Qeeybaha| Wararka

Xubno Al qaacida u shaqeeya oo ka baxsaday muqdisho

Posted on 18 March 2010 by dadweyne

Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ayaa Bandow xalay ku soo rogay Deegaanka Jannaale ee Gobalka Shabeelada hoose si aanan loo ogaanin Ajaanibta ka baxsatay Dagaallada Muqdisho ee ku sii qulqulaya Deegaankaasi.

Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay islamarkaasna ku sugan Deegaanka Jannaale ee Gobalka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ay Bandow ku soo rogeen 7-dii Fiidnimo ee xalay deegaanka Jannaalle si aysan dadka deegaankaasi u ogaanin dhaqdhaqaaqa ay maleeshiyaadku sameynayaan.

 

Mid ka mid ah dadka ku nool Deegaanka Jannaale ee Gobalka Shabeelada Hoose ayaa xaqiijiyay in ay maleeshiyaadka Shabaab diideen in Dadka Deegaanka ay u soo baxaan bannaanka islamarkaasna ay waddooyinka iyo Xaafadaha Deegaanka Jannaale ay  wareegayeen Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Shabaab.

 

Bandowgaasi oo ahaa mid ay maleeshiyaadka Kooxda Shabaab aysan horay u sii qorsheysan ayaa waxa uu saameyn ballaaran ku yeeshay Dhaqdhaqaaqyadii dadka iyo ganacsiga Deegaanka Jannaale, waxeyna Maleeshiyaadkaasi qaarkood lagu arkayay hareeraha waddada si ay u waxyeeleeyaan Qofkii ay ku arkaan waddooyinka.

 

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay tirada Ajaaniibta ah ee ka baxsaneysa Deegaannadii ay kaga sugnaayeen Magaalada Muqdisho ka dib markii ay Dhabar jab iyo Qasaare aad u faro badan ka Soo gaareen dagaalladii ugu dambeeyay oo ay Muqdisho kula galeen Ciidamada Dowladda   Soomaaliya, waxayna Ajaanibtaasi la safneyd Maleeshiyaadka Shabaab u firxadeen Qaar ka mid ah Goballada ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Kooxdaasi kuwaas oo ay ka mid yihiin Gobalka Shabeelada hoose iyo Juubbada Hoose

Leave a Reply