Iyadoo dhowaan warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobey lagu sheegay in Wasiiro ka tirsan Dowladda KMG ay iibsadaan Fiisooyinka ay ka hesho wadamada Caalamka ayaa waxaa taas gaashaanka ku dhiftay Mid ka mid ah Wasiirada Dowladda.
Wasiirka Lacagta Dowladda KMG Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa beeniyay wararka sheegaya in Wasiirada Dowladda ay iibsadaan Fiisaha ay hesho Dowladda Soomaaliya.
Eng. Yariisow ayaa sheegay in ay guda galeen sidii ay baaritaan ugu sameyn lahaayeen warbixinta Qaramada Midoobe ee sheegeysa in Wasiirada qaar iibsadaan Fiisooyinka.
“Waxaan isku dayi doonaa inaan ugu yaraan wax ka ogaano warbixintaas, si aan u xaqiijino waxaan wadnaa Baaritaan aanu ku ogaaneyno”ayuu yiri Eng. Yariisow oo intaa ku daray in eedeymaha qaar ay ka bad badis yihiin.
Qaramada Midoobey ayaa todobaadkii la soo dhaafay sheegtay in Fiisooyin ay deeq ahaan u hesho Dowladda si gaar ah u iibsadaan Wasiirada Dowladda, waxaana qiimaha Fiisooyinkaas oo ah kuwa dalalka Yurub, lagu iibsadaa lacago gaareysa 14 kun oo doolarka Mareykanka





