Xasan Mahdi oo ka mid ah horjoogayaasha Maleeshiyada Xisbul Islaam ayaa Sheegay in Muuse Caraalle oo lagu yaqaanay hurinta Colaadaha uu iminka ku sugan yahay Dalka Suudaan uuna halkaasi gaaray mudo bil ka hor ah, kadib markii uu ka cararay maleeshiyaadka Shabaab oo ugaarsi ku bilaabay horjoogayaasha Xisbiga.
Xasan Mahdi ayaa intaa ku daray in muddo dhowr maalmood ah ay warkiisa waayeen Muuse Cabdi Caraale,taas oo muujineeysa in uu ku xiranyahay dalka Suudaan oo markii horeba uu si dhuumaaleeysi ah ku joogay.
Xasan Mahdi ayaa dhanka kale qiray in Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalkaasi,dad Soomaaliyeed.ciidamada Suudaan iyo booliiska caalamiga ah ee Interbollba ay ku raad joogeen horjooge Muuse cabdi Caraalle kadib markii ay ka warheleen in uu ku dhuumaaleeysanayo gudaha dalka Suudaan kaa oo loo heysto danbiyo dagaal iyo xasuuqa Muwadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan,iyo Afduubka Saraakiishii faransiiska ahaa ee laga qafaashay Hotelka Saxafi ee M/Muqdsiho.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Muuse Caraale uu lacag fara badan ka dhacay Xisbul islaam sidaas darteedna ay tahay sababihii u baxsaday.





