Qeeybaha| Wararka

Maleeshiyaadka Shabaab oo cudurro halis ah ka qaaday dagaalada Muqdisho

Posted on 12 March 2010 by dadweyne

Wasiiru dowlaha Gaahsaandhigga Dowladda KMG ee Soomaaliya Sh. Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa sheegay in maleeshiyaadka dagaalada ka wada Magaalada Muqdisho ay dagaalada ka dhaxleen Mucjisooyin rabaani ah oo Maleeshiyaad badan oo iyaga ka mid ah Geeri u horseeday. 

Sh.Yuusf Indhacadde ayaa sheegay in arrimahaasi ay ka mid tahay in dhaawaca maleeshiyaadka ay bararayaan, marka dambana ay dhimanayaan, taas oo yaraysay dhawaca maleeshiyada korna u qaaday dhimashada ay maleeshiyaadku kala kulmaan dagaalada xaq darrada ah ee ay ka wadaan dalka Soomaaliya taas oo sida muuqata ka dhalatay Habaarka Ummada Soomaaliyeed oo ay dhibaatada ku hayaan.

 

Wasiiru dowlahu wuxuu Sheegay in arrintaan ay sabab u tahay dhibaatada ay ku hayaan maleeshiyaadku shacabka Masaakiinta ah ee ku nool goobaha ay ku sugan yihiin, iyo kuwa habeen maalin maalin taagan cidlada ee ay u diideen in ay guryahooda ku noolaadaan, wuxuuna sheegay in inkaarta Muslimiinta Soomaaliyeed ay ka soo baxday maleeshiyaadkaas oo maanta halis wayn oo xagga caafdimaadka ah soo wajahday.

 

Wuxuu sheegay in bararkaku dhacaya dhaawaca maleeshiyaadka ay u geeriyoodeen dad badan oo qaarkood ajaanib yihiin oo ka tirsan Shabaab, halka kuwo kalana ay hadda la il daran yihiin.

2 Fikradaada

  1. Amin Says:

    Inkaar indhacadeey qaban laheeyd

  2. siidi Says:

    INDHA CADE HADII UU OGYAHAY IN HABAAR JIRO ISHA MUSLINKANA XUNTAHAY ADIGAA MARHORE UDHIMAN LAHAA, OO XOOLO MASAAKIIN KUGU MAQAN YIHIIN OO SAAXIIBOOW MAHILMAANTEY DHIBKII AAD KUHAYSAY BEERIHII MASAAKIINTII AAN HUBAYSNAYN AAD XAARAANTA KU HAYSATAY, WAA ISLA KUWII OO ILAAHAY UGARGAAREY HADDA OO AWOOD YEESHEY MARKA INTUU IYAGA HABAARKA KUDHICIN ADAA KAHOREYSID…………..HAA HAA HAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAA!

Leave a Reply