shongole loo heysto arrimo Damiinul Maal, taasoo sida la sheegay qof uu ka damiintay lacago kumanaan doolar gaaraya oo lagu lahaa, isla markaana qofkaas uu ka dhuuntay Magaalada.

Saraakiisha Maxkamada islaamiga Jowhar ayaa amar ku bixisay in la xiro Mr Shongole oo ah Gudoomiyaha Gudiga Ciyaaraha Olimbikada G/Sh/Dhexe, iyadoo xarigiisa lagu sheegay mid Shareecada Islaamka waafaqsan, kadib markii Damiinul Maal uu noqday.

Mr Shongole oo hada ah nin da’ ah ayaa waxaa loo ogolaaday in Xabsiga ku soo booqan karaan asxaabtiisa, iyadoo dad reer Jowhar oo aad u qadariya ay soo sheegeen in xaaladiisa ay wanaagsan tahay, isla markaana Xabsiga aanu wax dhibaato ah kula kulmin.

Magaalada Jowhar ayaa aad looga hadal hayaa Xariga Shongole oo ah qabiir Isboorti, isla markaana ahaa Kabtankii u horeeyay ee Xulka Qaranka Soomaaliyed

Comments (0)

Shabaab fara badan oo lagu laayay degaanka Cali Axmed ee degmada Aadan Yabaal

Posted on 15 April 2010 by dadweyne

Degaano ka tirsan degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa ka socda kacdoon ka dhan ah Maleeshiyada Al shabaab iyadoo tuulada Cali Axmed ee Degmada Aadan Yabaal laga eriyay dablayda shabaab kadib dagaalo shalay halkaasi ka dhacay kuwaas oo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Maleeshiyada Shabaab kaa oo bilowday Aroornimadii hore ee shalay socdayna illaa gabaldhicii xalay iyadoo maleeshiyada Shabaab si qasab ah looga saaray tuuladaasi.

Dagaalada shalay tuuladaasi ka dhacay ayaa maleeshiyada shabab ee duulaanka halkaasi ku tegay waxaa ay la kulmeen qasaaro xoogan oo soo gaaartay maleeshiyadii kooxdaasi u dagaalamaysay kuwaa oo 17 ka mid ah ay dagaalka ku nafwaayen islamarkaana ay maydadooka ay qaadan waayeen .

 

 

Sida ay sheegayan dadka degaanka ilaa iyo 40 dablay oo dhaawac ah ayaa lagu argay degaanka Cali Axmed oo inta badan dagaalka ka dhacay dhamaan ragas dhaawacmay waxay ka tirsan yihiin kooxda shabaab.

 

Dagaalka ka soconaya qaybo ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa ah mid kacdoon ah oo ay dadku kaga soo horjeedaan falalka maleeshiyaadkaasi ay dadka kula dhaqmaan kuwaa oo dadka shacabka ah carra gelisay . waxana maleeshiyada shabaab ay haatan dagaal iyo qorri caaradiis looga saaray deegaano iyo tuulooyink dhowr ah oo hoosyimaada gobolkaasi.

Comments (0)