Qeeybaha| Wararka

Jawaabta Guddiga Saneteka Mareykanka ka bixiyeen Warbixinta lagu eedeeyay Dowladda KMG ah

Posted on 17 March 2010 by dadweyne

Warbixinta Guddigani waxay sheegeysaa in dagaalka Soomaaliya uu uga sii darayo dhaqaale dagaalka laga sameynayo oo sii kordhaya, kaas oo, wax laga naxo ay tahay laakiin filan-waa aanay ahayn, in ay ku jiraan saraakiil dowladda ka tirsan.

Arrintani waxay muujineysaa baahida lama dhaafaanka ah ee loo qabo in dabaggal iyo kontorool hor leh lagu xaqiijiyo in la helo xisaabin iyo waxqaris la’aan, maaddaama uu Mareykanku uu kaalmo hor leh siinayo Dowladda Federaalka ah.

Senator Feingold, wuxuu soo jeediyay in beesha caalamku ay baaritaan ku sameyso, una qabsato saraakiisha la rumeysan yahay in ay lunsadeen kaalmada ama ku lug leh hawlaha sharci darrada ah sida viisooyinka sharci darrada lagu qaatay.

Xannibaadda lagu soo rogayo waxaa ka mid ahaan karta in laga mamnuuco viisa dambe in ay qaataan, in hantidooda la xannibo, iyo in lagu ciriiriyo kaalmada Mareykanka.

Aad ayaay ii danqisay, ayuu yiri Feingold, warbixinta oo sheegeysa in qeyb badan oo ka mid ah kaalmada aadminnimada loo weeciyay kooxaha mucaaradka ah ee hubeysan.

Warka ugu naxdinta badan waa sida ay kaalmadaasi ay muhiimka ugu tahay gargaarka dadka Soomaaliyeed.

Wax la aqbali karo ma ahan ayuu yiri in Shabaab iyo kooxo kale oo hubeysan ay fursad u helaan in ay xadaan deeq loogu tala galay inay dadka ka badbaadiso macluul ay u dhintaan.

Waxaan ku faraxsan ahay ayuu yiri in WFP ay aqbashay in ay la shaqeyso baaritaan madax bannaan.

Baahida ka jirta Soomaaliya iyo danaha dalkaas laga leeyahay ma aha kuwo saamaxaya in beesha caalamku ay dhinac iska dhigto, laakiin warbixinta kooxdani soo saartay waa mid muujineysa inaan gar gaar kaliya la dhiibi karin, iyadoo aan la ogayn meeshii uu ku danbeeyay.

Haddii aan dooneyno in Soomaaliya horumar laga sameeyo, waxaan u baahan nahay ayuu yiri, Senator Feingold, istaraateejiyay ay ka muuqato faham intan ka wanaagsan oo ku salaysan arrimaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee dalka

Leave a Reply