United Nations Political Office for Somalia (UNPOS)
Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimmaha Siyaasada Soomaaliya
(UNPOS)
Warqad ku socota Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee u nool Dalka Dibaddisa.
(war. Number 24)
Nairobi, 19 April 2010
Asalamu calykum
Igagudoma Salan diran
1. Intabadan xilliga guga oo aan filayo in uu ka dhacaayo inta badan dalaka aad degan-tihiin, ayaa la imaanaaya inta badan rejo ku saabsan mustaqbalka. Waxaan rajeynayaa in warbixinteydan joogtada ah ee aan siinayo qurba joogta Soomaliyeed in ay dhamaantiin idiin xasuusin doonto aayaha wadankiina iyo halka uu ku socdo maadaama ay jirto xoogaa hormar ah.
2. Hirgelinta heshiiska dowlada ay la gashay Ahlu suna waljameca, 15 Marso ayaa weli socda. Kulamo ay wada leeyihiin dhamaan dhinacyada arrintu ay khuseyso ayaa ka socda Muqdisho, ayadoo dooddu kus aleysan tahay sidii arrimmaha nabadgelyada horay loogu dhaqaajin lahaa iyo sidii la isugu dhafi lahaa ciidamada Ahlusuna waljameca {Qiyaas laba kun 2000} iyo kuwas TFG iyo sidii layskaga kaashan lahaa dhinaca dowladnimada.
3. Sidaan idiin sheegay bishii hore, arrintani waa tallaabo aad u wanaagsan oo horay loo qaaday, dadka Soomaaliyeedna waa in ay codsadaan hirgelinteeda sida ugu dhakhso badan. Heshiiskani waa talaabo looga soo guuraayo sideey arrimuhu horay u ahaan jireen taas oo ay kamid tahay {in qolo guuleysato qolane la jabiyo} hadda arintu sidaa ma ahan.
Go’anka Ahlu sunna waljameca ay ugu soo biirtay Dowladda KMG ahi waa tallaabo ku dhisan wadaninimo, huwana sharaf, waana talaabo rajo galineysa dadweynaha caadiga ah. Arrimuhu way isbedelayaan, Kuwa doonaya in ay sii wadaan qaska, ma heli doonan cudur daar kumana gaban karaan dagalka iyo qaska ay qadaan.
4. Mar labad waxaan rajeynayaa in heshiiska Ahlu suna uu yahay tusaalo dhab ah oo la raaci karo dadka Somaliyeedna looga baahan yahay in eey soo raacaan geedi socodka nabadda. Arintani waxa ay gacan ka geysaneysaa wax ka qabashada arrimaha aasaasiga ah ee jira, sida walalaha Putland iyo Somaliland ay hada sameynayaan.
Labadaas meel waxaa ka jira hormar muuqda oo ay gaareen ayaga uun kaligood.
Dowlada fedaralka KMG iyo mamulka Putland waxa ay saxiixdeen heshiis 12, April, si ay isu waafajiyaan heshiis ay horay ugu wada gareen labada dhinac Magaalada Galkacyo 23.Agusto. Nuxur ahaan heshiisku wuxuu ku waajibinayaa labada dhinac in ay la dagalaman burcad badeeda, kuna soo celiyaan sharcigga iyo kala dambeenta berriga iyo badaba, arintaas oo wax tar weyn uleh dhinacyada bulshada, dhaqaalaha, iyo deegaanka, wax tarkaas oo ay ka mid tahay sugusta amniga iyo abuuritaanka shaqo.
5. Somaliland, gudomiyaasha axsaabta halkaasi kaj ira waxeey wada saxiixdeen habka ay u wada shaqeyn lahaayeen, dhamaan axsaabta jirtana waxeey ballan qaadeen in ay u Hogaansanaan doonaan heshiiskaasi ay wada saxiixdeen, waxaa isbuuca labaad ee May, 2010 bilaaban doonta bixinta kaararkii lagu codeyn lahaa. Reer Soomalilad waxa ay wali mudnaan siinayaan wadaxaajood iyo wadahadal, waxayna ka fogaanayaan qas iyo xasilooni darro.
