Qeeybaha| Wararka

Shariif Xasan”Cadawga Somaliya waa Al Shabaab anaga iyo Ahlu sunna”

Posted on 16 March 2010 by dadweyne

Kadib markii magaalada Adis ababa lagu saxiixay heshiiska abuuraya in ahlu sunna waljameeca ay ka mid noqoto Dowladda KMG ah somaliya ayaa Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sh Aadan oo dowladda u saxiixay heshiiska waxaa uu sheegay in labada dhinaca iyo beesha Caalamka ay iska kaashan doonaan sidii meel looga soo wada jeesan lahaa cadawga umadda soomaaliyed oo ah shabaab iyo argigixisada.
heshiska1

Xafladda heshiiskaasi lagu saxiixayay ayaa waxaa ka qeyb galay wafuud caalami ah oo ka kala socda, UN-ka, IGAD, Midowga Yurub iyo midowga Africa.

Wasiirka Maaliyadda Sharif Xassan ayaa shaagay heshiikaasi uu Somalia dhibaatada ka saari doono, isla markaana ay si wadajir ah iyaga iyo ahlu-sunna uga soo wada horjeesan doonaan ururka Al-Shabaab.

Shariif Xasan wuxuu sheegay in lagu heshiisyay in awood la qeybsado oo Ahlu-Sunna xubno ka tirsan waxay wasiirro ka heli doonaan dowladda KMG.

Wasiirka Maaliyadu wuxuu beeniyay inay jiraan kooxo kale oo ka tirsan Ahlu Sunna oo diidan heshiiskan. Shariif Xasan wuxuu sheegay in dowladda Ethiopia ay heshiiskan qeyb weyn ka qaadatay isagoo uga mahad celiyay dadaalka itoobiya ee heshiiskan.

Leave a Reply