Qeeybaha| Wararka

Ganacsade Sh Ibraahim C/llaahi” Wax xiriir ah oo uu la leeyahay Al Shabaab ma jirto, Warbixinta laga gudbiyay waa mid aan sal iyo raad midna lahayn

Posted on 14 March 2010 by dadweyne

Ganacsade Sh Ibraahim C/llaahi ayaa iska fogeeyay eedeymo aan sal lahayn oo ay soo saareen guddi sida la sheegay baaritaan ku sameeyay xiriirka ka dhaxeeya Ganacsato Soomaaliyed iyo Hay’adaha qaramada Midoobay, iyadoo warbixinta si toos ah oo aan xishood lahayn looga magaca dilay xubno uu ka mid yahay Sh Ibraahim C/llaahi.

Ganacsade Sh Ibraahim C/llaahi oo runtii ka qeyb qaatay howlo badan oo dhinaca samafalada la xiriira waxaa uu suurageliyay in kumanaan dad ah oo baahanaa gargaar gaarsiiyo gargaar loo baahnaa, sidoo kale waxaa uu caan ku yahay howlaha nabadeynta dadka degan degaanada uu ka soo jeedo, weligiisana ma hurin colaad sokeeye iyo mid kale, sidaas darteed Sh Ibraahim wax xiriir ah kala dhaxeeyo Shabaab ama kooxo kale ma jiraan.

Mr Ibraahim, waa ganacsade sal balaaran ku leh Magaalada Baydhabo, ma jirto meel uu kaga qeyb qaatay Afduub, dil ama arrimo kale oo dambi ah.

Warbixin sanadkii hore la soo saaray ayaa lagu amaanay sida wanaagsan ee Ibraahim C/llaahi u fuliyay mashruuc biyo gelinta Gobolada Baay iyo shabeellaha hoose, isagoo fulinta howshaas caqabad kala kulmay kooxo hubeysan iyo shaqsiyaad ka soo horjeeda nolosha bani’aadamka kuwaas oo qaarkood la aaminsan yahay in ay bixiyeen warbixintan qalad ah.

Warkan ayaa lagu sheegay warbixin ay guddi baaris ku sameeyay gargaarka aadamnimo ee Soomaaliya ka diyaariyeen musuqmaasuq ay sheegeen in lagu sameeyo gargaarka Soomaaliya kaasoo ka kooban 74-bog.

Sh Ibraahim weligiisa ma uusan maalgelin Xarrakatul Shabaab ama kooxo kale oo hubeysan, waa nin ka madax bannaan dhinacyada Siyaasadda ee isku haaya soomaaliya.

“Waxaan la yaabay in warbixinta aan loo fiirsanin lagu yiri C/llaahi Cali lacagta uu qandaraasyada ka helo waxaa uu siiyaa Shabaab, bal u fiirsado micno darada ay leedahay kalmadan oo xaqiiqda si toos ah u magaca dilaysa shaqsiyada Ibraahim iyo raga kale ee la mid ah, kuwaas oo u istaagay badbaadinta nolosha malaayiin soomaali ah oo u dhimanayeen gaajo iyo biyo la’aan”ayuu yiri mid ka mid ah Nabadoonada dega Gobolka Baay oo sheegay in C/llaahi Cali mararka qaarkood halis gelin jiray Noloshiisa marka uu damaco in uu bulshada wax u qabto.

Sida la ogsoon yahay Xafiisyada qaramada Midoobay ee magaalada Baydhabo waxaa sheegtay boobkooda ururka Al Shabaab sidaas darteed suuragal ma aha in la yiraahdo C/llaahi ayaa gacan ka geystay.

 

Sida muuqata xubnaha Warbixintan soo diyaariyay waxay wax ka dhageysteen dad dagaal siyaasadeed iyo mid ganacsi ku haaya Sh Ibraahim C/llaahi, kuwaas oo dano gaar ah wata balse ka faa’ideystay oo kaliya xubnahan warbixin raadiska ahaa.

Sh Ibraahim wax xiriir ah oo kala dhaxeeyo Abuu Mansuur ma jirto, sida lagu sheegay warbixinta Sh Ibraahim waxaa uu qaraabo la yahay Abuu Mansuur, taas ayaa ka mid ah waxyaabaha beenta ah ee Warbixinta ku jira.

