Dowladda mareykanka ayaa ku eedeysay Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab in ay Dhibaatooyin joogto ah ku hayaan Qaar kamid ah hay’adaha Samafalka iyo Kuwa Gargarka ee ku sugan Dalka Soomaaliya.
U qeybsamaha Arrimaha bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka Qeybteeda Afrika Mr.John Tollefsam oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa ka hadlay Dhibaatooyinka ay Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ku hayaan Hay’adaha Gargaarka iyo Kuwa Samafalka,waxa uuna xusay in ay Kooxdasi dilal horay u geysteen Shaqaale ka tirsan Hay’adaha Samafalka oo ay Qaarkood ka eriyeen dalka, sidoo kale dilal ay u geysteen Dad u shqeeya Dowladda Soomaaliya,Ururrada Bulshada rayidka iyo Tiro dad ah oo ka qeyb qaadaneysay Xaflad Qalin jabin Caafimaad.
Mr.John ayaa dhnka kale ka hadlay Dhallinta da’da yar oo ay sida qasabka ah u kaxeysanayaan Maleeshiydka Shabaab si ay ugu dagaalamaan,waxa uuna intaasi ku daray in ay Dowladda Mreykanku ka war qabto in Dhallintaasi qarkood aysn Qoysaskooda raalli ka aheyn in ay ka mid noqdaan Maleeshiyadkas.
U qeybsamaha ayaa sheegay in ay kooxda Shabaab Xoog kul wareegtay Xarumo Warbaahineed oo ku yall Qeybo kamid ah Soomaliya, isagoo intaasi raaciyay in ay dileen Tiro aad u badan oo Saxfiyiin Soomaali ah islamarksna ay Qaar kale dhibatooyin iyo falal aan wanaagsanayn kula dhqaqeen.
Waxaa uu xusay in aysan Kooxda Shabaab dooneynin Danaha Soomaalida, oo aysan xitaa eegeynin Arrimaha bani’aadaninimada, waxa uu u qeybsamuhu war bixintiisa ku sheegay in ay Kooxdasi Dhibaatooyin ku hayso Hay’adaha gargaarka iyo kuwa kale ee ka shqeeya Gudaha Soomaaliya.
Mar ay Saxafiyiinta wax ka weydiiyeen nuuca uu noqonyo Qorshaha cusub ee ay Dowladda Mareykanku ka siinayso Dhinaca Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayuu tilmaamay in ay Mareykanku tageero ballaaran siin doonaan Dowldda Federaalka KMG-ka Soomaaliya iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee jooga Soomaaiya,waxa uu intaasi raaciyay in taageeradaasi ay qeyb ka tahay Dadaalka ay Beesha calamku ku doonayso inay ku caawiso Dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale U qeybsamaha Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda mareykanka Qeybteeda Afrika Mr.John ayaa ka warbixiyay xaaladda Arrimaha Bani’aadaninimo ee Soomaaliya,waxa uun tilmaamay in ay Caawin doonaan Dadka Soomaalida ee ku barakacy Gudaha Soomaaliya, islmrkaasna u baqooly Dalalka deriska la ah Soomaaliya sida dalka Kenya