6. Dhinaca amniga, waxaa la rajeynayaa in kun askari tababarkodu uu ka bilawdo Ugandha bisha May, waxaana Kharashka bixinayo Uruka Midawga Yurub.
Tababarkana waxa uu fursad u yahay isku dhafista qaar kamid ah ciidamada Ahllu suna waljameca iyo kuwa Dowladda. Waxa kale ee deeganada qaar u ogalaanaya in ay ciidamadooda ku dhinac tababartaan kuwa dowladda. Tababarida ciidamada nabad sugida marhore ayaa lagu qabtay wadamada dariska ah ee IGAD.
Ciidamada aminiga Soomaliyeed tiradooda ilaa iyo hada wax ay gaareysaa toban kun, 10,000. Boliskuna waxa ay tiradooda gaaridoonta ilaa iyo bisha 1 July 7000 todobo kun.
Dhab ahaantii arimahaan waa tilaabo wanaagsan, dowladuna waa in si dhab ah oo deg deg ay kaalmo uga heshaa bulshada calamka, si gacan looga geysto qalabaynta ciidamadaan, mushaarkoodana loo bixiyo xilliga kummel gaarka ah.
7. Habkii qoritanka dasturkuna wuxuu marayaa heer wanaagsan. Tababar aqoon kororsi ah ayaa loo furay guddigii madaxa banaanaa ee qoritaanka Dasturka, wuxuuna tababarka ka dhacay Jabuti inta udhaxeysay 4 ilaa iyo 23Marso2010.
Waxeeyna ka qeyb galayaashii ku heshiiyeen arrimo la taaban karo oo horay loogu dhigayo qoritaanka Dasturka. Tiradda Gudigga arrimaha Dasturka waxaa laga dhigay 30, horayna waxay u aheed 15 xunood. Wuxuuna ku heshiiyay sida uu noqonayo qaab dhismeedka Gudiga Madaxa banan ee Arrimaha Faderalka Soomaliya. Xubno ka mid ah Guddiga Barlamaanka u qaabilsan arrimaha Dasturka iyo Gudiga madaxa banan ee qoritaanka dastuurka ayaa wada dhisay guddi wada jir ah oo dabagal ku sameeya habkii labada dhinac u wada shaqeyn lahaayeen. Waxeyna ku wada heshiiyeey qorsho howleed mideysan, sida xeeladii arrimohooda ugu gudbin lahaayeen warbaahinta dadweynahana la tashi ula sameyn lahaayeen. Qoralka hordhaca ah ee dasturka waxaa la rajaynayaa in uu diyaar noqdo 1 July 2010, malintaas oo ku beeganaan doonto kontan guuradii madax banaanida ummadda Soomaliyeed!.
Dhab ahaantii, sannada 2010 waxa Uruka Midawga Africa u aqonsaday sannadii Nabdda, waana sannadii qaarada Africa, maadaama labaatan 20 wadan oo ka mid ah Africa ay u dabaal dagaayaan sannad guuradoodii kontonaad ee madax banaanidooda. Waxaana ka mid ah wadamadaasi Beniin, Burkinafaso, Kamaroon, Ivory Cost, Madakskar, Mali, Nayjeriya, Senegal, Iyo Suddan. Inta badan wadamadani wali halgan ayeey kuj iraan waana wadamo hormar sameynayo. Soomaliyana sidoo kale ayeey noqon kartaa. Waana sidaas sida aan marwalbo aan bulshada caalamku oogu celcelinayo in ayna arrimaha Soomaliya ay gacmaha kal aabanin in kastoo hadalkani uu noqday mid soo noqnoqday.
