Safiirka Soomaaliya ee magaalada Rome Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), isla markaana ah danjiraha Soomaaliya ee Brussels, ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ee danjiranimo u gudbiyay boqorka waddanka Belgium

Nuur Xasan Xuseen oo kullankaasi uu boqorka la qaatay kadib hadlay ayaa sheegay in isaga iyo boqorka ay ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya ay haatan ku sugan tahay.

Nuur Cadde waxa uu sheegay inuu la yaabay sida uu boqorka Belgium ula socdo xaaladda hoose ee waddanka Soomaaliya, oo uu sheegay inuu uga warbixiyay dadaalka dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo rajada ay ka qabto in gacan Midowga Yurub iyo dowladda Belgium ay ka helaan.

Nuur Cadde oo horey u ahaan jiray Ra’iisul wasaarihii dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf, ayaa haatan safiir uga ah dowladda Soomaaliya wadamada Talyaaniga iyo Belgium





