Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah ee Somaliya Sh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warbixin ay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay u gudbiyeen guddi dabagal ku sameeyay xiriirka ka dhaxeeya ganacsato soomaali ah oo hay’adaha UN-ka qaatay qandaraasyada kuwaas oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin ururka Al Shabaab.
Aadan Madoobe ayaa si weyn uga dhaliilay warbixinta guddiga dhawaan baaris ku sameeyay gargaarka la geeyo Soomaaliya, kuwaasoo qoraalkooda ku eedeeyay ganacsato Soomaali ah.
Afhayeenka Baarlamaanka ayaa waxay si weyn u dhaliileen qoraalkan oo lagu soo daabacay wargeyska The New York Times, kaasoo lagu sheegay in Qandaraaslayaasha la shaqeeya WFP ay xiriir la leeyihiin Al shabaab.
“Runtii waa wax aad loola yaabo warbixinta, haddii aan idin sheego Sh Ibraahim C/llaahi waxaa ku wareejiyay labada bakhaar eek u dhaw xaruntii Baarlamaanka Dowladda KMG ah ee Somaliya,sidaas darteed waxaan u sheegay beesha Caalamka in ganacsadahaas laga been abuuray”ayuu yiri Sh Aadan Madoobe oo wariyaasha kula hadlayay magaalada Nairobi.
Sh Aadan Madoobe ayaa sheegay in loo baahan yahay in aan la isku qasin runta iyo wararka beenta ah, waxaa uu u soo jeeday qaramada miidoobay in ay si taxadir leh u eegto warbixinta maadama ay tahay mid qaawan oo aan laga fiirsanin.
Afhayeenka Baarlamaanka ayaa sheegay in Sh Ibraahim C/llaahi iyo raga kale ee la midka ah ay gurmad ballaaran u fidiyeen umadda soomaaliyed iyagoo mar walba naftooda halis gelinaya ayaa haddana looga abaalmariyay warbixino qalad ah in laga sheego.