Runtii Sh Ibraahim isaga ayaa iska leh Gaadiidkiisa iyo hantida ma guuraaga ah ee ku yaala Baydhabo, meesha ay leeyihiin gurigii Baarlamaanka ayuu ka kireystay UNICEF, cid kasta waa ay tagi kartaa waana soo ogaan kartaa in aysan wax shaqo ah isku lahayn Bakhaarka iyo xarunta Baarlamaanka, waa labo dhismo oo deris ah.

 

 

Waxaa wax lala yaabo ah in dadkii laga afduubay xadka soomaaliya iyo Kenya madax loo geliyo Sh Ibraahim, isagoo aan wax shaqo ah ku lahayn, sida lagu sheegay warbixinta shaqaalahaas la afduubay in ay dhalashadooda ahayd Faransiiska marka bal eega beenta xad dhaafka ah ee la siiyay xubnaha soo diyaariyay warbixinta.

Shaqaalaha la afduubay ayaa waxaa ay u kala dhasheen dalalka Zimbabwe Pakistaan iyo mid kale oo la sheegay in uu dhashay wadamada reer galbeedka, waxayna u shaqeynayeen Hay’adda ICF oo la dagaalanta gaajada, laakiin xubnaha Warbixinta soo diyaariyay ayaa waxay ku sheegeen in sedaxdaba u dhasheen dalka Faransiiska.

 

Xubnaha Warbixintan soo diyaariyay waxay run ahaantii wax ka dhageysteen dad cadaw ku ah Sh Ibraahim kuwaas oo fasiraad qaldan ka bixiyay shaqsiyada Sh Ibraahim.

Ganacsade Sh Ibraahim C/llaahi waxaa uu ka nadiif yahay dagaalada sokeeye ee ka socda soomaaliya, taageerada kooxaha kala duwan ee isku haaya Siyaasadda Soomaaliya, sidoo kale weligiisa kama uusan qeyb qaadan  wax dhalin kara fal dambiyeed.

Ganacsade Sh Ibraahim C/llaahi waxaa uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo guddi kasta oo ka socda Qaramada Midoobay si loo ogaado runta warbixintan qaawan, waxaa kaloo uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo haddii guddi baaris oo ka socda Qaramada Midoobay soo gaaran soomaaliya ama dalalka deriska la ah soomaaliya.

Isagoo kalsooni buuxda ku qaba noloshiisa inuusan wax dambi ah gelin ama uusan wax xiriir ah la yeelan dhinacyada dagaalada ka wada soomaaliya ayuu soo dhaweynaya Sh Ibraahim guddi madax bannaan oo si dhab ah u baari kara noloshiisa.

 

Laakiin waxaa hubaal ah in Sh Ibraahim kala kulmi jiray dhinacyada isku haaya soomaaliya marka uu raashinka gargaarka uu gaarsin jiray degaanada soomaaliya ama markii uu fulin jiray biyo gelinta magaalada Baydhabo oo kumanaan soomaaliyed ku farxeen biyo gelintaas maadama dadka magaalada baydhabo biyo la’aan haysay waqtigaas, faa’iidada laga helay biyo gelintaasina waxaa uu Sh Ibraahim ku yeeshay sumcad wanaagsan.

Shaki kuma jiro in xubnahan warbixinta diyaariyay hal dhinac oo cadaw ah wax ka dhageysteen ama dad loolan ganacsi kala dhaxeeyo Sh Ibraahim si markaa uga faa’iideystan haddii Sh Ibraahim Ganacsigiisa la xayiro in iyaga qaataan qandaraasyada hay’adaha qaramada midoobay, dadkaasina waa dad ku guuldareystay ama ku dhacay tartankii loo galayay Qandaraasyada oo lagu kala saarayay shirkadaha Soomaalida.

Sh Ibraahim waxaa uu xaq u lahaa in xubnaha Warbixintan soo diyaariyay ay wareystaan isaga ama dadka magaalada Baydhabo dega oo si weyn u yaqaana waxqabadka Ibraahim C/llaahi,balse waxaa wax laga xumaado ay tahay in hal dhinac oo lagu kalsoonaan Karin intii warbixin laga dhageysto lagu dhaawaco shaqsi qof wanaagsan ah bulshadana wax tar ballaaran ku leh.

Ugu dambeyntii Ganacsade Sh Ibraahim C/llaahi waxaa uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo guddi kasta oo qaramada midoobay ka socda si loo ogaado xaqiiqda

Leave a Reply