8. Dhab ahaantii waxaa la qaban doonaa Shirka kooxda la xariirka caalamiga ah ee Somaliya, wuxuuna ka dhici doonaa Qahira inta udhaxeysa 21 illa iyo 22April
2010. Bulshada caalamka waxaa halkaas ka joogi doona afartan dal ,taas oo mujinaysa taageerada ay bulshada caalamku u hayso Somaliya. Shirka waxaa marti galiyay uruka Jamacada Carabta, waana fursad labaad oo lagu eegayo waxii hormar ah ee Soomaliya laga sameeyay, waxeyna ku heshiin doonaan sidii horay loogu sii durjin lahaa geedi socodka nabada ee Soomaliya.
Aniga, dabcan, waxaan idiinka siin doonaa warbixin tafaftiran shirkaan markuu dhamaado.
9. Waxaan kaloo jeclahay in aan wax kasheego “weerarkii” sida guud loo hadal haayay. Dowladu in muda ahba diyaar garoow weerar ayeey kuj irtay si wax looga qabto arrimaha amniga ee caasimada. Weerarkani wuxuu ka koobnaa seddax arimood: dhinaca siyaasada, Aminiga, Dhaqalaha ama Shaqa abuurista. Sidaasi darteed weerarkii mar hore ayuu bilaawday si is ku mar ah ayadoo tilaabo laga qaadayo sadaxda waji ee aan soo shegnay. Heshiiska lala-galay Ahllu sunna Waljameca wuxuu balaarinayaa salka Dowladda: wuxuuna xambaarsan yahay isku dhafis iyo tababarid ciidamo Soomaliyeed waxaana kaalin weyn ka ciyaarayo Uruka Midawga Yurub, Qaramada Midobay iyo Uruka Midawga Africa waana uu socdaa. ugu danbeyntii arrinta laxariirta shaqa abuurista, dibu dhiska kaabayasha dhaqaalaha iyo horomarinta shirkadaha gaarka, waa arrimo ka mid abuurayo shaqo waana qayb ka mid ah weerarkii dowladdu ay mudoyinkaan ba sheegeysay.
10. Ilaa iyo hadda, waxaan idiin soo koobay dhowr arrimood oo wax tar ama wax dhisid leh. Lakiinse talaabadii ugu dambeysay ee ay qaadeen kooxaha xag jirka ah ee ay ku amreen 14 Raadiyo ee ka jira Muqdisho in ay joojiyeen ciyaarta muusikada ama ay la kulmayaa ciqaab, ma aha arrin la yaraysan karo. In loo caga jugleeyo lana handado dadweynaha iyo warbaahuntu iyo hayadaha kaalmada bixiyo, waa meel ka dhac aan waafaqsaneen dhaqnaka Soomaaliyeed, waana gef loo geysanayo xuquuqda aasaasiga ah ee bini adamka, Soomaali waxaa lagu yaqaanaa laguna amaanaa in ay yihiin dad ay ku weyn tahay muusikada, gabayada iyo riwaayadahaba. Intaas waxaa dheer majaajilooyinka laga baahiyo raadiyaha ayaa ah hab loogu sheego ummada Soomaaliyeed waxyaabaha ka dhacaayo wadankooda. Waa cadaadiskale in ummada Soomaaliyeed lo diido ogaansha wax yaabaha kadhacaayo hareerahooda.
11. Waxaan doonayaa in aan wax ka iraahdo dooda aan loo baahneen ee ka socota barlamaanka dhexdiisa. Doodaasi waxa ay ka leexinaysaa Dowladda, Barlamanka, iyo madaxduba in ay wax ka qabtaan arrimaha muhiimka ah iyo masuuliyada saaranba. Haddaba, waa in wakhtiga qaaliga ah ee madaxda lagu khasaarinin wax aan waxtar laheyn. Waxaan rajeynaya in arirmahaan wax tarka leh ee socdo ay baabi’in doonaan kuwa sida xun u dhaqma ee doonaya in ummada Soomaliyeed dhibaatada ku sii jirto. Waxaan dhamaanteen wada ogsoonahay in ay waddo dheer nasugeyso lakiinse aan ku heeyno qalbiga arrimaha sidii aan horay ugu riixi laheeyn.
Walaalkina

Ahmedou Ould- Abdalla