Waxanu warbixintiisa ku sheegay inuu jiro qorshe haatan socda oo ah in gacanta lagu qabto magaalada Muqdishu
Generaalku faahfaahin kama bixin qorshaha milateri, waxase uu sheegay in Maraykanku uu taagerayo dedaalkaas ah sidii looga saari lahaa kooxaha xagjira degaannada ay haystaan, looguna soo celin lahaa gacanta dawladda. Waxanu intaasi raaciyey in hawgalladani ay wax ka tari doonaan wax-ka-qabashada deganaansho la’aanta Somalia
Dawladda iyo AMISOM
Dawlada KMG ah iyo ciidamada AMISOM, waxay iyaguna beryahani danbe aad u hadal hayeen olole milateri oo kama-dambays ah oo ay damacsan yihiin inay ku qaadaan kooxaha islaamiyiinta ah, gaar ahaana ururrada al-Shaaab iyo Xisbu-Islaam, oo ay kaga saaran magaalada Muqdishu, iyo degaannada kale ee ay haystaanba.
Somalia iyo Maraykanka
Dawladda Maraykanku waxay sanaddii hore kor u qaadday gargaarki ay u fidin jirtey Somalia, waxayna dawladda ku-meel-gaadhka ah siisay hub, si ay iskaga caabbiso kooxaha islaamiyiinta.
Toddobaadkii horena, warbixin lagu soo daabacay jariidadda The New York Times ayaa soo xigatey sarkaal Maraykan ah oo aan la magac-dhebin, hase ahaatee sheegay inay suurtogal tahay in ciidamada hawlgallada milateri ee gaarka ah ee maraykanku ay ka caawin doonaan dawladda Somalia inay ka saarto magaalada Muqdishu ururrada xag-jirka ah.
Diyaarado Sahan
Wararka laga helayo gobollada koonfureed iyo kuwa dhexe, waxay iyaguna bilahani danbe ka hadlayeen diyaarado noocyo kala geddisan ah oo loo malaynayo inay yihiin kuwa sahanka oo soo gala hawada gobolladaas, degaannadaasi oo inta badan gacanta ay ku hayaan ururrada islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda, dagaalkana kula jira dawladda Somalia





