Qeeybaha| Wararka

Madaxweyne Shariif oo ku laabtay Muqdisho

Posted on 15 March 2010 by dadweyne

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo wafdiga Madaxweynaha si diiran loogu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Madaxweynaha oo todobaadkii la soo dhaafay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu horay u soo maray dalalka Ingiriiska iyo dalka isu taga Imaaraadka Carabta.

Soo laabashada Caasimada ee Madaxweynaha ayaa aheyd mid saameyn kooban ay ku yeelatay dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM wadooyinka ay xanibeen.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa Garoonka Diyaaradaha lagaga soo kaxeeyay Gawaarida gaashaaman ee Ciidamada AMISOM, kuwaasoo u galbiyay Madaxtooyada Villa Somalia.

Madaxweyne Shariif ayaa kula kulmay dalka Ingiriiska Ra’iisul Wasaare Gordon Brown, iyo qaar ka mid ah Wasiiradiisa, iyagoo ka wada hadlay xaalada Soomaaliya, waxaana halkaas Madaxweyne uu kaga gudoomay taageero maaliyadeed.

Sidoo kale waxaa uu dalka isu taga Imaaraadka Carabta kaga qeyb galay shir ay soo qaban qaabiyeen Culumaa’udiinka Caalamka Islaamka, kaasoo looga hadlay xaalada dalka.

Ma cada soo laabashada Caasimada ee Madaxweynaha waxaa ay ka badali doonto, xilli Madaxweynuhu uu todobaadkii hore sheegay in bartamaha bishan ay Dowladda qaadi doonto weeraro ballaaran oo ka dhan ah Mucaaradka

Leave a Reply